Tuesday 24 June 2025
Sannadkii tegay (2024) waxaa dunida shaashadaheeda la saaray filin saddex saacadood iyo badh soconaya oo caaqibo leh—"The Brutalist"— oo ah nusqad filimeed sheekadiisu male-awaal tahay oo ay wada qoreen Corbet iyo Mona Fastvold, kaas oo laga matalay qisada naqshadeeyaashii muhaajiriinta ahaa ee ka bedbaaday xasuuqii Naasiyiinta ee Holokoostigii. Sheekada filinku waxay isaga kala gooshaysaa nuxurro dadnimada iyo harjadku saldhig u yihiin, sida looga bartayna badi jilaa Bile Andre Brody waxa uu loofaar ku yahay jilidda sheekooyinka barakaca iyo gummaadka. Haaheey, waa halka uu ku hantay labadiisa Oskar e; Tha Pianist iyo kan aan falanqayn rabno oo ah, The Brutalist. Saddexda saac iyo badhka filinku soconayo, waxa uu isaga dhex gooshayaa; barakac, hayaamid, harjad, iyo doorsoon. Sida laga dhadhansan karo filinka kolka lagu akhriyo aragtidii Segmund Freud ee ahayd; waaya-aragnimada hore iyo duunka hoose (Subconscious) ee qofku in ay door weyn ka ciyaaraan shakhsiyaddiisa. Isla jeer kale filinku wuxuu inna soo hordhigayaa sida waaya-aragnimada shakhsiyadaha gummaadka Naasiyiinta ka soo carraabay weli u la nool yihiin doogtiisii iyo sida ay u doonayaan in ay doogtaas ka baxsadaan; weliba iyaga oo ka soo dhaqaajinaya dhulkoodii Hangeri. Waa halkii Rashiid Gadhwayne e; qof kasta maskaxdiisa waxaa sameeya dadka kale, filinka dhexdiisa shakhsiyadaha ka soo doolaya dhulkooda kolka ay yimaaddaan Maraykanka ee ay ku soo dhexdhacaan harjadka iyo burjuwaasinimada waxa ay yeelanayaan habdhaqan cusub, waxaana soo wajahaya doorsoon hor leh.
"In halkii sal hayn waayo
Laga sabarogtaa door ah" - Maxamed I. W. "Hadraawi"
Meeriskaas ayuu filinku ka kacayaa. Halkaas ayayna ka furmayaan golatusyada u horreeya ee filinka iyo xabkada sheekaduba. Halka ay naftu ka helayso nolol ayay ku noolaan kartaa, oo ay ku negaataa. Bilowga hore ba, waxaan la kowsanaynaa qaxootinimada injineer naqshadeeye ah oo xardha naqshadaha dhismayaasha, oo dhulkiisa ku nabadgali waayay; waa László Tóth, oo ah Yuhuudda Hangeri. Waxa uu ka mid noqonayaa qoysaskii firxadka ahaa ee ka firdhanayey gummaadkii Naasiyiintu u gaysanayeen bulshadaas. Toth wuxuu u soo qaxayaa carriga Maraykanka, isaga oo kaligii ah, xaaskiisa iyo qaraabadiisa kale na waxa uu kaga soo tagayaa Hangeri. Wuxuu bilaabayaa in uu harjado si uu nolosha u la halgamo. Hibadiisa ayuu ku caano-maalayaa, waxa uu na furanayaa dukaan yar. Diillinta u dhaxaysa nolosha iyo geerida ayaa ah; harjadka iyo halganka. Si uun haddii loo bariiqsado diillinta geerida ayaa loo gudbayaa, si loo sii noolaado waa in la sii harjadaa. Halka lagu negaan waayo in laga carraabo ayaa door ah—sidaas ayuu u soo carraabayaa naqshadeeye László Tóth, si uu u abuuro fursado, in kasta oo uu la halgamayo nolosha Maraykanka iyo dabaqadaha, iyo dhiigmiiradnimada hantigoosiga, haddana waxa uu dhambaallo ku la xidhiidhaa xaaskiisa iyo qoyskii uu kaga soo tagay xaalkii cakirnaa iyo gumaadkii, taas oo dhaawacyo nafeed isaga laftiisa ka soo gaareen oo waxa uu noqonayaa qof maandooriye-ku-nool ah—si uu isu dhaafiyo doogtii la degtay.
Naqshadeeye László Tóth, waxa uu maalin la kulmayaa fursad uu saaxiibkii oo ay soo wada qaxeen uu ku soo xidhay, taas oo ah in uu qoys aristograadi ah u naqshadeeyo maktabad. Kaddib ka soo dhalaalidda shaqadan wax ay isbaranayaan aabbaha qoyska oo ah ganacsade hantigoosi talaxtagay ah, oo u soo bandhigaya fursad naqshadayn dhismo ah, misana loo yaqaanno; The Brutalist. Mashruucaan naqshadaynta ah waxa uu ka dhex helayaa kansho uu ku soo bandhigo hibadiisa, halkaas ayuu ku la yeelanayaa xidhiidh; isagu dadnimo u arko, se gacansadaha hantigoosiga ahi danaysi dhankiisu ka yahay. Dhallanrog ayaa ku dhacaaya, oo waxa uu la qabsanayaa iyo nolosha danaysiga ku dhisan ee burjuwaasiyiinta. Dakhliga fursadddaas ka soo gala, ayuu xaaskiisa iyo gabadh uu adeer u yahay ku keenayaa Maraykanka.;
"Waa laysku soo noqon
Wixii nool adduunyada."
Bartan ayey ka billaabanayaan sheekooyin cusub oo seeskoodu yahay ka warramidda akhlaaqda, qiyamka, bogsiimada iyo harjadka, iyada oo ay dabaqaduhu ku ka la duwan yihiin samaysanka akhlaaqda iyo qiyamka.
Naqshadeeye László Tóth, marka uu tareenka kaga hortago xaaskiisa, waxa uu la kulmayaa iyada oo kursiga cuuryaamiinta ku fadhida; intii ay dhambaallada u soo diri jirtayna waa ay ka qarin jirtay dhaawaceeda. Wuu aqbalayaa xaqiiqdaas foosha xun, balse, iyadu waxa ay la kawsanaysaa dhallanrogga ku dhacay ninkeedii, isaga oo nidaamka burjuwaasiyiintu qaabeeyay akhlaaqdiisa cusub iyo qiyamkiisa ku dhisan; kasbashada aan loo meel dayin.
Ogobeey, waxa uu sidaas xaal yahay ba waxaan arkaynaa in xilliga iyo deegaanka burjuwaasiyiintuba iyada lafteeda ku riixayaan in ay harjaddo; sidaas ayayna uga shaqa bilaabaysaa wargeys. Xidhiidh murugsan oo aan lahayn dhadhan badan, ayay ka la kulmaysaa dhinaca saygeeda walow ay iyadu ugu dhaaranayso: si kasta oo xaal yahay in ay la joogayso. Haddana, waxa uu filinku dhinaca kale soo muujinayaa xidhiidhka kalafogaanshaha ku danbaynayo ee dhexmarayo xaaska naqshadeeyaha iyo gabadhii ay wada socdeen ee kurisga ku riixaysay una adeegaysay. Kala fogaanshahaasi waxaa abuurayo harjadka ay nolosha u wada galayaan iyo shaqooyinka ku dhisan halganka; si nolosha loo sii socodsiiyo.
Saddexda saacadood iyo badhka ee filinku waxa ay dhalaalinayaan nuxurro kala jaadad duwan oo qofka, bulshada iyo talisyadaba lagu darsayo oo lagaga warramayo dabaqadaha iyo qiyamka qofeed, iyo waliba la noolaanshiyaha doogta iyo harjadka nolosha. Kolka hore, golatusyada filinka waxaa lagu ibafurayaa barakaca iyo qaxa qof ay waayaha iyo talis qooqaa hoggaan u yahay u diideen in uu dhulkiisa ugu noolaado si xorriyadi ku dheehan tahay oo uu ka helo nabad iyo nolol karaamo leh. Naqshadeeye László Tóth, ayaa sidaas uga soo tagaya dhulkiisa, dadkiisa iyo xigtadiisa. Ka rogoo haddana saar, wuxuu la soo qaxayaa hibadiisa, akhlaaqdiisa, qiyamkiisa iyo haybtiisa walow uu ku dhici doono doorsoon oo deegaanka cusub ee uu tago; waa halkii Ibnu Khalduun e, uu raadeyn doono. Dadka cusub ee burjuwaasiyiinta ahina ay maskaxdiisa samayn doonaan; waa halkii Rashiid Gadhwayne. Harjadka uu nolosha la gelayo iyo ka baxsashada geerida iyo gummaadkii Naasiyiinta ayaa ah nuxurka ibbafurka u ah filinka.
Kalka xiga, László Tóth iyo xaaskiisa waxay wadaagayaan xidhiidh ruuxeed iyo nafo doog la nool, iyaga oo sita doogtaas ayay imanayaan dhul danaysiga, iyo burjuwaasinimadu baarka sare joogaan. Sidaas ayay labadooduba u haynayaan xadhigga diillinta u dhaxayso nolosha iyo geerida; waa harjadka e, si ay nolosha u sii socodsiiyaan. Dib-u-kulanka naqshadeeye László Tóth iyo xaaskiisa waxaa dhex ahaaday goletusyo murug badan; oo waxa ay xaaskiisu u imaanaysaa isaga oo doorsoomay, doogtii nafeed ee haysatayna isku dhaafiya maandooriye, deegaankuna doorriyay, isaguna uu la harjadayo dabeecadda cusub si uu u sii haysto qiyamkiisii iyo qaayasoorkiisii.
Kalka danbe, waxa uu filinku inna tusayaa dadnimada xaaska László Tóth, iyo maaddinimada qoyska aristograaddiga ah ee mashruuca dhismaha iska leh. Xusuus waarta waxaa leh kaalinteeda akhlaaqeed, dadnimadeeda saafiga ah iyo garabgalkeeda. Halka isaguna uu la harjadayo akhlaaqda burjuwaasinyiinta, qiyamka kasbashada ku dhisan, iyo sida guud deegaanka uu u soo doolay.
"Adduunyadu quruxba male
Nolosha qabyadaan ku nacay.”- Qaal Maxamed.