Wednesday 9 July 2025
Masrax bulsheedda Soomaalida, waxa uu la gole yimid kacdoon, dhaqan-abuur iyo bandhig la majeerto oo aan ka tirmin xasuusta iyo diiwaanka dhaxalka dhaqan-ummadeedka. Riwaayaddu waxa ay noqotay dugsi aragtiyeedka dhiraandhirisa nolosha dadka, soo bandhigta dhaqanka asiiliga ah ee bulsheed. Kol kale, riwaayaddu waxa ay noqotay mid lagu sooho tixda, oo sakalaha riwaayadda iyo jilalkeeda waxaa lagu soohayay maansooyin iyo heeso aftahamaysiga jilalka iyo muuqyada sees u ahaa. Riwaayadda oo tiraab ah, in lagu sooho tix waxay weelaysay xasuusta raagta ee daawadayaasha, oo heesta kolka la macaansado ayaa lagu soo xasuusanayaa riwaayaddii ay ku jirtay iyo shubaalkeeda. Inkasta oo taasi abuurtay culays ah; in aan la helin tiraab masraxeed ka madaxbannaan heesaha tixeed, oo iyadoo aan lagu soohin riwaayaddu heeso in sakalaheedu ambaqaado oo tiraab riwaayadeedku seeskiisu iskiisa u taagnaado. Dhanka kale, waxaa biyo-kamadhibcaan ah in riwaayidihii madaarista bulsheed ahaa aanan la dhigaallayn, oo dhaqanka buug-riwaayadeedka iyo daabacaddiisa ayaa sooyaalkiisu mugdi yahay kolka dib loo jalleeco. Riwaayado dhowr ah ayaa laga hayaa wax buugriwaayadeed ah—sida riwaayaddii 'Aqoon iyo Afgarad'—haddana caqabaddaasi waxay keentay in laamaha kale ee tiraabta qoran laga reebo riwaayadihii; kaddib daawashada riwaayadda waxaa la iibbinayay cajalkii heesaha riwaayadda ku jiray iyo riwaayadda iyada oo aan daabacaad laga haynin masraxiyaddii.
Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan, oo ah akaadiimi iyo qore ku takhusasay culuunta Fanmasraxeedka iyo filinsamaynta, magaalada Kiyeefna berigii ay xubinta ka ahayd Midowgii Soofiyeed ka diyaariyey Shahaadada labaad ee Jaamacadda 'Samaynta riwaayadaha iyo filimada' ayaa buugri-waayadeedkan aynu faallaynayo ku ururriyay saddex riwaayaddood oo kala ah; Baqayo Rogad, Waan abuuri karnaa nolol, iyo Rajo. Waxaa daabacay Ponte Invisible, waxa uuna curad u yahay taxanaha ‘Riwaayado’. Akaadiimigani, riwaayadaha uu ku ururiyay waa la jilay, oo masraxa ayaa laga daawaday. Buuggan kaliya ma aha e, Cartan, waxa uu leeyahay buugga kale ee la yidhaa 'Riwaayad Qoraal' oo dhabtii ah dhigaalweyne koobsanaya laba waxyaabood; Xidhmo riwaayado ah iyo aqool xeeldheer oo riwaayadaha ku saabsan. Mudane Cartan, waxa uu kol kale buugriwaayadeedkan—'Baqayo Rogad'—ku soo bandhigayaa dood Fanmasraxeedka Soomaalida ku aaddan oo ah; in riwaayadda tiraab ahaanteeda sees looga dhigo, oo heesaha tixeed ee lagu soohayo in laga daayo ay tahay—si loo soo bandhigo tiraab cuddoon oo sida sheekafaneedda oo kale ah.
Saddexda riwaaddood ee buugga ku jira, waxa ay tibaaxayaan oo ay dersayaan waayaha bulshada Soomaalida , hiddo-ciyaareedka, iyo dhaqansooca ummadeed. Dhinaca kale, waxay ku baaqayaan asiillinimada, kacdoonka iyo isku duubnaanta bulshada. Riwaayadda hore (Baqayo Rogad) waxay tibaaxaysaa oo ay muuqyadeedu ka dhacayaan baaddiyaha, jilalkeeda iyo sakalaha riwaayaddu waxay xoogga saarayaan dhaqansooca bulshada, iyo hidde ciyaareedka dhaqan. Riwaayadda xigtaayi (Waan abuuri karnaa nolol), waa riwaayad muuqyadeeda iyo sakalaheedu aad u qotodheer yihiin. Shubaalka riwaayaddu wuxuu tebinayaa bulsho degmadeedu wasaqow fara ba'an ku hayo. Goob weyn oo biyo fadhiisad ah ayaa dhalinaysa cudurro faafa, iyo xanuunno saf mareen ah. Xildhibaankii degmada qayilaad ayuu merfashyada la yuurarraa, odayadii qurbajoogta degmadana kolkay soo guryo-noqdeen xaawalayda ayay faraqa qabsanayaan. Duntaas isku miliqsan ayuu miisaanka riwaayaddu ku qotomaa, si looga gudbo dhibaabahaas ayuu riwaayadqoruhu abuurayaa iskuduuban bulsheed oo bulshadii degmada; arday, haween, iyo barayaashii ayaa shaqada hagaajinta goobtii biyo-fadhiisadka ahayd qabanaya. Inta bulshadaasi horukaca ahi ay deegaankooda u adeegayaan xildhibaankii merfashyada ayuu soo fadhi weynyahay. Ogobeey, bulshadii horukaca ahayd way ka libin keenayaan iskuduubnidoodii, goobtii biyo-fadhiisadka ahaydna waxa ay u beddelayaan garoon kubbadeed oo ay dhallinta degmadu ku ciyaaraan. Muuqyada danbe ee riwaayadda, waxaan ugu dhextegaynaa in bulshadii horukaca ahayd ay dhexdooda ka dooranayaan xildhibaanka degmada, sidaas ayeyna iskaga eryayaan xildhibaankii asalmadoorshaha ahaa.
Riwaayadda saddexaad (Rajo), way ka duwan tahay riwaayadaha buugga ku jira, iyo nuuc riwaayadeedka uu masraxeennu yiqiinnay, oo riwaayadqoruhu wuxuu inna dhexgeynayaa masraxiyad muuqyadeeda iyo jilalkeeda aan lagu soohin tix, oo kolkan ah tiraab badhaxtiran. Taasina taas dheh. Sakalaha riwaayaddu waxa uu tibaaxayaa gabadh ka soo dhaqaajinaysa noloshii dhibta badneyd ee miyiga iyada oo u soo tallaabaysa magaalada, deedna waxay dhex jibaaxaysaa nolosha magaalowga, xeebaha, baararka iyo tumashada. Waxay soo dhex gelaysaa iyada oo billowga hore ka biyadiidaysa dhaqanka ragga magaalada, haasaawahooda, deedna waxay si dabacsan u daadraacaysaa magaalowga, dhillaysiga iyo tumashada. Daadkaas magaalowga ayay ku hafanaysaa oo ay ku dhibtoonaysaa.
Saddexda riwaayadood waxa uu biyadhacoodu yahay, dhaqansooca ummadeed, iskuduubanka iyo horukaca bulsheed, iyo riwaayadda danbe oo dareerinaysa biyakamadhibcaanka saameynta magaalowga iyo sida qofka Soomaaliga ahi uu ugu haftay. Riwaayadda 'Rajo', waxa ay iskaga dhexgooshaysaa baaddiyaha illaa iyo magaalada, jilalka iyo muuqyadeeduna waa kuwa dareenno badan iyo nuxurro badan isugu dhafan. Waxaan akhrinaynaa/daawanaynaa safarka iyo doorsoonka gabadh, iyo sida heyb cusub magaalowgu ugu abuuray qofka Soomaaliga iyo bulshadaba. Sida ay gabadhaasi u dhaqanguurayso oo u gobannimaguurayso ayaan halacsanaynaa oo aan ka indhabuuxsanaynaa. Kolkaas ayaan haddana hoos isku eegaynaa, oo aan laabta hoose iska lee nahay: magaalowga siduu ii dooriyay? Isla kolkaas baan dib u daallacanaynaa sida magaalowgu noogu sameeyay shakhiyad iyo heyb ka duwan ta dhaqansooca baaddiyaha ka jirta.
Sidaas buu buuggu innoo dhexgaynayaa masraxa riwaayadda, oo khiyaalkeenna u dheelminayaa.
Ugu danbeyn waa ay habboontahay in kaydka maktabadaha Soomaalida laga helo buugri-waayadeedyo afkeenna ah, curin iyo Turjumaad labadaba maxaa yeelay waxa ay taasi dhiirrigelinaysaa riwaayadqorayaasha, iyo in la helo tiraab riwaayadeed daabacan, oo si iskeeda ah u faafta, oo aan kaliya ku ekaanin masraxa iyo muuqyada duuban. Ogobeey heedhe, buuggani ma aha kaliya riwaayado la akhriyayo e, sida oo kale waxaa loogu dhextegayaa aqool iyo habraac riwaayadqorista, dhisiddeeda, iskuxidhida dunteeda iyo qaabaynteeda intaba. Sidaas ayuu buuggu ku noqonayaa laba jeeraallaba mid la dheefsado, oo kolna waa masraxiyad, kolka kalena, waa manhaj laga baranayo aqoonta riwaayadqorista; oo ah nuuc tiraabeed aan buug badan oo daabacan aynaan ka hayn.