Sunday 18 January 2026
Buuggan la magacbaxay "President Aden Abdulla: His Life and Legacy", waa xasuusqor ku saabsan madaxweynihii kowaad ee Jamhuuriyaddii Soomaalida, Aadan Cabdulle Cismaan oo ku magac dheeraa "Aadan Cadde." Waxa buugga tafaftiray oo qoray Maxamed Ciise Trunji oo macruuf ku ah shaqooyinka macnaha leh ee uu ka qabtay dersidda iyo qoridda taariikhda Soomaalida. Buuggu waa taariikh-nololeed lagu gaalaabixiyey noloshii korniin, waxbarasho, halgan iyo siyaasadeed ee madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan. Waxa uu buuggu ina dhex geynayaa nolol kakan, suququl ah oo waleecaad badani dhex ceegaago sida uu uga soo dhex baxayo inan kaalin maguuraan ah ku darsan doona geeddisocodka siyaasadeed ee Jamhuuriyaddii Soomaalida. Waa dhigane ay ka buuxaan waayo-aragnimo siyaasadeed, bulsheed iyo dhaqan. Maqaalkan waxa aynu kaga warrami doonnaa buugga, innaga oo faaqidaynna noloshii barbaarinneed iyo siyaasadeed ee Aadan Cabdulle. Waxa aynu dul istaagaynaa casharrada muhiimka ah ee ay ka baran karaan jiilka xiisaha daran u qaba taariikhda siyaasadeed ee Soomaalida.
Aadan Cabdulle Cismaan waxa uu gu'gii 1908/1909 ku dhashay Ceel Qurun, oo ku dhow magaalada Beledweyne. Kolkii uu dhashay kaddib, bilo yar waxa kala tagay labadiisii waalid. Kolkii uu sannad jirsadayna waxa xijaabatay hooyadii, oo sidaas waxa uu ku noqday madi rajay ah. Aabbihii waxa uu ahaa halgamaa isticmaardiid ah, oo waxa uu qayb ka ahaa halgankii Daraawiishta ee uu hoggaaminayey Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, isaga oo u tacabbiray Taleex oo ahayd xaruntii Daraawiishta. Kolkii Daraawiish iyo Sayidka la soo jabiyey, waxa uu dib ugu soo laabtay deegaankii isaga oo la kulmay reerkii oo xoolo iyo hanti beelay. Sidaas waxa uu ku noqday geeljire xoolaraac ah, taas oo uu kala kulmay halis naftiisa soo wajahday. Waxa dhacday in maalin uu soo weeraray libaax halis geshay naftiisa, walow uu san dilin, haddana waxa uu kaga tegay wanqar culus, oo carqaladeeyey in uu noloshiisa tabcado, kana dhigay dhulyaal. Aadan Cabdulle nolol adag ayaa soo foodsaartay, sidaa awgeed waxa uu ku qasbanaaday in uu noqdo ruux is koris ah, oo noloshiisa la halgama, oo intii tamartiisa ah meel ka soo baxa. Sidaa awgeed, judhiiba waxa uu bilaabay in uu noqdo kabalyeeri iyo weelxale, isaga oo ka shaqayn jiray makhaayadaha cuntada. Waxa uu shaqayn jiray saacado badan, waxa uuna ka dhaxlay xanuunno la xidhiidha maqaarka, walow kolkii danbe lagu guulaystay in laga daaweeyo. Shaqadaas mixnadda badani waxay xilliyada qaar u ahayd isha keli ah ee uu masaariifsado, maaddaama aabbihii dhulyaal ahaa meel uu taageero dibadeed ka helana aanay jirin.
Aadan Cabdulle, dhibaatooyinku noloshiisa ayey deris la ahaayeen. Waxa in la xuso mudan mashaqadii uu ka maray tacliin iyo wax is barid. Intii uu joogay magaalada Baydhabo, ayaa waxa uu Talyaanigu ka furay dugsi waxbarasho. Aadan, dugsigaas ayuu galay isaga oo u arkayey fursaddii ugu weynayd ee noloshiisa soo marta. Waxa se uu ismageydo kala kulmay in uu waxbarto iyo in uu shaqaysto, maaddaama aanay jirin cid nolosha tacliinta ka taageeraysay. Sidaa awgeed waxa soo wajahay culays aad u weyn, taas oo keentay in uu la wadaago macallinkiisii Talyaaniga ee la odhan jiray, Giuseppe Tusso oo ahaa nin aad tudhaale iyo naxariis ugu hayey. Waxa uu sheegay in Tusso soo dhoweeyey oo uu wax kala qabtay caqabaddii jirtay, isaga oo siiyey shaqo guri oo ah in uu u noqdo caawiye-cunto-kariye (cook helper), taas oo uu ku qaadan jiray shilimaad yar oo mushqaayad ah oo uu nolosha isaga debbaro. Aadan Cabdulle, waxa uu tilmaamay in Tusso uu u galay abaal lamadhaafaan ah, waxa uu yidhi: "waxa uu ahaa nin aad deeqsi iigu ah sannadihii hore ee aan Baydhabo joogay. Waa nin aanan illaawi karayn, mana illaawi doono." Aadan Cabdulle, waxa uu ku barbaaray oo ku kacaamay nolol qallafsan oo cayn kasta oo caqabada leh. Bilowgii waxa uu noqday rajay madi ah, sannado kaddib waxa u raacday agoonnimo maaddaama aabbihii go'ay. Waxa uu ku soo koray nolol is korisnimo ah. Waxa u dheeraa cadaadiskii, cabbudhintii iyo cunsuriyaddii uu kala kulmay gumeysigii Faashiistaha ee Talyaaniga, taas oo si daran noloshiisa raad xooggan ugu yeelatay. Ninkii nolosha caynkaas ah ku soo koray, kolkii uu madaxweyne noqday meelna noloshiisii siyaasadeed kagama dhigna xukunka iyo xoolo urursiga madaxda Afrikaku shaacbaxday. Bal e, waxa uu hormuud u noqday daahfurnaan maamul, musuqmaasuqdiid, dhaqan dimuqraaddiyadeed iyo samaddoonnimo ummadeed. Sidaa awgeed ayuu Cabdi I. Samatar ugu yeedhay Aadan Cabdulle iyo Cabdirisaaq X. Xuseen, "Dimuqraaddiyiintii ugu Horreeyey ee Afrika", isaga oo xusay in hoggaamintoodii dimuqraaddiyadeed ay Afrika caynkeedu ku yaraa. Sababta oo ah qaaradda waxa curyaamiyey oo asaaggeed ka reebay xukun shakhsi ah (personal rule), oo wiiqay dareenkii iyo lahaanshihii dawladnnimada.
Sannaddii 1943 waxa dhidibbada loo aasay ururkii la odhan jiray SYC (Somali Youth Club), kolkii danbe se loo beddelay SYL (Somali Youth League) oo ahaa xisbi qawmi ah oo u dhaqdhaqaaqayey gobonnimada iyo midaynta Soomaalidii isticmaarku kala qoqobay. Asaasiddii SYL, Aadan Cabdulle waxay u ahayd bartii isbeddelka, oo waxa uu sannaddii 1944 kaga biiray xisbiga magaalada Baydhabo oo uu markaas ku noolaa. Waxay halkaas jaal siyaasadeed ku noqdeen rag ay ka mid yihiin: Sheekh Cali Jimcaale (1905-1979) iyo Cabdullaahi Ciise (1921-1988) oo noqon doona raysalwasaarihii maamulkii Daakhiliga (1956-1960). Aadan Cabdulle xil siyaasadeed oo uusan Soomaaliyadii Talyaaniga ka qaban wuu yar yahay. Waxa uu labo goor Guddoomiye ka soo noqday xisbigii SYL. Waxa uu Guddoomiye-ku xigeen ka soo noqday Golohii Xukun Gaadhsiinta (Territorial Council). Waxa uu noqday Guddoomiyihii Baarlamaanka Daakhiliga (1956-59). Intaas oo xilal siyaasadeed ahi waxay qaabeeyeen adduun-araggiisa siyaasadeed, waxa ayna bisleeyeen kartisiida iyo daacadnimadiisa hoggaamineed, taas oo si weyn uga gooni yeeshay lodkii siyaasiyiinta ee la wakhtiga ahaa. Intaa waxa dheeraa in uu ahaa nin aad wax u akhriya oo aqoonta iyo fekerka jecel. Waxa taariikhdiisa ku dhigan in uu danayn xooggan u qabay aqoon iyo daalacashadeed. Waxa uu masaafo fog uga soo socdaali jiray in uu iibsado buuggag, wargeysyo iyo majallado aqooneed. Waxa uu ahaa shakhsi aad uga war haya waxa adduunka ka socda, taas waxaad ugu tagaysaa doodihiisii siyaasadeed ee cuslaa.
Sannaddii 1960 waxa salka loo dhigay Jamhuuriyaddii Soomaalida, iyada oo ka dhalatay israacii Soomaaliyadii Ingiriiska iyo Soomaaliyadii Talyaaniga. Jamhuuriyadda cusub ee dhalatay waxa madaxweyne kumeelgaadh ah loogu doortay Aadan Cabdulle, bishii Julaay 5, 1960. Kolkii la doortay waxa uu Cabdirishiid Cali Sharmaarke u magcaabay raysalwasaare. Sannad ka dib, Aadan Cabdulle waxa loo doorran doonaa madaxweynaha Jamhuuriyadda ee lixda sanno ee soo socota. Fursaddan danbe ee la siiyey waxa ay u noqon doontaa halka uu sida dhabta ah ugu soo bandhigo kartidiisa hoggaamineed iyo ka go'naanshihiisa horukac dalka. Intii uu madaxweynaha ahaa (1960-1967), waxa lagu xasuusta shaqooyinka la taaban karo ee uu ka qabtay: qaayasoorrada dimuqraaddiyadeed, sarreynta sharciga, siyaasad loo dhan yahay, daahfurnaan, musuqmaasuqdiid iyo in aanu sina isu xejin qabiiltoocsi, eex iyo ninjeclaysi. Waxa hoggaamintiisa ku ladhan sida uu tudhaalaha xooggan ugu hayey horumarka waddanka. Madaxweyne Aadan waxa uu si wanaagsan ugu shaqeeyey in aanu faragelin maamulka dawladeed oo aanu ka dhigin sidii uu rabo ee uu jecel yahay si uu xukunka u dherersado. Waxa uu si dhiirran uga hor yimi in codadka la gato, in la boobo, iyo in laaluush lagu soo baxo. Tusaalaha ugu mudan ee ee aynu qodobkan u soo qaadan karno waxa ugu caansan doorashadii baaralamaanka ee qabsoontay sannaddii 1964. Trunji waxa uu qoray: "Dooroshooyinkii baaralamaanka ee sannaddii 1964, madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan waxa uu rabay in doorashadu ay noqoto mid ‘xor' iyo ‘xalaal’ ah. Dhibaatada doorashooyinka Soomaaliya ka jirtay waxay ahayd; in hal xisbi oo keli ahi uu dalka xukumayey ilaa iyo madaxbannaanidii. Madaxweynaha rabitaankiisa ah doorosho xor iyo xalaal ah, waxay abuurtay walaac daran oo ka dhex abuurmay xubno ka tirsan xisbiga SYL, kuwaas oo ka cabsanayey haddii doorashadu xor noqoto in ay wax u dhimayso xisbiga talada haya, iyo in iyaga qudhoodu aanay dib ugu soo laaban doonin kuraastooda. Xisbiyada mucaaradka iyo si guud dadweynuhu aaminaad dhab ah kuma aysan qabin in dawladdu qaban karto doorasho xor ah oo caddaali ah" (bogga 54).
Madaxda Afrika waagaas xukunka way boobayeen, waxana qaaradda badankeed ka socday ufo inqilaabyo ah oo hab caskari ah lagu kala qaadanayey. Madaxweyne Aadan, waxa hoggaamintiisa ka muuqata sida uu u rabay in shaagga dimuqraaddiyaddu isu rogo oo aanay xukuumaddu faragashan arrimaha dooroshooyinka. Qodobkan waxa si weyn uga hor yimi xisbigiisii oo uu mucaaradad adag kala kulmay. Maxaa wacay, waxa jiray nukhbo siyaasadeed oo rabay in xukunka dawladeed laga macaasho, dantooduna ku jirtay in ay xilalka dawladeed isaga dhex jiraan. Madaxweyne Aadan si weyn ayuu uga duwanaa, oo waxa uu aaminsanaa in khayraadka dawladeed aan lagu bararin e, ummadda loogu adeego. Intii uu madaxweynaha ahaa waxa soo maray caqabado badan oo ay ka mid yihiin: in dib raysalwasaare loo magcaabo Cabdillaahi Ciise oo haystay kalsoonida xisbiga SYL qayb badan oo ka mid ah. Waxa kale oo soo maray soo jeedintii ahayd in Cabdirishiid kol kale dib loo magcaabo, maaddaama ay jireen siyaasiyiin u ololaynayey. Labadan soo jeedinba wuu diiday, maxaa wacay, waxa uu arkayey in dalku isbeddel u baahan yahay iyo in kansho la siiyo dadka kale si ay hoggaanka dalka qayb uga noqdaan. Madaxweyne Aadan waxa uu sannaddii 1964 raysalwasaare u magcaabay Cabdirisaaq Xaaji Xuseen (1964-67), oo kaalin weyn ku biirin doona maamul wanaagga iyo dimuqraaddiyadda. Waxa si gaar ah loogu xasuustaa halkudhiggiisii: "karti iyo hufnaan", oo ahaa halkudhig isbeddel, oo wax badan lagu hirgeliyey khaasatan maamulka dawladeed, shaqaalaysiinta iyo awoodsiinta mudnaanta. Madaxweyne Aadan waxa uu raysalwasaare Cabdirisaaq u bixiyey naanays ah: "Daahiriye" (Samatar 2016, 147). Waa naanays ku timi waxqabadka isbeddel ee uu ka geystay la-dagaallanka musuqmaasuqa, qabiiltoocsiga iyo kartixumada. Dalku waxa uu ahaa nidaam baarlamaani ah, oo awoodda badankeeda waxa lahaa raysalwasaaraha. Madaxweynuhu waxa uu u taagnaa midnimada qaran iyo ilaalinta distoorka. Madaxweyne Aadan waxa uu ku kalsoonaa awoodaha uu distoorku siiyey, sidaa awgeed ma soo faragelin jirin hay'daha kale ee dawladda, isaguna waxa uu si muqdarnimo ah u adeegsan jiray awoodihiisa, iyada oo xilliyada qaar uu qaadan jiray go'aanno aanay ku laabsamayn xisbigii talada hayey ee SYL.
Maxamed C. Trunji, waxa uu xusayaa in madaxweyne Aadan uu ahaa nin hufan, daacad ah oo aaminsan in dawladnimadu sideeda bannaanba ay ummadda u adeegto. Waxa uu dareen ahaan aad ugu dhawaa duruufta bulshada. Waxa hoggaamintiisa ku dhigan diidmadii uu kaga hor yimi go'aankii ay baarlamaanku ku gaadheen in mushaharka ay ku kororsadaan boqolkiiba boqol (100%), iyada oo duruuf aad u darani ay ka jirtay magaalamadaxdii Muqdisho. Madaxweynuhu waxa uu si dhiirran u dhaliilay go'aanka isaga oo xusay in aanay sina caqli u ahayn in mushaharka la kororsado iyada oo dalka ay ka taagan tahay xaalado bini'aadantinnimo oo adag. Trunji waxa uu tilmaamay in madaxweyne Aadan si walba uga caagganaa jaad kasta oo isdabamarin iyo laaluush ah. Tan waxa uu tusaale qayaxan ugu soo qaadanayaa doorashadii madaxtinnimada ee sannaddii 1967. Trunji waxa uu qoray in doorashadan madaxweyne Aadan ay u yimaaddeen rag ganacsato ah oo uu ku jiro Xaaji Axmed Cabdullaahi "Xashiish" oo reer Hargeysa/Burco ahaa iyo Xaaji Naasir Cali oo Yamani ahaa, waxay u soo bandhigeen in ay diyaar u la yihiin dhaqaale iyo lacag xooggan oo ku baxda ololihiisa dib-u-doorasho. Madaxweyne Cismaan wuxuu u sheegay in aanu lacag u baahnayn uu musuqmaasuq iyo cod gadasho u isticmaalo. (Bogga 121).
Waxa xusid mudan in doorashadaas codadkana la gadanayey, sida oo kalana la boobayey. Labadan arrin oo lammaan waxay soo dedejiyeen inqilaabkii guulaystay ee ay militarigii dalku taladii jamhuuriyadda ku afduubteen, sababo la xidhiidh ku tagrifal awoodeed iyo boob aan loo meel dayin oo ay wadciga ka arkayeen. Maamulxumadaas loo gacangalay waxay dhashay burbur bulsheed oo ilaa maanta laga soo waaqsan la'yahay. Madaxweyne Aadan, wuxuu ahaa shakhsi dhawrsoon oo ka shaqanayey dawladnimo macna leh oo bulshada u adeegta, tani waa taariikh kamacdo ah oo noloshiisii hoggaamineed ku suntan. Waa arrin loo baahan yahay in wax laga barto oo lagu camalfalo.
Doorashadii madaxtinnimo ee sannaddii 1967, waxa madaxweyne Aadan Cabdulle ka guulaystay Cabdirishiid C. Sharmaarke oo la doortay. Waxa uu xukunka u banneeyey si nabad ah isaga oo si diirran ugu hambalyeeyey madaxweynaha cusub. Waxa uu noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee Afrikaan ah oo xukunka si nabad ah uga taga isaga oo laabsan. Afrika waxay madaxdu xukunka uga tagaan jidad ay ka mid yihiin: afgenbi, xabsi, dil iyo fakasho. Madaxweyne Aadan wuu ka duwanaa oo si nabdoon ayuu uga degay, taas waxa uu ku mutaystay taariikh Afrika baal dahab ah kaga qoran. Xukuumaddii cusbayd ee timi waxay ku shaacbaxday ku tagrifal awoodeed, xadtooyo baahsan, iyo maamulxumo. Taasi waxay dhashay in madaxweynihii la dilo, ka dibna dalka uu ka dhaco afgenbi militari, taas oo wax walba oo rejo iyo yididdiilo dawladeed ah oo la qabay soo afjartay. Militarigii yimi waxa uu xabsi la tiigsaday dhammaan musuuliyiintii dawladeed ee hore. Waxa dharaar cad jeelka la dhigay: Aadan Cabdulle, Maxamed X. Ibraahin Cigaal, Cabdirisaaq X. Xuseen, Cabdillaahi Ciise iyo saraakiil dawladeed oo ciiddaas ka badan. Lodkaas la xidhay waxa uu kacaanku u arkayey in ay xukunka kula loollami doonaan, se ma dhicin. Sidaa awgeed waxa uu ku xukumay in uu saaxadda siyaasadda ka saaro, oo qaar badan oo aan hawlgab siyaasadeed noqon ku qasbo in ay hawlgabaan. Halkaas waxa ka dhashay in askartii talada qabatay ay haldoor dadka u noqdaan oo rayulcaamka bulshada hagaan. Sidaas waxa dibadmeer lagaga dhigay dhammaan indheergaradkii bulsheed iyo dabaqaddii dhexe ee kobcaysay, sida ay Dr. Bettis Hashim ku xustay buuggeeda la magacbaxay: "The Fallen State: Dissonance, Dictatorship and Death in Somalia.”
Madaxweyne Aadan waxa xabsiga laga soo daayey gu'gii 1973, waxa uuna sii watay noloshiisii caadiga ahayd isaga oo deegaan ka dhigtay beertiisii oo ku taallay Jannaale. Halkaas ayuu ku noolaa ilaa laga soo gaadhayey xilliyadii burburka oo uu qayb ka ahaa dadaalladii ay wadeen waxgaradkii Maanafeesto ee sannaddii 1990-kii, kuwaas oo isku dayey in Siyaad Barre hab silmi ah xukunka uga dego. Ma dhicin, oo waxa la galay qaranjab iyo colaad sokeeye oo lagu riiqmay. Madaxweyne Aadan, burburkii ka dib waxa uu hoggaaminayey koox ka shaqaynaysay dadaallo nabadraadin ah oo ay ku jireen masuuliyiin dawladeed oo hore. Intii danbe waxa uu ku noolaa beertiisa, ilaa uu ku xijaabtay magaalada Nayroobi 06. 8. 2007. Waxa uu ku geeryooday da’da 98, waxana lagu aasay maagaalada Muqdisho. Waxa uu hoyday isaga oo sharfan oo dalkiisa hooyo aan dhinacna u dhaafin, waxqabad dawladeed oo maguuraan ahna u qabtay.
Madaxweyne Aadan Cabdulle jamhuuriyaddii israaca ka dhalatay ee uu madaxweynaha ka noqday waxa soo foodsaaray saddex dhibaato oo hakad geliyey geddisocodkii hay'adaynta iyo dimuqraaddiyadda, waxayna kala ahaayeen: kow, jamhuuriyadda oo dhaxashay labo nidaam oo gumeysi oo kala geddisan kuwaas oo ay lagamamaarmaan ahayd in la isdhexgeliyo oo dibu-habayn lagu sameeyo. Labo, saboolnimo daran oo jirtay iyo dadweynaha oo badanka aan waxba qori karayn waxna akhrin karayn. Saddex, nukhbo aan fahansanayn dawladnimada iyo sida ay hay'daha dimuqraaddiyadeed ee casriga ahi u shaqeeyaan. Waxa intaa dheeraa kala qaybsanaantii Soomaalida iyo riyadii Soomaaliweyn oo dhashay xasarado iyo dagaallo deriska la la galo, kuwaas oo gilgilay jiritaankii jamhuuriyadda. Waxa kale oo raacay hirdankii aydhiyoolojiyadaha ee Galbeedka iyo Bariga, kuwaas oo la yimi xasilloonidarro degel-siyaasadeed oo ay dawladdu ku hafatay. Wax walba se waxay soo gebageboobeen kolkii militarigu xukunka yimi ee ay cagta mariyeen hay'adihii dawladeed ee curdinka ahaa. Cid kasta oo ka hor timaaddana ay cadaabo ka waraabiyeen, taas oo sababtay burbur dawladeed iyo dagaallo sokeeye oo lagu riiqmay.
Lodkii ay ugu horreeyeen Aadan Cabdulle Cismaan waxa keli ah ee dhaliil ah ee ay leeyihiin waa in aanay hor istaagin maamulxumadii kacaanka. Badankood waxa lagu naqdiyaa in ay xukunkii dawladeed askartii ku daawadeen illaa ay wax walba ka halleeyeen. Madaxweyne Aadan waxa uu ku ammaanan yahay in uu si sharaf ah xukunka uga degay, iyo in uu lahaa habdhaqanno siyaasadeed, qiyam korran iyo hal'adayg. Cabdiraxmaan Baadiyow buuggiisa "Somalia: A State in Search of Exceptional Leadership", waxa uu ku nuuxnuuxsaday in madaxweyne Aadan uu ku sifoobay dhaqan-siyaasadeed naadir ku ah siyaasadda Soomaalida oo ay ka mid yihiin; siyaasad loo dhan yahay, siyaasadda qabiilaysan oo uu ka caagganaa iyo dhawrsoonaan. Dhaqannadani waa lagamamaarmaan in wax laga barto, oo dib loo soo nooleeyo. Madaxweyne Cismaan wuxuu ahaa aabbaha dimuqraaddiyadda Afrika iyo shakhsi Soomaali oo kale in laga helo ay qiime culus ku kacayso.