Skip to main content

Monday 7 September 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Buug

Falanqaynta Buugga Eexaysiga Addoonnimada

6 August, 2026
Image
Falanqaynta Buugga Eexaysiga Addoonnimada
Share

Eexaysiga Addoonnimada waa buug uu qoray Étienne de La Boétie, turjumaaddiisana uu sameeyey Cabdicasiis Guudcadde. Waa buug falsafadeed oo si qotodheer u baaraya xidhiidhka ka dhexeeya xorriyadda, awoodda iyo dabeecadda bulshada. Ma aha buug ku kooban dhaleecaynta kelitalisnimada ama soo bandhigista taariikhda hoggaamiyeyaal dulmi ku caan baxay, balse waa daraasad tilmaamaysa sababta bulsho xor ahi ay ugu hoggaansamaan dulmi iyaga oo tiro ahaan iyo awood ahaanba ka badan kuwa xukuma. Halkii uu indhaha ku jeedin lahaa qofka talada haya, qoraagu wuxuu eegayaa bulshada la xukumo, isaga oo ku doodaya in awood kasta oo siyaasadeed ay ka dhalato oggolaanshaha iyo wadashaqaynta shacabka. 

Sidaas darteed, su’aasha ugu weyn ee qoraagu isweydiinayo waa: maxaa keena in dad aad u tiro yari jujuub ku haystaan ummad aad u tiro badan oo waliba loogu guulwadeeya looguna raxleeyaa? Qoraagu wuxuu aaminsan yahay in kelitalisnimadu aysan ku dhalan xoogga hoggaamiyaha, balse ay ku dhalato daciifnimada bulshada. Taliyuhu keligiis ma dhisi karo nidaam cabburiya malaayiin qof haddii aysan jirin askar fulisa amarradiisa, garsoorayaal sharciyeeya, saraakiil ilaaliya, ganacsato taageera, aqoonyahanno cudurdaar u sameeya iyo muwaaddiniin aamusa. Awoodda talisku sidaas darteed ma aha awood ka dhalatay qof keli ah—balse waa awood ay dad badani si toos ah ama si dadban u dhiseen. Marka xaqiiqadan la fahmo waxa muuqanaysa in dhibaatada ugu weyn aysan ahayn jiritaanka hoggaamiye awood badan, ee ay tahay bulsho ka tanaasushay awooddii ay lahayd ee ay kelitaska ku dhiseen, ku qalabeeyeen, ee ay ku taageereen.

Buuggu wuxuu iftiiminayaa in dawlad-wanaaggu uusan ka bilaaban hay’adaha dawladda, balse uu ka bilaabmo bulshada. Bulsho aan lahayn damiir, aqoon, isla-xisaabtan iyo geesinnimo ma abuuri karto dawlad caddaalad ku dhisan oo loo aayo. Maxaa yeelay, hay’adaha dawladdu waa sawirka bulshada. Marka dadku caadaystaan musuqmaasuqa, eexda, aamusnaanta iyo u hoggaansanaanta aan su’aasha lahayn, nidaamka siyaasadeedna wuxuu isu beddelaa muraayad ka tarjumaysa dhaqanka bulsheed. Sidaa darteed, qoraagu wuxuu ku adkaysanayaa in dawlad wanaagsan aan lagu dhisi karin sharciyo qura, balse lagu dhiso bulsho leh masuuliyad iyo baraarug wacyi oo baaxad leh.

Buuggu sidoo kale, wuxuu tilmaamayaa addoonsiga ugu khatarsani in uusan ahayn kan jirka lagu hayo, balse uu yahay kan maskaxda lagu abuuro. Qofka xorriyaddiisa laga qaado isaga oo aan dareemayn in uu wax lumiyay ayaa noqda addoon dhab ah. Marka carruurta lagu barbaariyo cabsi, amarqaadasho iyo in aanay wax su’aal ah ka keenin cidda talada haysa, waxay ku barbaaraan iyaga oo u arka adeecidda in ay tahay akhlaaq wanaagsan, halka xorriyadduna u muuqato khatar. Sidaas awgeed addoonsigu wuxuu isu beddelaa caado bulsheed oo jiilba jiil u gudbiyo, dadkuna waxay illaawaan in xorriyaddu tahay xaaladdii dabiiciga ahayd ee ay ku dhasheen.

Si uu aragtidan u caddeeyo. Aragtidan waxa lagu sii fahmi karaa tusaalooyin cilmi-nafsiyeed iyo falsafadeed oo soo baxay qarniyo ka dib qorista buugga. Tijaabadii Stanley Milgram waxay muujisay inta uu qof caadi ahi adeeci karo amar ka yimaadda cid uu u arko in ay ka sarrayso, xitaa haddii amarkaas uu waxyeello u geysanayo qof kale. Sidoo kale, aragtida Hannah Arendt waxay ku doodday in sharka ugu weyn uusan mar walba ka dhalan nacayb ama arxandarro, balse uu ka dhalan karo dad caadi ah oo joojiya in ay ka fikiraan cawaaqibta ficilladooda. Labadan aragti waxay si buuxda u xoojinayaan doodda qoraaga oo ah in kelitalisnimadu aysan ku noolaan hub iyo ciidan oo keli ah, balse ay ku sii jirto adeecid aan la iswayddiin iyo bulsho aan si miyir leh u fikirin.

Qoraagu wuxuu tusaale u soo qadanayaa bulshooyin taariikhda magac ku yeeshay xorriyadda iyo kuwo ku burburay cabburinta. Ateenis waxay astaan u tahay bulsho xorriyaddu ka dhalisay dimuqraaddiyad, falsafad iyo hal’abuur. Fenesiya waxay noqotay xarun ganacsi iyo ilbaxnimo sababtoo ah dadka ayaa xor u ahaa fikirka, ganacsiga iyo hindisaha. Halka Sirakuusa ay muujinayso sida cabburintu u disho kartida bulshada, una curyaamiso horumarka. Isbarbardhigyadani waxay caddaynayaan in horumarka dhabta ahi uusan ka iman khayraadka dabiiciga ah, balse uu ka yimaado heerka xorriyadda iyo kalsoonida bulshada.

Sheekada Boqorkii Faaris iyo reer Isbaarta waxay ka mid tahay tusaalooyinka ugu qotada dheer ee buuggu soo bandhigay. Boqorku wuxuu isku dayay in uu maal iyo mansab ku kasbado reer Isbaarta, balse waxay ugu jawaabeen in xorriyadda aan lagu beddeli karin hanti iyo awood. Jawaabtaasi waxay muujinaysaa bulsho garanaysa qiimaha xorriyadda aysan aqbalin in ay xorriyaddeeda iyo sharafteeda ku beddelato nolol raaxo leh ama faa’iidooyin kale. Sidoo kale halyeeyada sida Cato, Brutus, Cassius, Harmodius iyo Aristogeiton waxaa loo soo qaatay in ay astaan u yihiin dadka rumaysnaa in xorriyaddu ka qiimo badan tahay nolosha lafteeda. Inkasta oo qaar badan oo iyaga ka mid ahi ay naftooda ku waayeen difaaca mabaadi’dooda, haddana taariikhdu waxay ku xasuusatay kudhac, halka kuwii dulmiga ku dhisay awooddooda lagu xasuusto ceeb.

Buuggu waxa kale oo uu daaha ka rogayaa xeeladaha ay kelitalisyadu isku sii ilaaliyaan. Cabburintu mar walba kuma bilaabato qori iyo xabsi, waxay inta badan ku bilaabataa kala-qaybin, cabsi, dacaayad iyo dano gaar ah. Dadka qaar waxa lagu iibsadaa mansab iyo maal, qaarna waxaa lagu mashquuliyaa madadaalo iyo nolol raaxo leh si aanay uga fikirin xuquuqdooda. Marka bulshada lagu kala qaybiyo dano yaryar, waxa daciifa wadajirkii iyo awooddii shacabka, halka taliskuna sii xooggaysto. Sidaas darteed qoraagu wuxuu muujinayaa in nidaam kasta oo dulmi ku dhisan uu ka faa’iidaysto kala fogaanshaha bulshada, halka xorriyadduna ku korto midnimo, kalsooni iyo baraarug.

Dhinaca kale, qoraagu wuxuu si cad u muujinayaa in xorriyaddu aysan ahayn fawdo ama qof walba in uu wixii uu doono sameeyo. Xorriyaddu waa awoodda uu qofku ugu noolaan karo sharaf, mas’uuliyad iyo ixtiraamka xuquuqda dadka kale. Bulshada xorta ahi waxay dhalisaa hal’abuur, cilmi, dood furan, islaxisaabtan iyo horumar joogto ah, halka bulshada la cabburiyo ee qooqaagu ku amar-ku-taagleeyo ay dhaliso cabsi, xorriyaddarro iyo dibudhac. Sida aynu og nahay xorriyaddu ma aha oo keli ah xuquuq siyaasadeed, balse waa saldhigga ay ku taagan tahay horumarka, caddaaladda iyo karaamada aadamuhu.

Marka guud ahaan la eego, Eexaysiga Addoonnimada wuxuu akhristaha ku hoggaaminayaa gunaanad culus oo ah in bulshada lafteedu ay tahay meesha laga ilaaliyo ama laga lumiyo xorriyadda. Talis kastaa wuxuu sii jiri karaa inta ay sii jirto adeecidda bulshada ah, wuxuuna burburaa marka bulshadu ay ogaato in awoodda ugu dambaysaa ay iyadu leedahay. Sidaa darteed, farriinta buuggu ma aha oo keli ah in la cambaareeyo kelitalisnimada, balse waa in la dhiso bulsho leh damiir, aqoon, dhiirranaan iyo karti ay ku difaacan karto xorriyaddeeda. Qoraagu wuxuu ina xasuusinayaa in xorriyadda aan hal maalin lagu lumin, balse si tartiib-tartiib ah looga tanaasulo; sidaas oo kalana aan hal maalin lagu soo ceshan karin, balse lagu soo ceshado baraarug, midnimo, fikir xor ah iyo masuuliyad wadajir ah. Sidaas darteed, buugga Eexaysiga Addoonnimada ma aha oo keli ah dhaliil loo jeediyay kelitalisnimada, balse waa baaq ku wajahan bulshadu in ay garato in xorriyadda aan lagu ilaashan xoog oo keli ah, ee lagu ilaashado wacyi, damiir, midnimo iyo masuuliyad. Waana baaqa ugu culus ee buuggu uga tegayo akhristaha.

Gebagebadii, Eexaysiga Addoonnimada waa buug akhristaha ku abuuraya fikir iyo wax iswayddiin. Wuxuu faaqidayaa sida bulshadu kelitaliska iyo qooqaga u dhasho, u barbaariso una qalabayso. Wuxuu dul istaagayaa in qooqaagu uu innaga ina yahay ee aanu meel sare ka soo dhicin, dhulkana aan ka beerimin ee aynu innagu soo saarno. Waa buug dadka ku waaninaya in aan kelitaliska loo hoggaansamin, loo guulwadayn oo aan loo raxlayn. Wuxuu ku soo beegmayaa xilli madaxda Soomaalida aad loogu guulwadaynayo oo aad moodayso in dadkiiba wada noqdeen guulwade iyo guulwade-xigeen. In la akhriyo ayaan dhiirrigelinayaa oo aynu ka joogsanno kelitaliska aynu caloosheenna ku beerayno, ka dibna aynu ku dacarraysmayno oo dhaxalkiisa la dhibtoonayno.