Monday 24 March 2025
Soomaalida inteeda badan waxa lagu tilmaamaa in ay ka soo jeedaan dad raacato ah. Noloshoodu waxa ay ku tiirsan tahay xoolaha nool. Waxa ay ku khasban yihiin in ay socod ugu jiraan, hadbana ay u guuraan meeshii carshin iyo ceel loogu sheego. In kasta oo magaalo la soo galay, haddana duruufihii dalkooda ka jirey awgeed, dadka Soomaaliyeed uma ay saamixin in ay magaalooyinkaas ku xasillaan oo nolol deggan ku noolaadaan. Weli waa garab-rarato. In kasta oo qoraagu uu qoys reer magaal ah ah ka soo jeeday, haddana hayaanka nololeed ee qoraagani waa socod-u-joog. Waa socod iyo geeddi lagu kallifay. Waa mid ku aslan ciil, xabsi iyo xaqiisii muwaaddinimo oo laga horjoogsaday.
Qoraaga buuggan CIIL IYO CAFIS Maxammed Cabdi Caynab waxa uu ku dhashay magaalada Qardho. Waxa uu isaga oo yar u wareegay Xamar - halkaas oo uu dugsi Quraanka ka bilaabay. Waxaa xigey, in uu isaga oo weli aan Toban sano gaarin uu Boosaaso uga wareegay. Kuma uu nagaanine, haddana waxa uu Dugsiga hoose ka galay Hargeysa. Kuma uu dhammaysane, Qardho ayuu uga wareegay. Waxa uu uga sii wareegay Burco. Waxa uu mar kale dib ugu noqday Xamartii uu dhuudhuumashowga ku ciyaari jirey yaraantiisii! Ma ku xasilli doonaa Xamar, mise xiniinyahaa la jiidi dooonaa?
Maxammed isaga oo Burco arday ka ah, filashadiisuna ay aad u sarreyso baa waxaa la soo kulmaysa qiso noloshiisa oo dhan beddeshay. Waa qiso ku abuurtay rajo xumo iyo ciil. Waa ciil aannu awood u lahayn in uu ka aarsado, iyo in uu cadaalladda ku ciilbaxo toonna. Sida uu qoraagu inala wadaagayo aabbihiis Cabdi Caynab ayaa gacanta dawladda ku dhimanaya. Waa dawladdii Kacaanka ee billowgii filashada dadka kor u qaadday ee loo wada riyaaqay. Waa dawladdii musuqmaasuqa, eexda iyo qabyaaladdaba godka dheer u qodday. Dawladdii mashaariicda iyo barnaamijyada waaweyn fulisay ee ballanqaadday in iskufilnaansho cunto iyo mid amni dhaqso loo gaadhi doono.
Maxammed isaga oo dugsigii sare ee Farsamada ku jira, hammigiisuna ahaa in uu dhowaan ka mid noqondoono dhallinta barwaaqadaas la hiigsanayo ka hirqan doonta, baa billaawihii kacaanku agoomeeyey. Waa kacaankii uu hiilka ka filayey. Talow, aabbihii muxuu eersaday? Maxay kacaanka isku qoonsadeen? Geeridiisa kaddib sidee baa loo aasay? Mise lamaba aasinba? Buugga ayaa ka jawaabi doona.
Isaga oo ciilkii qaba buu waxbarasho sare ka bilaabay, Kulliyaddii Farsamada Macallimiinta ee "Polytechnic." Xilligan yididiilo hor leh baa gashay, waxaana soo dhow sannadkii uu dhammayn lahaa kulliyadda. Qorshayaal badan baa madaxiisa ka guuxaya. Waa nin soo kabtay, oo hawo jacayl iyo mid adduunba isku garab wada. Meeshu waa Xamar 1980-kii. Magaaladu si fiican bay u siraadan tahay. Cawaysyada, shineemooyinka, iyo xafladaha guryaha lagu qabsadaa waa madadaalada dhallinyarada.
Maalin baa isaga oo fasalkii waxbarashada dhex fadhiya, ay belo la haadday. Samadaa loola kacay. Cidda wadata, meesha loo wado, iyo waxa uu galabsaday midna war uma uu hayo. Gaari Landrover ah baa lagu hubsaday. Ma runbaa, ma riyaa! Horay buu eegay, waa nin indho cascas! Dhinacyada buu dhugtay, waa kuwo ka daran! Gadaal buu qooraansaday, kuwii horaaba ka debecsanaa, waa niman ishu ka soo boodayso! Gaariga lagu wado buu indho-indheeyey, waa kuwii dawladda! "Xagee la ii wadaa? Yaa i wata? Raggani maxay ahaayeen?"
Waxa u bilaabantay xilligii isaga iyo taliskii Nabadsugiddu (NSS) ay si dhab ah isu baran lahaayeen! Katiinad gacmaha dhab! Qol sagxad ah oo mugdi ah - albaabka qab! Musqul ma leh, cunto haba sheegin, wehelka keliya ee ishu qabanaysaa waa baranbaro hareerihiisa yaacaysa. Habeenkiina waxa soo booqda kooxo kaneeco ah oo isaga in ay dhiigga ka dhuuqaan - naf u soo raadsaday! Saddex maalmood buu sidaas ahaa. Maalintii xigtay buu ogaanayaa cidda uu "martida" u yahay.
Sillic-adduun oo dhan buu halkaa ku marayaa. Godadkii dadka kacaandiidka ah loo samaystay baa loo kala beddelayaa. Farsamooyinkii ciqaabta ee dadka xogaha lagaga soo saari jirey oo dhan baa la marinayaa. Nolol iyo isagu waa ay kala quusanayaan. Waa wiil yar oo da'dii 20-aad markaas uun u bilaabantay. Xabsiyadii uu aabbihii ku dhintay, buu dhex kuduudaa. Kalkiisii weeye. Kuwii dilka aabbihii uu u tirinayey baa u tartamaya sidii isagana loo ciqaabi lahaa, iyo qofkii ciqaabta fulin lahaa. Denbiga loo haystaa waa wax aanu maqal iska daayee, xitaa aannu habeen keliya ku riyoon. Arag daaye, dad aanu weligiis magacyadooda hore u maqal baa lagu eedaynayaa in uu qorsheyaal la wadey! Kolna, markhaati aanu war iyo wacaal toonna u hayn in uu furo baa lagula gorgor tamayaa - si denbiga looga khafiifiyo! Ma isagaaba og denbi uu galay. Tiisii isaga oo la yaabban, baa la leeyahay, hebel iyo hebel ku markhaati fur. Waa yaabka yaabkiise, haddii ay rumaysanayaan hadalkiisa, may ka rumaystaan runtan uu naftiisa ku difaacayo!
Muddo marka uu sidaas ku jiro, baa xabsiyadii dadka aakhiro loo dirayo lagu xiri jirey, lagu soo xeraynayaa! Khalaas! Waxa ay deris yihiin dad sidiisa oo kale adduunyada la dhaafinayo. Keligiis baa qol lagu gufaynayaa. Waxaa u sawiran qaabka uu u dhimanayo. "Talow ma kuwan aad maalin walba aragto ee ilaalada ka ah xabsiga Laanta Buuro baa ku toogan doona, mise kuwo meel kale laga keenay" Waa su'aalo maankiisa dhex mushaaxaya! Sida uu isagu isu og yahay in aannu wax denbi ah gelin, in askarigan waardiyaynayaa uga war qabo iyo in kale buu jeer is weydiiyaa. Siyaasiyiin waaweyn oo waddanka Soo maamulay, wax soo dhalay, wax soo dhaqday bay deris ku yihiin qolalkan nolosha lagu sagootiyayo! Isaguse waa 20 jir noloshii masuuliyaddu ay hadda uun u bilaabmi lahayd. Waa laga afqabtay. Alla ciil weynaa!
Tacsidiisii beri hore baa la dhigay, isaguse war uma uu hayo. Rejo ayaa mar soo gelaysa oo neecawdii iyo iftiinkii qorraxda oo uu illaaway baa mar la ursiinayaa. Xabsigii baa laga sii daynayaa. "Aa la tahay!" Saaxiibbadiisii geerida safka ugu jirey buu sii nabadgelyaynayaa. Maalmo kooban ka bacdi, ayaa haddana qoorta la soo qabanayaa. Safkii geerida sugayey, baa bartiisii hore laga soo gelinayaa! Isaga iyo qolkii uu macasalaameeyey, baa dib la isu barayaa. Isma ay illaawin, waanay isjeclayn. Doorasho kalese ma ay jirto. Talow maxaa wiilkan laga goynayaa? Iimaan, Diin, ragannimo iyo wax kasta oo awooddiisa ah waxa uu isugu geynayaa, in aanu is-dhiibin.
Buuggan waxa uu qoraagu inoogu soo bandhigayaa, ciil iyo caloolxumo aan kala go’ lahayn, oo maalin walba dhib hor leh oo tii hore ka daran la marsiinayo. Waxa uu ina dhex geynayaa, godadka ciqaabta, nooca ciqaabta ee la marsiinayo, raggan wax ciqaabayaa ficillada ay adeegsanayaan iyo arxandarrada iyo anshaxdarrada ay kula kacayeen dadkii Soomaaliyeed ee ay gacanta ku hayeen. Nolosha dhabta ah ee xabsiyada dhexdooda ka jirta buu si faahfaahsan oo qalbiga taabanaysa uga warramayaa.
Waa hubaal inta aad akhrinaysid buuggan in aad marar badan ilmaynaysid, amaba aad go'aansanaysid in aad joojiso akhrintiisa. Haddana waxa aad jeclaysanaysaa in aad ogaatid bal sida uu qoraagani Ilaahay u badbaadin doono. Waxa uu qoraagu soo bandhigayaa, raggii bahalaha ahaa ee ay noloshu ka gashay - in ay qof Soomaaliyeed masabidaan oo derejo iyo dallacaad ku raadsadaan. Kuwii ciqaabta dadka calafka ay ka helaan, ku quudin jirey carruurtooda. Bahalo aynu dad u haysanno buu magacyadooda inoo soo bandhigayaa. Waa rag aynu ehel iyo qaraaboba wada nahay. Belaa dib danbe idiin qaraabaysata!
Qoraagu shan sano markii uu soo kala beddelay; Godkii baadhista Xisbiga; Godkii Cirday, Xabsigii Laanta Buuro, iyo Xabsigii dhexe, ugu danbayn, waxa laga cafinayaa denbi aanu war u hayn goor u galay, meel uu ku galay, iyo nooca denbi ee uu galay toonna. Waxase la farayaa in aanu dalka ka bixi karin!
Si kastaba ha ahaatee, halkaas baa hayaan cusub uga bilaabmayaa qoraaga. Sidii uu u noolan lahaa, iyo sidii uu dalka uga bixi lahaana waa ay ku adkaanayaan. Halgan adag oo dheer, iyo geeddiyo farobadan oo uu galay, ugu danbayn waxa uu buuggan innagula wadaagayaa, sooyaalkiisii iyo safarradii xanafta iyo xanuunka xambaarsanaa ee noloshiisa soo maray – amaba la soo marsiiyey. Ha iska socdo, safarro aan kala go' lahayn. Malaha waxa uu magaciisu ku habboonaa in Geeddi loo bixiyo!
Waa ay adag tahay, qof soo mara ciqaabta, cabudhinta, ciilka iyo cadaawadda uu qoraagani innala wadagayo oo kale, misana go'aansada in uu cafis u fidiyo intii uu dulmiga ka tirsanayey dhamaantood. Kuwaas oo isugu jira wax dhintay iyo wax noolba.
Buuggan waxa aynu ka baran karnaa waxyaalo badan oo ay ka mid yihiin:-
1) Dhibaato kasta oo kula kulanta in lagaga bixi karo, iimaan, adkaysi iyo inaad naftaada iyo qaddarta Eebbeba ku kalsoonaato.
2) In damiirkaaga aan la gorgorin karin, oo aan handadaad, jirdil - iyo ballanqaad laguu fidiyo aawadeed – aadan noqon qof xog been ah lagaga helo, ama markhaati been ah fura. Qoraagu wax kasta oo la mariyey, waa uu adkaystay, waana uu diiday in uu markhaati been ah ku furo dad Islaam ah oo aanu ka war hayn denbiyo ay galeen.
3) In aadan rajada lumin, ee duruuf kasta oo kula soo kulanta, aad dhexda marada ku xirato – noloshuna sida ay kuu qabsato aad ula falgasho.
4) Dhib kasta oo u kugu dhaca in aad awoodi karto in aad wax cafin karto, oo noloshaada inta ka dhiman aanad noqon qof ciil iyo cidhiidhi nafeed la kadeedan.