Skip to main content

Tuesday 24 June 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Buug

Faallo Buug: Gadhoodh Macaan

17 December, 2024
Image
Gadhoodh macaan
Share

Way ahayd, in Nuuruddiin Faarax iyo Soomaalida uu ka warramaba dhexdooda laga saaro darbiga weyn ee ka la xannibay isu socodka fekerkooda, dareemidda lahaanshiyahooda iyo abuuridda xidhiidh qotodheer oo suugaamaysan. Way ahayd in ay meesha ka baxdo, qatanaanta akhristaha Soomaaliga ahi uu ka qatan yahay noofaalka iyo aragti suugaameedda, noofaliiste Nuuruddiin Faarax—tanina (Turjumaaddaanna) waxay kaalin wayn ka gaysanaysaa burburinta xayndaabka u dhaxeeyo Nuururddiin-ka Soomaaliga iyo Soomaaliyaba ka warrama, iyo akhristaha Soomaaliga ah ee aan afafka qalaad wax ku akhrin. Nuuruddiin, waxa uu ka mid yahay suugaanyahannada farakutiriska ah ee sida guud soo bandhiga sheekooyin macno iyo metalaad Afrikaannimo laga dhadhansan karo, wuxuu mucda noofaliskiisa kaga warramaa iswaaga Afrikaanka ku dhacay, gummeystaha ka dibna jidka ay Afrika qaadday, iyo qooqaayada afganbiga ku la wareegay taliska iyo ismaamulka ummadda Afrikaanka ah—si gaar ahna wuxuu suugaantiisa kaga warramaa Soomaaliga iyo Soomaaliyaba, gaboodfallada ay isu gaysato bulshada, kalasarranta dabaqadaha, gacantii qooqanayd ee askarta taliska maroorsatay iyo dhaqannada gurracan ee abkasoogaadhka ah, iyo siday u naafeeyaan hanfekerka iyo ilbaxnimada Soomaalida.  

Sida uu ku xusay buuni Cali Jimcaale Axmed maqaalkiisa: Nuuruddiin Faarax iyo dhaqanka Soomaalida, waxa uu barafisoorku xusayaa qodob nuxurkiisu yahay: in Nuuruddiin Faarax, uu ku soo jeediyay indhaha adduunka qaddiyadda Soomaalida, waliba isaga oo adeegsanaayo noofaaliskiisa lamadhaafaanka ah—si gaar ahna waxa uu ku soo jeediyay indho ka baxsan indhaha danlayda iyo dibloomaasiyiinta dunida. Dhabtii, qodobkaasina waa qodob si weyn looga dhex arki karo akhristayaasha ka la duwan ee dunida ku faafsan iyo siday noofaaliskiisu u abuureen masrax cusub oo laga daawado qaddiyadda, dhaqanka, khuraafaadka, iyo caqlitaliska Soomaaliga. Tanina waa halka uu mudane Faarax, ka lahaa: "Waan noolaan karaa buugtayda la'aantooda, waxay samaysteen saaxiibbadooda gaarka ah. Waxaa jira dad jecel buugtayda in ka badan intaan jeclahay."

"Waan noolaan karaa buugtayda la'aantood, waxay samaysteen saaxiibbadooda gaarka ah. Waxaa jira dad jecel buugtayda in ka badan intaan jeclahay."  

Qulqulka sheekada:

Gadhoodh Macaan, waa buugga koowaad ee silsiladda saddexda ah ee "Jaadadka kelitaliyaha Afrika" la isku yidhaahdo. Buuggaan koowaad iyo buugta kale ee silsiladdaba waxa ay soo baxeen intii u dhaxaysay 1979-83-kii. Tabtiisii gaarka ahayd ayuu u soo bandhigayaa Nuuradiin Faarax, shuubaalka iyo socodka noofaalka. Dhacdooyinku waxay u soconayaan si qunyarsocodnimo badan, erayaduna waxay isugu xidhan yihiin sidii dunta oo kale taas oo akhristka u yeelayso xammaasad iyo dabacsanaan, sii uu duntaas isu xidhxidhanna uga salgaadho ayaannu akhrisku u joogsanaynin. Marar badan, tabtiisii gaarka ahayd iyo ku talaxtagga sifaynta, midabbaynta iyo xardhidda hummaagga maskaxeed ee akhristaha ayuu isku qaadayaa mudane Faarax.  

Gadhoodh Macaan: sheekadu waxay ka warramaysaa oo u dhacaysaa qaab baadhis ah, oo billowga hore ee noofalka waxaa sheekada lagu furfurayaa sakaraadka Sooyaan, oo mataan la ah Looyaan. Sooyaan, waxa uu u shaqaynayay taliskii kacaanka, se waxa uu ahaa mid ka fekrad duwan, iskala-qummanaanna taliska iyo sida oo kale waxa uu ku suntan yahay shakhsiyad aan tacaddiyada, cabbudhinta iyo xorriyadtirka dadnimada ee ay wadeen hey'adda sirdoonka ee dalka iyo taKGB-da aan raalli ka ahayn. Sakaraadka iyo geerida Sooyaan ee billowga hore ee shakada lagu furfuraayo waa dunta xidhxidhan ee saldhigga u ah noofaalka—dabcanna socdaalka sheekada oo dhanna waxaa qaadanaya marxuunka mataankiisa; Looyaan. Dunta iyada oo ay sidaas u xidhxidhan tahay ayaa Sooyaan la aasayaa, iyada oo aan baadhis la marsiin maydkiisa, taasina waxay shaki galinaysaa Looyaan. Aaska waxaa isugu imaanaya qaar ka mid ah saaxiibbadii Sooyaan, iyo wasiir ka mid ah taliskii. Qumman; hooyada mataanaha, waxay kaga shakinaysaa geerida Sooyaan, in ay ka danbaysya oo ay sumaysay dangaladeeda; Beydan, oo uu gurigeeda wax ka soo cunay. Looyaan, se isagu si ka duwan arrimahaas oo dhan ayuu u fekeray, oo waxa uu geerida kaga shakinayaa taliska iyo hey'adaha sirdoonka; ta dalka iyo KGB-da.

Looyaan, waxa uu la joogay mataankiisa daqiiqadihii u danbeeyay ee qudhbixiisa. Se odayga reerka iyo aabbaha mataanaha; Keynaan, waxa uu u dhaqmay si guulwadayn ah—oo waxa uu ka dhigay Sooyaan, guulwade jeclaa janaraalka weyn iyo sida guud taliska iyo falalkooda, isaguna waxa uu iska dhigay qofkii ugu danbeeyay ee marxuunka la joogay daqiiqadihiisii qudhbaxa. Waxa uu Keynaan ahaa, sargaal hore oo howlgabnimo ku marmarsiyoodo bal-se shaqada laga eryay, si uu isaga dhigo nin macno leh ayuu ka la shaqaynayaa taliska in Sooyaan, u halgami jiray kacaanka, xiddigtana waxa uu siinayaa warbixin nuxurkeedu yahay in Sooyaan daqiiqadihiisii u danbeeyay yidhi: "Shaqo waa sharaf, Janaraalna ma jiro janaraalkeenna mooyee." Aad bay hadalkaan isugu qabsanayaan Looyaan iyo Keynaan, bal-se Looyaan waa looga adkaaday borabogaandadaas laga sameeyay mataankiisa—ka dibn waxaa la billaabayaa in Sooyaan loogu magacdaro jidad iyo u ekaysiinta halgamaa kacaaami ah.  

Dunta sidaas isugu soohan, borabogaandada intaas la eg ee laga faafiyay marxuunka: Sooyaan, ayuu billaabayaa Looyaan, in uu si qumman u dabakaco dunta isu soohan. Isaga oo sidaas u wareersan ayay guriga imaanaysaa gabadh iska dhal ah oo xaas u ahayd marxuunka; Sooyaan, oo la yidhaahdo; Maargariita. Waxay u dhashay wiil yar; Maarko. Looyaan, waxay isfahmayaan Maargariita, waxa uu billaabayaa in uu dunta ka dabakaco dhankeeda, isaga oo ogaanaayo in ay jiraan wareegtooyin ay ka wadashaqaynayeen mataankiisa ammuuday; Sooyaan iyo saaxiibbo u badnaa dhallinyaro madaalayaal ah se dhaliilsan afkaarta gurracan ee askarta iyo sida guud habtaliskooda ku dhisan; qooqaanimada Iyo qabyaaladda. Waxay Maargariita uga warramaysaa Looyaan, siday isu barteen marxuunka, kaalintiisa waxgalnimo iyo dedaalkiisa—sida oo kale waxay xusaysaa in ay hayso wareegtooyinka ay garaaceen dhallinyarada uu ka midka ahaa; aqoon-yahannadii ku midaysnaa ururka madaalayaasha ahaa ee qarsoodiga u shaqaynayay bal-se qaarkood ay ka mid tahay gabadh xoghayn ahayd; Mulki, oo garaacday wareegtada ayna u xidhan tahay hey'adda sirdoonka.  

Looyaan, waxa uu dunta dabakacaba waxaa la dabadhigayaa dharcad si gooni ah u dabagasha, jeer uu xabsi galo. Xabsiga inta uu ku jiro ayaa loo sheegayaa in ay jirto warqad magacaabis ah oo uu janaraalka weyn ugu magaacabay marxuunka la dhashay xafiis ku yaal Belgrade, bal geeridu ay daadejisay. Baddelka uu dunta dabakacaayo, iyo dhabraadinta in uu qaato magacaabista oo uu galo booska mataankiisa ayaa lagu qancinayaa—haddii uu diidana loogu yeedhi doono; kacaan-diid, aynna tahay in la jirdilo oo uu u dhinto hab fooxlun. Baddelka danbe ayuu qaadanayaa, xaanshiyaha danbe waxa uu akhristuhu ugu tagayaa dhabraadiyihii oo ay duruuftu u dhabsheegtay. Sidaasina ku soo afmeermaysaa shubaalka sheekada iyo dunta isu soohan ee aan sinna looga salgaadhi karin.  

Nuxurka Sheekada Gadhoodh Macaan

Sida laga dhadhansado suugaanta Nuuruddiin Faarax, waxaa uu dhab-abbaaraa sida guud; Afrika iyo gummaystaha hirdankooda, habfekerka siyaasadeeda, dhibaabaha kelitaliyaha, tacaddiyada abuurma kolka talamaroorsi dhaco, iyo si gaar ah: qofka Soomaaliga ah iyo talaxumo-tashiilkiisa, tacaddiyadii askarta talamaroorsatay wadar-oggalkii bulshada, iyo dhaqannada, khuraafaadka bulsheed. Nuxurka kadeedka Afrika iyo jidka ay qaadday kolkii gummeystaha iyo ka dibba si uu uga warramo mudane Faarax, waxa ka hadalsiinayaa shakhsiyadda gabadha iska-dhalka ah: Maargariita, ee uu qabay marxuunka: Sooyaan. Afrika iyo gummaystaha: "Afrika waxa qarni ku dhawaad u talinayey gacanta birta ah ee gumeysiga iyo danaha dhaqaale ee Yurubiyaanka; kuwan ayaa Afrika u xukumayey sida inay tahay buqcaddii ciqaabta. Afrika siyaalo kala duwan ayaa loo dulleeyey; waxa lagu ciqaabay bir, jeedal, faro-dubbayn, iyo xiniinyo siibid. Wax cusub sheegi maayo haddaan dhaho mooryaanta gumeystayaasha ahi hadday tahay; Biritish, Faranji, Biljin, Isbanish, Burtuqiis ama Talyaani—dhammaan iyagoo metalaya dunida ilbaxa ah waxay ummadaha ay gumeysteen u maamuleen si wuxuushnimo ah oo arxan daran. U may haysan in dulleysanayaashu u qalmaan inay hantaan xuquuqda dimuqraaddiga ah ee ay ku raaxaysanayeen dalalkoodu; amaba kuwooda dalalka gumeysan mansabyada maamul ka hayey. Dalalka la isticmaarsaday waxay ka sameeyeen dabaqad yar oo ladan, kuwan oo dhalanteed ku nool, una haystey inay la siman yihiin Yurubiyaanka ay isku fasalka yihiin, balse waxbayna ogeyn."

Isla jeer kale Nuuradiin Faarax, waxa uu noofaalka dhexdiisa kaga hadalsiinayaa Maargariita, si uu innoogu bidhaamiyo nuxurka; gummaystaha ka dib iyo talamaroorsiga Afrika ka dhacay Toddobaanaadkii, waxa uu erayadiisii dabacsanaa, qotadheeraa ee haddana farshaxamaysnaa ku odhanayaa: "Haddana waxa yimid '70-nadii afgembiyo millatari; kelitalisnimo bilaa gabbasho ah. Waxaynu aragnaa Afrika oo dib loogu celiyey qarni ay hore u soo aragtay— qarnigii kelitalisnimada Yurubiyaanka; kaamamkii dadka lagu gurayey. Afriki mar kale waa buqcaddii ciqaabta. Afriki waa dulleyn. 'Afrika' Sooyaan baa odhan jirey 'waan u qajilsanahay'. Xaggee bay mareen qoorweyntii dib ugu abuurtay rejooyinkan dhalanteedka ah quluubta bulshoweynta Afrika? Qaarkood waxay galeen oo ku jiraan sannado kadeedan oo xabsi ah. Badankoodu way ka baqooleen dalalkoodii. Waxay ka shaqaystaan UNESCO, FAO, amaba dalalka saliidda qaniga ku ah ee gacanka Carbeed......"

Noofalkaanna waxaa laga dhex arkayaa tacaddiga iyo dadnimatiranka askartu bulshada ku la kacayeen, habowga iyo guulwadaynta baahsan ee bulshada caqligooda lagu la dagaallamayay iyo arrimaha murugsan ee gummadayntu saldhigga u ahayd. Taasina, waa ta labada mataanood ee sheekada saldhigga u ah; Sooyaan iyo Looyaan, oo ah aqoon-yahanno caqligooga uu shaqaynayo ay la anfariirayaan dadnimatiranka iyo aabbayaynta subax walba la aabbayeeyo janaraalka weyn iyo sida loogu guulwadeeyo. Waxaa uu ka dhabsheegayaa mar kale cidda fekertaa ee aabbayaynta iyo guulwadaynta garaadkeedu ka koro waxaa lagu la kacayaa laba mid uun: Xabsi ama musaafurin. Qofkii fekera ee taliska iyo janaraalka u guulwadayn waaya waxa uu la kulmayaa tacaddi ama musaafurin—cidda la musaafurinayana waa cid aan loo rabin tacaddiga xabsiyada oo uu janaraalka weyni isdhaafinayo.  

Nuxurka ugu danbeeyo ee laga dhex arki karo wadasheekaysiga dhex maraayo mataanaha aabbahood; Keynaan, iyo mataanka marxuunka; Looyaan, ayaa ah nuxur lamadhaafaan ah, oo aad u mug weyn. Weedhaha uu suugaan-yahanku (Nuuruddiin) dhex marinaayo oday Keynaan, waa weedho aad u qotodheer oo waliba xujo ku ah dhallinta iyo dhiigga caabboon ee sida guud Afrika iyo si gaar ah Soomaalida aqoon-yahanka iyo u dhaqdhaqaaqayaasha bulsheed noqda. Oday Keynaan ayaa wiilkiisa Looyaan, ku odhanaya; "Ma jirto cid dhallinyartiinna ah; ma i maqlaysaa? Janaraalku kama cabsiqabo halis kaga timaadda adiga iyo jiilkaagaba. Aragti aad wadaagtaan oo aad ku dagaalgashaan maba lihidin. Wax aad isku raacsan tihiin oo aad diiddan tihiin ma jiro. Waxaad raacdaynaysaan uun googgaradaha, tikidho aad yurub ku aaddaan iyo gawaadhida noocyada u danbeeya. Waxan waa la idiin helayaa, halisna ma tihidin dhammaantiin dhallintiina shacabka ah." Dhab ahaan wali waa halkeedii, Afrika dhallintooda dhiigga cusub ah ee aqoonyahanka iyo u dhaqdhaqaaqayaasha bulsho noqda waxay ku qancaan cadquudheedka siyaasiga hoggaanka xun ee Afrika lee dahay iyo waxyaabo iska yar. Tabtaasina way ka dhex jirtaa Soomaalida dhexdeeda, dhammaan.! Wali sidii janaraalka weyn aabbaha looga dhigan jiray ayaa siyaasiga muufaystaha ah loogu guulwadeeyaa oo sacabbada loogu tumaa. Wali...Wali... Wali tabtii uu Nuuruddiin Faarax toddobaatameeyadii ku xusay weedhihiisa ayay jiilka cusubi u dhaqdhaqaaqayaashooda tikidho ay Yurub ku tagaan iyo cadquudheed uga raadsadaan taliska bulshada—dhaqaaq iyo dhiig kacdoomi midna ma jiro; muufaysi uun baa lagu wada qancay.

Aan gunto faallada'e, Nuuruddiin iyo Soomaalida darbiga dhexdooda ka dhismay in meesha laga saaro, oo ay isu furmaan fekradahooda, akhristaha aan afka qalaad wax ku akhriyinna uu dhex dabaasho suugaanta noofaliiste Nuuruddiin Faarax, waa arrin mahdin iyo baraarujin mudan—mashruucaan soo afnaqidda buugga Koowaad ee silsiladdana waa dheefsi ummadeed. Waa halkii Xilmi Bin Meryam ku lahaa waraysigiisa uu siiyay GEESKA, hadal nuxurkiisu ahaa; Sheekooyinka danbe ee Nuuruddiin, way isdooriyeen: 'kuwaas oo isu dooriyay kuwo uu qoraagu naaxnaaxinta iyo ku xarragoodka ka badbadiyay, hadday tahay sheeko-tebinta, qaabka, iyo dhacdooyinkaba, waxay noqdeen kuwo iska daba meeraysanaya, mararka qaarna aan is haysan.'—Haddana waxaa xusid mudan oo u baahan u fiirsi iyo macaansi qotodheeraanta iyo mucda noofaaliska, dhacdooyinka dhex ahaaday. Aan ku afmeero erayda u danbeeyo qormada intaan;

"Qiimaha Nuuradiin Faarax waxa garan kara ruuxii ka bogta qoraalladiisa." Waraysi: Geeska; Xilmi Bin Meryam.