Skip to main content

Friday 17 April 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Buug

Faallada Buugga: al-Islaam ee Fadlu-raxmaan

3 January, 2025
Image
Faallada Buug: al-Islaam ee Fadlu-raxmaan
Share

Buugga al-Islaam waxa qoray Fadlu-raxmaan. Fadlu-raxmaan oo noolaa muddadii u dhaxaysay 1919 ilaa 1988-kii, waxa uu ahaa mufakir Islaami ah oo weyn oo reer Baakistaan ah. Geeridiisa ka dib waxa uu ka tagay dhaxal ilaa hadda cilmibaadhis iyo gorfeyn lagu sameeyo, oo ay diraaseeyaan jaamacadaha galbeedka iyo golayaasha cilmiga ahi. Waxa uu caan ku ahaa dedaalkiisii ahaa in la helo liberaali Islaam ah. Waxa uu dedaal geliyey wanaajinta waxbarashada iyo soo noolaynta fekerka madaxabannaan (al-Ijtihaad). Ka dib muddo uu wax ka dhigayay Ingiriiska iyo Kanada, waxa sannadkii 1963 loo doortay madaxa Maxadka Cilmibaadhisaha Islaamiga ah ee Baakistaan.

Inkasta oo waxqabadkiisa ay bogaadiyeen islaamiyiinta kale ee dedaalka geliya Islaamku, haddana waxqabadkiisa qoraal waxa uu sabab u noqday dhaliilo aad u adag oo ay usoo jeediyeen culimada xidhxidhan. Sababaha keenay in qoraalladiisa la dhaliilo waxa ka mid ah in ay si badheedh ah ugu baaqayaan liberaaliyadda. Qodobkani waxa uu caqabad ku noqday mashruuciisii wanaajinta waxbarashada, waxaanu ku khasbanaaday in uu 1968-kii ka tago Baakistaan, una guuro dalka Maraykanka, halkaas oo uu wax ka dhigay jaamacadaha Kalifoorniya, Loos-Anjalis iyo Shikaago.

Muhiimadda buugga

Buugga waxa ku duugan dedaal weyn oo qoraagu u galay in uu akhristaha usoo dhaweeyo sooyaalka farriinta Islaamku soo martay, laga soo bilaabo markii waxyigu kusoo degay Nebiga. Kol haddii dhacdooyinka iyo isbeddellada sooyaalka Islaamka ku jiraa wejiyo kala duwan leeyihiin, oo aan lasoo koobi karin, qoraagu waxa uu xoogga saaray hab fasiraad ah in uu kusoo gudbiyo, halkii uu kaga koobsan lahaa soo tebinta xogta. Xogta badankeeda waa la hayaa, markaa waxa habboon in dib-u-qaabayn lagu sameeyo habka loo akhriyo xogtaas kala duwan. Waxa uu soo bandhigayaa akhris abla’ablaysan oo ku jaango’an culuumta kala duwan ee aadamaha sida taariikhda.

Buuggani waxa uu koobsaday gorfaynta mawduucyo dhawr ah. Waxa uu ka warramay noloshii Nebi Muxammed, Qur’aanka, Xadiiska, cilmiga Kalaamka, shareecada Islaamiga ah, kooxaha Islaamka,  barbaarinta iyo waxbarashada. Qoraagu waxa uu isku dayey in uu dib ugu noqosho iyo faahfaahin ku sameeyo qaddiyadahan oo ay hore diraasayn ugu sameeyeen nimankii istishraaqiyiintu (nimankii reer Galbeedka ahaa ee diraasadaha ka sameeyey reer Bariga). Waxa ka mid ah raggaas Hamilton Gibb, Jooseef Schacht, Goldziher iyo kuwo kale. Qoraagu waxa uu dood ka galay aragtiyaha kala duwan ee nimankani ka yeesheen shareecada, soo bixitaankii Nebiga iyo fiqiga Islaamiga ah. Waxa cad in qoraagu aragti u gaar ah ka leeyahay dhammaan mawduucyadan, waana aragti koobsanaysa falsafadda Qur’aanka iyo aragtida uu ka bixinayo dunida iyo aadamahaba.

Nebi Muxammad

Fadlu raxmaan waxa uu aaminsanyahay in aan wax badan laga aqoon noloshii Nebiga ka hor nebinnamada oo ka bilaabanta markii uu afartan jir ahaa. Waxa la yaqaan in tolkiisu ku barteen ammaano, dadkii ku raadaysmay ammaanadiisana waxa ka mid ahayd Khadiija. Waxa kale oo la ogyahay in habdhaqannadiisa wanaagsani ku riixeen in uu naftiisa la goonni noqdo, dadkana ka dhex baxo, oo  badiyo ku laalaabashada godkii Xiraa, oo meel Maka ka baxsan ku yaalla, halkaasna uu wakhti badan ku qaadan jiray.

Cilmibaadhayaasha Galbeedku waxa ay ku dedaaleen in ay diraaseeyaan noloshii Nebi Muxammad nebinnimada ka hor. Kuwo badan ayaa xoogga saaray diraasaynta isbedelladii nololeed ee ka jiray Jasiiradda Carabta qarnigii toddobaad, nebinimada Muxammad ka hor. Xilligaas Jasiiradda Carabta waxa kusoo badanayay oo soo degay kooxo Yahuud iyo Kiristaan ah, waxaanay aamineen cilmibaadhayaashani in xaaladdan jirtay gogoldhig u noqotay fikradda keliyeynta Eebbe (tawxiidka) ee uu Nebigu ku baaqay. Waxa ay ku doodeen in Muxammad fikraddan kasoo qaatay Yahuudda. Kuwo kale ayaa ku dooday in fikradda tawxiidku ku sal leedahay noloshii saxaraha ahayd ee aan la isku xidhnayn. Dhammaan doodahani waa kuwo aan ka tarjumayn xaqiiqada farriinta Islaamka. Waxa ka maqan cilmibaadhayaashan in tawxiidka Muxammad ku baaqay ku sal leeyahay baaqa ah in la hirgeliyo sinnaan bulsho iyo dhaqaale. Qofka akhriya suuradihii u horreeyey, sida suuradda al-Maacuun, si wanaagsan ayaa uu qodobkan u fahmayaa. Waa hiraalkii iyo baaqii seeska looga dhigay bulshadii muslimka ahayd, Nebiguna waxa uu ku baaqayay, Ilaah keli ah iyo dad mid ah.

Waxa kale oo uu rumaysanyaha in fikradda tawxiidku soo jirtay, oo ay tahay fikrad nebiyadu kala dhaxlayeen, se ma jirto buu yidhi caddayn sooyaal oo tilmaamaysa in Nebi Muxammad fikraddan ka qaatay isbeddelladaas bulsho ee jiray iyo dadkaas Jasiiradda soo galay, sidoo kalena aanay ahayn fikrad ka dhalatay noloshihii saxaraha ee reer baadiyaha. Kuwo kale ayaa ku dooday in farriinta Muxammad ku sal lahayd doonista sarraynta qoomiyadda Carbeed, se caddaaladda iyo keliyeynta uu Nebigu ku baaqay waxa ay ahaayeen kuwo ka sarreeya mabda’ kasta oo qawmi ah. Kuwii ugu horraynba ka hor yimi baaqa Muxammad waxa ay ahaayeen Carab. Waxa kale oo aynu ognahay in markii Nebigu u hijrooday Maddiina uu shaaciyey heshiis dhigaya in la ilaaliyo xorriyadda diineed ee Yahuudda, Yahuudda iyo Muslimiintana ugu baaqay ka qaybqaadashada nabadgalyada magaalada, waana heshiiska ilaa maanta loo yaqaanno “Heshiiskii Maddiina”. Dagaallada uu Nebigu galay waxa ay ahaayeen dagaallo uu ku khasbanaa, dagaalkana waxa la faray uun markii laga maarmi waayey.

Fadlu raxmaan waxa uu aaminsanyahay in ay jirto marxalad nolosha Nebiga ka mid ah oo aanay diraasadaha iyo gorfaynuhu weli gaadhin. Waa arrin la xidhiidha sooyaalka ruuxdiisa iyo gudihiisa, waana sooyaal weli u baahan dib u qaabayn iyo fahan xeeldheer. Nebinnimada ka hor, Nebigu waxa uu aad uga fekeri jiray dhibaatooyinka la xidhiidha xaaladda aadamaha iyo halka uu ku dambayn doono, waana waxa ku riixay goonni u bixidda, xaaladdaas isaga oo ku jira ayuu waxyigu kusoo degay. Waxa sidan tilmaamaysa suuradda al-Sharxi, oo lagu sheegay in laabta Nebiga laga saaray culayskii saarnaa oo werwer badan ku hayay. Sooyaalka Islaamka waxa kusoo aroortay sheeko lagu sheego in laabta Nebiga la jeexay oo la maydhay.

Buugagga siiradu waxa ay ku dedaalaan in ay soo bandhigaan dhacdooyinkii dhacay, in ka badan inta ay ka hadlaan shakhsiyadda Nebiga, sida murugadiisa, rejadiisa, damqashadiisa, deeqsinnimadiisa, aragti-fogaantiisa iyo dhaqanno kale oo la arki karo. Haddaba, soo jeedinta cusub ee Fadlu raxmaan waa tallaabo horseedaysa in dib u qaabayn lagu sameeyo akhrinta siirada Nebiga, oo xoogga la saaro shakhsiyaddiisa, intii diraaso badan lagu samayn lahaa dhacdooyinkii dhacay. Sida uu qoraagu qabo, arrinkani waxa uu inoo dhawaynayaa in aynu fahanno shakhsiyaddii Nebiga ee nebinnimada ka hor iyo ka dib labada. Arrinkan waxa kale oo laga baranayaa qiyamka iyo anshaxa Islaamka, iyo sida uu Nebigu noloshiisa ugu dabbaqay.

Qur’aanka

Dhiganihiisa waxa uu ku faahfaahinayaa in Qur’aanku yahay hadalkii Eebbe, oo uu yahay hadal Ilaah oo badhaxtiran, haddana waxa uu baraarujinayaa in Qur’aanku xidhiidh aad u dhow la leeyahay shakhsiyadda Nebiga, sababtoo ah waxa uu kasoo burqanayey laabta Nebiga lagu soo dejiyey. Qur’aanka cidda innagula hadlaysaa waa Eebbe oo farriin u diraya aadamaha, tilmaamaha uu Qur’aanku Eebbe ka sheegayaana waa run dadka lagu baraarujinayo. Islaamka waxa shidaaliya ee hiraalka u ahi waa anshaxa. Maadaama Quraanku si tartiib ah u dhisay aragti dhammaystiran oo dunida ah, anshaxu waa u udubdhexaad aragtidaas dhammayska tiran. Tilmaamaha Eebbe waa kuwo is dhammaystiraya oo anshaxa toosinaya, ee ma aha tilmaamo keli ah.

Waxa kale oo baraarug mudan in aynu ogaanno in Qur’aanku yahay kitaab wacdi, waano iyo mabaadi’, se aanu ahayn dastuur loo dejiyey xukunno la fuliyo. Waa run in Qur’aanka ay ku jiraan xukunno fiqi ahi, ujeedkuna waa in xukunnadaas la fuliyo si waafaqsan Qur’aanka, iyo qiyamka iyo anshaxa uu ku baaqayo. Qur’aanka waxa ayn\nu ku aragnaa weedha ah “waxa ay ku wayddiinayaan”, oo tilmaamaysa in sharciyeyntaasi ka jawaabayso baahiyaha waaqica, sidaas darteed, waxa habboon in aynu kala saarno ruuxda shareecada iyo dabaqaaddeeda.

Barbaarinta iyo waxbarashada

Qoraagu waxa uu aaminsanyahay in dhibaatada asalraacnimadu ka mid tahay waxyaabaha salka u ah dhibaatada dunida Islaamka haysta. Wayddiintuna ay tahay  sida lagaga gudbi karo dhibaatadan muddada badan jirtay. Waxa uu qabaa in barbaarinta iyo islaaxu yihiin lagama maarmaan si dhibtan looga gudbo. Toosinta ugu habboon waa in waxbarashada Islaamiga ah iyo aqoonta maangalnimada ee cusub lagu daro dhammaan heerarka waxbarasho, si loo abuuro aragti Islaami ah oo cusub oo dunida la jaanqaadda. Waxa uu ku doodayaa in aqoondarro badan oo dhanka Islaamka ah haysato dad badan, dhaqanno laga sarriigtana magaca Islaamka lagu sameeyey, dadkaasina aanay diraasayn anshaxa iyo qiyamka diinta.

Si guud, qoraallada Fadlu raxmaan waxa ay dedaal weyn ku bixinayaan lagama maarmaannimada in u dib u qaabayn lagu sameeyo fahankeenna Islaamka, si  loo fahmo farriintii akhlaaqeed ee diinta. Waxa uu xoojinayaa in Islaamku yahay diin xoogga saarta anshaxa, Qur’aankuna yahay kitaab akhlaaqeed. Waxa uu meesha ka saarayaa fahanka khaldan ee laga qaatay Islaamka iyo in aanay dhacdooyinka taariikheed ee buugagga sooyaalku xuseen Qur’aanka metelin. 

 

Waxa laga soo turjumay halkan.

Qoraallada kale ee qoraaga

Buug

Waa maxay Caqlaaniyaddu?

Buug

Buuggag Dunida Gilgilay