Monday 24 March 2025
Buuggani muddo badan ayuu duulduul igu soo gaadhi jiray warkiisu, marar badan na "xayawaanka siman, ee hadda na qaarkood sii siman yihiin" balaf baan ku maqlay. Aniga oo aan weli jaanis u helin in aan jilibka u dhigo sheekaxariiradan waayeelku ku mammanyihiin halhaysyadeeda ayaan ka soo duldhacay Beerta Xayawaanka. Waa malxamad siyaasadeed oo uu qoray Joorji Oorwiil 1945, inta aynnaan guda gelin nuxurka sheekadan aan iskiin baro qoraaga sheekada Eerik Aartar Balayr (1903 – 1950) oo magac qalimeedkiisu ahaa Joorji Orwiil, waa sheeko qore iyo gabyaa Ingiriis ah oo ku dhashay Hindiyadii Ingiriisku gumaysan jiray. Wuxuu ku barbaaray boolis ahaan na uga soo shaqeeyey Burma, markii danbe na wuxuu macallin ka ahaan jiray dugsi sare oo ku yaalla galbeedka Landhan. Buugaag badan oo suugaaneed ayuu qoray, waxaa se ugu caansan sheekadan Beerta Xayawaanka iyo Kun sagaal boqol iyo Afartan iyo Siddeed.
Sheekadu keliya maaha sheeko xariiro ku saabsan beer xayawaan, waa tilmaan siyaasadeed oo qaawinaysa halista keligiitaliyaha iyo musuqmaasuqa awoodeed. Kicitaanka iyo dhicidda kacdoonka ay xayawaanku hoggaaminayaan ayuu Oorwiil si farshaxanleh ugu dhex sawirayaa sida qaayasoorrada qiimaha leh ee nolosha loogu dabrayn karo jujuub iyo tagrifal. Sheeko tebin sulux ah, jilayaal lama illaawaan ah iyo dhaleecayn dhimbiil ka kulul ayaa sheekadan ka dhigay mid aan duugoobeyn.
Qisadu waxay ku saabsan tahay beer xoolaad oo ku kacaysa mulkiileheedii, iyaga oo doonaya inay aasaasaan nolol bulsheed oo ka wanaagsan midda ay ku sugan yihiin, noloshaas oo xooluhu sinnaan ku wada noolaan doonaan. Laakiin riyadoodii quruxda badnayd waxaa kabaha la dulmaraya hoggaamiyayaal awood u oomman, oo isla judha kacaanku guulaysta ba qaar badan oo xayawaanka ka mid ah gumaynaya. Waxay ka bilaabanaysaa Beerta Qasriga, halkaas oo uu xoolaha ku guubaabinayo Doofaar waaya-arag ah oo duqoobay, isaga oo ku dhiirrigelinaya inay ku fallaagoobaan talada Mastar Joonis, oo ah mulkiilaha beerta.
Wuxuu uga sheekaynayaa dulmiga ay qabaan, wuxuu u tilmaamayaa digaagga aan dhashiisa arag ee ukun ahaanta loo dubto, lo'da aan caanaheeda carruurteedu cabbin iyo fardaha muruqooda lagu liibaaney ee aan iyagu liibaanin. Wuxuu u sawirayaa sida beertu ugu filan tahay, caddaaladda iyo sinnaanta ay ku noolaan doonaan, quruxda xorriyada iyo sida ay masiirkooda ugu tashan doonaan, muruqooda na aan cid kale ugu tagrifali doonin. Sheekada Duqa Mayjoor ah waxay abuuraysaa qiiro iyo xamaasad, waa na lagu wada qancayaa afgenbiga Master Joonis. Waa lagu kacayaa, iyada oo ay xayawaanka hoggaaminayaan dirka doofaarradu (malaha marka la joogo deegaanka qoraaga waxaa la aaminsan yahay doofaarku in uu yahay midka xayawaanka ugu fariidsan e). Isla judha uu kacdoonku guulaysto ba waxaa awoodda la wareegaya doofaar la dhaho Naabiliyoon, reer doofaar na ummada kale waa dullaysanayaan.
Shirqoolka uu awoodda kula wareegayo Naabiliyoon wuxuu ka bilaabanayaa shirkii makiinadda dabaysha. Iyada oo laga arrinsanayo sidii loo dhisi lahaa makiinadda ayaa uu muran ka keenayaa Naabiliyoon qorshaha taliye Isnoowbool – doofaar kale oo si qurux badan u soo bandhigaya qorshe uu ka soo baaraandegay oo uu ku sharraxayo faa'iidooyinka makiinaddan, iyo qaabka ugu fudud ee loo dhiso karo. Wax kasta oo la sheego, Naabiliyoon wuu ka soo horjeedsanayaa qorshaha Isnoowbool isaga oo aan sheegayn waxa ka dhiman qorshaha iyo waxa ku dheeraadka ah midna, laakiin keliya u arka in uu khatar ku yahay qorshihiisa awood raadinta ah. Halkii uu warkiisa iyo waxa uu doonayo soo bandhigi lahaa, wuxuu adeegsanayaa jujuub iyo qarbudaad isaga handadaya Isnowbool iyo xoolaha kale ba. Wuxuu oodda ka soo qaadayaa ey uu qaab baabul khiyaano ah ku helay oo uu tababaray kuwaas oo cagta cagta u saaraya Isnoowbool beerta na ka baacsanaya. Isnoowbool uma shafeeca qaadanayaan dedaalkii iyo halgankii nafhurka lahaa ee uu ku darsaday guulaysashadii kacdoonka xoolaha ee uu dhiigga u shubay. Marka uu cabsida eyda laga qabo awoodda kula wareego wuxuu fulin doonaa isla qorshihii makiinadda dabaysha ee Isnoowbool isaga oo ka dhaadhiciyey xawayaankii kale oo dhan in uu qorshahani ahaa mid uu isagu markii hore ba lahaa. Halkaas waxaa inooga bidhaamaysa sida uu loollanka awood jacaylku u dabageddin karo qaayasoor kasta oo macno leh, iyo sida borobagaandada loogu adeegsan karo in beenta run loogu ekaysiiyo.
Dhanka kale wuxuu Oorwiil dhismaha ku dhex darayaa labo neef oo fardo ah. Waa geenyada Mooliya oo ahayd mid la koolkoolin jiray xilligii Mastar Joonis, taas oo metelaysa dabaqadda dheefta ku qabta nidaamka jira iyo sida qofku dheefta qabaa uu uga hor yimaaddo danta guud. Mooliya waxay ku mashquulsantahay isqurxin iyo sonkorta uu u qoosho Mastar Joonis. Doorka ay sheekada ku leedahay waa mid maad leh oo marka aad u fiirsato aadan ka fursanayn inaad ku qososho macnadarrada nolosha. Iyada uma kala duwana dan iyo heello na kama laha kacdoonka iyo karaamadarradu, marka xorriyadda loo diriraya na meel leexsan ayay kaga dhuumanaysaa. Docda kale, sengaha Booksar waa nin ilaahay muruq ugu deeqay, wuxuu na si hagarla'aan ah ugu hurayaa taag iyo tamar wuxuu hayo sidii kacdoonku u guulaysan lahaa, marka danbe danta beerta ayuu nafta duldhigayaa iyo daacadnimada hoggaamiye Naabiliyoon oo ugu danbaysa jisaar aanu mudnayn abaaldhac uu kala kulmi doono. Doorka Booksar wuxuu u taagan yahay dabaqadda muruqmaalka ah iyo sida xooggooda loogu awrkacsado hadhow na loo dafiro.
Sheekada Beerta Xayaawanku waxay dhalaalinaysaa sida awoodda aan dabarka lahayni wax u hallayso iyadoo hogatusaalaynaysa sida Naabiliyoon isu beddelayo, xeerarkii xayawaanku qorteen na uu dabageddinayo. Wuxuu noqonayaa arxanlaawe bilaa damiir ah. Kacdoonkii gobonimodoonka ahaa wuxuu ka dhiganayaa sallaan, markuu awoodda gacanta ku dhiga na wax kaste xagga kale ayuu u rogayaa, bilmatel ciddii aragti ku khilaafta wuu cidhibtirayaa, taariikhda ayuu dhalanrogayaa, beentuu ku celcelinayaa ilaa laga aamino, cabsi iyo bahalagelin aan sal iyo raad lahayn ayuu dadka ugu talinayaa.
Si guud sheekadu waxay xoogga saaraysaa awoodda borobagaandada, oo si waadax ah looga daawan karo, doorka uu Isquwiiler, afhayeenka Naabiliyoon, ka qaadanayo isaga oo si joogta ah u doorinaya xaqiiqada, una khiyaamaynaya xoolaha kale si uu u xaqiijiyo daacadnimadooda. Sidoo kale Oorwiil sheeka xariiradiisani waa duritaan caddaan ah oo uu ku dhaleecaynayo kacdoonnada iyo kacaammada, isaga oo sawiraya in kacdoonku yahay cabudhin iyo gumayn lagu beddelay dullaysi iyo jujuub kale uun.
Qaab qoraalka Oorwiil waa mid soo jiidasho leh, shubaal ah oo aan lagu saxanayn. Jeesjeesiddiisa iyo luuqadda fudud hadda na awoodda badan ee uu adeegsaday ayaa ka dhigtay sheekadiisa mid xiiso badan oo dad badan soo jiidatay. Sheekada Beerta Xayawaanku waa mid kugu qasbaysa inaad fekerto oo jiraalka su'aalo iska wayddiiso. Waxay ka digaysaa foolxumada awoodda siyaasadeed ee bilaa dooh-da iyo bilaa dabarka ah. Ilaa maanta na waa mid taagan oo ina xasuusinaysa in aan ka digtoonaanno kuwa aan talada u dhiibannay. Waa sheeko ay tahay in cid wali ba akhrido, gaar ahaan qofka xiiseeya arrimaha siyaasadda, taariikhda iyo dabeecadda aadamaha. Sheekadan luuqado badan ayaa loo turjumay, oo luuqadda Soomaaligu ku jirto, walow sida igu maqaalo ah xilli hore ay ahayd daabacaaddeedu oo aanan nuskho ka helin, suuqa na aysan oollin.