Skip to main content

Wednesday 9 July 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Masrax
Title

Faallo Filin: Cabsidu Ruuxday Cuntaa

13 June, 2025
Image
Faallo Filin: Cabsidu Ruuxday Cuntaa
Share
Hordhac

Waa hubaal in agabyada filin duubista sida kaamiraduhu horumareen, filinduubistuna heshay agabyo iyo shirkado fangareeya; haddana ay sheekadoodu siyaalo badan dhadhan u lahayn oo aanay shineemada casriga ahi daaddihinaynin doodo falsafiya, kacdoonno iyo u kuur gelid waayaha bulshada. Shalay barbar dhig maanta; goor agabka muhiimka u ah filin duubistu koobnaayeen, kaammiradaha garbaha lagu xanbaarayay, jilistu aanay caannimo ku xidhnayn, filinduubistu adkayd, oo ay sheekada la soo gubinayaa dhadhan lahayd, oo ay xanbaarsaneyn aragti falsafadeed, oo kacdoon iyo kasmaaxinba filinku abuurayay; oo filinsameeyuhu dugsi falsafadeed ama fekeraa ahaa. Kaalay oo la kulan mar noloshaada ka mid ah: Rainer Werner Fassbinder, oo ahaa; agaasime, jilaa iyo milodaraamiiste, dareen-abbaarkiisuna ahaa dhaqanka Jarmalka iyo dhaqandhaqaalaha diirad saarkooda. Mudane Fessbinder waxa uu hormuud u ahaa “Kacaanka cusboonaysiinta shineemada Jarmalka”, sida oo kale na soo muujinta dareenka ayuu loofaar ku ahaa. R. W. Fessbinder waxa uu filinkan "Ali: Fear Eats the Soul", soo saaray, billowgii toddobaatanaadkii. Kaliya agaasinka filinka ma uu weelayn e, sheekada filinka iyo soosaaristana isaga ayaa weeleeyay.

Xabkada sheekada filinka

Waxaa lagu furfurayaa hees ka dhex baxaysa baar ay xilli danbe dhex taagan yihiin, gabadha baarka ka shaqaysa, iyo saddex ruux oo kale oo uu ka mid yahay arbaha sheekada oo marookaan soogalooti ah. Heeska oo baxaysa, ayay islaan cajuusad ahi soo galaysaa iyada oo ka sii carartay dhibcaha roobka iyo qabowga daran ee bannaanka ka jira. Gabadhii shaqaalaha ahayd ayaa u tagaysa, oo ku odhanaysa; maxaad dalbanaysaa? Dalab u ma aan imaan, oo dhibacaha ayaan ka soo okartay; ayay ku gaabsanaysaa duqdu. Gabadhu se waxay u dulmaraysaa dalabyada diyaarka ah ee laga cabbi karo baarka. Deedna, duqdu waxay ku gaabsanaysaa; Kooka ii keen, fadlan. Waxaa la soo hordhigayaa Kookadii. Soogalootigii—Cali—ayaa indhaha la raacaya duqda keligeed dul yuururta miiska dushiisa. Waxa uu go'aansanayaa in uu duqda u tago, oo uu ka dalbado in ay la jaasto. Gacanta ayuu qabanayaa oo u soo kaxeenayaa dacalkii muusiggu ka yeedhayay.

Qoobkacayaarkaasi waa ka beddelaya nolosha duqda Jarmalka ah, dareenkii lexjeclida ee kaga dhex lumay geeridii seygeeda Boolishka ahaa kaddib ayaa u soo noqonaya oo ay caashaqaysaa soogalootigan Marookaanka ah ee madow. Cali, qoobkacayaarka kaddib, koodhkeedii ayuu u xidhayaa duqda, oo dabadeed sii dhowaynayaa. Gabadhii baarka ka shaqaynaysay, oo uu Cali xidhiidh hoose oo kol danbe soo muuqan doona ka la dhaxeeyayna way ka hinaasaysaa.

Yeelkeed e, Cali duqdii waxa uu gaynayaa gurigeeda. Kolkaas ayay ka codsanaysaa in uu kafee cabbo, inta roobku joogsanayo. Kafee bay u keeni, oo ay uga warrami; Aabbaheedii Naasiga ahaa, ee necbaa soogalootiga. Seygeedii geeriyooday iyo labada carruur ee ay dhashay, iyo cidlada ay la nooshahay. Roobkii oo aan joogsan dartiis, ayay duqdu Cali ka dalbanaysaa in uu seexdo gurigeeda subaxdiina sidaas ugu kallaho shaqadiisa xoogsiga ah ee makaanigga. Dharkii hurdada ee seygeeda ayay u keenaysaa, oo qol siinaysaa. Nasiibdarro se Cali, hurdo ayaa ka soo dhici waayeysa dabadeed waxa uu u soo soo dhaqaajinayaa dhankii uu ka xigay duqda; iyada oo akhriyaysa wargaysa ayuu u soo galayaa oo ku cataabayaa xasuuso uu la hurdo beelay. Kolkaas bay sarriirta dhinac ka soo fadhiisinaysaa; habeenkiina sidaas ku wadaagayaan galmo.

Subixii, kolka ay soo kacdo, ayay la fajacaysaa soogalootiga madow ee dhinac jiifa iyo gogoshii ay wadaageen. Cali, oo ku hawlan cabbista kafeegii ay u samaysay ayay ugu cataabaysaa; anigu cajuustan la deeriyay baan ahay, ee seygeedii ciiddu liqday ee carruurteedu kolkay koreen ka dhaqaajiyeen ee bayhoofka nololeed dhex jibaaxaysa. Isaguna wuxuu ugu laabqaboojinayaa; waad qurux badan tahay, oo hubaashii waxaan doorbidayaa in aan ku la noolaado! Fajac, ayay ka qaadaysaa oo ay halkaasi ka dhalanaysaa xabko iyo jaantaarogan qurux badan. Kalgacalka ay wadaagaan ayay deriska u sheegaysaa; way ku deyrinayaan oo ay iska soocayaan islaanta duqda ah ee xeerkii ka-la-koritaanka jebisay, soogalootiga madowna nolosha la wadaagaysa. Gabadhii ay dhashayna, kolka ay u sheegto in ay kalgacal u qaadday nin soogalooti ah ayay iyaduna ka maadaysanaysaa. Dukaanlihii deriska, kiroolihii illaa iyo saaxiibbadeedii ayaa faquuqaya oo ku dhaleecaynaya; iyada oo duq ah in ay xidhiidh la yeelatay wiil ka yar, haddana kaaga sii daran e, soogalooti madow ah. Murugsanaantaas billowgeeda ayay duqdu (Emmi Kurowski) naawilaysaa rejo iyada oo cakirnaantaas ugu laabqaboojinaysa gacalliyaheeda ku odhanaysaa: "Kolka aynnu wadajir noqonno, waa in aan isu wanaagsanaannaa, si ay noloshu qiimi u yeelato."

Waxa uu sidaas xaal yahayba, Emmi, waxa ay u adkaysan waynaysaa faquuqa iyo ka-la-furashada ay la kulantay oo dabadeed ay Cali ka codsanaysaa: in ay ka haajiraan dhulkan baas, oo ay tagaan dhulkii uu ka yimi, halkaas oo aan lagu faquuqayn, cidinna ka aqoon oo ay ku wadaagi karaan kalgacal iyo nolol xasiloon. Bartaas bay ka curanayaan nuxurro la ma dhaafaan ah. Nasiibdarro se, soo noqoshadaas kaddib, Cali waxa uu ka dun furanayaa duqdii, oo dhexjibaaxayaa iswaayid. Waxa uu dib ugu noqonayaa gabadhii baarka ka shaqanaysay, oo uu gogol la wadaagayaa. Emmi Kurowski, iyaduna waxa ay dib ugu noqonaysaa cidladii iyo kelinoolaanshiyihii. Ogobeey, goor danbe isaga oo dhexfadhiya baarka ayay soo galaysaa Emmi Kurowski baarka. Kursigii billowga ayay fadhiisanaysaa, isla tabtii oo kale ayay Kooka dalbanaysaa. Inta ay soo kacdo ayay Cali, ka dalbanaysaa in uu la ciyaaro. Isla tabtii oo kale. Isaga oo dhexda ku dheggan ayuu Cali, waydiinayaa duqda; Gacallo, haddii aan wax kuu sheego armaad carroon? Maya, bay kaga gaabsan oo waxa uu u sheegayaa; in uu naag kale la seexday, oo uu noqday qiyaanoole! Si fudud bay ugu niyad dejinaysaa; in ay weheshiiga u baahan tahay iyo kalgacalkiisa, oo ay ogsoon tahay dhabta ah, in aannay baahidiisa laboodnimo dabooli karin!

Nuxurradda iyo doodda filinka

Kalka hore: Gabowga iyo kalgacalka. Isu keenidda duqda (Emmi Kurowski) iyo soogalootiga madow, ee haddana da'doodu aad u ka la duwan tahay, waxa ay muujinaysaa asaaska guntinaha ama sakalaha iyo dhismaha sheekafaneed ee filinka. Aslan ba, xeerar aadanuhu iska dhaxlo ayaa samaysma oo qodobkani waxa uu ka mid yahay kuwaas. Si gaar ah haweenku kolka ay gaboobaan in ay xidhiidh samayn karaan. Tabtaas geddigeed, xidhiidhka jinsiga ah waxaa lagu koobaa sannadaha dhallinyaranimo, iyo si kale duqda (Emmi Kurowski) waxa ay dhibta ugu badan ku mutaysanaysaa xidhiidhka ay billaabayso iyo guurka ay gelayso. Iyadu waxa ay ka jiitamaysaa cidlada, iyo sarriir ku-aruuriddda, taa baddelkeedna waxa ay doorbidaysaa ka baxsashada go'doonkaas nololleed.

Kalka xiga: nolosha soogalootiga. Si xiiso leh ayuu filinku u dersayaa nolosha soogalootiga, iswaaga ay la nool yihiin iyo sida ay u qabbatimeen faquuqa iyo sharaf-dhimaalka sida joogtada ah loogu gaysanayo carriga ay joogaan. Cali, shaqada xoogsiga ah ee uu ka shaqeeyo, qammaarka uu qarashkiisa ku beeldarreeyo iyo iskadabawareegga uu la nool yahay ayuu dhinaca kale filinku darsayaa. Faquuqa lagu hayo, waxa uu Cali u sameeyay xad lamadhaafaan ah iyo nolol harjad ku kooban uun. Taasi waa ta u diidaysa soogalootiga madow ee Marookaanka ah in uu dhaafo baarka khamriga, sharadtanka turubka iyo la jiifsiga haweenka ka la geddisan si uu kaga dhuunto madhaxnimada jiraalkiisa iyo goobada cunsuriyadda.

Kolka u danbaysa waxa uu filinku ka warramayaa kadeedka nafeed ee faquuqa, soocidda iyo ka-la-furashada; taas oo qiraalkeeda aannu ka arkaynno muuqyada filinka; in qofku aannu ka maarmin bulshada. Had iyo jeeraalle qofkuna u dabran yahay xeersoocanka bulshada, iyo abkasoogaadhnimada. Oo haddii uu ka furtana? Isla qiraalka waydiintaas ayuu filinku ka jawaabayaa oo jilalka iyo muuqyada ayaan ka dhex arkaynaa dhibaabaha ay la kulmayso duqda kolka ay jebiso xeerka; ka-la-sarraynta midabbada iyo xidhiidhka jinsiga. 

Ogobeey, filinku dhaliisha bulsho, dhaqan iyo ummadeed kolka laga yimaado waxa uu mutay abaalmarinno sinemow oo gudeed iyo dibadeed. Waxaa se uu mutay filinku kalgacalka iyo dareenka daawadayaasha iyo fekaraayada bulshada. Waxa uu dhab'abbaarayaa kalgacalka, haybsooca, kasmanafeedda iyo xanuunnada sooca, da'da, kalgacalka iyo soohdinta bulshada.

Qoraallada kale ee qoraaga