Skip to main content

Friday 16 January 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Buug

Faallo Kooban oo ku Saabsan Sheekada Xilligii Hayaanka Waqooyi

22 December, 2025
Image
Faallo Kooban oo ku Saabsan Sheekada Xilligii Hayaanka Waqooyi
Share

Xilligii Hayaanka Waqooyi waa Sheeko faneed uu qoray qoraagii Suudaaniga ahaa ee ku maammuusnaa Cabqariga Sheekada Carbeed, Dayib Saalax (1929—2009). Marka loo eego qarnigii labaatanaad oo ay soo baxday (1966) waxay ku tirsan tahay sheekooyinka sarsare ee heer caalami gaadhay ee loo turjumay ilaa 20 af, waxaanay noqotay tobankii ugu mudnaa Afrika iyo sheekada koowaad ama labaad ee Carabta. Sheekadu waxay daarran tahay sida taban ee uu gumeystuhu u saameeyo nafsadda, aqoonta iyo si’aragga la-gumeystaha ka dib marka uu ka kaco.

Sheekadu waxay ka dhacaysaa agagaarka tuulo ku taalla jiinka webiga Niil, Suudaan, ka dib marka uu weriyaha sheekadu ka soo laabto carro Ingiriis, Landhan, oo uu toddoba gu’ u joogay waxbarasho. Dhismaha sheekadu waa xusuus iyo hawaalawarran, oo barbaarkaas mutacallinka ah oo aan la magacaabaynin ayaa werinaya qisada, isaga oo ku bilaabaya: “Mudanayaal iyo marwooyin, muddo dheer oo aan Yurub isaga dhex gooshayay ka dib, waan soo guryo noqday. Muddadaas dheer, toddoba sano, wax badan baan soo bartay, wax badanina wuu iga lumay, laakiin taasi waa sheeko kale.”

Qisadu waxay bilaabanaysaa marka uu barbaarku ku soo laabto tuuladiisii sirmaqabeenka ahayd oo uu aad ugu xiisay, isaga oo aan nasaninna uu arko nin ay maldahnaan iyo hal-xidhaale badan uu ka dhex arkayo oo lagu magacaabo Mustafe Siciid. Waa nin tuulada soo degey shan sano ka hor soo laabaashada barbaarka, dadka beledkuna aysan aad u aqoonnin ee ay u arkaan uun qunyarsocod dantiigarad ah. Laakiin wuxuu kicinayaa hiyiga iyo faduusha barbaarka oo ka arkay wejigiisa iyo indhihiisa wax aysan dadka kale ka arag. Habeen danbe oo meel lagu kulmay laguna mirqaamay, wuxuu Mustafe oodda ka qaadayaa gabay Ingiriis ah oo uu si wacan ugu luuqaynayo, taas oo uu barbaarka u sii caddaysay in Mustafe yahay bad la moodayo balli. Muddo ka dib, si aad mooddo in Mustafe fahmay barbaarka, wuxuu u dhiibayaa sir kala dhiman oo ku saabsan noloshiisii buuqa, wareerka, amakaagga, ashqaraarka iyo anbadka badnayd ee uu soo maray. Qisadu waa baadigoobkii uu barbaarku ku ekeeyay noloshii Mustafe Siciid iyo wixii uu la kulmay.

Qoraaga sheekadu waa Dayib Saalax e wuxuu damacsan yahay in uu farta ku fiiqo sida uu ahaanayo xaalka la-gumeystuhu kolka uu kaco gumeystuhu iyo qodobbo kale oo bulsho. Dhaawaca gaadha haybta, dhaqanka, afka iyo si’aragga la-gumeystaha, ayuu mar isku dayayaa in uu furfuro jeer kalana farta ku fiiqo. Yaynu nahay? Qofku labo haybood oo is guba ma wada yeelan karaa, haddii ay dhacdana siduu u ekaan? ayuu iswayddiinayaa Dayib Saalax. Waxaa kale oo uu qoraagu sheekada ku dhex cubayaa masalooyin jiraal iyo kuwo bulsheed oo kakan, sida in uu qofku awoodo in uu isqori karo xusuus iyo hayb la’aan iyo in kale; qofku in uu ka xorroobi karo qofnimadiisii hore oo uu qaadan karo qofnimo kale, iyo in kale. Jidhka dumarka ayuu qoraagu inna sifaynayaa si ka badan intii lagu ogaa jidhkaas oo noqon kara goob dagaal; furin ay isku helayaan labo ilbaxnimo oo isdiiddani. Ugu danbayn, aniga oo qodobbo badanna ka tegay, qoraagu wuxuu iswayddiinayaa, qofku ma awoodaa jaangoynta masiirkiisa mise gacmo kale ayaa faraha kula jira hawshaas?

Haddaba, barbaarkii waxaa u soo baxaysa in Mustafe Siciid ahaa nin ka dhashay qoys agoon iyo sabool ah, labaataneeyadii qarnigii labaatanaadna u waxbarasho tegay Ingiriiska, Landhan, isaga oo sii maray Qaahira, Masar. Deeqdaa waxbarasho wuxuu ku mutaystay fahmaddiisa badan iyo fiiradiisa dheer oo u horseedi doona in uu aqoonta iyo dhaqanka Ingiriiska u keeno si fudud, hase ahaatee, isla markaana, uu eedi doono. Mustafe Siciid oo laga soo bilaabo gurigii uu ku dhashay ilaa iyo marka u danbaysa ee la waayi doono oo ah hal-xidhaale iyo maldahane socda, wuxuu carro Ingiriis ku galayaa loollan nafsadeed iyo mid ilbaxnimo oo adag. Aqoonta dhaqaalaha ayuu heer sare oo bare ku siman ka gaadhayaa, wuxuuse hoosta ka galayaa nolol qadhaadh oo ay isku dilayaan Galbeed iyo Bari.

In uu yahay duullaan ka-dhan ah gumeystaha uu la joogo, oo uu weliba kaga aarsanayo aqoonta ay bareen iyo fariidnimada uu u dhashay, ayuu isugu sheekaynayaa. Aarashadaas wuxuu u marayaa jidhka dumarkii caddaanka ahaa ee ugu sirmay xogjacaylka ay u qabaan dunida iyo dadka Bariga oo ay isaga ka dhex arkeen, wuxuuna la samaynayaa xidhiidh ku sar go’an gumeyste iyo la gumeyste, xidhiidhadaas kakani waxay u horseedayaan in haweenkii badnaa ee uu la xidhay saddex ka mid ahi ay isdilaan, Jayn Mooris, oo ahayd midda uu guursadayna, uu isagu dilo.

Mustafe Siciid wareerka uu galay ee iswaaga iyo cadhada ah ka sokow, wuxuu isku dayayaa in uu galbeedoobo, wuxuuse is arkayaa isaga oo la bariyaynayo, Barigaas oo uu isna ka salkacay. Dilka xaaskiisa ayaa loo maxkamadaynayaa oo uu dabadeed muddo ku qaadanayaa xabsiga, ugu danbaynna waxay doonta waayuhu ku rogaysaa dalkiisii iyo tuuladii yarayd ee ay barbaarka isku arkeen. Mustafe in uu soo noqdo, oo illoobo waayihii uu soo maray, halkanna is ahaysiiyo ayuu isku dayayaa, waxayse u badanaysaa dhaandabagaalle.

Mustafe Siciid wuxuu sheekada ku matalayaa facii wax ku waxbartay gacmihii gueaysiga ee noqday hashii labada geel midna oggolaan wayday ee libaaxu dhexda ku cunay. Wuxuu jilayaa qofka, qaranka iyo aqoonyahanka cadhooda ee damca in ay aarsadaan iyaga oo wata isla hubkii iyo aragtidii ay ka cadhoodeen.

Mustafe Siciid waxaa loo waayayaa si aan caddayn u se badan in uu ku qorqoormay webiga oo maalmahaas kacsanaa. Waxaad mooddaa in ay Mustafe ku habboon tahay heestii uu Digfeer ku luuqayn jiray ee ahayd:

“Qofkii naftiisa siri kara

Horta miyaad sina u aragteen?

Suurtoobi maysoo...!”

Tiirka labaad ee sheekadu waa barbaarka oo laftiisu haybwareerka iyo hoy la’aanta la qaba Mustafe, laakiin ka duwan. Isagu waa faca ama qofka aayar u fiirsada dhinacyada is haya, xagna niyadda san ee doonaya in la isu keeno wixii isqaadan kara. Waa faca iyo qofka doonaya in la diido iskacaabbinta wixii ku hurran iyo ka cararka xaqiiqada lamaseegaanka ah ee ku baaqaya in haybwareerka laftiisa, haddiiba uu yimaaddo, la aqbalo oo lala noolaado iyada oo intii taag ah sida wanaagsan wax loo beddelayo. Qodobka xiisaha lihi waxa weeye in isaga iyo Mustafe, maaddaama oo ay wax yar uun ku kala duwan yihiin, ay isku masiir noqonayaan, laakiin isagu uu san isdhiibaynin isaga oo marka uu webigu liqo, ee uu dhimasho wax yar u jiro, qayladhaan afka furta: “Ii birmada! Ii birmada! Waan jirayaa! Waan jirayaa!”

Sheekada waxaa ku jira qofaf, hal-xidhaalayaal iyo masalooyin intaas ka badan. Waxaa ku soo noqnoqonaysa tuulada oo u taagan miyinnimadii, sirmaqabeennimada, xididdadii laga beermay iyo xusuustii la lahaa. Waxaa ku jirta Landhan oo ka soo horjeedda tuulada, oo ah ubixii quruxda iyo udgoonka badnaa, balse qodaxda watay. Waxaa ku jira webiga oo si cajiib ah iyo meelo cajiib ah ay nolosha iyo geeridu si siman uga soo mudhayaan. Waxaa ku jirta maktabad Mustafe u qarsoonayd oo uu furaheeda u dardaarmo barbaarka, una taagan aqliga aqoonyahanka Afrika ama la-gumeystaha dadkiisu ay ka oomman yihiin meelo kalana aan laga rabin.