Thursday 17 July 2025
Si ka duwan suugaanyahannada oo jacaylku u yahay mawduuc weyn oo kaalin weyn ku leh qoraalladooda gabay iyo sheekoba, falaasafadu dhankooda mawduuca jacaylku waa mid ay ka labalabeeyaan, oo badhkood yasaan, kuwo kalena aad uga gaabsadaan ka hadalkiisa. Inta badan jacaylku waa mid iska caabbiya hababka kala duwan ee maangalnimada. Qodobkani waa sababta uu faylasuufkii reer Jarmal, Shoobnehawar uu ula yaabay in “mawduuc kaalintaas weyn kaga jira nolosha aadamaha, aanay falaasifadu u kuurgelin ilaa hadda”. Tani ma waxay ka dhigantahay in falaasifo badani aanay jacaylka tijaabin?
Waa wayddiimaha ay labada cilmibaadhe ee Faransiiska ah, Marie Lumiere iyo Aude L’Insoulan, ay isku dayeen inay kaga jawaabaan buuggooda “Falaasifada iyo Jacaylka”. Waa buug ay ugu kuurgalayaan noloshii falaasifada sooyaalka dunida soo maray, laga soo bilaabo Plato, Kaanti, iyo Montaigne, ilaa laga soo gaadho Shoobenhawar, Nitshe iyo kuwo kale.
Intii sooyaalku soo taxnaa, jacaylku ma ahayn mawduuc kaalin weyn ku leh falsafadda, sababtoo ah falaasifadu waxa ay ku mashquulsanaayeen xamaasadda u haysa dedaalka ay ugu jireen in aadamaha laga xorreeyo qaab kasta oo ka mid ah qaababka addoonsiga caqliga, waxaanay jacaylka qofi dad u hayo u arkayeen waddo uu ku halaagsamayo. Xilli falaasifadu sidan uga mashquulsanyihiin arrimaha jacaylka, haddana waxa soo baxay wadasheekaysiga Plato ee “The Symposium”, oo ah buugga jeexay jidka ay ku socotay aragtida galbeedku jacaylka ka qabeen labadii qarni ee ka dambeeyey buugga, tixraacna u ahaa u kuurgalka diineed iyo ka fekerka jacaylka.
Wadasheekaysiga Plato, Ariistoofanis waxa uu ka sheekaynayaa dad asal ahaan lahaa afar gacmood, afar lugood iyo laba weji, se dadkaasi waxa ay ka xanaajiyeen Zeus, kol ay dagmeen oo ay kibreen, iskuna dayeen la dagaallanka ilaahyada, sidaas darteed ayaa uu Zeus dadkaas laba qaybood ka kala dhigay, markaas laga soo bilaabana aadamuhu waxa uu noqday mid kala dhiman oo jeexiisii kale baadigooba, jeexaas ka maqan la’aantiina, qofku uu ahaanayo mid kala dhiman oo noloshu ku adagtahay.
Sida laba qoraa ku doodayaan, Ariistoofanis waxa uu haystaa wax uu ku xoojiyo sheekadiisa. Inta badan aadamuhu waxa ay laabta ku sitaan oo ay aaminsanyihiin aaminaaddaas aanay dareensanayn, ee ah in qofkastaa xil iska saaro helidda mataankii ruuxda, oo helitaanka mataankaasi qofka asalkiisii hore kusoo celinayso, oo farxaddaada nolosha uu qofkaa kaa maqani jaangooyo. Sidaas darteed, jacaylku waa wax aynnu ku xukumannahay. Abwaankii iyo qoraagii reer Faransiis, Michel Houellebecq, waa sababta uu buugga “The Symposium” ugu tilmaamayo mid aadamaha sumaynaya, oo u hilawga tagtadii oo aan la dawayn karin ku sababay.
Wax aad u kooban baynnu ka ognahay suugaanyahankii reer Giriig, T. Lukreesiyas Karus, oo noolaa qarnigii koowaad ee Miilaadiga ka hor. Waxa kaliya ee laga hayaa waa sheeko aan la hubin saxnimadeeda, oo ah in gabyaagani jacayl u waashay. Waxa uu ka tagay gabay dheer oo falsafadeed, oo uu aragti fog oo baasaysi ah ka istaagay jacaylka.
Lukreesiyas, waxa uu aaminsanyahay in jid kastaa kuu bannaanyahay si aad uga hortagtid halista jacaylka iyo in aad awgii u wareertid, dhibna u martid. Waxa uu innagu baraarujinayaa in iska ilaalinta dabinka jacaylku ka sahlantahay ka takhallusiddiisa. Waxa kale oo uu innagula talinayaa in aynnu dhaawacyadii hore ku tirtirno kuwo cusub, oo aynaan marnaba jacayl cusub u adeegsan ku tirtiridda mid hore.
Lukreesiyas, waxa uu dhibaabatada jacaylka ku shabbahayaa cadaabka Tantalus, oo ah nin lagu xukumay in uu daawado biyo, isaga oo dhimanaya oo cadcad u go’aya, iskuna dayaya in uu biyahaas gaadho, oo dhibic hunguriga u qoysa kol ay tahayna, wax uun hela. Jacaylka isaga oo cadaabkan ku shabbahaya, ayaa uu leeyahay: “Waa xaaladda keli ah, ee markasta oo rabitaankeenna ah inaynu qofka kale hananno uu kordho, qalbigu la holcayo rabitaankaas halaagaya”. Lucretius, jacaylkoo keliya kama hadlayo, ee caadifadda galmo ee jacaylka ku lammaanna waa uu ka hadlay, “walow ay ashqaraar qofka xukuma tahay, haddana waa raaxo rabitaanka qofka kale ku xidhan, oo meesha ka saaraysa isku filnaanshaha qofka”.
Faylasuufkii cilmibulsheedka, Jaan Jaak Ruuso (1712 - 1788), dumarku umay roonayn noloshiisa oo dhan. Inkasta oo ninkani sannadkii 1761-kii Yurub u soo gudbiyey sheeko jacayl oo si heersare ah looga iibsaday, haddana qirashooyinkiisa waxa uu ku daray in aanu noloshiisa jacayl dhab ah arag.
Jaan Ruuso, oo aaminsan in jacaylku yahay awood gudubta, waxa uu keenay fekrad uu markii dambena Schopenhauer taageeray, oo ah in “jacaylku yahay dareen la sameeyey oo aan dhalad ahayn, waxaana dhaliyey adeegsiga bulshada, dumarkuna waa ay buunbuuniyeen si ay u yagleelaanboqortooyo u gaar ah, oo ay noqdaan jinsiga gacanta dareennada ku haya ee loo hoggaansamayo”. Sidaas oo ay tahay, kumuu baaqin in aynnu ka tanaasulno, ama iska tuurno mala’awaalka jacaylka, sababtoo ah, sida uu aaminsanyahay, jacaylku waxa uu leeyahay hal xaqiiqo oo ah dareenka uu innagu dhaliyo ee ah dareenka quruxda ee innagu khasba jacaylkaas. Xitaa qofka ugu xalaalmiiradsan, uguna cibaado badani, kama badbaado in uu carruur noqdo marka uu gabadh qurux badan hortaaganyahay.
Imaanuwel Kaanti, faylasuufkii reer Jarmal (1724 - 1804), waxa uu ahaa cajiibbadii sooyaalka soo maray. Gabadh uu qabo guri kulama noolaan, mid uu jecel yahayna gacan kuma dhigin, ilmana kama hadhin. Waa nolol gebi ahaanba ka madhan dumar iyo nooc kasta oo xidhiidh ah, kuna kooban u kuurgalka iyo deraasaynta, sida uu sheegayba. Laakiin, sababma ayaanu Kaanti u guursan? Wayddiintan lafteedu aad bay u dhibi jirtay Kaanti, sababtoo ah maalinna kama gaabsan yasidda dumarka. Sidaas oo ay tahay, Borowski oo taariikh-nololeed ka qoray Kaanti, qoraaga ‘Gorfaynta Garaadka Badhaxatiran’, waxa uu xusayaa in uu laba hablood ka helay oo uu u maleeyey inay ku habboonyihiin, se haddana waxa uu ku habsaamay go’aan qaadashada, ilaa midi magaaladii ka tagtay, midina qof kale guursatay. Hadal uu yidhi Diotima oo shakhsiyad Wadasheekaysiga Plato ku jira, ayaa malaha ku dhaboobmaya nolosha faylasuufkan; “qof kastaa isagaa doorta qaabka uu magaciisa ku waarinayo; carruur ama waxsoosaar suugaaneed”. Waxa cad in Kaanti uu doortay jidka labaad.
Shoobenhawar, sida uu aaminsanyahay, badhaadhaha dhabta ah ee suurogal ahi waxa uu ku jiraa in aan asalkaba qofku dhalan. Fekerkan Shoobenhawar oo ka dayrinaya jacaylka iyo guurku, sida labada qoraa soo bandhigayaan, waxa uu kusoo ururayaa in uu jacaylka iyo guurkaba u arko is fuulfuulid maad ah oo laba qof oo doqomo ahi sameeyaan, wax faa’ido ahna aan laga helin marka laga yimaaddo inay askar badan u soo saaraan Jarmalka. Faylasuufkan dayrinayaa waxa uu aaminsanaa in dadka wax jeceli yihiin qoryo socda oo nafi gashay uun. Habeen caways uu joogay ayaa uu mid ka mid ah dhallinyarada si maad ah ugu yidhi: “Jacaylka madaddaalo ka dhigo iyo hab aad wakhtiga isku dhaafisid, sidii fannaan ula dhaqan, adigoon u hoggaansamin, sababtoo ah taranku waa samays looga dan leeyahay sii joogtaynta waxsoosaarka”.
Shoobenhawar waxa uu sameeyey xidhiidho kooban oo dhammaan soo ku soo afjarmay hinaase iyo kalsooni darro. Dumar badan baa isku dayay inay u soo dhawaadaan, se isdiiddada noloshiisu waa in uu ka caban jiray meelaha uu necebyahay ee shahwaddiisu ku hoggaamiso.
“Xiddigee baynnu iskaga soo dhacnay?” Waa hadalka uu Nitshe (1844 – 1900) ku furfurtay la kulankiisii qoraayaddii Lou Andreas-Salomé (asalkeedu ahaa Ruush iyo Jarmal) oo ay ku kulmeen Rooma. Gabadhan oo kolkaas 18 jir ahayd, faylasuufkan waxa ay ka diidday guur, iyadoo u xaqiijisay siday u necebtahay heshiisyadan caynkan ah, se ugu dambayn waxa ay guursatay Fariidrik Kaaral oo aqoonta Bariga ku xeeldheeraa, sidaasna waxa qalbigu ku jabay Nitshe oo aan guur dambe hawaysan. Waa ninka jacaylka ku sheegay khiyaano la isku dabo, kuna tilmaamay baahi dhalan ah.