Skip to main content

Monday 18 May 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Buug

Faallo Buug: Jiraha Cusub

16 July, 2025
Image
Faallo Buug: Jiraha Cusub
Share

Buugga Jiraha Cusub, waa buug cusub oo uu qoray Cabdiraxmaan Barkhad Good kaas oo asalkiisii ku soo baxay afka Faransiiska. Soo saaristiisii kaddib afka Ingiriisida ayaa loo rogay waxaana u turjumay Cali Cabdi Cumar: ‘Portrait of the new being: Reflection on Man in the Djiboutian context’. Ugu danbayn sannadkan 2025 ayaa ay soo baxday turjumaaddiisa Soomaaliga ahi, oo soo saaray Cabdicasiis Guudcadde: ‘Jiraha Cusub: Faaqidaadda Qofka Ka Dhashay Waayaha Jabbuuti’

Buugga Jiraha Cusubi waxa uu ka kooban yahay toban cutub iyo 184 bog. Waa buug si qoto dheer u faaqidaya waayaha sooyaal iyo bulsheed ee Jabbuuti iyo maxsuulka ka dhashay. Waa buug si xeel dheer isu dul taagaya qaybaha kala duwan ee nolosha qofka ku barbaaray Jabbuuti: qaab nololeedka qoyska, barbaarinta, afka, waxbarashada, shaqada, habdhaqanka bulshada, balwadaha iwm. Waxa uu buuggu ka warramayaa sida sooyaalka iyo joogtada bulsho uu iskaga danbeeyay gumayste iyo keli-telisnimo u saameeyo habfekerka dadka. 

Buuggu mar wuxuu faaqidayaa nafsadda bulshada ama kasmonafeedda bulshada (social psychology), mar wuxuu ku talax tagayaa samaysanka haybta iyo is beddelka ku dhici kara (identity), mar kalena waxa uu ka warramayaa dhaqan wadareedka bulsho ee soo jireenka ah iyo saameynta ay ku yeesheen bulshada qabatintay. 

Magaca buugga oo ah Jiraha Cusub, waxa uu sifaynayaa in maxsuulka ka soo baxay waayahaa iyo wacyigaa Jabbuuti uu qofkii ku noolaa ka dhigay noole cusub ama jire cusub kaas oo ka duwan si kasta oo ay u fekeraan una dhaqmaan jireyaasha kale ee dunida korkooda ku nool. Jirahan cusubi waa mid ka indho la’ kana dhego la’ hab nololeedka ku dhisan aqoonta iyo tacabka. Jiraha cusubi ma yaqaan sida xor loo noqdo, loo tabcado, la isugu filnaado ee masuuliyad loo qaado. Ma yaqaanno sida wax la isu wayddiiyo,  muwaaddin loo noqdo, xaqa loogu addimo, qaddiyad dhab looga noqdo ee degaanka loo dhawro.

Jiraha cusubi wuxuu kulansaday dhaqamo badan oo la yaable isla markaana jaad gooni ah. Jiraha cusubi wuxuu ka madhan yahay shaqsiyad. Naftiisa ma yaqaan. Dareenadiisa ma cabbiri karo. Yoolal ma laha. Adkaysi ma laha. Kama fekero mustaqbalkiisa. Waa fadhiid. Waqtiga ma ixtiraamo. Hadalkiisa ma hubsado. Ma fekero. Ma xisaabtamo. Waa noole iska nool. 

Buuggani wuxuu xoogga saarayaa jiraha cusub maskaxdiisa iyo sida uu u fekero, si uu akhristuhu u dareemo illaa heerka uu baaba’san yahay jirahani. Sidoo kale sababta kale ee jirahan habdhaqankiisa buuggu ugu talax tagay waa in la fahmo sida bulshadu u qabatintay dhaqamo aan qofka iyo bulshada toona u wanaagsanahayn. Waxa ugu weyn ee buuggu baraarujinayaa waa baraarug la’aanta guud ahaan masiibadan baahsan. 

Su’aasha is wayddiinta mudan ayaa waxa ay tahay: maxaa keenay in uu samaysmo jirahan cusubi? Buuggu waxa uu faaqidayaa dhacdooyinka taariikheed ee sababay samaysanka jirahan cusub. Sida nidaamkii gumeysiga iyo waxyeeladii uu ka tagay ee Jiraha cusubi la noolyahay. Waxa kale oo uu dul joogsanayaa nidaamka dawladeed, habdhaqanka bulsho iyo xaaladaha kala duwan ee uu ku koray jiruhu iyo sida uu u samaysmay iyada oo aan la dhaaddanayn iyo heerka uu aafeeysanyahay ayuu buuggu ku nuuxnuuxsanayaa.

Cutubyada kala duwan ee buuggu ka kooban yahay, waxa uu qoraagu ka warammayaa xidhiidhka ka dhaxeeya jiraha cusub iyo afka, dhaqanka, aayaha, caqliga, iimaanka, mustaqbalka, naftiisa, dalka & dunida. Waxa uu eegayaa sida jiraha cusub ula falgalo, u arko, ugana falceliyo dhacdooyinka nolosha. Waxa mar laga hadlayaa hadalkiisa iyo sida afafkii qalaad ee uu wax ku bartay saameyn ugu yeesheen ee uu laba af oo la isku jacburiyay ugu hadlo. Markale qoraagu waxa uu sifaynayaa sida uu uga falceliyo dhacdooyinka taagan ee aanu u oddorosin ama ugu diyaar garoobin timaaddada. Mar kale waxa la eegayaa heerka uu gaadhsiisan yahay fahanka naftiisu. Tusaale, Intee in leeg buu wax ka ogyahay shaqsiyaddiisa, waxyaabaha uu jecelyahay iyo waxyaabaha ka cadhaysiiya? Dareenkiisa sida uu uu xakameeyo, mise maba xakameeyo ayaa diiradda la saarayaa. Waxa loo fiirsanayaa sida uu u maamulo waqtigiisa iyo naftiisaba. Ugu danbayn waxa la eegayaa xidhiidhka ka dhaxeeya isaga iyo dalkiisa iyo dunidaba.

kasqabeennimadda qofeed ee jiraha cusub ayuu buuggu faaqidayaa. Tusaale ahaan ogaanshaha ogaalkiisa, kartidiisa, dareennadiisa iyo maaraynta nolosha gaarka ah. Waxa kale oo uu buuggu eegayaa go’aan qaadashadiisa, isku filnaanishiisa iyo madax bannaanidiisa. Ma isaga ayaa go’aanka keligii qaata mise waa la la wadaagaa? Intee in leeg buu madax bannaan yahay oo uu naftiisa ku tiirsan yahay? Masuuliyadda naftiisa iyo ta reerkiisa ma ka soo baxaa? Ma yahay qof xor u ah dhiibashada afkaartiisa? Ma yahay muwaaddin firfircoon? Ma is diraa? Deegaanka ma dhawraa? Waxa uu aaminsanyahay ma u qareemaa? 

Dhigaalkani, jiraha cusub dhinac kasta ayuu ka istaagayaa, waxa uuna ku tusinayaa nolosha dhabta ah ee uu ku nool yahay lana nool yahay qofka reer Jabbuuti. Waa buug akhristaha indhaha u kala furaya, baraarujinaya, mar ka qoslinaya isla markaana carinaya maskaxdiisa. Waa buug xambaarsan macluumaad bulsheed oo in badan la darsay. Qoraaga aqoontiisa bulsheed iyo suugaaneed ayaa akhristuhu si fiican uga dhandhansan karaa. 

Ugu danbaynta akhristuhu waxa uu is wayddiinayaa: jirahan cusub maxaa dawo u ah? Ma la beddeli karaa? Ma la toosin karaa? Wax malaga qaban karaa?!