Monday 23 June 2025
Horraantii Abriil 2023 ayuu dalka Turkiga ku geeriyooday siyaasi, bare sare Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa). Ilaahay ha u naxariistee Ismaaciil Buubaa waxa uu nolosha Soomaalida, gaar ahaan dhankan Sooomaalilaan kaga jiraa baal dahab ah oo ay ku weheliyaan dhowr qof oo kale. Iyada oo aynu ognahay in Soomaalida iyo aqoonta maaddiga ahi ay isku cusub yihiin, Buubaa waxa uu ka mid ahaa koox kooban oo horraantii lixdannadii kansho u helay in ay tagaan dalka Maraykanka oo galaan jaamacado waaweyn, kana soo durduurtaan aqoontii xilligaa dunida hoggaaminaysay. Isla kooxdani waxa ay aqoonta ka gaadheen halka u sarraysa oo waxa ay shahaadada diktoorada (PhD) ka qaateen jaamacado Maraykanka ku yaalla. Dhanka kalena, siyaasadda ayey wada galeen oo halka ugu sarraysa ka gaadheen. Waa sababta uu magacoodu aadka ugu faafay Soomaalida dhexdeeda.
Qoraalkan kooban waxa aan ku milicsanayaa sooyaalkii nololeed, waxbarasho iyo siyaasadeed ee saddex qof oo Soomaalida ku weyn, isku facna ahaa: Cali Khaliif Galaydh, Ibraahin Maygaag Samatar iyo Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa). Hayaankoodii Aqoonta: Waxbarasho iyo Waxdhigis.
Waxa uu dugsigii dhexe ku qaatay Sheekh halka uu dugsigii sarena isu maray Cammuud iyo Sheekh. 1962-kii ayuu waxbarasho ugu baxay dalka Maraykanka. Shahaadadii koowaad waxa uu ka qaatay Jaamacadda Boston, shahaadooyinkii maastarta iyo diktooradana waxa uu ka qaatay Jaamacadda Syracuse. Galaydh waxa uu ku takhasusay maamulka dawladda (public administration). Dhanka waxdhigista, 1970-kii ilaa 1976-kii Galaydh waxa uu noqday agaasimihii SIPA (Somali Institute of Public Administration). 1982 ilaa 1986 waxa uu xubin ka ahaa laba machad/xarumood oo ka tirsan Jaamacadda Harvard ee dalka Maraykanka. 1989 ilaa 1996 waxa uu bare sare ka ahaa Jaamacadda Syracuse ee dalka Maraykanka. Horraantii 2000 waxa uu bare sare ka ahaa Jaamacadda Minnesota ee dalka Maraykanka.
Kaddib markii uu dugsiga sare ku dhammaystay Sheekh, Maygaag waxa uu dalka Maraykanka waxbarasho ugu baxay 1961-kii, waxaana uu ahaa facii u horreeyay ee Sheekh ka baxa ee Maraykanka waxbarasho u taga. Shahaadada heerka koowaad iyo heerka labaad waxa uu ka qaatay Jaamacadda Yale. Diktoorada waxa uu ka qaatay Jaamacadda California, Riverside. Maygaag waxa uu bartay cilmiga dhaqaalaha. Sagaashannadii iyo wixii ka dambeeyay waxa uu bare sare ka noqday jaamacado kala duwan oo ay ugu dambaysay Jaamacadda Caalamiga ah ee Josai ee dalka Jabbaan.
Markii uu dugsiga dhexe Cammuud ku dhammaystay, waxa uu galay dugsigii tababarka macallimiinta ee Hargeysa ee TTC, halkaas oo uu ku jiray laba sannadood kaddibna macallin ayuu noqday. Isla xilligan ayuu dugsiga sare Ingiriiska kaga dhiganayey qaabka loo yaqaanno correspondence course, oo ah in isaga oo Hargeysa jooga casharrada iyo imtixaannada boosta loo soo dhigayey, isaguna uu imtixaannada ka shaqaynayey oo boosta dib ugu dirayey. Waxaa loogu soo hagaajin jiray xafiiskii waaxda waxbarashada ee Hargeysa. Sidaas ayuu imitixaankii dugsiga sare ee Ingiriiska ku fadhiistay 1959 kii. 1961 kii ayuu safar dheer oo waxbarasho Maraykanka u galay. Shahaadada koowaad waxa uu ka qaatay Jamaacadda New Mexico; maastarta waxa uu ka qaatay Jaamacadda Syracuse; Diktoorada waxa uu ka qaatay Jaamacadda Boston, qoraallada aan tixraacay qaarna waxa ay qorayaan Jaamacadda Brandies, halka qaarna sheegeen in uu laba diktoora ka diyaariyey labadan jaamacadood. Buubaa waxa uu bartay afafka (gaar ahaan af Ingiriisida) iyo falsafadda. (Fiiro gaar ah: xogta geeddiga waxbarasho ee Buubaa kamaan helin il sugan sida laba xubnood ee hore, sidaas darteed ayuu khalad ugu jiri karaa).
Dhanka waxdhigista, Buubaa waxa uu bare ka noqday jaamacado ay ka mid yihiin Jaamacadda New Hampshire ee Maraykanka, Jamaacadda King Abdulaziz ee Sucuudiga, iyo Kuliyaddii Lafoole.
Galaydh waxa uu xilal dhowr ah ka qabtay taliskii askarta toddobaatannadii ilaa horraantii siddeetannadii. Waxa uu noqday Agaasimaha Warshadda Sonkorta ee Jowhar; Guddoomiyaha Fulinta ee Mashruuca Sonkorta ee Juba, iyo Wasiirka Warshadaha (1980-82). Burburkii kaddib, Galaydh waxa uu Raysal Wasaare ka noqday Dawladdii Ku-meel-gaadhka ahayd ee Soomaaliya (TNG) 2000 ilaa 2001. Intii dambe waxa uu tacab badan geliyey arrimaha degaannada uu ka soo jeedo, waxaana uu ka mid ahaa aasaasayaashii Maamulkii Khaatumo oo uu marna madaxweyne ka noqday.
Markii uu dalka ku soo laabtay dabayaaqadii lixdannadii, Maygaag waxa uu noqday Agaasimaha Miisaaniyadda ee Wasaaradda Maaliyadda. Intaa kaddib, waxa uu xilal badan ka qabtay taliskii askarta, waxaana ka mid ahaa: Wasiirka Maaliyadda; Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqaalaha iyo Siyaasadda; Madaxa Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed; Safiirka Soomaaliya u fadhiya Jarmalka. Siddeetannadii waxa uu ku biiray jabhaddii SNM, waxaana uu ka qabtay xilal dhowr ah oo uu ugu mudnaa Guddoomiyaha Golaha Dhexe. 1991-kii waxa uu noqday Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Soomaalilaa (golihii dhexe ee SNM ayaa labadii sannadood ee u horreeyay ahaa golaha wakiillada). Shaqooyinka siyaasadda ka baxsan ee uu soo qabtay waxaa ka mid ahaa in uu mar lataliye u noqday Bangiga Adduunka.
Buubaa waxa uu labada nin ee kale kaga duwanaa, waxa uu siyaasadda soo galay burburkii kaddib. Shaqooyinka aan waxdhigista ahayn ee uu toddobaatannadii iyo siddeetannadii soo qabtay waxaa ka mid ahaa: in uu shaqaale ka noqday ururka Jaamacadda Carabta (Qaahira) iyo in uu ka shaqeeyay dhowr shirkadood oo Sucuudiga ku yaalla. Markii dambena waxa uu ku biiray jabhaddii SNM. 1991 kii waxa uu noqday Wasiirka Maaliyadda ee Soomaalilaan. Kaddib na waxa uu qayb ka noqday dawladihii kala dambeeyay ee Soomaaliya loo dhisay, oo uu muddo dheer xildhibaan ka ahaa, xilal wasiirnimona ka soo qabtay. Xilalkaa waxa ugu mudnaa in uu laba jeer noqday Wasiirka Arrimaha Dibedda (2000-2002 iyo 2006-2007).
In kasta oo dad badani la fac ahaayeen, haddana saddexdan nin sababta aan u soo xushay waa in ay jid aad isugu dhow mareen dhanka waxbarashada iyo siyaasaddaba. Haddaba, waxa aan hoos ku taxayaa qoddobada ay la gaarka ahaayeen, kana sinnaayeen.
Ugu horrayn waxa ay ahaayeen isku fac oo waxa ay dhasheen 1939-43. Dugsiga sarena xilliyo sidan isugu dhow ayey ka baxeen.
Waxa ay ka mid ahaayeen kooxihii u horreeyay ee dhanka Soomaalilaan waxbarashada casriga ah dhammaysta. Maygaag waxa uu ka mid ahaa dufcaddii u horreysay ee dugsiga sare ee Sheekh ka baxda ee Maraykanka waxbarasho u tagta. Buubaa waxa uu ka mid ahaa dufcaddii u horreysay ee dugsiga dhexe ee Cammuud ka baxda.
Waxa ay ka mid ahaayeen Soomaalidii jeexday jidka waxbarashada loogu doonanayo Maraykanka. In kasta oo ay jiri karaan dad ka horreeyey, haddana waxa ay tageen xilliyadii ay arday Soomaali ah oo tiro kooban ahi Maraykan waxbarasho u tageen.
Dhammaantood waxa ay waxbarashada ka gaadheen halka ugu sarraysa, waxaana ay Maraykanka ka qaateen shahaadada diktoorada (PhD). Waxa xusid mudan in aanu geeddigooda waxbarasho xidhiidh ahayn ee ay saddexdooduba shahaadada diktoorada qaateen mar dambe oo ay waxoogaa shaqeeyeen.
Dhammaantood waxa ay go’aansadeen in ay cilmigii ay soo barteen umadda ugu adeegaan, waxaana ay galeen siyaasadda oo ay meel sare ka gaadheen. Galaydh ilaa Raysal Wasaare ayuu gaadhay, labada kalena ilaa heer wasiir.
Haddana dhammaantood waxa ay noqdeen mucaarad, Maygaag iyo Buubaa waxa ay galeen jabhad (SNM), Galaydhna waxa uu noqday mucaarad siyaasi ah.
Saddexdooduba waxa ay kaalin ku lahaayeen aasaaskii Soomaalilaan-ta cusub. Maygaag iyo Buubaa xilal ayey ka qabteen bilowgii. Galaydh iyo Buubaa markii dambe midnimo ayey ka shaqeeyeen, waxaana ay qayb ka noqdeen dawladdii Carta lagu soo dhisay. Waxa xusid mudan in labadooduba ay dib Soomaalilaan ugu soo laabteen dabayaaqadii cimrigooda. Maygaag isagu aragtisa gooni isu taagga kama noqon, balse sidii uu dalka 1993 kii uga tagey mar dambe toos lug uguma yeelan Siyaasadda Soomaalilaan. Waxa la sheegaa in uu ka fekeray in uu dalka ku soo noqdo oo madaxweyne isu sharraxo markii uu Cigaal geeriyooday 2002, balse arrintaasi haddana suuragal ma noqon.
Hal arrin oo ay ka sinnaayeen oo dhaliil ama canaan noqon kartaa waa in aanay buugaag iyo qoraallo kale oo dhaxal gal ah uga tegin umadda Soomaaliyeed. Maadaama oo ay saddexduba shahaadada diktoorada qaateen, waxa ay lahaayeen xirfad iyo awood ay cilmi baadhis ku sameeyaan, waxna ku qoraan. Marka aynu heerkooda aqooneed iyo waayo-aragnimo tixgelinno, in aanay buugaag cilmi ah iyo kuwo xusuus qor waayahoodii siyaasadeed iyo nololeedba ah qorini waa mid ay adagtahay in loogu cudur daaro. Haddii ay wax qori lahaayeen, waxa ay u badan tahay in ay jidka u jeexi lahaayeen jiilashii aqoonta iyo siyaasaddaba uga dambeeyay oo Soomaali badani wax soo saar qoraal samayn lahayd.
Guntii iyo gebogebadii, waxa marag maddoon ah in saddexdan nin ay horseed iyo hormuudba u ahaayeen Soomaalida dhanka aqoonta iyo siyaasaddaba. Waxa ay umadda Soomaaliyeed kaga tageen magac waaraya oo weligii jiraya. Siyaabaha lagu xaqiijin karo in magacoodu sii waaro waxaa ugu mudan in wax laga qoro. Sooyaal nololeedkii Maygaag buug ayaa laga qoray ilaa hadda. Waxa aan dhiirrigelinayaa in Galaydh iyo Buubaa na sooyaal nololeedkoodii la qoro oo cid xil iska saarta la helo.