Sunday 8 February 2026
Toddoba bilood ka hor, markii uu Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro la wareegay xilka, waxa uu dhaxlay caqabado kala duwan oo ku gadaaman siyaadda gudaha iyo ta dibaddaba, oo halis weyn ku ah mustaqbalka Somaliland. Inta badan qaddiyadahaas gude ahaan looma xallin karo, sidaas darteed, siyaasadda arrimaha dibadda waxa loo arkaa jid ay Somaliland ku raadsan karto maalgeliniyo khibrad dhabeeya ujeeddooyinkii xukuumadda. Muran kuma jiro in aqoonsigu uu Somaliland u yahay mudnaan udub-dhexaad ah, se haddana waxa muuqata in Madaxweyne Cirro, oo diblumaasi hore ahi, aanu aad ugu janjeedhin aragtida aqoonsiga ka dhigaysa waxa kaliya ee la sawiran karo, siyaasadda arrimaha dibadduna qaban karto.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee xukuumaddani ilaa hadda waxa ay ku tilmaamantahay guulo iyo guuldarrooyin isku jira. Safarkii uu madaxweynuhu ku tagay Imaaraadku waxa uu xoojiyey kaalintiisa iyo sumcaddiisa, dhinac kalena, safarkii uu ku tagay Qadar, oo ah dal siyaasaddiisu u janjeedho Soomaaliya, waxa ay dad badani u arkaan safar meeqaamka xukuumadda hoos u dhigay. Bayaanka ay Qadar soo saartay kulanka ka dib, waxa lagu xusay in “dawladda Qadar ay xoojinayso aaminaaddeeda ah in mustaqbalka Soomaaliya ku jiro isku laabfurnaan iyo wada xidhiidh, oo ay rumaysantahayna madaxbannaanida dhul ee Soomaaliya mid ah”. Wargeyska Somaliland Standard, waxa uu warbixin uu ka qoray safarka Madaxweyne Cirro ee Qadar ku sheegay “dabin diblumaasiyadeed”. Qadar dhankeeda iyana waxa ay sheegtay in ay wafdiga Somaliland kala hadleen xaaladda siyaasadeed iyo nabadgalyo ee Soomaaliya. Afhayeenka xukuumadda Somaliland, Xuseen Deyr isna waxa uu soo saaray qoraal uu kaga hadlay kulankaas, oo uu leeyahay: “Kulankaasi ma ahayn mid Somaliland wax u dhimaya, ee waxa uu ahaa mid ka turjumaya awoodda Somaliland ee kobcaysa iyo dedaalka aan ka soo noqoshada lahayn ee dawladnimadeeda”.
Madaxweyne Cirro ilaa hadda waxa uu bookhday laba dal oo Khaliijka ah, Jabbuuti iyo Kiiniya. Safarka madaxweynaha ee la hadal hayo in uu ku tagi doono Itoobiya weli ma dhicin. Itoobiya waxa ay sannadkii hore Somaliland la gashay isafgarad badda ah, se markii dambe waxa ay wadahadallo isxigxiga Turkiga kula yeelatay Soomaaliya, si la isku waafajiyo damaca Itoobiya ee badda iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Hase ahaatee, khilaafyo ayaa kasoo cusboonaanaya heshiiskaas, sababta oo ah Soomaaliya waxa ay xidhiidho adag la leedahay Masar iyo Eretariya, oo ah labada dal ee cadaawadda ugu adagi kala dhaxayso Itoobiya. Sida lagu xusay African Intelligence, Itoobiya waxa ay naawilaysaa in ay taageero xooggan uga hesho damaceeda badda hoggaanka Somaliland, ka hor intaan kulan heersare ah labada dhinac isugu iman.
Waddada uu Madaxweyne Cirro u marayo siyaasadda arrimaha dibaddu waa u diyaargarawga la falgalka dhammaan dhinacyada wax ka go’aan, si loo dhabeeyo danaha Somaliland, waa waddo ka duwan ta madaxweynihii hore ee Muuse Biixi, oo raacsanaa jidka ah in xulafo gaar ah oo wakhtiga fog ah la samaysto. Waxa cad in Madaxweyne Cirro ku dedaalayo ballaadhinta cidda ay Somaliland xidhiidho la wadaagayso. Muddoxileedkii Muuse Biixi waxa ay kusoo beegantay muddoxileedkii hore ee Trump oo aan salfadhiyin, waxaana xaaladda siyaasadeed sii qasay khilaafkii dalalka Khaliijka, oo midawga dalalka Khaliijku ay Qadar dhinac ka noqdeen, Turkigana colaadiyeen. Muddadaas, Somaliland waxa ay xidhiidh dhaqaale, siyaasadeed iyo militariba la yeelatay Imaaraadka, se qalaalasaha Khaliijka ka taagnaa ayaa xaddiday midhodhalinta xidhiidhkaas. 2017 waxa uu Imaaraadku bilaabay in uu saldhig milatari ka dhisto Berbera, shirkadda DP World-na waxa ay maalgalisay dekedda Berbera. Waraysi ay AP la yeelatay madaxweynihii hore ee Muuse Biixi, waxa uu sheegay, in hantida Somaliland iyo ganacsigeeduba Dubay yaallo, oo ay xidhiidho ganacsi iyo dhaqaaleba la leeyihiin, xulafana ay yihiin.
Waxa muuqata in wakhtigii siyaasaddaasi dhammaaday, oo isku wadidda dalalkaasina fursado cusub siinayaan Somaliland, una weecatay in Qadar iyo dalalkii hore ee aan Somaliland saaxiibbada la ahaynba lala eego waxa ay u hayaan Somaliland. Ka dhabaynta ujeeddadan awgii, ayaa uu Madaxweyne Cirro u bookhday Qadar, noqdayna madaxweynihii Somaliland ee ugu horreeyey ee bookhda Qadar, oo weligeedba ka soo horjeedday madaxbannaanida Somaliland, sooyaal ahaanna xidhiidho adag la lahayd masuuliyiinta Muqdisho, iyada oo aan dan ka gelin cidda markaas madaxweyne ka ah.
Sida uu Suhayb Maxamuud qoray, bookhashada Cirro ee Qadar waa “mid ka turjumaysa in uu kordhay wacyigii, oo lagu baraarugay lagama maarmaannimada ballaadhinta xulufaysiga iyo helidda fagaare cusub oo markii hore laga biyodiidsanaa”. Kulanka labada dhinac iyo waxa la is yidhi waa mid qarsoon, se hadallada ka soo baxay waa kuwo isburinaya. Somaliland waxa ay ku adkaysatay in ay guul gaadhay, oo ay fagaare cusub gaysay qaddiyaddeeda, halka Qadar ay kulanka ku tilmaantay mid xoogga saaray dammaanadqaadka Soomaaliya nabdoon, deggan oo nidaamka federaal raacda.
Waxa xusid mudan wax iska wayddiinta in siyaasadda ballaadhinta dhinacyada lala hadlayo, ay u jihaysan karto Shiinaha. Markii uu Madaxweyne Cirro ku jiray ololihiisa doorashada, waxa uu tilmaamay in uu doonayo in weji kale lagu eego Shiinaha. Somaliland, muddoxileedkii Biixi, waxa ay xoojisay xidhiidhka Taywaan, xidhiidhkaas oo ka cadhaysiiyey Shiinaha oo ah awood dhaqaale iyo siyaasadeed oo caalami ah. Walow hadallada cad ee rasmiga ahi xusaan uun xidhiidhada xooggan ee la la leeyahay Taywaan iyo reer Galbeedka, haddana u janjeedhka xukuumadda Cirro ee sahaminta isbahaysiyo cusub, waxa lagu fasiri karaa in uu tilmaamayo la xidhiidhidda dhinacyo wax ka go’aan, sida Shiinaha ama Ruushka. Waraysi uu Cabdiraxmaan Cirro hore u siiyey wargeyska Jarmalka ee Neue Zurcher Zeitung, waxa uu yidhi: “Haddii aanu galbeedku rabin [Somaliland], Shiinaha ayaa albaabkan garaaci doona, Ruushkuna waa la mid”.
Shiinuhu waxa uu aad uga soo horjeedaa xidhiidhka Somaliland iyo Taywaan, in Taywaan Geeska Afrika laga fogeeyana waxa uu arkaa guul istiraatiiji ah, sidaas darteed, wadahadal kasta oo Shiinaha lala furo, waxa sees u ah shardiga ah in xidhiidhka loo jaro Taywaan. Oddoroskani hadda ma muuqdo, oo dhawaan Somaliland waxa ay Taywaan u dirtay wafdi heersare ah, oo uu ku jiro Taliyaha Ciidamada Ilaalada Xeebaha, tallaabadan oo Shiinaha kasii cadhaysiisay. Somaliland iyo Taywaan waxa ay safarkaas ku kala saxeexdeen heshiis iskaashi oo dhinaca nabadgalyada badda ah.
Shiinuhu aad buu u dhaliilay tallaabadan, isaga oo Somaliland ku tuhmay in ay ku xadgudubtay midnimada dhulka Shiinaha, Somaliland-na u diray digniin ah in aanay u noqon. Maalinkii xigay, safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Wang Yu, ayaa la kulmay Taliyaha Ciidamada Soomaaliya, Jeneraal Yuusuf Odowaa, si loo xoojiyo iskaashiga, safiirkuna waxa uu caddeeyey taageerada joogtada ah ee ay labada dhinacba u hayaan ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed.
Shiinuhu awood xooggan ayaa uu ku leeyahay gobolka, siiba Itoobiya iyo Kiiniya, milatarina waxa uu ka joogaa Jabbuuti. Isku soo dhawaanshaha Kiiniya iyo Shiinuhu waxa uu sababay in qaar ka mid ah xubnaha Koongarayska Maraykanka, ee Shiinaha kasoo horjeedaa, walaac ka keenaan, sida Jim Risch, Guddoomiyaha Guddiga Sannadkan ee Arrimaha Dibadda, oo Maraykanka kula taliyey in uu dib ugu noqdo in Kiiniya sii ahaato isbahaysi udub-dhexaad ah oo aan xubin ka ahayn isbahaysiga NATO. Khubarada qaar ka mid ahi waxa ay is wayddiinayaan in Kiiniya ay raaci doonto jidkii Koonfur Afrika, xilli ay sii kala fogaanayaan Maraykanka. Kaalmaynta Soomaaliya waa waddo kale oo uu Shiinuhu u adeegsanayo ka soo horjeedka Somaliland iyo wiiqidda qaddiyaddeeda.
Sidaas darteed, xidhiidh kasta oo Somaliland uga yimaadda Maraykanku waxa uu noqonayaa mid xiiso gaar ah leh. Somaliland gudaheeda, rejo badan baa hadda laga qabaa Maraykanka. Madaxweyne Trump-na, waxa uu shir-saxaafadeed ka sheegay in qaddiyadda Somaliland tahay mid “kakan” oo uu “Maraykanku hadda ka shaqaynayo”. Xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro waxa ay qodobkan u aragtaa fursad weyn oo ay uga faa’idaysan karto furdaaminta caqabado bulsho, siyaasadeed iyo dhaqaale oo ay hadda Somaliland ku jirto. Madaxweyne Cirro, muddadii ololaha waxa uu ballanqaaday fulinta dib u habayn iyo mashaariico waaweyn, oo ay adagtahay fulintoodu xilligan duruufta dhaqaale ee Somaliland adagtahay, sidaas darteed, taageero dibadeed waxa ay u noqonaysaa lagamamaarmaan.
Geeska Afrika, waxa ku hirdamaya awoodo caalami ah, dalalka Bariga Dhexe iyo dhinacyo kaalin leh oo aan xukuumi ahayn. Dagaalka Israa’iil ku qaadday Qasa, Suuriya iyo Yaman waxa uu sababay in amnidarrada Badda Cas kacdo, dhinaca kalena Soomaaliya ayaa weli la dagaallamaysa al-Shabaab iyo ururka Daacish, walow warbixinuhu sheegayaan in guul weyn laga gaadhay dagaalka Puntland kula jirto Daacish. Soo laabashada Trump waxa uu rejo galiyey Somaliland, waxaana jira yididdiilo ah in jiquraafi-siyaasadeedka looga faa’idaysto in Maraykanka xidhiidh adag la la yeesho. Xubnaha Koongarayska ee muxaafidka ah, kooxaha cadaadiska iyo xulafadooduba waxa ay Somaliland u arkaan goob isbahaysi looga dhigan karo ka hortagidda saamaynta Shiinuhu Afrika ku yeelanayo.
Si la mid ah madax kale, Madaxweyne Cirro waxa uu shiishku u saaran yahay habdhaqan-siyaasadeedka Trump ee u jihaysan danaha ganacsi, laakiin, Afrika, Maraykanka uma aha mudnaanta koowaad, marka laga reebo macdanta qaaliga ah iyo diblumaasiyadda ganacsi. Guusha diblumaasiyadeed ee Koongo (DRC) waa mid ku salaysan qaabkan, oo heshiisyo macdan-qodis u saxeexday shirkado Maraykan. Khubaradu waxa ay caddeeyeen in qaabkani ku salaysanyahay hannaanka “nabadgalyada oo khayraadka lagu beddesho”, ee ay horseedeen qawlaysatadii Ruushka ee Wagner. Waxa muuqata in Somaliland garwaaqsatay siyaasadda Maraykanku uu hadda Afrika kula dhaqmayo, waxaanay bilawday in ay macdan u soo bandhigto Maraykanka.
Waxa cad in qaddiyadda Somaliland hadda taallo xafiiska Trump, sida uu ku sheegay warsaxaafadeedkiisa. Hase ahaatee, in maamulka Trump dhimay khibraddii diblumaasiyadeed, khubaradii arrimaha Afrikana ka maqanyihiin Wasaaradda Arrimaha Dibaddu waxa ay ka dhigantahay in ay adagtahay la macaamilka qaddiyado ta Somaliland oo kale ah. Wargeyska Niyuu Yook Taaymis waxa uu helay nuskhadda warqad lagu faray in dib u habayn lagu sameeyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda, kuna jirto in xafiiska Afrika meesha laga saaro, laguna beddelo xafiiska ergayga gaarka ah ee Afrika. hadda, Massad Boulos ayaa ah la taliyaha ugu sarreeya ee arrimaha Afrika.
Caadiyeynta xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil iyo dib u dajinta Falastiiniyiinta ayaa Iyana ah wararka kale ee aadka loo hadal hayo ee Somaliland la xidhiidha. Shabakadda CNN waxa ay sheegtay in masuul Israa’iili ahi u tebiyey in Somaliland ku jirto dalal dhawr ah oo ay Israa’iil ka wada hadleen dib u dejinta Falasdiiniyiinta, oo looga dan leeyahay in lagu barakiciyo oo Falasdiiniyiinta laga sifeeyo dhulkaas. Dalalkaas waxa ka mid ah, Koonfurta Suudaan, Itoobiya, Liibiya iyo Indooniisiya. Koonfurta Suudaan, oo qarka u saaran in uu soo cusboonaado dagaalkii isirka ku salaysnaa ee labada isir u dhexeeyey, waxa ay soo saartay war ay ku diidday in ay wadahadallo sidan ah gashay. Somaliland lafteedu waa ay daadifaysay jiritaanka qodobkan, se masuuliyiin sarsare oo Yahuud ah ayaa marar dhawr ah ku soo celceliyey in wadahadallo noocan ahi jiraan.
Waxa ay u muuqataa in uu Trump doonayo in uu dhagax laba shimbirood ku wada dilo, sii joogtaynta Qorshaha Riviera iyo ballaadhinta Heshiisyada Ibraahiimiga. Shir kooban oo dalal Afrikaan ah iyo Maraykanku yeesheen, warbixinuhu waxa ay sheegeen in Trump qabanqaabiyey kulan ay yeeshaan madaxweynaha Murutaaniya iyo Raysalwasaaraha Israa’iil. Haddaba, haddii Maraykanku uu Somaliland ku dhiirrigeliyo xidhiidh la samaysashada Israa’iil, oo qayb ka ah xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka, hoggaanka Somaliland waxa hor imanaysa caqabad ah: ma waxa ay qaadan go’aanka ah in ay xoojiso xidhiidhka Maraykanka, oo siyaasad ahaan qodobkan uga faa’idaysato, mise waa ay lumin, iyadoo ka fogaanaysa kicinta ra’yiga dadweynaha? Dalal dhawr ah oo Islaam ah ayaa ku fekeray ku biiridda Heshiisyada Ibraahiimiga, waxaana ka mid ah Sucuudiga, oo awooddiisa u adeegsaday in aqbalaadda heshiiskaas uu ku xidho joojinta dagaalka Qasa iyo hirgelinta xalka labada dawladood.
Ma fududa in lala macaamilo dhinaca jaangoynaya heshiiska, oo awoodaha aan isu dhigmin waxa ay ka dhigantahay in Maraykanku uu awoodo gelitaanka heshiis danihiisa u janjeedha, waa heshiis aan Somaliland aqoonsan bilawgaba, se u dammaanad qaada in uu goobaha istiraatiijiga ah helo ee xeebaha Somaliland. Awoodda keliya ee uu Cabdiraxmaan Cirro haystaa, sida uu wargeyska Jarmalka ahba u xaqiijiyey, waa in haddii aanu Maraykanku ballanka fulin, Somaliland beddel kale raadsan doonto. Sidaas oo ay tahay, cadaadiska joogtada ah ee ay Somaliland samaysay iyo maalgashiga siyaasadeed ee ay Maraykanka ku yeelatay, waa waxyaalo u sahlaya in meel ay ka duusho hesho.
Xilli dhaqdhaqaaqyadan Somaliland jiraan, xukuumadda Soomaaliya lafteedu dhaqdhaqaaq xooggan bay ka samaysay Maraykanka. Maraykanku walow uu dejiyey cabsidii laga qabay in uu hoos u dhigo iskaashiga amni ee uu Soomaaliya la leeyahay, haddana maamulka Trump waxa ka muuqda isdiiddo uu keenayo mawqifkiisa Somaliland. Soomaaliya oo arrinkan ku baraarugtay, waxa ay Maraykanka ka hawlgalisay shirkado iyo cadaadis ay kaga hortagayso horumarrada socda. Bishii Maaris, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu Maraykanka u diray farriin uu ugu sheegayo in uu siin doono saldhigyo ciidan iyo dekedo oo ku yaalla Somaliland iyo Puntland. Ka dib markii maamulka Trump dib u habayn ku sameeyey siyaasaddiisa Soomaaliya, gaabisna ku yimi dedaallada argagixiso-la-dagaallanka, Soomaaliya waxa ay ku dedaalaysaa in ay arrinka xakamayso. Ingiriiska, oo xubno baarlamaan oo dhawr ahi taageersanyihiin madaxbannaanida Somaliland, Raysalwasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, waxa uu jaaliyadda Soomaaliya ee halkaa ku dhaqan ugu baaqay in ay ka hortagaan dedaallada socda ee aqoonsiga Somaliland.