Skip to main content

Saturday 8 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Faca Dhantaalan

21 September, 2025
Image
Faca Dhantaalan
Share

Faca sagaashanaadkii ka dib, ama dhammaadkii qarnigii tagay ku dhashay arligeenna, waxay la kowsadeen dawlad la’aan iyo qax. Aniguna facaas baan ka mid ahay. Facayagu wuxuu ku indhafurtay barakaca iyo bayhoofka. Waxii ugu horreeyay ee inna baqdingaliyaana waxay ahaayeen daryanka rasaasta iyo mugdiga xeryaha qaxootiga. Macaluusha ayaan deris la noqonnay. Isku-raranka xeryaha qaxooti ayaan ku kacaannay badankeen. Guryuhu waxay noqdeen halka na lagu baro qabiilka iyo jufada aan ka soo jeedno. Macbadyadu waxay noqdeen halka laga shidaaliyo kacaannada diimeed ee hubaysan. Tacliinteennu waxay ahayd, welina tahay, mid aan asaas iyo tiirar adag ku taagnayn. Manhaj midaysan iyo tacliin maangal ah, iyana, ma aynu helin. Indheergaradkii bulshada arli ay ka carraabeen ayuu facayagu ku soo beegmay. Indhowgarato aan sii hilaadin karin timaaddada, oo aad isugu ciilqaba, ayaa isugu soo haray arligeenna oo dhexdooda ayaan ku bayhoofnay. Macangagnimadii keligiitaliyaha, isu tanaasul la'aantii indhowgaratada, iyo isu ciilqabkooda colaaddii ka aloosantay ayuu facani noqday kuwii dhamay danbarkeeda.

Indheergaradkii xeryaha qaxootiga ayuu naga soo qooraansaday, isaga oo ku baaqaya 'NABADAYN'. Indhowgaratadii barakaca noo horseedday ayaa, iyaguna, waxay ku baaqeen 'COLAAD'. Maxamed Aadan Sheekh, xusuusqorkiisii ayuu qiraal ahaan ugu dhex leeyahay: "Soomaaliya waxaa googooyay dagaal-oogayaasha. Dabadeed, waxay isku dayeen in ay xusuustii taariikeed micnatiraan, oo ka takhallusaan qiimi kasta oo ilbaxnimo iyo mid diineedba, iyo isgarabsi kasta oo walaalnimo. Waxay ku beddeleen dhaqanka cunfiga iyo nacaybka."

Doogta dagaalkii sokeeye, mugdiga xeryaha qaxoontiga, macaluusha iyo tacliinxumada, sidaynu u wadaagno ayuu soddomeeyo sanno ka dib weli facayagu u wadaagaa dhantaalnaan guud. Dhantaalnaantaas sidaynu u wadaagno ayaan, haddana, u wadaagnaa ka-la-qoqobid iyo ka la go' afkaareed iyo nafsadeed. Waxaan noqonnay xaabada lagu huriyo dagaallada diimaysan ama kuwa qabiilaysan. Dagaal-oogayaasha ayaa nagu awrkacsaday, sidii oo facayagu uu yahay kuwa u dhashay in ay geeriyoodaan uun. Halkaas kolka la joogo, waxa uu facayagu u ka la jabay laba qaybood: Qayb isu dhiibtay duruufta iyo bayhoofka. Iyo qayb geerida dhabarkeeda ka aragtay fursad iyo nolol cusub. Kuwa hore xabbadii dagaal-oogayaasha ayaa asiibtay. Kuwa dambena xeebta ayay ku le'deen. Isla kol kale, kuwa hore iyo kuwa dambe ee facayagu u ka la jabay waxay wadaagaan: quusta, qulubka iyo haybwareerka. Geerida iyo ayaan-darrada ayaan u dhalannay. Waalidiintu ayaankooda waxay ugu yeedhaan 'berisamaad'. Annaguna ayaankeenna waxaan ugu yeedhnaa 'beritacsiyaad'. Ayaankooda waxay ku sheegaan beryo nabadgelyo, iyo beryo bogsiimo. Annagu se waxaan ku sheegnaa beryo baroor iyo beryo bukooday.

Laba jeer dhibtoodayaal ayaan sidaas ku noqonnay. Marka hore, dhantaalnaan ayaan la kowsannay. Marka dambe se, waxaan qawadnay nolosha. Ayaanka burburka ee aynnu ku soo beegannay ayaa innoo qaabeeyay jiraal dhantaalan, xusuuswadareed dhantaalan, iyo taariikh dhantaalan. Facyadii naga horreeyay ee ay gacantoodu ku burburtay bulshadii intay geedka hoostiisa isugu yimaaddaan isma ay wayddiin ‘facyada innaga dambeeya nolol ma u abuuri karnaa?’ Haatanna, inta uu facayagu isu yimaaddo isma wayddiinayo; nolol ma abuuran karnaa? Faca xigana, nolol ma u abuuri karnaa si aanay u marin xanuunkii aynu marnay?

Ogobeey, waxaa biyakamadhibcaan ah in facayaga ay u taallo mas'alada jidubixinta dhantaalnaanta bulsho, qaayasoor haybeed iyo nololeed, iyada oo lagu xisaabtamayo dhantaalnaantaas guud lafteeda, la na hillaadinayo mustaqbalka. Maxamed Aadan Sheekh waxa uu ku lee yahay xusuusqorkiisa: "Xaalad kasta oo siyaasadeed, iyo sidoo kale mid ciidanba, waxaa jira tallaabooyin la kala doordooran karo. Waxaa jira jidad suuragal ah oo cidda middida daabkeeda haysaa ay ka fekeri karto, si ay u haleesho natiijada ugu wanaagsan ama ay uga baaqsato cidhibxumada ugu daran."

Haddaba, waa isla halkii abwaan Qaaqaa e 'Ku ma hago harkii ruux ambaday, goor habeennimo e', facayagu waa in uu middida daabkeeda ka soo dhufsado wax-iskumafalayaasha soddomaadka sanno ku dheggan ee aan curin wax-ku-oolnimo la majeerto oo lagu noolaado. Wax-iskumafalayaasha ambaday qarnigii tagay dhammaadkiisa, waa in facayagu aannu ka sugin hagitaan qarnigan aynnu billowgiisii la kowsannay innaga oo burbursan. Mar kale, waa in facayagu ka la doorto oo uu ka fekero tallaabooyinka, iyo jidadka suuragalka ah ee wax-ku-oolnimada leh si aan u helno natiijada ugu wanaagsan oo aan uga baaqsanno cidhibxumada ugu daran ee ay muteen facii ay gacantooda ku burburtay bulshadu. Sidaas oo ay tahayna, waa in uu facayagu ka xorroobo dhufsanayarayaasha qabiil iyo kudladaha jufo, oo uu dib u hagaajiyo tacliinta iyo xorriyadda feker si loo helo fekeryahanno barabixin karo bulsho hoobatay oo hawtulhamag ku sugan, soddomeeyo sanno.

Waa halkii Baasil Dheefidsan uu ka lahaa, markii uu qorayay curiska hordhaca buugga xusuusqorka Maxamed Aadan Sheekh ku jira: "Mustaqbalka Soomaaliya kolka laga fekero, kollayba ma dhici doonto in tagtadii lagu laabto. Waxaa dhici karta in taasi tahay sababta Maxamed Aadan aanu ugu sii tiigaalayn ka-sheekaynta guulihii 1970-nadii, maxaa wacay nafta lagu ma soo celin karo. Ugu yaraan la ma bakhti'afuufi karo, iyada oo la adeegsanayo isla jidkii iyo agabkii hore." Waxay i la tahay facayagu in uu iska diido in uu ku sugnaado dhantaalnaanta, iyo kootaysiga, ama uu dultaagnaado raqdii soddomeeyo sanno la bakhti'afuufayay, beddelkeedana uu liqo in waajibkiisu yahay dib-u-qeexidda iyo jidubixinta Soomaliyada ay dagaal-oogayaashu ka la googooyeen dib-isu-soo-dumiddeeda. Dabadeed uu facayagu isku dayo dib-u-dhigaalaynta taariikh micno leh. Dabadeed aannu hagaajinno qiimi kasta oo ilbaxnimo iyo mid diineedba, iyo isgarabsi kasta oo walaalnimo.

Facayagu waa in uu tashado oo uu beddelo dhaqankii cunfiga iyo nacaybka ee lagu burburay, oo uu ku beddelo dhaqanka isu-tanaasulka iyo isu-dumidda. Taasi waxay meesha ka saaraysaa, sida ay ila tahay, mashruuca kootaysiga iyo ka-la-qoqobidda ku dhisan ee ay wax-iskumafalayaashu hanyarida iyo muufaysigu dilooday ay dhiigga kaga miiranayaan facayaga iyo kuwa xigaba.

Qoraallada kale ee qoraaga