Sunday 9 February 2025
Iskudhoon, waxa uu ka mid yahay buugagga si la fahmi karo u sharraxaya nafsadda qofka Soomaaliga ah dhaqan ahaan iyo aragti ahaanba. Waa buug tooshka ku bidhaaminaya sababaha keenay qaranjabka iyo bulsho-burburka Soomaalida ku habsaday. Waxa uu sidoo kale darsayaa xaglaha ay ka soo karaar qaateen dhibaatooyinka ay bulshada Soomaalidu la daaladhacayso, isaga oo mid mid u dul istaagaya. Waxaa kale oo buuggu xoogga saarayaa dhaqan-siyaasadeedkii kacaanku bulshada Soomaalida ah kaga tagay iyo saameynta taban ee uu ku yeeshay hab maamuulka dawladnimada iyo hoggaanka bulshada. Qoraagu waxa uu qalinka ku xarriiqayaa saameyntii tabnayd ee ay ku yeesheen nafsadda qofka Soomaaliga ah; burburkii dawladdii dhexe, colaadihii sokeeye, qaxa, barakaca, dawlad la’aanta, argagaxisada, qaraxa, darxumada iyo abaarahu. isku darka dhawrkaas shay in ay abuureen shaqsiyad u nugul aragtiyaha xagjireed iyo kuwo xambaarsan cunfiga ayuu buuggu soo bandhigayaa. Waxaa kale ee uu qoraagu soo bandhigayaa cudurrada nafsadeed iyo bulsheed ee galaaftay Soomaalida filkeeda na ka reebay, ee sababay in muddo nus qarni ku dhaw ay wali ku sugnaadaan burbur iyo halaag.
Markaad eegto sawirka dudunta ee geedka ka dulbaxay iyo magaca buugga waxaa isla markiiba kuu baxaya micnaha guud iyo farriinta uu xanbaarsanyey adiga oo aan gudaha u galin bogagga buugga. Qaamuuska ay wada qoreen Cabdalla Mansuur iyo Annarita waxa ay ku macneeyeen ereyga Iskudhoon “geed iyo duddumo isku dul baxay” iyo “wax xubno kala jaad ah ka sameysan.” Haddii nuxur ahaan la soo ururiyo, ereygu waxa uu xambaarsanyahay labo wax oo kala geddisan oo isku baxay oo midi midka kale ka dul sameysmay, ka dib na midkasta uu lumiyay sifadii hore ee asalka ahayd oo waxa soo baxay dudunna ma aha geed na ma aha. Qoraagu isaga oo maskaxda ku haya sawirka dudunta iyo geedka iska dulbaxay ayuu Soomaalida ku sheegayaa in ay afka isku galisay waxyaabo aan is lahayn oo aan is qaadanayn.
Hordhaca buugga, qoraagu waxa uu aad uga hadlayaa sida nidaamka reer guuraagu u qaabeeyo adduun-aragga, qaab-dhaqanka, shaqsiyadda, wada-xiriirka bulsho iyo maamulka. Qaab dhismeedkeenna dhuleed iyo habnololeedkeenna bulsho ee raacatada ku salaysan in ay saameyn weyn ku yeesheen iyo qaaraan baaxad leh nafsadda qofka Soomaaliga ah, ismaamulka bulsho iyo qaab xiriirka bulsho ayuu qoraagu gogoldhig kaga dhigayaa waxsoosaarkiisa. Colaadaha ahliga ah ee u dhaxeeya qabiillada wada daga, in ay sababeen biyaha iyo baadka oo ku yar dhulka soomaalida ayuu soo bandhigayaa isaga oo xiganaya ururiska “Suugaanta nabadda iyo colaadda”. Colaadaha u dhaxeeya reeraha wada daga inta badan waxa ay ka soo karaar qaataan koonbaanta khayraadka dhuleed (resource scarcity), taas na waxa ay abuurtaa xaalad isbadbaadin nafeed ah. Xaaladdaas is badbaadintu waxa ay abuurtaa qalalaase iyo colaad joogto ah. Qoraagu isaga oo tix raacaya buugga “Losing the art of survival and dignity “waxa uu sii xoojinayaa colaaduhu inta badan in ay ka dhalan jireen loollan ku aaddan khayraadka kooban iyo qaabka dhaqaale ee
buuggu waxa uu ka koobanyahay saddex cutub, mid walba na waxa ka sii farcama cinwaanno hoosaadyo. Cutubka koowaad, qoraagu waxa uu ula baxay akhris xaqiiqo-abbaar ah. Cutubkani waxa uu ka kooban yahay afar ciwaan hoosaadyo. Qaybta hore waxa uu ku lafa gurayaa sida uu Siyaad barre u yahay macallinka iyo siyaasiga ruuxa Soomaaliga ah. Waxa uu tilmaamayaa Siyaad Barre in uu yahay shaqsiyad lagu muransanyahay oo aysan dadku isku indho ku eegin qofnimadiisii iyo hab maamulkisii. Arrinta waxa uu u sababaynayaa dhawr arrimood. 1) Siyaad waxa uu faragaliyay nidaamkii dhaqan-dhaqaale ee Soomaalidu lahayd, oo waxa lagu doodi karaa in uu yahay ruuxii ugu horreeyay ee ku dhiirraday in uu beddelo nidaamka dhaqan-dhaqaale ee bulsho, isaga oo bulshada u keenay nidaam aysan dhego Soomaaliyeed horey u maqal oo ah hantiwadaag cilmiyeysan. Wax ka beddelista dhaqan-dhaqaalihii Soomaalida waxa ay sababtay in uu noqdo ruux indho kala duwan lagu eego. 2) sidoo kale waxa uu farogelin ku sameeyay qaab-dhismeedkii bulsho ee ku dhisnaa nidaam raacato qabiili ah, isaga oo sameeyay xeerar xaddidaya awoodda qabiilka iyo magacyada oday dhaqameedka qabaa’ilka. 3) waxa uu faragelin iyo wax ka beddel ku sameeyay diinta islaamka gaar ahaan xeerka qoyska iyo dhaxalka. Qodobkan waxa ay kaalin weyn ka ciyaartay in Siyaad si kale loo akhriyo, oo waxa ay sababtay in loogu yeero murtad iyo gaal wax la mid ah. 4) waxa uu afgambiyay dawladnimadii curdanka ahayd iyo taladii dadka. Dad badan baa ku dooda haddii uusan talada dalka la wareegi lahayn in ay dimuqraadiyadda Soomaaliyeed ay kobac iyo horumar sameyn lahayn. Afartaa arrimood ayaa ah waxyaabaha keenay in Maxamed Siyaad barre siyaalo kala duwan loo akhriyo waa sida uu qoraagu ku doodayo e.
Cinwaan hoosaadkan waa kan ugu dheer ee buugga ku jira. Waxaad dareemaysaa in uu qoraagu aad ugu fogaaday ka hadlidda shaqsiyaddii Barre. Siyaad barre in uu soo saaray fac iyo jiil raadkiisa dhaqan-siyaasadeed dabagura ayuu tibaaxayaa qoraagu. siyaasiga, hooyada, aabbaha, macallinka, wadaadka, aqoonyahanka iyo askarigaba in ay ahaayeen dad Siyaad barreysan ayuu tilmaamay. Qoraagu sidoo kale waxa uu ku doodayaa ruuxdii Barre in ay wali ku dhex nooshahay qof kasta oo Soomaali ah oo maalinkasta hab maamulkiisa siyaasadeed lagu dhex arkayo xafiisyada dawladda. Qof kasta oo Soomaali ah sifada kalitalisnimo ayuu leeyahay, warkiisa iyo taladiisa in la maqlo oo la qaato ayuu nau sameysan yahay. Arrintan waxa ay kuu caddeeneysaa in ruuxda Siyaad Barre wali ku dhex nooshahay bulshada Soomaaliyeed.
Sidoo kale cutubkan waxa uu ku soo qaadanayaa fasirka aragtiyeed ee burburka Soomaaliya, waxa uu soo bandhigayaa fasirro kala duwan ee laga bixiyay burburka iyo halaagga Soomaalida ku habsaday. Aqoonyahannada darsa xaaladda Soomaaliya waxa ay ka yiraahdeen ayuu soo qaadanayaa. Qaranjabkii dhacay, qoloba wax ayay ku fasirtaa. Qolaa ku fasirta diinta oo laga tagay, qaar kale ayaa ku fasira waxa burburka sababay in uu yahay qabiilka. Qoraagu isaga oo soo ururinaya fasirka iyo aragtiyaha kala duwan ee lagu qabo burburka Soomaaliya ayuu yiri “buugaagta qaranjabka Soomaaliya laga qoro inta badan waxa ay burburka Soomaaliya ku soo koobaan: jabhado qabiil, dacfi diimeed, dhaqanka raacatada ee Soomaalida, kelitalisnimo siyaasadeed, shisheeye-raacnimo iyo shuuciyad.” Miido, qoraaga buuggu waxa uu soo qaadanayaa aragti ay ka midaysan yihiin saddexda qoraa ee kala ah Baadiyow, Dr. Bulxan iyo xuseen keynaan ee sheegaysa in burburka iyo fashilka dawladnimada ay sababeen hirdan iyo loollanka ka dhaxeeya saddex arrimood oo kala duwan: diinta islaamka, dawladnimada casriga ah iyo dhaqanka Soomaalida. Intooda badanna waxa ay ku doodaan in saddexdaas shay heshiis laga dhex abuuro.
In soomaalidu xasuus guur taariikheed ku dhacay ayuu buuggu tilmaamayaa. Dhaqanka raacatada ah ee guur-guurka ku dhisan iyo sal dhigasho la’aanta ayuu u sababaynayaa qoraagu in uu keenay xasuus guur taariikheed (eeg bogga 49). Asiga oo soo xiganaya Dr. Bulxan ayuu ku doodaya qoraagu, in xasuus guurkaas uu Soomaalidu ku sababay labo jirro oo illaa maanta ay la daaladhacayaan: jirro taariikheed (pathology of history), iyo jirro jiritaan (pathology of ontology). Labadan jiro ee Soomaalida ku dhacday awgeed in aysan gaari doonin xasillooni siyaasadeed ama horumar dhaqaale ayuu tilmaamayaa Miido. Sidoo kale labadan jirro in ay nagu keeneen inaan soo celcelinno dhibaatooyin iyo doogo la xariira tagtada ayuu qoraagu carrabaabayaa (repitition compulsion). Taariikhda oo aan wax laga baran waxa ay keentaa in qaladaadkii hore loo sameyn jirey uun dib loo soo celceliyo. Qoraagu, asiga oo xoojinaya qodobkan ayuu soo daliishanayaa oraah uu yiri feylasuufkii reer Mareykan George Santayana ee ahayd, “dadka taariikhda illaawa, wixii hore uun bay dib bay ka soo celceliyaan.” Xasuus guurkaas taariikheed waxaa loo aaneyn karaa saddex arrimood sida buugga aad ka arki karto. 1) dhaqanka raacatada ee guur-guurka ku dhisan. 2) burburintii kacaanku ee uu burburiyay ilbaxnimo kasta ee raadkeedu dalka ka jiray. 3) burburkii dalka ka dhacay ee lagu burburiyay goobihii taariikhiga ahaa oo ay maktabaddii qaranka qayb ka ahayd.
Qoraagu, waxa uu ku yara nuuxnuuxsaday doorka Suufiyadu ka geysteen habnololeedka bulsho iyo mid hormar. Labada dariiqo ee Soomaalidu badankood heystaan (Qaadiriyad iyo Axmadiyada) ayuu tilmaamayaa Xisaam Miido asigoo soo daliishanaya daraasado laga sameeyay arrintan. Mar asiga oo qalinka ku cadaadinaya doorkii ay Suufidu ku lahaayeen in dadka raacatada ah diinta la baro ayuu yiri “Suufiyadu waxa ay halabuureen hannaan bulshada raacatada ah lagu barayo diinta, sidaa oo kale waxa ay halabuureen hannaan bulshada lagu fahansiin karo diinta islaamka, maadaamaa Soomaalidu ay tahay bulsho aan fahan dhow u lahayn luuqadda Carabiga. Sidaa awgeed Sheekh Yuusuf Al-kawneyn waxa uu hindisay xuruuf af Carabi ah oo Soomaali ah oo la yiraahdo, “Higgaad.” Halkan, waxaa laga fahmi karaa in Suufiyadu ay dadka diinta bareen iyaga oo aan Carabeyn Soomaalida. Iyaga oo ilaalinaayo dhaqanka Soomaalida ayay diinta bareen dadka. Nidaamkaas Quraan barasho ee uu hindisay Sheekh Yuusuf Alkawneyn, waxa uu Soomaalida u fududeeyay barashada diinta oo waxaa Soomaalida lagu tilmaamaa in ay tahay bulsho caan ku ah xifdinta quraanka iyo barashadiisaba. Xisaam, asiga oo tixraacaya Dr. Baadiyow ayuu sheegayaa in Suufiyadu sameeyeen goobo la dego oo joogto ah, waxa ay na sameeyeen deegaameyn iyo magaalayn iyaga oo bulshadii raacatada ahaa ka dhigay bulsho deggan oo xasilan. Kol kale isaga oo soo xiganaya Baadiyow ayuu ku doodaayaa Xisaam Miido in islaamiyiinta Soomaalidu aysan xusin kaalinta Suufiyada taas beddelkeeda na ay gaalaysiiyaan.
Cutubka labaad, waxa uu qoraagu kaga jawaabayaa weydiimo culculus oo intooda badan lagu muransanyahay. weydiimahaas waxaa ka mid ah: Soomaalida ma gumeystaa qaybiyay mise wey qaybsanayd, keebaa qeexa ruuxa Soomaaliga ah Qabiilka mise Diinta, Soomaalida iyo Calmaaniyadda iyo ugu dambeyn waxa uu iridda u gulayaa Taariikhda Islaamiyiinta iyo sameysinka Alshabaab. Bulshada Soomaalidu waa raacato oo qabaa’il u kala qaybsan. Qabiil kastaa iyo xerooyinkooda geeleed mid ba meel gaar ah ayuu joogaa oo ay ku kala firdhisan yihiin. Asigoo qodobkan xoojinaya ayuu soo xiganayaa dooddii Aroma ee ahayd in bulshada Soomaalida tahay bulsho kala qaybsan oo kala firdhisan, gumeystihii ka hor na ahayd bulsho kala qaybsan oo qabaa’il ah kala qaybsanaantaas na uu gumeystuhu ka faa’ideystay. Doodda labaad ee cutubkan waxa uu ku lafagurayaa waxa qeexa ruuxda qofka Soomaaliga ah, ma qabiilka ayaa qeexa mise diinta. Dooddan waxa ay ka mid tahay doodaha xiisaha laha ee buugga ku jira ee uu qoraagu dul istaagayo. Si uu masaladan culus kaga jawaabo waxa uu soo xiganayaa qoraagu hal aragti oo ay ka wada siman yihiin Dr. Afyare iyo Prof. Baadiyow ee oranaysa, qofka Soomaaliga ah waxaa qeexa diinta iyo qabiilka. Labadaa shay in aan qofka Soomaaliga ah laga soo marin karin ayay carrabaabeen labadan Professor. Halkan, waxa uu ku naqdinayaa labada Professor asiga soo bandhigaya dooddiisa ah in qofka Soomaaliga ah waxa qeexa uu yahay qabiilka ee aysan diintu wax shuqul ah ku lahayn. Si uu dooddiisan u sii xoojiyo Waxa uu na hordhigayaa weydiin ah: diintu intee ayay la falgashaa nolosha qofka Soomaaliga ah dhaqan ahaan, suugaan ahaan iyo habnololeed ahaan ba? Si uu masaladan kaga jawaabo waxa uu dib u raadgurayaa dhaqanka raacatada ah ee qofka Soomaaliga ah. Waxa uu soo qaadanayaa sida dhaqanka raacatada ah ee aadka u kakan una qallafsan uusan u qaadan karin diinta islaamka. waxa uu markale hortaada keenayaa Xisaam Miido su’aal kale oo ah: maxay diintu u noqon weyday wax ku weyn ruuxa Soomaaliga ah? Si uu kaga jawaabo weydiintan waxa uu soo daliishanayaa aragtidii Aroma ee oranaysa, “fahanka Soomaalida ee diinta waxaa u sabab ah labo arrimood: midna waa diinta oo ku qoran Af-Carabi. Midna waa Soomaalida oo u badan reer miyi aan aqoon fiican u lahayn Af-Carabiga.
doodaha kale ee uu cutubka kaga hadlayo waxaa qayb ka ah, Soomaalidu iyo cilmaaniyadda asiga oo isbarbardhig ku sameynaya doorka wadaadka iyo waranlaha markii la joogo bulsho raacato ah. Dooddan waxa uu ibafur uga dhigaya qoraaga, in xeerka Soomaalida ee marxaladaha kala geddisan soo maray cidda saameynta culus ku leh ay tahay waranlaha, ee uusan wadaadku shaqo iyo shuqul mid na uusan ku lahayn. Asiga oo dooddiisan xijisanaya ayuu soo daliishanayaa Cabdiqaadir Cabdulle Diini buuggiisa ah “xeerka Soomaalida iyo cilminaayidda maxaa u dhexeeya?” ee uu ku sheegay in bulshada Soomaaliyeed ka kooban tahay labo qaybood oo kala ah: Wadaad iyo Warranle. Wadaadku waxa ay shaqadiisa ku kooban tahay kaliya hawlaha diinta la xiriira ee uusan wax shaqo ah ku lahayn hannaanka siyaasadeed ee bulshada. halka warranluhu uu yahay ninka bulshada u ah indhaha ay wax ku aragto ee dajiya xeerka iyo talada. Cilmibaaristiisii ahayd habdhaqan siyaasadeedka Aadan Cabdulle, Dr. Baadiyow waxa uu ku soo bandhigayaa in wadaadka Soomaaliga ah kaliya loo deyn jiray hawlaha diinta la xariira halka warranluhu uu xukmin jiray hawlaha siyaasadeed ee bulshada. sida aad halkan ka dareemayso, ma jirto kaalin uu wadaadku ku dhex leeyahay siyaasadda Soomaalida. Waxa uu aad ugu faaqidayaa qaybtan sida wadaadka Soomaaliga ah loo yaso. Waxa uu qoraagu sheegayaa doorka wadaadka Soomaaliga ah kaliya in uu ku koobnaa: barista quraanka iyo isku mehrinta labada qof ee is guursanaya. Waxa uu qoraagu tilmaamaya sida uu dhaqankeennu u yahay dhaqan calmaani ah.
Cutubka labaad, waxa uu qoraagu ku soo gunaanadayaa taariikhda Islaamiyiinta iyo sameysankii Alshabaab. Waxa uu tibaaxayaa maraxalidihii kala geddisnaa ee Islaamiyiintu ay soo mareen. Al-shabaab in ay ahayd wax ka dhex dhashay Islaamiyiinta ayuu sheegayaa. Qoraagu isaga oo soo xiginaya Cabdilqaadir Oromo waxa uu tilmaayaa fursadiihii ay wax ku beddeli karayeen islaamiyiintu se ay dayaceen. Dhaqanka seef la boodnimada iyo xikmad yarida xarakada Islaamiyiinta ayuu wax ka sheegayaa qoraagu. Fashilkoodii siyaasadeed na in labadaas qodob ay sababeen ayuu farta ku fiiqayaa. Waxa uu si qotodheer u abbaarayaa halka ay ka timid aragtida Salafiyada Jihaadiga. Waxa uu qoraagu dhanka kale al-shabaab ku tilmaamayaa in ay yihiin Kansar. Isaga oo qodobkaas sii faah faahinaya waxa uu yidhi “Kansarka al-shabaab waa natiijo ka soo baxday afkaaro silloon oo Soomaaliya loo soo dhoofiyay xilligii qaranjabka.” Cutubka ugu dambeeya buugga, qoraagu waxa uu wax ka yiri dhawr qodob oo ay ka mid yihiin: Soomaalida iyo Carabtu waxa ay wadaagaan, dhaqanka iyo horumarka xiriirka ka dhaxeeya, bulsho bilaw ah iyo indheergarad gumoobay. Markii laga soo tago arrimaha Soomaalida iyo Carabta ka dhaxeeya ee ay ugu waynyihiin ganacsiga iyo diinta, waxaa kaloo jira labo arrimood oo ay wadaagaan oo kala ah: hoggaan xumada iyo yasidda dumarka. Hoggaan xumada sida ay bulshada Carabta iyo Soomaalidu u ragaadisay ayuu tilmaamayaa Iskudhoon. Sidoo kale waxa uu ku soo bandhigayaa cutubakan sida dhaqanka Carabta iyo kan Soomaalida ay u quudhsadaan una liidaan haweenka. Xisaam Miido, waxa uu buugga ku soo gabagabaynayaa sida indheergaradka Soomaalidu u yahay indheergarad gumoobay oo aan dajin karin afkaar iyo xalal. Iskudhoon waxaa la oran karaa waa buug akhristaha u sahlaya in uu si fudud u arko dhibaatooyinka ku hareeraysan bulshada Soomaalida. Waa buug mudan in qofkasta oo Soomaali ah akhriyo dul saarnaada na miiskiisa wax akhriseed.