Sunday 7 June 2026
Halgamaa Xaaji Faarax Oomaar waxa uu ku dhashay sanadkii 1879 magaalada Xagal, ee Gobolka Saaxil. Xaaji Faarax waxa uu ka soo jeeday qoys xoolo dhaqato ah oo maalqabeen ah oo aad loo ixtiraamo. Tani waxay u sahashay Faarax oo aad u da'yar, inuu waxbarasho ka helo madarasad ku taal magaalada Berbera halkaas oo ku bartay Quraanka iyo afka carabiga.
Intaa ka dib, Xaaji Faarax waxa uu u guuray magaalada Cadan si uu waxbarasho dheeraad ah u helo, waxaanu Somaliland ku soo noqday 1904tii isagoo 25 jir ah, halkaas oo uu ku aqal galay guursadayna Shaqlan, waxa u dhashay Jaamac Xaaji Faarax oo isaga oo yar geeriyooday Faarax oo nool.
Markii uu dhamaystay waxbarashadii Cadan, waxa uu kusoo laabtay Somaliland, waxa ay masuuliyiintii Ingiriisku u magacaabeen inuu noqdo taliye ciidan taasoo ahayd markii u horaysay ee uu xil dawladeed qabto. Waaya-aragnimadii uu ka helay taliyonimada waxay qaabaysay aragtidiisa siyaasadeed, halkaa ayaanay ka bilaabantay aragtidiisii gumeysi diidka ahayd.
Wakhtigii uu taliyaha ahaa, taliye Ingiriis ah ayaa weydiiyey waxa ninka Soomaaliga ah ku filan mushahar ahaan iyo nolol ahaan. Xaaji Faarax, isaga oo ka jawaabaya ayaa ku yidhi “Ninka Soomaaliga waxa uu la simanyahay, lana midyahay ninka Yurubiyaanka ah.”
Jawaabtaasi waxay lama filaan ku noqotay taliyihii Ingiriiska ahaa. Wixii intaa ka dambeeyeyna, Ingiriisku waxa uu bilaabay inuu si dhow ula socdo dhaqdhaqaaqyada Faarax Oomaar. Mas’uuliyiintii Ingiriiska oo ka shakiyay, kana cabsi qabay Faarax kacdoon ku kiciyo maadaama wacyi ahaan kornaa, ayaa diyaariyey ciidamo tiro yar oo Soomaali ah si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqiisa.
Xaaji Faarax waxa uu la kulmay cadaadis, shirqoollo iyo been-abuurro badan oo la doonayey in lagu xukumo. Waxa ka mid ah dukumeenti been-abuur ah oo la sheegay inuu isagu qoray, Waxaana lagu soo eedeeyey in uu warqad u diray Sayid Maxamed Cabdille Xasan.
Faarax waxa uu deeq waxbarasho ka helay Hindiya, gaar ahaan Jaamacada Islaamiga ah ee Aligarh “Aligarh Islamic University”. Halkaas ayuu ku bartay culuumta sharciga, waxaana la sheegaa in uu ahaa Soomaaligii u horeeyey ee cilmigaas bartay. Intii uu Hindiya joogay, Xaaji Faarax Oomaar waxa uu kula kulmay halgamaagii Hindiya ee Mahatma Gandi, waxaanay noqdeen saaxiibo isu dhow.
Xaaji Faarax Oomar waxa uu Gaandi ka codsaday talo ku saabsan sida uu dadkiisa uga xoreyn karo gumaysiga. Gaandi ayaa weydiiyay "Dadkaaga intee ayaa wax qori karta, waxna akhriyi karta?" Xaaji Faarax waxa uu ugu jawaabay in wax ka yar boqolkiiba saddex ay wax qori, waxna akhriyi karaan. Gaandi markaas ku yidhi "Dadka caynkaas ah, in aad xorraysaa ha danbaysee, waxa suuragala inay adiga ku dilaan; ee iskaga fogow"
Markii uu dalka kusoo noqday, Xaaji Faarax Oomaar waxa uu shiriyey odayaal iyo madax-dhaqameed ay ka mid ahaayeen Qaaddi Ibraahim Shiikh Madar, Xaaji Cali Guhaad, Cabdi Warsame, Xaaji Aadan Cilmi Qabille, Xaaji Xusseen Warsame, Caydiid Qulqul Kamadoobe iyo Jaambiir Kaahin. Wuxuu ku yidhi: “Waar meel aan isugu nimaano oo aynu ku shirno ha la sameeyo” Waxay ku yidhaahdeen “Oo maxaynu nidhaahnaa”? Wuxuu yidhi “Khayriyad dhaha.”
Sidaas ayaa lagu aasaasay qayriyadaha dalka. Khayriyadda Burco ayaa ugu horraysay, ta Hargeisa iyo Berberana way ku xigeen. Halkaa ayeyna ka bilaabantay aasaaska khayriyadaha magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera, kuwaas oo noqday goobo bulshada wax looga sheego, wacyigoodana sare loogu qaado. Xaaji Faarax Oomaar waxa uu khayriyadaha u arkayey in goobahan yihiin meelaha uu dadkiisa ka hanuunin karo, taasina waxa ay aakhirkii keentay in dhaqdhaqaaqii gobonnimo-doonku cirka isku shareeraan.
Xaaji Faarax Oomaar waxa uu la kulmay qaybaha bulshada, isaga oo uga warbixinaya dabaylaha gobannimo-doonka ee dunida ka socday iyo sida Soomaalidu u moogantahay. Halgankiisu kuma koobnayn hadal keliya; waxa uu abuuray urur bulsheedkii ugu horreeyey ee nuxur siyaasi ahi na ku liqaansanaa. 1920 ayuu Cadan ku yagleelay “The Somali Islamic Association” (SIA). Naadi buu ahaa, hawlaha halganka na ku taxan. Xaaji Faarax Oomaar waxa kitaabka Oxford Encyclopedia qaybta taariikhda Islaamka casriga ah lagu tilmaamayaa inuu ahaa isbeddel-doon “Reformist” iyo Hogaamiye Islaamka Casriga ah “Modernist Islamic Leader”.
Faarax Oomaar halgankiisa gobonnimo-doonku kuma eekayn dhulka Soomaalida. 29-kii Diseembar 1939, rag ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha Falastiiniyiinta oo laga sii daayey jeelashii jasiiradda Seychelles ayaa yimid magaalada Cadan. Waxa soo dhoweeyey oo casuumad u sameeyey Ururkii Faarax Oomaar ee The Somali Islamic Association., Kulankaas, ururuku wuxuu si cad ugu muujiyey garab istaag buuxa iyo taageero ay u hayaan qadiyadda Falastiin, waxaana loo ururiyey lacag.
Dhinaca kale, maadaama Xaaji Faarax Oomaar Afhayeen u ahaa bulshadii Isaaqa ahayd ee Kenya ku noolayd, kuna doodayey in xuquuq la mid ah ta carabta iyo cadaanka la siiyo, waxa uu u arkayey haddii manhajka Ingiriiska laga dhigo Soomaali ay la xuquuq noqonayaan dadka madowga ah ee Kenya ku nool. Taasina dhib bay ku ahayd, xuquuq badana waa ku waayi lahaayeen. Xaaji Faarax iyo Jaaliyaddii Isaaqa ee Kenya waxay ku doodayeen inay bixiyaan cashuur la mid ah tan ay bixin jireen Carabta iyo Aasiyaanku. Sannadkii 1937-kii, codsiyadaa loo gudbinayey Dawlada Ingiriiska waxa hormuud u ahaa Xaaji Faarax Oomaar.
Sannadkii 1938, Xaaji Faarax Oomaar waxa loo magacaabay wakiilka Jaaliyada Isaaqa ee Kenya, si uu ugu doodo danahooda la xidhiidha maxmiyaddii British Somaliland. Saadia Touval, oo bare ka ahayd Jaamacada Tel Aviv, isla markaana qortay buugga “Somali Nationalism International Politics and the Drive for Unity in the Horn of Africa,” ayaa odhanaysa “Xaaji Faarax waxa uu ahaa mid ka mid ah siyaasiyiinta casriga ah ee ugu horreeyay ee ka soo baxay dhulka Soomaalida”.
Kadib markii loo doortay afhayeenka Jaaliyada reer Somaliland ee wadanka Kenya, waxa uu kusoo laabtay dalka, waxa uuna bilaabay ollole laysku xidhayo dadka dalka jooga iyo Jaaliyada Soomaalida ee Kenya. Xaaji Faarax waxa uu bilaabay in uu abaabulo mucaaradad ka dhan ah dedaalka Ingiriisku ugu jiray in la sameeyo manhaj afka-Soomaaliga ah. Xaaji Faarax waxa uu ka baqayey in haddii manhajkii la abuuro ay keeni doonto in Jaaliyada Somaliland ee Kenya ku nool lumiyaan maqaamkii ay ku lahaayeen wadanka Kenya, isku xuquuqna laga dhigo Soomaalida iyo dadka madowga ah ee Kenya ku nool. Isaga oo ujeedkiisu ahaa in Soomaalida iyo dalka cadaanka ah iyo Carabtu isku xuquuq noqdaan. Waxa kale oo uu ogaa in Ingiriisku rabay in diinta Masiixiga uu ku dhex faafiyo dhulka Soomaalida. Taas oo fududaan lahayd haddii manhajka af-Soomaali laga dhigo.
Isla sannadkii 1938, Xaaji Faarax Oomaar waxa mar kale loo magacaabay in uu noqdo afhayeenkii Soomaalida Burco. Odayaasha iyo cuqaasha Somaliland ayaa qoraal u gudbiyey Ingiriiska ay leeyihiin anaga Xaaji Faarax Oomaar ayaa na metela.
Waraaqda ayaa odhanaysa sidan “Anagoo ah Caaqillada iyo cuqaasha British Somaliland, waxaannu halkan ku bayaaminaynaa kuna saxeexaynaa in Xaaji Faarax Oomaar u dooranay in uu noqdo ninka metelaya danaha dadkayaga. Waxa aanu awood u siinay in uu metelo dhammaan arrimaha na khuseeya”. Waraaqdaa waxa ku saxeexeen sidan “Xaaji Faarax Oomaar, Habr Toljalla, Xasan Daahir, Qurba-Joogta Soomaaliyeed ee Isaaq.”
Isla sannadkaas, dadka magaalooyinka Somaliland ku nool, gaar ahaan Hargeysa iyo Berbera, waxay Xaaji Faarax Oomaar u doorteen inuu noqdo afhayeenkooda. Maadaama uu taageero balaadhan ka helay dhammaan magaalooyinka Somaliland, Ingiriisku waxay dareemeen in Xaaji Faarax Oomaar uu khatar weyn ku yahay danaha Maxmiyadda.
Aakhirkii, Ingiriisku wuu masaafuriyey Xaaji Faarax Oomaar, waxaanu ku xidhay Jasiiradda Suqadara. Waana laga ilaaliyey in la booqdo, maadaama Ingiriisku u arkayey nin xanbaarsan aragtiyo lidi ku ah. Dhibaato badan ayuu kala kulmay xabsigaas, waxaana laga soo daayey dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee Aduunka.
Xaaji Faarax Oomaar wuxuu geeriyooday sannadkii 1948, isaga oo da, ah.
Abwaankii weynaa ee Xaaji Aadan Afqallooc ayaa ka yidhi:
“Da'dii uu ahaa Faarax baa jeelka loo diraye
Haddeertuu siduu dilay arwaax dibedda meeraayee
Loo diid durriyadduu dhaliyo duunyaduu dhaqay.”
Hal-haysyadii Xaaji Faarax Oomaar waxa ka mid ahaa:
"Ingiriisku waxa uu xuquuqda bini’aadamka kaga yimaaddaa xafiiska la yidhaahdo Colonial Office ee London ku yaal."
"Ilaahayow, waxa aan arkayo ee aan dadkaygu arkayn, iyaga na tus!"
"llaahayow, ama aniga i indho-tir, ama iyaga indhaha u jeex!"
"Siddeed jirka Ingiriisku wuu garanayaa waxa aan ka hadlayo; siddeetan jirka Soomaaligu se ma garanayo!"