Friday 17 April 2026
Dhiganaha 'Qaxu Waa Silic Kale' iyo buugga kale ee garabsocda 'Jiraha Cusub' ee uu leeyahay Cabdiraxmaan Barkhad Good, waa deraasado akaadeemig ah iyo qibrado qaxootinnimo oo isbarbarsocda. Marleyba laga fursan maayo in la akhriyo dhigaal-curiseedka nuucan ah ee isugu jira deraasadaha aqoosha culuunta bulsheed iyo qibradaha dibadmeernimo ee Good; inta lagu nool yahay arligan tacaddigu ka jiro, dawlad li'idu ka jirto ee adeeg xumida iyo caddaalladdarradu ka jiraan. Ka fursanwaa ayuu akhriskiisu ku noqonayaa dhigaal-curiseedkan bulshada reer Jabbuuti iyo guud ahaan Soomaalida.
Cabdiraxmaan Barkhad, waa akaadeemi iyo fekeraa horusocod ah. Sannadkii 2010 wuxuu shahaadada sare ee suugaanta ka qaatay Machadka Qaran ee Afafka iyo Ilbaxnimooyinka Reer Bariga (Institut national des langues et civilisations orientales) ee magaalada Baariis, isaga oo ku takhasusay falkinta waxqabad-aqooneedkii qoraaga reer Faransiis ee Henri de Monfreid (Henry de Monfreid). Ciwaanka qalinjebintiisu waa: “A critical and historical study of Henry de Monfreid’s work." Takhasuskiisaas aqooneed waxaa barbarsocotey qibrad-korarsi qaxootinnimo, dibadmeernimo iyo u-kuurgelidda qoxoontiga taasina waa ta sida gaarka ah dhadhanka ugu yeelaysa buuggan. Nuskhadda asalka ahi waxa ay ku soo baxday afka Faransiiska, dabadeed waxa af Ingiriisi u soo rogey Cali Cabdi Cumar. Halka uu af Soomaali u turjumay Cabdicasiis Guudcadde.
'Qaxu Waa Silic Kale' wuxuu soo bandhigayaa deraasad aanan horay loogu kuurgeli jirin iyo mowduuc dhibtiisa la mudanayay haddaayoo ay tahayna aanan deraasado laga samaynin. Qaxa, uu ka warramayo buuggu waa ka Afrikada Bari, si gaar ahna Soomaalida iyo bulshada reer Jabbuuti. Akaadeemiyadda Faransiisku waxay qeexitaanka qaxa ugu jidbixiyeen: "Qof ku qasbanaaday in uu ku noolaado meel ka baxsan dalkiisa hooyo, oo laga caydhsaday, ama isagu iskiisa uga dhaqaajiyay." Sidaasina waxa aynnu ku garan karnaa in ciwaanka buuggu muujinayo 'Silic kale' oo ka horreeya 'Qaxa'. Silica ka horreeyaayi qaxa ee ku habsada bulshada arligan ku nool waxaa tiirdhaxaad u ah; dawlad li'ida iyo dawladda liiqliiqanayso ee laga meharadeeyo, kaddibna sidaas ayaa looga alaabgurtaa arligan oo dadkiisu xeebaha uga le'daan, jiho la'aan u kalayaacaan, oo ay qaboobaha iyo xeryaha qaxootinnimada ugu rafaadaan. Silica koowaad na arligan ayaa lagu mutaa, deedna silica qaxa ayaa ku xiga oo la mutaa.
Cutubka koowaad ee buugga, qoraagu wuxu ku qaadaadhigayaa asaaska iyo silica koowaad ee la muto qaxa hortii; qofka waxa ku riixa qaxa iyo gooraha uu bilaabo qofku in uu mowjadaha feker ee maskaxdiisa uu kaga fekero alaabgurasho iyo baadigoobidda arli dhaama kiisa-hooyo. Arligiisa ayuu ku waynayaa bedqab, wuxuu na ka fekerayaa arli uu ka helayo bedqab. Dawladdiisa ayuu dhisan waynayaa, ama laga sadbursanayaa oo laga meharadaynayaa, oo sidaasi alaabtiisa ku guranayaa si uu nolol kale u abuurto oo ay dawlad kale u magangeliso. Saxariirta arligiisa ku haysato si uu uga baxo ayuu u xamaan guranayaa oo uu xeebaha iyo saxaraha u dhex socdaalayaa. Sidaasina buuggu wuxuu cutubkiisa hore inagu fahansiinayaa sababaha ambabbaxa, sababahaasina waxay nafsadda qofka ku abuurayaan 'Qax-maagganaan'. Isla halkan ayaynnu ku fahmaynaa alaabgurashada in laga horreeyo, oo nafsadda qofka waxay ku talaxtagtaa suuraysiga iyo ka-fekeridda arliwaynaha Galbeed sida Yurub iyo Ameerika.
Marka deraasaddu fahanbixin wanaagsan innaga siiso asaaska iyo sababaha ambabaxa, waxa uu Cabdiraxmaan Barkhad Good, inna soo hordhigayaa cutubyo kale—labaad illaa iyo sagaalaad—oo uu ku dersayo nuucyada silic ee ay la kulmaan jaalliyadaha Soomaalida iyo bulshada reer Jabbuuti. Soomaalida guud ahaan, gaar ahaanna bulshada reer Jabbuuti waxay ka siman yihiin bannaanyaalnimada iyo magangelyo-doonnimada. Intaas uu ku dersayo xanuunka, culaysyada iyo kadeedka jaalliyadaha ka dhex jiro ayaa ah dhumucda iyo tiirdhaxaadka buugga. Wuxuu dersayaa nafsadda qaxootiga, billowga doorashada goobta, alaabgurashada iyo qaxa bilaa xudduudda ah, iyo xanuunka qaxa. Wuxuu sii duljoogsanayaa oo innaga siinayaa fahanbixin fiican qaxa iyo qurbaha isaga oo dersayo xaalka cakiran ee jaalliyadaha oo waxa uu inna lee yahay; 'xaggan iyo xaggaaba waa lagu silcayaa'.
Cabdiraxmaan Good, wuxuu si dhab-abbaar ah oo uu wehliyo dareen-abbaarinmo u soo faagayaa kadeedka qaxa, haybwareerka iyo heybguurka ku dhaca nafsadda qaxootiga, iswaaga, dhaqandoorsoomidda iyo kumilanka qaxootiga. Wuxuu ka warramayaa oo isudultaagayaa mar kale dadka waaweyn hagrashada labajibbaaran ee ay ka la kulmaan bulshada ay u yimaaddeen iyo casharradii ay ka soo alaabgurteen. Bulshada hore oo ah ta ay u yimaaddeen waxay ka la kulmaan erayo tuhun ah, quudhsi weheliyo iyo soogalootinnimo in loo muujiyo. Mar kale, casharradii ay arliga uga soo tageen ayay ka la furtaan, oo ay kalsoonidarro dhex timaaddaa.
Ogobeey, dhallaanka qaxootiga laftoodu waxay la kulmaan hagrasho saddex jibbaaran iyo lababoglayn. Dhallaankaasi waxay dhex mushaaxaan labo caalam oo ka la soocan (kii dalka hooyo iyo kan arliga martida loo yahay), iyo laba aragtiyood (wax wadaagistii haybtooda iyo kalajirnimada Galbeed), iyo sida oo kale laba af (ka hooyadood ay sheeko xariirta ugaga warranto iyo ka dugsiga). Dhashaasi waxay dhexda u galaan silic iyo culaysyo hor leh; qoraagu na wuxuu ku sababaynayaa culaysyadaasi in ay ku sii riixaan fashil iyo anbasho.
Labada cutub ee ugu danbeeya qoraagu waxa uu is dultaagayaa 'Mas'alada Guryanoqoshada' iyo 'Wejiga kale ee qaxa'. Mas’alada guryonoqoshada kolka ay joogto qofka waxaa saameyn ku yeesha oo uu ka falcelinayaa marka uu ka fekerayo guryanoqoshada go'aannada quwadaha siyaasadeed ee qurbaha ka jira ee quudhsada arrimahiisa diineed ama dhaqameed. Shakhsiyaddaasi kolka laga taataabto waxyaabaheeda lamataabtaanka u ah waxay si hoose isugu sheegtaa: "tolow ma iska noqotaa”.
Mas’aladan qoraaga buuggu wuxu u kala qaadayaa dhawr marlaxadood. Ta koowaad waa guryanoqoshada kumeelgaadhka ah. Ta xigta waa guryanoqoshada male'awaalka ah, iyo ugu danbeyn guryanoqoshada aan suuragelka ahayn. Sidaas kolka uu u soo dareeriyo xanuunka iyo jirrabka qaxootinnimada iyo nafsadda qaxootiga wuxuu xagal kale ka eegayaa, qaxa laftiisa in ay ku lammaanan yihiin fursado kicin kara rabitaanka shakhsiyaddaasi. Wuxuu ka eegayaa dhowr xagal: dhanka mihnadda, dhanka bulshada, dhanka dhaqanka iyo dhanka waxbarashada. Dhowrkan xagal ee uu ka eegayo 'wejiga kale ee qaxa' waxaynnu ku fahmaynaa muhaajiriinta iyo dalalka martida loogu yahay arligooda mas'alaadka iyo doodaha ka dhex furan.
Ugu danbeyn dhigaalkan ‘ Qaxu waa silic kale “ wuxuu fahankeenna u leexinayaa dhan kale, waxaynnu eegaynaa arligeenna, tacaddiyada ka dhex aloolsan, iyo in aynnu fahan ku dhisan culuunta bulsheed aynnu ku fahanno kuwa urursaday alaabtooda ee soocdaalka dheer u gelaya deegaan dhaamma dhulkooda hooyo. Kolkaas ayaynnu fahanbixin u helaynaa dadyowga hareeraheenna ah ee ku nool arligan, kuna jira marxaladda 'qax-maagganaanta', oo ay dadka xaafaddu uga gaabsadaan: 'buufis baa dillooday'.
Kuwaas baynnu fahamaynaa, oo uu qoraagu inna lee yahay ku akhriya deraasaddan oo ku fahma waxa qofka la lee yahay 'Buufis baa dillooday' uu uga niyad-jabay arligiisa hooyo.