Skip to main content

Wednesday 9 July 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Siyaasad
Title

Falanqayn: Isbahaysiga saddex geesoodka ah ee Ruushka, Shiinaha iyo Iiraan

23 June, 2025
Image
Falanqayn: Isbahaysiga saddex geesoodka ah ee Ruushka, Shiinaha iyo Iiraan
Share
Maqaalkan oo xuquuqdiisa ay leedahay Al-Jasiira isla mar ahaantaana madasha Geesku ay soo turjuntay waxa uu ka faalloonayaa nooca isbahaysi ee u dhexeeya saddexda dawladood ee kala ah; Shiinaha, Ruushka iyo Iraan.

Xidhiidhka ka dhexeeya Ruushka, Shiinaha iyo Iiraan waa mid ka mid ah xidhiidhada ugu cadcad jiyoo-siyaasadeedka dunida maanta. Xidhiidhkan, oo badanka lagu tilmaamo ‘isbahaysi taatiko’ waa mid si degdeg ah u xoogaysanaya, waxaana dabada ka riixaya yoolka ay wadaagaan dalalkani, ee ah xakamaynta awoodda reer Galbeedka iyo xoojinta nidaam caalami ah oo awoodo badani ka jiraan.

Kor u kaca walaaca dagaallo iyo isku dhac caalami ah, si gaar ah waxii ka dambeeyey Dagaalka Yukrayn, cunaqabataynta kusii kordhaysa Iiraan iyo Ruushka iyo isfarasaarka millatari ee Israa’iil iyo Iiraan, awgood isbahaysiga iyo iskaashiga dalalkan saddexda ahi waxa uu noqday mid muhiim ah. Ruushka iyo Shiinuhuba waxa ay ku dadaalayaan ka faa’idaysiga aagga jiyoo-siyaasadeed ee Iiraan, si ay u carqaladeeyaan istiraajiiyadaha Maraykanka ee Bariga Dhexe, iyo si ay loollanka ugu beddelaan dhiigbax cusub oo wiiqa awoodda reer Galbeedka ay xoogga ku saari karaan goobo kale, sida lagu xusay warbixin uu faafiyey Maxadka Carnegie.

Xidhiidhka saddexdan dal waa mid ku jaango’an danaha gaarka ah iyo dheefta dal walba, waana xidhiidh daaha ka qaadaya isdiiddooyin qotodheer oo haysta mabaadi’da dalalkan, sida uu tilmaamayo gorfeeyaha siyaasadda arrimaha dibadda Maraykanka, Daniel Davis. Qodobkan dambe waa mid su’aal gelinaya heerka isbahaysiga dalalkani gaadhsiisanyahay iyo heerka uu u adkaysan karo dagaallada iyo loollanka gobolka ka socda.

Seeska aydhiyoolajiyadeed iyo siyaasadeed ee isbahaysigan

Marka laga yimaaddo in dalalkani ka midaysanyihiin luuqadda kasoo horjeedda reer Galbeedka, haddana xidhiidhkoodu waa mid ka madhan mabaadi’ qiyam iyo xaddaaradeed oo ay wadaagaan, arrinkan oo su’aal gelinaya isku duubnidooda aydhiyoolajiyadeed, sida lagu xusay diraasad ay faafisau shirkadda arrimaha sharci ee Herbert Smith Freehills.

Marka koowaadba, dalalkan saddexda ahi waxa ay wadaagaan diidmada awoodda Galbeedka iyo isfidintiisa, gaar ahaan awoodda Maraykanka. Waxa kale oo ay si siman ugu baaqaan baahida loo qabo soo ifbaxa awoodo isdheellitira, waana baaq xoogaystay waxii ka dambeeyey Dagaalka Yukrayn ee qarxay 2022, iyo walaaca laga qabo dagaal ka dhaca Badda Koonfurta Shiinaha.

Ruushka iyo Shiinahaba, Iiraan waxa ay u tahay isbahaysi sees u ah, kaalin weynna kaga jira dedaalka ay ugu jiraan dib u qaabaynta nidaamka caalamiga ah, waana arrinka ku cad ku biiritaankii Iiraan ee Ururka Iskaashiga ee Shangahaay, iyada oo Iiraan si buuxda xubin uga noqotay ururkan shirkii lagu qabtay Usbaakistaan 2022-kii. Ku biiritaanka ururkani waxa uu Iiraan gaashaan adag uga yahay cadaadiska reer Galbeedka ee sii kordhaya, gaar ahaan, cunaqabataynta taagan tan iyo markii Maraykanku ka baxay Heshiiska Nukliyeerka sannadkii 2018-kii, sida ay baahisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanku. Haddaba, isku soo dhawaanshaha dalalkan saddexda ahi waa mid u dhow isbahaysi taatiko oo ilaashada danaha lagu midoobay, se aan ahayn mid ku aroora wadaagga qiyam iyo mabaadi’ mideeya dalalkan.

  • Mabda’a madaxbannaanida

Ruushka iyo Shiinuhu waxa ay adeegsadaan halkudhigga “tixgelinta madaxbannaanida iyo faragelin la’aanta”, si ay uga hortagaan cunaqabataynta Galbeedku saareen Iiraan, waana luuqad ay si qayaxan u adeegsadan shirarka caalamiga ah ee Qaramada Midoobay. Hase ahaatee, luuqaddan ay adeegsadaan ee ah ilaalinta madaxbannaanidu waa mid dhinac ka raran, oo keliya xaalado cayiman la xidhiidha. Sida dalalka Galbeedku qabaan, Ruushku waxa uu ku xadgudbay madaxbannaanida Yukrayn kaddib dagaalkii uu ku qaaday 2022-kii. Shiinaha laftiisu waxa uu ku eedaysanyahay in uu xuquuqda aadamaha ku tuntay marka la joogo gobolka Xinjiang, sida ay caddaysay Human Rights Watch.

Isdiiddan jirtaa waxa ay xoojinaysaa in tixgalinta madaxbannaanidu aanay ahayn sees akhlaaqeed oo dalalkani isku raacsanyihiin, se uu yahay agab siyaasadeed oo danaha dalalka ku dhisan, loona adeegsado u adeegidda danaha gaarka ah ee hal dhinac.

  • Maqnaanshaha xidhiidho aydhiyoolajiyadeed iyo xaddaaradeed

Inkasta oo Ruushka, Shiinaha iyo Iiraan wadaagaan mawqifyada siyaasadeed ee kasoo horjeeda Galbeedka, haddana ma jiraan xidhiidho aydhiyoolajiyadeed oo xooggan oo kulmiya saddexdan dal. Shiinuhu aad buu uga digtoonyahay dhaqdhaqaaqa Iiraan ee ah “ballaadhinta kacaanka Islaamiga ah”, isagoo aad uga cabsanaya suurogalnimada in dhaqdhaqaaqani saameeyo muslimiinta Uyghur, ee goboka Xinjiang. Ruushka laftiisu, Iiraan waxa uu arkaa saaxiib danaha gaarka ah la xidhiidha uun, gaar ahaan faylka Suuriya, labadan dal oo si siman u difaacayey nidaamkii Bashaar al-Asadna, waxa u qarsoonaa loollan awoodda dhaqaale iyo ciidanba, tan iyo markii Ruushku Suuriya toos u soo galay 2015-kii.

Maqnaanshaha xidhiidho aydhiyoolajiyadeed oo qotodheeri waxa uu isbahaysiga dalalkan ka dhigayaa mid xaddidan oo aan cago adag ku taagnayn. Waa isbahaysi ka tarjumaya danaha dhow ee isbedbeddala, halkii uu ku dhisnaan lahaa qiyam iyo fikrado qotodheer oo la wadaago. 

  • Caqabadaha istiraatiijiyadeed

Ruushka iyo Shiinuhu waxa ay Iiraan u adeegsadaan sidii agab istiraatiiji ah oo ay ku carqaladeeyaan siyaasadaha reer Galbeedka, se kaalmada dhinaca nabadgalyo ee ay Iiraan siin karaan waa mid xaddidan oo xisaabsan, si ay uga fogaadaan isku dhac toos ah, gaar ahaan in Iiraan si toos ah ula dagaallanto Israa’iil iyo Maraykanka. Ruushku waxa uu Iiraan u arkaa masrax muhiim ah oo lagu carqaladeeyo istiraatiijiyadda Maraykanka ee Bariga Dhexe iyo in uu indhaha iyo hubka Galbeedkaba u wareejiyo masrax ka fog Yukraynta uu dagaaalka ka wado. Shiinuhu, dhinaciisa, waxa uu Iiraan u arkaa dayrka kaga gudban suurogalnimada in Maraykanku isku ballaadhiyo Eeshiyada Dhexe iyo Khaliijka, waxaanu u arkaa saaxiib muhiim u ah ilaalinta waddadiisa tamarta ee Eeshiya isaga gudubta.

Ka faa’idaysiga bogcadda jiyoo-siyaasadeed waa mid Iiraan ka dhigaya dal kaalin kaga jira taatikooyinka labadan dal, se dhinaca kalena waxa uu Iiraan ka dhigayaa kaadh lagu gorgortamo, oo la adeegsado ama laga tanaasulo. Marka laga yimaaddo kaalmada siyaasadeed ee aan la la gabban iyo tababarrada milatari ee Iiraan labadan dal la wadaagaan, haddana garabsiin dhinaca nabadgalyada ah oo labadan dal Iiraan la dhinac istaagaan waa mid u muuqata in ay koobantahay.

Ruushku waxa uu Iiraan siiyey nidaamkiisa difaac ee S-300, se waa uu ka cagajiiday in uu siiyo nidaamyo ka horumarsan difaacan, isaga oo ka fogaanaya in Iiraan iyo Israa’iil si toos ah isugu dhacaan. Dhinaca kale, Shiinuhu waxa uu Iiraan siiyey nidaamyo is ilaalin iyo u kuurgal oo horumarsan, se waxa uu aad uga fiirsadaa dheellitirka danaha, si uu uga fogaado walaac gelinta saaxiibbadiisa Khaliijka oo ah ilo muhiima oo dhinaca tamarta ah.

Iskaashiga dalalkan saddexda ah waxa ku hoos qarsoon loollan loogu jiro isballaadhinta iyo awoodda gobolka. Ruushku waxa uu walaac ka qabay isballaadhintii Iiraan ee Suuriya, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha iyo milatariga, oo uu u arkayey wax gilgilaya awooddiisa Suuriya. Shiinaha laftiisu, waxa uu aad isha ugu hayaa dhaqdhaqaaqa Ruushka iyo Iiraan ee Eeshiyada Dhexe, isaga oo ka cabsi qaba in isballaadhintoodu saameyn taban ku yeelato istiraatiijiyaddiisa gobolka. Loollankan qarsooni waxa uu kashifayaa isbahaysigan danaha iyo dheefta dalalka ku jaango’an, isdiiddaduna dhextaallo, oo ah wax xaddidaya iskaashi istiraatiiji oo dhammaystiran, hor istaagayana in isbahaysigani noqdo iskaashi dhab ah. 

Caqabadaha dhaqaale iyo ganacsi

Iskaashiga dhaqaale ee dalalkani waxa uu ku qotomaa tamarta iyo ka gudubka cunaqabataynta Galbeedka iyada oo saddexda dalba aqoonsanayaan ku kala ganacsiga lacagahooda. Hase ahaatee caqabadda dhaqaale ee u weyni waxa ay ka jirtaa in ay Iiraan dhaqaale ahaan dhutinayso, oo aanay madaxbannaanayn.

Shiinuhu waxa uu si xooggan ugu tiirsanyahay shidaalka Iiraan, oo uu boqolkiiba soddon soo dhoofsado laga soo bilaabo markii Iiraan uu Maraykanku ku kordhiyey cunaqabataynta sannadkii 2019-kii, Iiraanna waxa ay sidan ku tahay dalka labaad ee Shiinaha siiya shidaal, marka laga yimaaddo Sacuudiga oo dalka koowaad ah.

Dhinaca kale, Ruushku waxa uu Iiraan u arkaa dal kula tartamaya suuqa caalamiga ah ee tamarta, gaar ahaan laga soo bilaabo markii Ruushku kordhiyey shidaalka uu u dhoofiyo Eeshiya, si uu uga kabto khasaaraha kasoo gaadhay suuqa Yurub oo istaagay kaddib markii Galbeedku cunuqabatayn saareen, ku tartankanka suuqa tamartuna waa loollan hoose oo isbahaysigan ka dhexjira.

  • Cunaqabataynta Galbeedka iyo hababka laga ga gudbayo

Iskaashigan saddexgoosadka ahi waxa uu xoogga saaray hirgelinta janallo maaliyadeed iyo loojistig oo beddel u noqda dalalkan, si ay uga gudbaan cunaqabataynta Galbeedka. Iskaashiga dhinac ah waxa si cad looga dheehan karaa korodhka adeegsiga lacagaha Yuwaanka iyo Ruble-ka, oo dalalkan saddexda ahi u adeegsadaan ganacsiga dhexmara. Waxa kale oo dalalkani horumariyeen shabakado loojistig oo dhex mara Badda Caspian iyo shabakado ay isugu gudbiyaan tiknoolajiyadda oo dhexmara dalalka Eeshiyada Dhexe.

Hababkan ujeedkoodu waa in la yareeyo ku tiirsanaanta nidaamka maaliyadeed ee Galbeedka iyo in Iiraan loo furo halbawle dhaqaale, waana tallaabo adkaynaysa awoodda dalalkani u leeyihiin ka hortagidda cadaadiska Galbeedka. Jiritaanka cunaqabatayntu waxa ay markasta sii xoojinaysaa sii jiritaanka isbahaysigan. Haddana, xogaha la xidhiidha baaxadda ganacsi ee dalalkan saddexda ah dhexmaraa waxa ay muujinayaan sida Iiraan dhaqaale ahaan ugu tiirsantahay Shiinaha. Kala tagsanaanta heerka iswaydaarsiga ganacsi, iyo in Shiinuhu uu Iiraan u yahay isha ganacsi ee ay wax kasoo dhoofsataa waxa uu Shiinaha siinayaa awood dheeraad ah marka xidhiidhka dalalkan la joogo, Iiraanna waxa uu ka dhigayaa dal u nugul siyaasadaha dhaqaale ee Shiinaha, waxaanu xaddidayaa kala doorashadeeda istiraatiijiyadaha.

Xidhiidhka Maraykanka

Xidhiidhada saddexdan dal leeyihiin waxa kaalin weyn kaga jira ka hortagidda awoodda Maraykanka, se Ruushka iyo Shiinuhu waxa ay ku socdaan siyaasadda ah “dhiigbixin aan toos ahayn” oo lagu sameeyo awoodda Maraykan, iyada oo aan loo badheedhin halis gelinta danaha ay la wadaagaan reer Galbeedka. Shiinuhu waxa uu ka faa’idaystay cunaqabataynta Galbeedku saareen Ruushka, isaga oo kordhiyey in uu qiimo jaban tamarta kaga soo dhoofsado Ruushka, se haddana waxa uu ka digtoonyahay in uu si toos ah dagaal dhaqaale ula galo Maraykanka, halka Ruushkuna Iiraan u adeegsanayo goob uu awoodda Maraykanka ku dhiigbixiyo. Iiraan waa ay ogtahay in ay ku jirto kaalin labadaasba ka tamar yar, waxaanay raadinaysaa saaxiibbo ay ka hoos gasho dagaalka ay hadda kula jirto Israa’iil, dhammaan qodobbadanina waa kuwo muujinaya sida xidhiidhka dalalkani uu u yahay mid ku kooban danaha gaarka ah ee dal kasta.

Ruushka, Iiraan iyo Shiinuhu marnaba ma rabaan in ay dagaal toos ah oo milatari la galaan Maraykanka, se waxa ay qorsheeyeen in la sameeyo goobo awoodda Maraykan ku dhiigbaxdo, si tartiib ahna u wiiqa awoodahiisa. Ruushku waa in uu iska jeediyo indhaha eegaya xaaladda Yukrayn, Shiinuhuna waa in uu xoojisto dedaalladiisa dhaqaale iyo ilahiisa tamarta, isaga oo aan si toos ah ugu dhicin Maraykanka. Taatikadan saddexda dal wadaagaan waxa ay ku dadaalaysaa in ay si tartiib ah u wiiqaan nidaamka awoodda caalamiga ah ee halka dhinac ah, ee Galbeedka, wiiqitaankanna waxa ku lammaan in anau dhicin isfarasaar toos ah oo meesha ka saaraya danahooda dhaqaale iyo nabadgelyo.

Mashruuca Jidka Xariirta ah ee Shiinaha

Iiraan waxa ay kaalin weyn kaga jirtaa mashruuca jidka xariirta ah, oo jidadka dhulkeeda dhexmara ayaa lagaga kaaftoomi karaa marinnada badda ee halista ah, waana dal kaabaya ilaalinta jidka uu Shiinuhu soo marsado tamarta uu soo dhexmariyo dalalka Eeshiyada Dhexe. Kaalintaas Iiraan waxa ay dhiirrigelinaysaa dedaalka Shiinuhu ku bixinayo kaabayaasha dhaqaale ee Iiraan si Shiinuhu u helo jid nabdoon shidaalka iyo ganacsiguba u maro.

Kaalinta Iiraan kuma koobna dal Shiinuhu uu uga sii gudbi karo dalalka Yurub dhul ahaan, se sidoo kale waa dhul uu ku aamini karo dhoofinta iyo soo dejinta tamarta. Ku tiirsanaanta marinnada badeed, sida Harmus iyo Baab al-Mandab, waxa ay Shiinaha ku keeni kartaa in uu ganacsigiisu u halis galo dagaal ka dhaca marinnadaas ama xidhitaankooda. Sidaas darteed, Iiraan waxa ay Shiinaha u tahay dhul beddel u ah marinnadaas khatartu ku gedaamantahay, waxaanay fududaynaysaa in aan shidaalka iyo ganacsigiisu istaagin, waana sababta keeni karta in Shiinuhu Iiraan kaalmo dhaqaale iyo mid farsamaba u huro si uu u ilaashado jidkiisa.

Dheellitirka danaha gobolka

Shiinaha iyo Ruushkuba waxa ay caqabad kala kulmayaan isku dheellitirka kaalmada Iiraan iyo ilaalinta saaxiibtinnimada awoodaha kale ee gobolka, waxaanay xal u arkaan in ay ku dhaqmaan siyaasadda dhexdhexaadnimada ee aan dhinacna u xaglinayn. Waxa ay ku dedaalayaan xoojinta xidhiidhka Iiraan iyo ilaalinta xidhiidhada kale ee ay la leeyihiin dalal gobolka ka mid ah sida Turkiga iyo Sacuudiga. Isku dheellitirkani waxa uu kaalmada labadan dal u hayaan Iiraan ka dhigayaa mid xaddidan oo taatiko ku kooban.

Ruushka iyo Shiinuhuba waxa ay qaateen siyaasadda u xaglin la’aanta marka arrinku joogo loollanka ka dhex jira awoodaha Bariga Dhexe ee Iiraan, Sacuudiga iyo Turkiga. Waa siyaasad ujeedkeedu yahay in la ilaashado dhinacyada oo dhan, si loo yareeyo halista iyo luminta dhinacyada kale. Isku dheellitirkani waxa uu diidayaa in isbahaysiga saddexdan dal noqdo mid adag.

La dagaallanka Israa’iil

Dagaalka ay isku farasaareen Iiraan iyo Israa’iil waxa uu si cad dibadda u keenayaa heerka isbahaysiga saddexda dal ee Iiraan, Ruushka iyo Shiinaha, oo waxa uu Iiraan dareensiiyey kelinnimada ay ku xayirantahay, waxaanay wax iska wayddiinaysaa kaalmada ay mustaqbalka heli karto.

Ruushka iyo Shiinuhuba waa ay ogyihiin in suuragalnimada dumitaanka nidaamka Iiraan ama in lagu beddelo nidaam kale oo u janjeedha Galbeedku uu halis weyn ku yahay danahooda, kuna bannaynayo boos weyn oo halis gelin karta sunsunka tamartooda. Isfarasaarka Iiraan iyo Israa’iil waxa uu labadoodaba ku hayaa walaac ah in Iiraan meesha ka baxdo, oo awoodda Galbeedku gobolka dib isugu qaabayso oo ay sii xididdaysato. Labada dalba aad bay uga digtoonyihiin isku biimaynta faragelin toos ah oo u soo jiidaysa dagaal intan ka ballaadhan. Digtoonidani waa mid ku salaysan ilaalinta nabadgalyada gobolka oo u adeegaysa danahooda, ilaalinta danahaasina waa mid ay wax kasta u hurayaan xitaa haddii ay keenayso in ay kaalmo buuxda u fidiyaan Iiraan.

Dagaalka ay Iiraan la gashay Israa’iil waa mid si dhab ah u imtixaamaya nooca xidhiidh iyo isbahaysi ee saddexdan dal leeyihiin. Ilaa hadda Ruushka iyo Shiinuhuba waxa ay ku gaabsadeen mawqifyo siyaasaded, iyaga oo aan Iiraan siin garab istaag Milatari oo muuqata, inkasta oo dagaalkani galay marxalad aan hore loo arag, kaddib markii Israa’iil bartilmaameedsatay xarumaha bacriminta nukliyeerka ee Iiraan, Iiraanna kaga jawaabtay beegsiga goobo kale oo Israa’iil ah.

Digtoonida iyo ka fiirsiga labada dhinac ee kale waxa uu soo bandhigayaa in isbahaysiga saddexda dal ku koobanyahay ilaalinta danaha gaarka ah. Shiinuhu waxa uu ka cabsanayaa in la carqaladeeyo marinnadiisa ganacsi iyo kuwa shidaalka Khaliijku u soo maraan, Ruushkuna waxa uu ka fogaanayaa in uu Israa’iil iyo Maraykanka kusoo jeediyo saaxadda uu dagaalka ka wado ee Yukrayn.

Markasta oo dagaalka Israa’iil iyo Iiraan sii xoogaysto, iyada oo aan Iiraan kaalmo weyn ka helayn Ruushka iyo Shiinaha, Iiraan waxa ay sii yaqiinsanaysaa taagdarrada xidhiidhka ay la leedahay labadan dal. Waa arrin ku riixaya in ay isbahaysi cusub oo gobolka ah ay baadidoonto, amaba hababkii wadahadalka Galbeedka ay ku laabato, si ay u dhinto cadaadiska lagu hayo ee sii kordhaya.

Weerarrada Israa’iil waxa ay halis toos ah ku yihiin mashaariic Shiinuhu ka wado Iiraan, sida khadka tareen ee isku xidhaya Dahraan iyo Bandar Cabbaas. Waa halis dhalisay in Shiinuhu xidhiidhkiisa Iiraan uu ku koobo mid dhaqaale oo badhaxtiran, isagoo si weyn isaga ilaalinaya in uu faraha la galo dagaal milatari oo furan, oo gebi ahaan halis galiya mashruuciisa Jidka Xariirta.

Oddoroska mustaqbalka

Waxa jira saddex jid oo uu mustaqbalka yeelan karo xidhiidhka Ruushka, Shiinaha iyo Iiraan, waana kuwo ay saameynayaan xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ahi:

  1. Sinaariyo ah in xidhiidhkaas taatikada ahi sii jiro, Ruushka iyo Shiinuhuna ku gaabsadaan taageerada siyaasadeed, se aanay milatari ahaan marna xaaladda faragashan. Waa siyaasad ah in Ruushka iyo Shiinuhuba ay Iiraan uga faa’idaystaan inay Galbeedka ku noqoto laf dhuun gashay, se haddana aanay isku biimayn dagaal weyne dhib gaadhsiiya danahooda gobolka.

  2. Ku khasbanaanta kaalmaynta iyo garab istaagga Iiraan. Haddiiba dagaalkani weynaado, oo uu isku beddelo dagaal heer gobol ah, oo halis geliya nidaamka Iiraan, Ruushka iyo Shiinuhu waxa ay ku khasbanaan doonaan in ay kor u qaadaan kaalmada ay Iiraan siinayaan. Waa kaalmo dhaqaale oo degdeg ah iyo soo waarididda hub, si ay uga hortagaan dumitaanka Iiraan iyo in Galbeedku ugaxanta dhigto Iiraan. Waa garab siin ku kooban kaalmo aan toos ahayn, si ay uga fogaadaan in ay toos isaga horyimaaddaan Maraykanka.

  3. Dumitaanka isbahaysiga. Waa oddoroska ugu xun ee ay Iiraan ka cabsan karto, waana ka ugu suurtagalsan marka wakhtiga dhexe la eego. Haddii wadahadallo cusub ay ku guulaystaan Iiraan iyo Galbeedku, waxa ay keenaysaa in xidhiidhada caalamiga ahi soo kabtaan oo ay degaan. Haddii isbeddel weyni ka dhaco nidaamka siyaasadeed ee Iiraanna, waxa si degdeg ah u burburaya isbahaysigan saddex geesoodka ah.

Ugu dambayn, xidhiidhka Ruushka, Shiinaha iyo Iiraan waa mid ku salaysan isbahaysi taatiko oo aan cago adag ku taagnayn, se ku qotoma dano degdeg ah. Ruushka iyo Shiinaha oo Iiraan ka dhiganaya kaadh ay ku gorgortamaan, kuna ilaashadaan danaha shidaalku, waxa ay hoos u dhigaysaa kaalmada dhabta ah ee la siin karo, waana wax haddaba ka muuqda dagaalka ay Israa’iil kula jirto.