Tuesday 14 July 2026
Faahfaahin cusub ayaa ka soo baxday is-afgaradka Maraykanka iyo Iiraan, kaas oo la sheegay in uu dhigayo joojinta colaadda iyo bilowga hannaan lagu gaadhayo heshiis kama-dambays ah. Bloomberg ayaa sheegtay in ay heshay qodobbo ka mid ah heshiiska dhex maray labada dhinac, sida ay soo gudbisayna waxa ay u dhigan yihiin sidan:
• Iiraan, Maraykanka iyo xulafadoodu waxa ay ku dhawaaqayaan in ay si degdeg ah oo rasmi ah u soo afjareen dagaalkii ka socday furimaha oo dhan.
• Iiraan, Maraykanka iyo xulafadoodu waxa ay ballanqaadayaan in aanay qaadi doonin wax tallaabo colaadeed ah, kana fogaanayaan wax kasta oo khatar gelin kara xaaladda.
• Iiraan iyo Maraykanku waxa ay ballanqaadayaan in ay heshiis kama-dambays ah ku gaadhi doonaan muddo aan ka badnayn 60 maalmood, oo la kordhin karo.
• Isla marka la saxiixo heshiiskan, Maraykanku waxa uu qaadayaa cunaqabataynta badda ee saaran Iiraan.
• Maraykanka waxa uu ballanqaadayaa in uu ciidamadiisa dib uga la baxayo muddo 30 maalmood gudahood ah oo ka bilaabmaysa taariikhda heshiiska kama dambaysta ah.
• Iiraan waxa ay ku hirgalinaysaa in ay dib u bilowdo isu socodkii maraakiibta muddo 30 maalmood gudahood ah, iyada oo la tixgelinayo baahida loo qabo in meesha laga saaro caqabadaha hortaagan.
• Maraykanku waxa uu ballanqaadayaa in uu kala shaqeyn doono saaxiibadiisa gobolka si dib loogu dhiso Iiraan loogana caawiyo horumarinta dhanka dhaqaalaha.
• Maraykanku waxa uu ballanqaadayaa in uu soo afjarayo cunaqabataynta saaran Iiraan, iyada oo la raacayo jadwalka lagu heshiiyey ee qaybta ka ah heshiiska.
• Iiraan waxa ay mar kale xaqiijinaysaa in aanay marnaba soo saari doonin hub nukliyeer ah, weligeed.
• Iiraan iyo Maraykanku waxa ay ku heshiiyeen in ay ka wada hadlaan mustaqbalka Yuraaniyamta bacriminteedu sarreyso iyo arrimaha nukliyeerka, inta lagu jiro heshiiska kama-dambaysta ah.
• Iiraan iyo Maraykanku waxa ay ku heshiiyeen in ay dhawraan xaaladda hadda taagan ilaa laga gaadhayo heshiis kama-dambays ah.
• Iiraan waxa ay sidiisa ku haynaysaa barnaamijkeeda nukliyeerka ee hadda jira, iyada oo aanu Maraykanku ku soo rogi doonin cunaqabatayn dheeraad ah ama aanu soo xoojinayn ciidamadiisa.
• Maraykanku waxa uu ballanqaadayaa in uu ka dhaafayo cunaqabataynta shidaalka Iiraan iyo adeegyada bangiyada ee la xidhiidha.
• Maraykanku waxa uu ballanqaadayaa in uu sii daynayo lacagaha iyo hantida Iiraan ee ka xayiran.
• Ka dib marka la helo dammaanad-qaad ku saabsan hirgelinta qaar ka mid ah qodobbada heshiiska, waxa ay labada dal bilaabayaan wadahadallada heshiiska kama-dambaysta ah.
• Heshiiska kama-dambaysta ah ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan waxa lagu meelmarin doonaa go'aan waajib ah oo ka soo baxaya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.