Skip to main content

Thursday 23 January 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Buug

Falanqaynta Buugga “Waa Maxay Salafiyadu?”

23 November, 2024
Image
salafiyada
Share

Qoraaga buuggan, Casmi Bishaara, waxa uu dib u qoday goldaloolooyinkii taariikhda Islaamka, isaga oo isku dayaya in uu dejiyo hab-cilmiyeed aynnu ku fahmi karno xidhiidhka ka dhexeeya Salafiyada iyo Wahaabiyada, waxa uu furay irrid laga geli karo isku-milanka aqooneed ee ka dhexeeya Salafiyadii hore ee ku dhaqanka xadiiska iyo raacista dariiqii Nebi Maxamed wax kastena ka hormarin jiray lana odhan jiray “Ehelka Xadiiska/Ehelka Atharka” iyo Salafiyada Ibnu Taymiya.

Si ujeeddadaas loo gaadho, waxa uu dib ugu laabanayaa dhufeysyada taariikhda Islaamka si uu u falanqeeyo ama u fahmo kala duwanaanshaha muuqaallada Salafiyada, waxa uu halkan ka dhaliyey faham cusub, isagoo ka hadlaya dhibka ereyga Salafi ee heerarka aqooneed iyo taariikheed, isagoo ka dab-qaadanayaa baadhis aqooneed uu ku sameeyey dugsiga Xanbaliga, Maxamed Cabdi Wahaab iyo Salafiyada Maxamed Rashiid Rida iyo, sidoo kale, matalaadda ay Salafiyada ku leedahay dhanka fiqiga, iyadoo la barbar dhigayo kooxihii Salafiyiinta Kiristaanka ahaa ee soo ifbaxay waagii “dib u habeynta diintu” ay ka socotay Qaaradda Yurub.
Buuggu, waxa uu ka kooban yahay afar cutub oo isku dhafan. Cutubka koowaad waxa uu ka hadlayaa macnaha Salafiyada oo ku dhawaad saddex ka kooban: kitaabka iyo sunnada oo loo noqdo lagana dhigto tixraac, wax aan hore ugu jirin diinta oo aan asal lahayn in lagu soo kordhiyo diinta in la diido “bidca”, iyo in la diido wax diinta ku jira oo leh asal sugan wax ka beddelkooda, wax ku kordhintooda ama wax ka dhimistooda. Intaas ka dib, buuggu waxa uu ka hadlayaa qaar ka mid ah aragtiyaha Istishraaqa (Orientalism) ee ku wejahan fahamka iyo aragtida Salafiyada, waxa uu su’aalo ka keenayaa, oo wax iska weyddiinayaa fikrad kale oo xidhiidh la leh Salafiyada, waana fikradda Asal-raacnimada, taas oo ah fikraddaha asaasiga ah ee Salafiyiinta.

Buuggu, waxa uu dejinayaa, oo seeska uu dhigayaa aragti aqooneed u dhiganta midda Salafiyada oo ah asaaskii Salafiyada Kiristaanka ee Qaaradda Yurub. Waxa uu isku dayayaa in uu meesha ka saaro jahwareerka ka taagan macnayaasha badan ee ay leedahay Salafiyadu iyo sidii loo heli lahaa macne cusub oo ay yeelato, kaas oo la jaanqaadaya isbeddellada ku dhacay Salafiyada lafteeda. Halkan marka la joogo, waxa uu su’aalo weyddiinayaa Maxamed Rashiid Rida oo ka mid ahaa metelayaasha ugu waaweyn ee Salafiyiinta cusub, marka laga yimaaddo Maxamed Cabdoo, Jamaalu-diin Afqaani iyo Maxamed Cabdiwahaab; waxa uu jalleecayaa dhanka Axmed Binu Xanbal ilaa uu ka soo gaadho soo-ifbaxii ururka Daacish, isaga oo soo maraya murankii ahaa in caqliga laga hormariyo naska dhigan ee diinta–xadiiska iyo quraanka– iyo naska ka horreynaya caqliga, ee u dhexeeyey Muctasillada iyo Ibnu Taymiya.

Cutubka labaad ee buuggu, waxa uu ka hadlayaa gaalaysiinta (al-Takfiir), isaga oo baadhaya erayga “Takfiir”. Waxa uu dhex mushaaxayaa kuna fogaanayaa baalasha taariikhda aragtiyeed ee kooxaha Islaamka, sida Khawaarijta, Murji’ada, aragtiyihii iyo fatwooyinkii Ibnu Taymiya ee ku wajahnaa Ismaaciiliyada, Ithnaa Cashariyada iyo Nusayriyada – waa saddex kooxood oo Shiicada ka tirsan – ilaa soo-ifbaxii kooxihii takfiiriyiinta ahaa, ee lixdanaadkii iyo toddobatanaadkii qarnigii labataanaad kasoo baxay Masar. Waxa uu soo bandhigayaa afkaartii Cabdisalaam Faraj, waa qoraaga kitaabka al-Fariida al-Qaa’iba “Waajibaadka Maqan”, Maxamed Naasiru-diin Albaani iyo dhiggooda kale ee arrintan ra’iyiga ku leh.

Cutubka saddexaad, waxa uu qoraagu ku lafagurayaa Salafiyada iyo Xarakooyinka Islaamka iyo sidii ay Wahaabiyadii dacwadda iyo diin ugu yeedhista ku koobnayd isugu beddeshay hay’ad/mu’asasad, sidii ay markii dambe Ibnu Sacuud iyo carruurtiisu u qaateen Maxamed Cabdiwahaab dabadii, sidii ay ugu qaabeeyeen hay’ad loogu yeedhay ama loo bixiyey “Golaha Culimada Sare”. Sidoo kale, waxa soo baxay kooxo badan oo markii dambe isu beddelay kooxo siyaasadeed, qaarkood waxa ay markii dambe isku dhaceen suufiyadii caanka ku ahayd magaalooyinka. Cutubkan waxa uu si qotodheer isu dul taagayaa dib-u-habayntii Wahaabiyadu wadday, kasoo if bixiddoodii saxaraha Najad iyo sidoo kale kooxaha ku suntan dib-u-habaynta ama isbeddel-doonka diinta iyo dadka sida kooxda Ikhwaanu Muslimiinka oo ah urur gudihiisa u dhisay habkii xisbiyada Liininiyada, kuwaas oo mabda’oodu ahaa Dimuqraaddiyad Dhexe oo uu Xasan Al-Bannaa ka dhigay mid uu talo-wadaag iyo tashi udub-dhexaad u yahay.

Bishaara, waxa uu gaadhay gunaanad odhanaya: Xarakooyinka Salafiyadu waa xarakooyin ama dhaqdhaqaaqyo casri ah oo ka kacay dunidan casriga ah una habaysan habab casri ah, taas oo ay dhaliyeen ama keeneen culaysyada dunidan casriga ahi, oo tusaale ahaan lama fahmi karo qoraallada Sayid Qudub iyada oo aan la la akhriyin ama la fahmin kala fogaanta indheergaradka bariga iyo ilbaxnimada reer galbeedka iyo dowladnimada casriga ah, iyo marka la eego afkaaraha qoomiyadeed iyo ta dabaqadaha.

Bishaara waxa uu ku nuuxnuuxsanayaa gebagabada  dhiganaha, tusaale ahaan cutubka afraad oo xambaarsan magaca Wahaabiyada waxa uu ku adkeysanayaa in dhaqdhaqaaqii Maxamed Cabdi Wahaab uu ahaa mid u eeg sidii in uu diin cusub asaasayo, isaga oo u malaynaya in uu waafaqsan yahay Islaamkii markii ugu horraysay soo-ifbaxay muuqaal ahaan, manhaj ahaan iyo habka fidinta diinta, iyo in la is barbar-dhigayo wadcigii iyo duruuftii jirtay wakhtigii Maxamed Cabdiwahaab iyo middii jahliyadii ka horreysay dacwadda Nebi Maxamed.

Bishaara waxa uu tilmaamayaa in Wahaabiyadu ay muddo dheer la dagaalantay habkii shaacsanaa ee bulshadu diinta u haysatay. Waxa ay isku-dayeen in ay dadka ku soo rogaan habab diimeed oo cusub, arrinkaas oo keenay in ay dadka isku xumaadaan ama ka xumaadaan una arkaan kuwo xoog lagu qabsaday oo laga itaal roonaaday.
Bishaara waxa uu caddeeyey in aanu raacsanayn isu-ekaanshaha Wahaabiyada iyo Borotestaanka la isku sidko, in kaste oo ay jiraan waxyaabo ay iska shabbahaan Martin Luther iyo Maxamed Cabdiwahaab, gaar ahaan gaalaysiinta degdegga ah, qallafsanaanta iyo isku-adkaynta diinta ee lagu soo rogay dadweynaha si ay uu muujiyaan diinta. Waxa kale oo ay iska shabbahaan ka fallaagoobidda kaniisaddii rasmiga ahayd, oo uu dhiganta ka fallaagoobidda Wahaabiyadu kaga horyimaaddeen wadaaddadii Cusmaaniyiinta.

Waxa uu Casmi aaminsan yahay in Wahaabiyadu ay asal ahaan tahay koox yar oo leh habfikir Dahraani ah oo gunti-giijis ku nool, kamana ay soo bixin Jasiiradda Carabta marka laga reebo qabaa’ilka xuduudka deggen ee reer miyiga ah, kuwaas oo ay xilliyada qaarkood duullaan isku qaadi jireen reer miyiga Shaam iyo Ciraaq. Si kasteba ha ahaato e, Wahaabiyadu waxa ay noqotay dhaqdhaqaaq dacwadeed iyo mid Wahaabiyayn, oo ay gadaal ka riixayso hantida saliidda ee Sucuudigu, iyo marka la eego khilaafkii u dhexeeyay labada tiir ee Masar iyo Sucuudiga, lixdanaadkii qarnigii hore, iyo ka faa’iidaysigii gumaystaha Reer Galbeedku uu ka faa’iidaystay Wahaabiyada isaga oo kula dagaallamayay fikirkii Carabnimada xagjirka ah ahaa ee uu hoggaaminayey Jamaal Cabdinaasir iyo weliba la dagaallanka kooxaha Bidixda iyo Shuuciyada.

Qoraagu waxa uu isbarbar-dhig cajiib ah ku sameeyay Wahaabiyadii bilowga ahayd iyo Salafiga Jihaadiga ee xilligan, waxa uu dib xusuusta ugu celinayaa muuqaalladii Wahaabiyiinta markii ay soo galeen magaalada Karbala Ciiddii Gaadir– waa ciid Shiicadu leedahay– taariikhdu markii ay ahayd 22-kii Abriil 1802-dii, isla markaana ay gowraceen qof kaste oo ay la kulmeen intii ay jidka kusii jireen oo ah dad leh waayeel, haween iyo carruurba, iyo inay boobeen wax alle wixii gacantooda ku dhacay oo uu ku jiro dariixii. Sidoo kale, Sacuud binu Cabdulcasiis ayaa soo galay magaalada Maka, markii ay taariikhdu ahayd 25-kii Diseembar 1802-dii waxaanu dilay ninkii xukumayey magaalada oo la odhan jiray Muniib Effendi iyo labaatan sheekh oo la socday. Marka laga soo tago burburintii uu ku sameeyay guryihii iyo muuqaalladii Turkida, dhacdooyinkani waa kuwo marar badan soo noqnoqday oo lagu arkay Ciraaq iyo Shaam mar kaste oo dagaalyahannada Daacish ay galaan meel ka mid ah Ciraaq.

Fiiro Gaara: buuggan oo Carabi ku soo baxay sannadkii 2017, waxa ka soo noqday dooddo xooggan, oo badiyaa, ka duulaya sidee buu qof aan Muslin ahayni uga hadli karaa taariikhda Islaamka. Iyadoo sidaa ah, haddana qoraaga waxa u muuqday meelaha qaar in uu galay ilduufyo. Sidaas buuna qoraagu dib ugu noqday sixiddooda oo isaga oo Ingiriisi ah ku soo saaray madbacadda Istanfoord sannadkii 2022. Waxa xusid mudan, nuqulkan danbe in uu Suhayb Maxamuud af Soomaali u turjmay 2024.

Qoraallada kale ee qoraaga