Skip to main content

Tuesday 19 May 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Eriteriya iyo Shiinaha oo Xoojinaya Iskaashigooda

13 April, 2026
Image
التنمية كبوابة للأمن.. تآزر استراتيجي جديد بين إريتريا والصين
Share

​Madaxweynaha Eriteriya, Isiyaas Afwerki, ayaa kulan heer sare ah kula qaatay Asmara Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabbilsan Geeska Afrika mudane Huu Jaangjun. Kulankan ayaa lagu muujiyay xidhiidh istiraatiijiyadeed oo u dhexeeya labada dal oo la sheegay in ay ka mideysan yihiin aragtiyaha ku saabsan qaddiyadaha cakiran ee gobolka iyo dunida. Madaxweyneha Eriteriya, Afwerki, ayaa ku nuuxnuuxsaday in Eriteriya ay ahmiyad weyn siinayso xoojinta xidhiidhka dheef-wadaagga ah ee ay la leedahay Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, isaga oo xusay in xaaladda dunidu ku jirtaa tahay mid ku suntan qalalaase caalami ah iyo xasillooni-darro sii kordhaysa oo u baahan in Shiinuhu ka qaato kaalin muuqata oo waxtar leh, taas oo leh dheellitir caalami ah, iyo sidoo kale in ay kaalin ka qaadato xallinta arrimaha ka oogan qaaradda Afrika, iyo, si gaar ah, gobolka Geeska Afrika.

​Dhinaciisa, Ergeyga Shiinaha ayaa caddeeyay in ay dalkiisa ka go'an tahay xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed ee uu la leeyahay Asmara. Waxa uu xusay in Shiinuhu diyaar u yahay in uu garab istaago Eriteriya si loo xaqiijiyo danta labada dhinac oo saameyn ku leh xoojinta nabadda iyo xasilloonida guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Kulankan ayaa ku soo beegmay xilli xasaasi ah, waxana uu Shiinuhu muujinayaa miisaanka siyaasadeed ee Eriteriya ay ku leedahay amniga Badda Cas, iyo dedaalka Shiinaha ee ku aaddan in uu xoojiyo galaangalkiisa, isaga oo raadinaya saaxiibbo amni iyo kuwo dhaqaale oo lagu kalsoonaan karo, xilli ay isa sii dhimayso kalsoonidii u dhexaysay Maraykanka iyo xulafadiisa gobolka iyo dunidaba.