Skip to main content

Tuesday 14 July 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Buug

Faallo Buug: Cries in the Hinterland: Untold Stories of the Somali Region in Ethiopia, 1948–2018

1 July, 2026
Image
Faallo Buug: Cries in the Hinterland: Untold Stories of the Somali Region in Ethiopia, 1948–2018
Share

Geeska Afrika waxa uu sooyaal ahaan iyo soojireen ahaanba ahaa mid aad istaraatiiji ugu ah quwadaha dunida iyo nidaamyada dawliga ah, oo waxa ku kulmay ilo khayraad ah iyo marinno lamahuraan u ah geeddi-socodka ganacsiga iyo wixii la halmaala, oo badi xulafooyinkii Yurubbiyaanku iyo kuwii ka horreeyayba waxa ay ahaayeen kuwo isha ku haya oo ku baraarugsan in wadnaha dunida halkani tahay. Waxa uu deeegaan u yahay bulshooyin ku kala duwan diin, dhaqan, af iyo habnololeed ahaanba oo isla jeerkaana loollanno isir ku salaysan oo taariikhi ahi ka dhex oogan yahay.

In kasta oo uu Prof. I. M. Lewis buuggiisa, Peoples of the Horn of Africa, saddex qowmiyadood oo Soomaalida iyo Canfartu ka mid yihiin ku dersayo misana waxa uu xusayaa sida gobolkani u yahay mid baaxaddiisa iyo dhumucdiisa dhaqan iyo ilbaxnimo ahaanba leh, saamayntii isticmaarka iyo dhitadiisiina laga dheehanayo, oo ay ugu weyn tahay tan ku saabsan xuduudihii uu dhigay. Marka laga soo tago qodobbada tirada badan ee shidaaliya dagaallada, rabshadaha, iyo xiisadaha soo noqnoqda ee gobolka ka aloosma waxa la odhan karaa qodobkaa ku tacalluqa murannada xuduuddu waa mid isaguna leh mudnaantiisa. Sidaas si la mid ah geddoonka iyo isbedbeddallada ka socda dunida iyo quwadaha dawliga ahi iyaguna saamayn togan iyo kuwo tabanba way ku yeeshaan siyaasadaha gobolka. 

Waxa ay Itoobiya ka mid tahay dalalka ugu faca weyn ee dunida oo waxa ay tirsataa sooyaal aad u fog oo ka dhigay mid sooc ah dhan kasta. Christopher Clapham waxa uu buuggiisa, The Horn of Africa: State Formation and Decay, oo uu ku dersayo dalalka Geeska samaysankooda dawladnimo iyo arrimaha la xidhiidha hoobadkooda waxa uu kaga warramay muhiimadda Geesku uu Afrika uga dhex leeyahay iyo sida ay Itoobiya uga madax taagan tahay dalalka kale ee dhiggeeda ah oo saamaynta ay ku leedahayna uu abuuray gobol ka duwan kii ka xoroobay isticmaarka. Waa dal hodon ku ah khayraadka dadka iyo kuwa dabiiciga ahba. Waxa ku nool qowmiyado aad u tiro badan oo mid kastaa ay leedahay dhaqannadeeda iyo soojireenkeeda u goonnida ah. Waxa ay ka mid ahayd imbaraadooriyadihii Afrika soo maray kuwii ugu xoogganaa, taasina dabcan waxa ay dhaqaajisaa damacyadeeda kala duwan. Sida aqoonyahannada dersaa ku doodayaanna waa mid ka mid ah furaha Bariga Afrika iyo Geeskaba aad ka gelaysid haddii aad doonaysid in aad fahantid sida wax uga socdaan mandaqadda. 

Buuggan ku cinwaanaysan, Cries in the Hinterland: Untold Stories of the Somali Region in Ethiopia, 1948–2018, oo ay daabacaaddiisii kowaad soo baxday 2022, waxa qoray Dr. Cabdirasaaq Warfaa. Waxana daabacaday Riverfront Pond Press. Mar wax laga weyddiiyay sababaha ku dhaliyay in uu furo taariikhda malafkan waxa uu sheegay in ay u weyn tahay in aynu taariikhdeenna inagu werinno oo deedifaynno suuradaha khaldan ee aan toganayn ee ay cidaha kale taariikhdeenna ka qorto. Dhigaalkan oo ay bogaggiisu ku siman yihiin 160 bog waxa ku duugan kayd taariikheed oo Soomaalidu baahi u qabtay in laga shaafiyo, iyo su'aalo taariikhdeeda ku godan oo ay ahayd in laga jawaabceliyo. Waa dhigane ay in badan la sheekaysan doonto oo wax ka baran karto oo loogu tegayo taariikh runnimo xanbaarsan oo shakhsi ku habboon uu qoray. Waana xul mudan akhristaha Soomaaliga ah ee daneeya taariikhdeenna ummadeed iyo saamayntii gumaystuhu inagu yeeshay in uu u dhabbagalo akhriskiisa. 

Waxa uu si guud kaga hadlayaa taariikhda dheer ee aan la tebin ee Deegaanka Soomaalidu leeyahay oo waxa uu dedaal ku bixiyay qoraagu in uu daaha ka rogo dhacdooyin aanay badi Soomaalidu dhaaddayn oo looga warramin. Waxa uu deraasayn ku samaynayaa taariikhda deegaanka isaga oo abbaaraya intii u dhexaysay 1948 ilaa 2018, balse sida oo kale wuu raadraacayaa wixii dabshidkaa ka horreeyay iyo sidii masaladu ku soo bilaabantay ee ay sarteedu taallo, waxna wuu ka taataabanayaa wixii ka danbeeyay kolkii la soo afjaray halgankii hubaysnaa ee Jabhadda Xoraynta Waddaniga ah ee Ogaadeeniya (ONLF) iyo isbeddelladii kala duwanaa ee ku dhacay nidaamka iyo hannaanka ismaamul ee Dawlad Deeegaanka Soomaalida. 

Buuggu waa mid ka ceegaaga oo qoraagu aad ugu kuurgalay in uu ku adeegsado dukumentiyo leh sal iyo tixraacyo sugan. Waxana uu booqday diiwaanno taariikheed oo Ingiriiska iyo Maraykanka ku yaalla, sidaas si la mid ah waxa uu ku soo bandhigayaa qisooyin ka dhacay deegaanka oo ay ka warrameen goobjoogayaal markhaati ka ahaa falalkii arxandarrada ahaa ee taliska Itoobiya uu ka geystay gobollada kala duwan. 

Inta aynu akhriyayno buugga waxa aynu arkaynaa in qoraagu ku adeegsaday Deegaanka Soomaalida iyo Dawlad Deeegaanka Soomaalida beddelkii Ogaadeeniya oo ah magac inta badan ay Itoobiyaanku taariikhda dhulkaa u adeegsan jireen. Isla wakhtigaanna aanu jirin magaca 'Itoobiya' wixii ka horreeyay 1900 oo looga yaqaannay dunida imbaraadooriyaddii 'Abaysiiniya'. Waxa uu kaga hadlayaa damacii iyo doonitaankii imbiriyaalinnimo ee Abaysiiniya u qabtay in ay dhulka Soomaalida qabsato oo sida uu xusay barafeesarka reer Maraykan ee Charles L. Geshekter oo ah mutacallin taariikhda Afrika wax ka qora, waxa uu ku xusay curiskiisa Anti-Colonialism and Class Formation: The Eastern Horn of Africa before 1950: "Sababta ay Abaysiiniya uga bedbaadday boobkii imbiriyaalinnimo ee Yurubbiyaanka waa in ay iyadu ahayd mid ka qayb ah boobkaa oo kolkii danbena ay ku hadoodishay in ay la baxdo magaca Itoobiya." 

Waxa uu qoraagu ku doodayaa in taariikhda Deeegaanka Soomaalida loo qaybin karayo saddex xilli oo waaweyn oo mid kastaa leeyahay goonninimadiisa: xilligii duullaanka imbiriyaalinnimo oo 1890-1948 ah; xilligii dagaallada ciidan ama halgankii (armed struggle) oo 1948-2018 ah; iyo wixii xilligaa ka danbeeyay oo ku siman marxaladda hadda aynu ku jirno ee gobolku galay. In uu intaaba fahan iyo fiiro guud oo toolmoon inaga siiyo buu qoraagu isku deyayaa si aynu uga boganno halka wax marayaan iyo sida ay wax ahaayeen. 

Waxa buuggu ka kooban yahay saddex cutub oo ay ka farcamaan cinwaanno tiro ah oo uu qoraagu ku beegsanayo in uu si xeeldheer ugu lafaguro. Cutubka kowaadi waa taariikh waaraysa oo sooyaal dheer lagu gaalaabixinayo iyo sidii gobolku u galay gacanta gumaystaha. Kan ku xigaa waa cunfigii iyo cadaadiskii dawladdu ku soo rogtay Soomaalida iyo denbiyadii iyo falalkii arxandarrada ahaa ee gumaystuhu ka geystay deeegaanka Soomaalida. Kan u danbeeyaana waa dabaylihii isbeddelka iyo toobiyaha cusub ee dawlad deeegaanka Soomaalidu qaadday oo uu dhaliilo iyo digniinaba ka muujinayo. 

Taariikh Jiitamaysa 

Waxa uu cutubka kowaad oo ah kan u badan buugga ku lafagurayaa sida aynu soo xusnay waayihii gobolku soo maray iyo faragelintii shisheeyuhu ku lahaa dhulalka Soomaalida iyo eelkii uu kaga tegay oo taagan ah. Waxa uu inagu jalbeebinayaa taariikh qarnigii 19aad ka soo bilaabanaysa oo xiisaheeda iyo xasaasiyaddeedaba leh. Waxa uu ku taariikhaynayaa hawlgalkii 1897 ee ballaysinka u ahaa in Deeegaanka Soomaalida lagu wareejiyo Itoobiya oo uu ka danbeeyay isku dubarridkiisa Sir. Rennell Rodd. Mar ay kaga warrameenna David Laitin iyo Siciid Samatar buuggooda, Somalia: Nation in Search of a State, waxa ay ku tilmaameen in marxaladdaasi u horseedday Geeska khalkhal iyo xiisado oogan oo ay soo labakaclayntoodu suure tahay mar kasta. Sidaas si la mid ahna uu buuggiisa 1982 soo baxay ee The Betrayal of the Somalis uu ku xusay Louis FitzGibbon in heshiiskaasi ahaa khiyaanadii ugu cuslayd ee Soomaalida loo geysto.

Sababihii Ingiriisku u bixiyay dhulka in ay ahayd in uu xidhiidh saaxibtinimo iyo iskaashi ah la yeesho Itoobiya maaddaama uu u aqoonsaday in ay tahay quwad madxabannaan oo iskeed u taagan buu wax ka odhanayaa. Dagaalkii Cadwa loo yaqaannay ee ay Abaysiiniya sida foosha xun ugu jebisay xoogaggii Talyaaniga sannad ka hor inta aanay heshiiskaa 1897 gelin oo u saamaxday in loola tacaamulo quwad Geeska ka jirta oo ilaa ay la heshiiso aanay si kale wax uga suuragalayn buu ku tiiqtiiqsanayaa. Waxa uu tibaaxayaa kolkaa in markii ay baarlamaankooda kaga doodayeen in aanay helayn faa'iido siyaasadeed ama dhaqaale ilaa ay Abaysiiniya ula dhaqmaan in ay tahay nidaam iyo maamul awood leh. Si ay tahayba waxa uu iftiiminayaa imbaraadoorkii Minilik in uu ahaa weligii mid u hammuunqaba dhulka Soomaalida iyo isballaadhin oo uu qayb ka ahaa boobkii Afrika. Sida oo kale waxa uu caan ku yahay xoogaggii Yurubbiyaanka wareegtoyinkii uu u diray Abriil 10, 1891 iyo hubka muhiimka ah iyo saanadda ciidan uu ka heli jiray Ruushka, Faransiiska iyo Talyaaniga. 

Waxa uu geesta kale ka hadlayaa doorkii Masiixiyaddu ku lahayd in ay xidhiidh yeeshaan oo xilligaa waxa ka socday Geeska loollankii Niilka iyo Mahdigii fadhiyay Suudaan oo si adag quwadaha Isticmaarka uga soo horjeestay, sidaas awgeedna ay u soo saareen sannadkii 1890 Xeerkii Guud ee Brussels oo lagu xusay in dalalka diinta Masiixiyadda haysta uun loo oggalaado in hubka la siiyo, dalalka kalana laga ilaaliyo oo Itoobiyana ay sidaa ku noqotay dal leh cudud milatari iyo hubabkii xilligaa la adeegsanayay noocyadooda kala duwan. Soomaalida iyo cidihii kale ee deriska la ahaana ee aan haysan diinta Masiixiyadda loo oggolaan hubka in ay soo iibsadaan. 

Qoraagu waxa uu soo bandhigayaa oo ku doodayaa in Itoobiya aanay waxba kaga duwanayn gumaystayaashii kale ee Yurubiyaanka ahaa. Deeegaanka Soomalidana ku ma ay helin duullaan e balse waxa ay ku heshay qaybtii libaax ee kaga soo hagaagtay boobkii Afrika. Heshiiskaa ay galeen 1897 waxa uu u oggolaanayay Abaysiiniya in ay Deegaanka Soomaalida si sharci ah u sheegato. Waxa ay tibaaxayaan sida ku dhigan siyaasaddii arrimaha debedda ee Ingiriiska in heshiiskaasi ku salaysnaa in la "xoojiyo saaxiibtinnimada" ay la leeyihiin Minilik sida oo kalana kor loo qaado dedaallada siyaasadeed iyo ganacsi ee u dhexaysay awoodaha Biritan ee ku sugan Xeebaha Soomaalida iyo Maamulka Abaysiiniya ee Harar. 

Waxa uu kaga warramayaa qorshihii Sir Ernest Bevin, Xoghayihii Arrimaha Debedda ee Biritan, ee ku saabsanaa Soomaali Weyn sannadkii 1946 iyo sidii uu ku hindisay ee ay Soomaaliduna hal maamul ku wada noqon lahaayeen, taas oo aanay ka ahayn wanaag iyo lexejeclo ay u hayeen in Soomaalidu midowdo balse ay xiise iyo doonis u hayeen khayraadkooda iyo ilahooda dabiiciga ah. Waxa ay tilmaameen in heshiiskii lala galay Minilik ahaa mid geeska dhibaato ku ah, sida oo kale waxa ay xusayaan in fekradda Soomaali weyn ay ahayd mid ay aad u soo dhaweeyeen Ingiriisku maaddaama oo iyaga la hoos keenayay. 

Waxa soo raaca oo uu ka hadlayaa taxliil ku saabsan 1948 ilaa 1950 dhacdooyinkii dhacay ee keenay madaxbannaanidii deegaannada kale iyada oo Ogaadeeniya la hoosgeeyay Maamulkii Itoobiya. Waxa uu soo gudbinayaa doodihii baarlamaanku ku yeelanayeen oo laga dheehan karayo dedaalka buuxa ee uu ku bixiyay in uu soo gudbiyo dhacdooyinkaa taariikheed. Sannadkii 1948 marxalad kala-guur in uu ahaa buu ka hadlayaa iyo in sannadkaasi u ahaa Soomaalida mid qaxar badan oo laga gooyay dhul aad u weyn sidaana ku kala huleelan dadyow wada dhashay. 

Waxa uu gebagabada cutubka ku soo dheeganayaa hadalladii ay isweydaarsadeen boqortooyadii Abaysiiniya iyo gumaystihii dhulka haystay. Heshiiskii lagu kala saxeexday ee 1897 buu ku nuuxnuuxsanayaa iyo duruufihii ku gedaamanaa. Doodihii dhex maray labada dhinac buu wax ka soo xiganayaa sida oo kale, waxa uuna uurbaadhayaa kaydka taariikheed ee ku saabsan qoraalladaa. Dhanbaalladii cabashada ahaa ee lagaga hor yimi damaca Abaysiiniya buu wax ka odhanayaa. Waxa uu si wanaagsan uu soo tabinayaa dedaalladii ay sameeyeen qayb ka mid ah gumaystayaashii sida Ingiriiska, aqoonyahanno iyo oday dhaqameedyo Soomaaliyeed si ay uga hor tagaan damaca Abaysiinaya. 

Cunfi iyo Gaboodfallo Dawladeed 

Waxa uu cutubka labaad ee buugga kaga hadlayaa oo uu si faahfaahsan ugu lafagurayaa gaboodfalladii iyo denbiyadii kala duwanaa ee maamulladu ka gaysteen gobolkaa. Waxa uu ka soo bilaabayaa boqortooyadii Minilik ilaa laga soo gaadhayo taliska imika jooga ee Abiy Axmed. Sida dhacdooyinkii ka dhacay, Qabridahar, Doollo, Tulli-Guuleed, Ayshac iyo kuwa la mid ka ah ay u ahaayeen kuwo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo insaaninnimada buu aad ugu nuuxnuuxsanayaa. Waxa uu soo bandhigayaa baaxadda gardarrooyinkaasi ay le'ekaayeen ee ciidanka Abaysiiniya ka geysteen Deegaanka Soomaalida iyo bulshada ku dhaqan.

Waxa uu si gaar ah iftiiminayaa mid ka mid ah gaboodfalladaas kii uu Minilik kula kacay shacabkii Tulli-Guuleed degganaa ka dib markii ay diideen damacii ay boqortooyadu ku doonaysay in ay Amxaaro buuralayda laga keenay ay qasab ugu degaamayso dhulbeereedka Tulli, qudhgoyn-wadareedkii gegada Jigjiga ee 1957 ka dhacay, xasuuqii Dhagaxbuur ee 26 June 1960 oo ay weheliyeen in ceelashii laga sumeeyay, xoolihii laga dhacay, lana joojiya dhaqdhaqaaqii bulsho buu ku xejinayaa. Waxa uu intaa raacinayaa, sida oo kale, xasuuqii waynaa ee Ayshaca ka dhacay 1960, gumaadkii Qabridahar ee 2005 iyo gubidii iyo barakicintii dadkii ku noolaa tuulooyinka soo hoos galayay. 

Xoogaggii laga la hortagay iyo barakicintii lagu sameeyay kolkii ay gedoodeen Tulli shacbigeeda iyo degaamayntii Amxaarada iyo ka faa'iidaysigoodii ilihii dabiiciga ahaa buu wax ka xusayaa. Waana gumaadkii u horreeyay ee ay Tsige Dibu iyo ciidankiisii saddexaad ay u geysteen Soomaalida ka dib kolkii ay la wareegeen xukunka 1948. Waxa uu si kala dhigdhigan uga hadlayaa, sida aynu xusnay, xasuuq wadareedyadii kala duwanaa ee Deegaanka Soomaalida ka dhacay. Waxa uu ku doodayaa kolka aynu la akhrinno qaamuusyada ku saabsan Gumaysiga degaameed in siyaasadihii Qaladi ee lagu deegaameynayay Amxaarada oo laguna qixinayay Soomaalida in ay ahaayeen degaamayn gumaysi (Settler Colonialism). 

Waxa uu qoraagu si fiican uga warramayaa sababihii iyo wixii keenay in fal-denbiyeedyadaasi dhacaan oo waxa uu soo xiganayaa dhacdooyinkii ku hareeraysnaa ee salka u ahayd. Ciidammadii Garaad Makhtal Daahir iyo dagaalladii dhex maray ciidammada Itoobiya buu ka hadlayaa isaga oo si fiican u qaadaadhigaya wixii ka danbeeyay in duruufihii ciidankaasi ku samaysmay iyo hawlgalladoodii isaga oo tixraacaya taariikhda laga dhiteeyay. 

Cutubkan waxa uu ku soo khatimayaa wixii ka dhacay deegaanka Soomaalida taariikhahaa kala duwan kuwo ka dhan ah bani-aadantinnimada iyo xuquuqda aadanahaba oo uu aad uga hadlay Peter Takirambudde agaasimaha Afrika ee u qaabbilsan Xuquuqda Aadanaha. 

Dabaylihii Isbeddelka 

Waxa uu cutubka u danbeeya kaga warramayaa heshiiskii 2018 ee uu hordhaca u ahaa heshiis 2012 ka dhacay Nayroobi oo lala galay jabhadii ONLF, miradhalkiisuna sannadkaa ahaa, iyo tabihii looga saaray meesha ONLF. Waxa uu qaybaha danbe kaga warramayaa fiiradiisa iyo sida uu wax u arko ee gobolka iyo deegaankaba. 

Isbedellada amni iyo siyaasadeed ee Deegaanka ka dhacay iyo dhacdooyinkii dabada ka riixayay iyo xoogaggii hubaysnaa ee meesha laga saaray buu ka hadlayaa. Waxa uu soo koobayaa qoraagu wadahadalladii ay galeen jabhadda ONLF iyo Itoobiya bilowgii ilaa dhammaadkii 2018 oo ay heshiis rasmi ah gaadheen. Waxa uu si faahfaahsan u soo gudbinayaa duruufaha iyo dhacdooyinka ay soo mareen wadahadalladaasi. Sidoo kale waxa uu qaybtan kaga hadlayaa waxyaabaha ka taagnaa Itoobiya iyo deegaanka xilligii uu buuggu soo baxay, sida dagaalkii waqooyiga Itoobiya iyo isbeddelladii Deegaanka Soomaalida ka jiray. 

Waxa uu tibaaxayaa in ONLF ay ku tiirsanayd cudud milatari si ay u baadigoobto aaya-ka-tashiga Deegaanka Soomaalida, balse samayntii iyo unkiddii ciidanka Liyu Police, waxa ay si weyn u beddeshay xisaabaadkii siyaasiga ahaa ee gobolka iyo xiisaddii ka oognayd Itoobiya iyo Soomaalida. Waxa ay sida oo kale si weyn u wiiqday awoodihii ONLF. Waxa uu si gaar ah xusayaa in xilligan oo ahaa imaatinkii Cabdi Iiley ay ka duwanayd xilliyadii hore oo ay bilaabantay in ciidan Soomaaliyeed oo la dagaallmaya xoog kale oo Soomaali ah, taasina aanay iska iman e ay ahayd mid ay ka danbaysay xukuumaddii ka talinaysay Addis Ababa oo go'aanku iyada ka yimi, wixii ka danbeeyayna ay soo afjarantay wadahadalladii ay ONLF-Itoobiya wada yeesheen "Bayaankii Mabaadi'da" ee ay Sebtembar wada galeen oo uu dhanka ONLF ka socday Mr. Cabdiraxmaan Mahdi iyo xubno lix gaadhaya oo ay weheliyeen iyo xaggooda oo ay ka socdeen saraakiil sarsare oo ciidan iyo sirdoon oo uu hoggaaminaya wasiirkii difaaca ee Mr. Siraj Fegessa iyo ninka aan aadka loo aqoon ee Brigadier General Gebre Adhana, oo ay Soomaalidu u taqaanno "Kawaanlihii Muqdisho". 

Waxa uu kolkaa ajandaha wadahadalku ahaa in "nabad waarta loo helo xiisadda ka oogan Ogaadeeniya," oo ay wehliyaan arrimo siyaasadeed, amni, xuquuq aadane, arrimo bani-aadantinnimo, iyo kuwo dhaqaale iyo ilo dabiici ah. Waxa uu xusayaa in kulannadaa ONLF-Itoobiyaanka uu fududeeyay Madaxweynihii hore ee Kiiniya Mwai Kibaki. Waxa ayna beegsanyeen sidii deegaanka loogu heli lahaa xal waara iyo mustaqbal wanaagsan. Sidaa darteed waxa uu ku doodayaa qoraagu sannadkii 1948 mid la muhiimad ah oo u dhigma haddii uu Deegaanka soo maray in uu yahay 2018 oo waxa ay dhacdooyinkii ka dhashay si toos ah u ahaayeen kuwo dhan kale u qaabeeyay gobolka oo hir cusub horseeday. 

Waxa 2018 soo idlaaday buu tibaaxayaa tobanguuro cabsi iyo argaggax ah oo uu gadhwadeen ka ahaa Cabdi Iiley. Waxa meesha ka baxay Jeel Ogaadeen, oo loo yaqaanno Xabsigii Dhexe ee Jigjiga, oo kumannaan qof lagu jidhdili jiray oo lagu qudhgoyn jiray. Dabcan, ka dib wadahadalladii fashilmay ee nabadda ee 2012, ONLF waxa ay dhigtay halgankii hubaysnaa. Waxa uu ku soo gunaanadayaa in Soomaalidu nidaamka Abaysiiniya ay wax ka badan boqol sano ku hoos silcayso oo weli doogihii iyo mushkiladihiina ay yihiin kuwo aan la dhayin. Sida dastuurka aanu u ahayn mid loo dhan yahay oo loogu midaysnayn buu wax ka taabanayaa. In masalada aaya-ka-tashiga ee Soomaalidu tahay lamahuraan waa caws jiilaal buu ku soo idlaynayaa, gobolka galay dabaylo isbeddel oo aan la odorosi karin timaaddadiisa uu u rejaynayo nayaayiro iyo naruuro. 

Gunaanad 

Gebagabadii, waxa uu qoraagu qabtay hawl culus, waxana uu buuxiyay kaalin ummadeed oo bannaanayd oo la gabay. Waayo, iyada oo kolka horaba qoraalku inagu yar yahay, misana arrimaha sooyaalkeenna ku saabsan cid wax ka dhahdaa ma jirto oo wax ka qortaa, siiba arrimaha Deegaanka Soomalida ku tacalluqa. Waxa uu ka warramay, sida ay iyaguna warqaddooda Tobias Hagmann iyo Mohamud H. Khalif ee State and Politics in Ethiopia’s Somali Region since 1991 ku sheegeen in gobolka lagu fashilmay in si dimuqraaddi ah, xasilloon, oo waxgal ah u wada shaqeeyaan Dawlad Deeegaanka Soomaalida ee Jigjiga iyo Dawladda Federaalka ee Addis Ababa. Waxa uu door ka qaadan doonaa in aynu taariikhdeenna dhaw iyo fogba fahanno dabadeedna ka waxtaransanno si aynu ugu hilaadinno timaaddada. Si kooban waa kayd dhaxalgal ah oo loo aayi doono in badan, mudanna in turjumaaddiisa degdeg looga hawlgalo.

Tags
faallo Buug DDS