Wednesday 14 May 2025
Marka ay kulmaan curin jaadgoonni ah, hodontinnimo afeed figta sare ah; dareennada aadanaha ee kala duwanna si sahlan loogu falkinayo, naqdin bulsheed oo aad u xeeldheer, iyo soo ururinta/lafaggurka shaacsaneyaal kala geddisan oo bulshada ka aloosan; waxaad si fudud u soo tuuraysaa in intaas iyo in kale ba ugu tagayno oo aynu kala dhexbaxayno sheekada hormuud ah, "Maana-faay" ee uu Dr. Maxamed Daahir Afrax soo saaray qarnigii hore.
Sheekada Maana-faay waa sheeko-taariikheed (historical novel), bilawgii waxa ay si joogto ah ugu soo bixi jirtay iyada iyo sheekooyin kale oo ay ka mid tahay "Ayaan Daran" hab taxane ah wargeyskii Xiddigta Oktoobar. Ibraahin Hawd oo ka mid ahaa akhristayaashii ku taxnaa sheekooyinka uu wargeysku daabici jiray, mar uu sheekada faallo ka qoray, wuxuu ku tilmaamay in ay ahayd sheeko xiiso iyo xamaasad weyn u lahayd dhallinyaradii ku xidhnayd, dhadhan iyo dareen goonni ahna ay u hayeen. Wuxuu kale oo carrabaabay, in ay madaddaalo iyo wacyi kobcin ay u ahayd kumannaankii dhallinyarada ahaa ee ku taxnaa sheekada.
Maana-faay daabacaaddeedii koowaad waxa ay soo baxday 1981, waxa ka danbeeyay dhowr daabacadood oo ay ugu danbaysay mid soo baxday 2018. Waxa kale oo laga sii daayay cod ahaan idaacado kala geddisan. Qoraageeda Dr. Afrax (1952-2021) si fiican baynu u wada garanaynaa, wuxuu caan ku ahaa gorfaynta suugaaneed iyo naqdinta joogtada ah ee ku aaddan dawladnimada iyo bulshada. Waa qoraa hodon ah, qoraallo dhaxal gal ahna uga tagay bulshadiisa, kuwaas oo ku soo kala baxay Af Soomaali, Af Carabi iyo Af Ingiriisi waxaana ugu magacdheer sheekadan aynu faaqidayno.
Qisadu waxay Soomaalida iyo waageenigaba, ka kasbatay bogaadin iyo ammaan heer sare ah, maxaa yeelay, hibada halabuurnimo iyo Af Soomaaliga ay ku qoran tahay oo aad u sarreeya iyo intaas oo lagu daray sahlanaanta afeed ee ay ku qoran tahay ayay ku hanatay. Waxa ka mid ah dadkaas ay soo jiidatay Prof. Guush, oo ku tilmaamay in ay tahay sheeko la meeqaam ah sheekooyinka dunida. Lidwien Kapteijns, oo ah bare sare oo taariikhda ku takhasustay , iyana dhankeeda waxay tibaaxday in ay tahay sheeko laga akhrisanayo habnololeedka, habdhaqanka iyo habfekerka qofka Soomaaliga ah. Waa sheeko sawir hor leh inaga siinaysa oo aynu ka baranayno Soomaalida ayey ku doodday. Sheekadu, waxa ay si qaayasarraysa u soo bandhigaysaa boogo halis ku ah jiritaanka bulshadeenna, jeerkaana daaha ka feydaysaa oo deedifaynaysaa. Intaa uun ku ma koobna ee waxay door ka ciyaaraysaa korinta wacyigeenna siyaasadeed iyo nololeed siiba xilligii kelitalisku dalka ka talinayay.
Sheekadu waxay iftiiminaysaa belaayooyin iyo aafooyin bulshadeenna ka dhex oognaa xilligaas iyo xilligeenanba. Waxay ka warramaysaa casriyowga, cusboonaanta, dhaqanka magaalawga, iyo sida ay isu qaban waayeen hiddaheennii iyo dhaqankii aynu miyiga kala nimi. Waxay ka warramaysaa is-maandhaafka iyo is-ka-hor-imaadka habfekerka qof Soomaaliga ah iyo waayaha cusboonaantu la kowsatay. Waxay soo gudbinaysaa dareennada kala duwan ee aadanaha saaqa hadba marxaladda uu ku jiro weliba si gaar ah jilayaasha sheekada isaga oo adeegsanaya hadba erayga nafsadeed ee ku habboon. Wuxuu si toos ah kuu dhexgeynayaa oo goobjooge kaaga dhigayaa dhammaan xaalaadaha kala duwan ee ay sheekadu marayso, min bilow illaa dhammaad ama si kale, laga soo bilaabo Maana-faay oo iskuulka ka soo rawaxday oo marxaladdii qaangaadhnimada gashay, oo uu ku dhacay foolkaano dareenno ah iyo bislaansho jidheed illaa dhammaadka iyo garnaqsiga Beyddan Shabeel.
Geesta kale, sheekadu waxa ay xanbaarsantahay, naqdin, faaqidaad iyo falanqayn bulsheed oo si guud waxay galaysaa gorfayn suugaaneed (literary criticism). Afrax wuxuu naqdinayaa iskudhaca dhaqankii raacatada iyo dhaqan-hoosaadka qoyska Banaadiriga ah ee Xaaji Muumin. In aynu magaalawgii eednay, dawladnimadii khalad fahannay, dhibaatooyinka u badan ee ina haleelayna ay la kawsadeen magaalowga ayuu ku tiiqtiiqsanayaa. Dhanka kale wuxuu innaga tusayaa dhammaan mushkiladihii wakhtigaas taagnaa, oo wuxuu taariikhaynayaa waayahii iyo xaaladihii dalku iyo dadkuba ay ku sugnaayeen (waa kalagguurkii toddobaatneeyadii iyo siddeetaneeyadii). Wuxuu kale oo si heersare ah u naqdinayaa saamayntii gumaystaha iyo raadadkii fooshaxumaa ee uu kaga tegay degaannada Soomaalida, si gaar ah, gumaystihii Talyaanigu eelkii uu baday bulshadeenna.
Wuxuu naqdinayaa caqliyadda iyo cirweynida burjuwaasiga oo wuxuu farta ku fiiqayaa sida Jaamac Dhegaygii saboolka ahaa kolkii uu burjwaasiga noqday akhlaaqda iyo anshaxa uga tegay, wuxuu si aad ah ugu nuuxnuuxsanayaa doorkii magaalawgu ka ciyaaray in anshaxu innaga lumo, gaar ahaan, dadkii iyo bulshadii waagaas. Wuxuu tilmaamayaa in aan dawladnimada daacad laga ahayn ee danta shakhsiga ahi ay wax walba ka horreeyeen, waana masalo illaa immika taagan oo ay sheekadu dhawr iyo afartan sano ka hor carrabaabday. Erayga "Danta Qaranka" sida loo foolxumeeyay oo macnihii uu lahaa loo qiima dilay buu ku gudbinayaa kolka uu qaadaadhigayo sida dhabta ah ee loogu beddelay in danta shakhsiga ahi ka horrayso danta ummadnimada.
Doodda dhexmaraysa Kulmiye iyo Axmed Jaamac ee ku aaddan habfekerkooda kala geddisan ee ay dumarka ka haystaan iyo jacaylka kolka aynu akhrinayno waxaynu ka fahmaynaa fogaanshaha falsafadeed ee sheekadu xanbaarsan tahay, iyo sida ay ugu kuurgalayso in ay u soo bandhigdo doodda samaha iyo xumaha ee ilaa inta kownka la uumayba soo taxnayd. Waa dood ku saabsan oo u dhexaysa qof ku koray nolol burjuwaasinnimo oo anshaxu iyo akhlaaqdu ka madhanyihiin iyo qof ka tirsan dabaqada xoogsatada oo had iyo gooraale, ay akhlaaqdu gundhig u tahay dhammaan indhaha uu ku eegayo qaybaha kala duwan ee nolosha. Waxa kale oo cajiib ah, jilaayaasha qisada iyo hannaanka uu u muujinayo dabeecaddooda dhabta ah. Waxa kale oo mudnaan leh in la xuso habka farshaxanimada leh ee uu u tidcayo af guriyada kala geddisan ee jilaa walba oo sheekada ku jiraa ku hadlayo taas oo kugu sii siyaadinaysa xiisaha aad sheekada u hayso.
Gunaanadkii, sheekadani, mar kale, sida ay akhristayaasheedu xuseen, bogaadin aad u weyn buu ka mutay qoraa Maxamed D. Afrax. Waa sheeko qiimo faneed iyo qaayo suugaaneed oo heer sare ah huwan. Sida dad badani ila qabaan sheekadu haddii ay asalkeedii ku soo bixi lahayd Afka Ingiriisi abaalmarinta Noobaasha ayay ku mudan lahayd. Si kooban, sida la isla qiray, waa sheeko faneed astaan u ah oo hoggaaminaysa dhammaan sheekooyinka qoran ee Soomaalida. Waa sheeko daaqad cusub oo xeeldheer kaa tusaysa waayaha Soomaalida, iyo hoogga ay waagaas/waaganba la-dalaadhacaysay/so. In rejo iyo yididdiilo ay wax ku hagaagi karaan ay jiraanna ka ma madhna soo gudbinteeda.