Skip to main content

Wednesday 19 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Eretariya: Jaxiimadii Ifka

19 October, 2025
Image
Eretariya: Jaxiimadii Ifka
Share

Isaga oo ku sugan xafiiska mugdiga ah ee ku dhex yaalla kiniisadda. Wadaadku, waxa uu xusuustaa sidii loo jidh dilay. Askarta wardiyeyaashi ah waxa ay labadiisa jilbood dhex gelin jireen loox si aanu kor ugu hinqan dabadeed sida uu sheegay waxa ay ku garaaci jireen tuunbooyin caag ah. Labaatankii sanno ee ka horreeyey ee uu ku sugnaa Eretariya inta aanu qoyskiisa ula firdhan Itoobiya sannadkii 2020-kii, siddeed sanno oo ka mid ah waxa uu ku jiray Xabsi. Jeelasha lagu hayey qoorkood, waxa ay ahaayeen kuwo hawadu ka xidhantahay, oo ku yaalla dhulka hoostiisa aad na u ah cidhiidhi oo aan lahayn meel la jiifsado. Waqtiyo kale na waxa lagu sandullayn jiray in uu dhagaxyada jabiyo oo dalagyada gooyo. Qolalka jidh dilka ayaa iyana ahaa kuwo u diyaarsan.

“Kolka ay jeelka ku dhigaan, kuuma sheegayaan inta aad ku xidhnaan doonto” ayuu yidhi.

Wadaadkan dambiga lagu xidhay, kolka lagu eego indhaha dawladda waa mid leh labo waji: in uu dal xorriyadda diintu xadidantahay uu ka jeediyey wacdi diimeed isaga oo dadka taabacsan si hoose ula yeelan jiry alle beri, iyo in uu ka horyimid askariyeynta qasabka ah.

قضى الواعظ ثماني سنوات في الاحتجاز على مدى عقدين، بينها فترات في غرف تعذيب. تصوير: فريد هارتر.
Wadaadka Eretariyaaanka ah ee siddeedda sanno ku xidhnaa Jeelasha, iyo qolalka jidh dilka. Sawirka: Fariid Haartar.

Maanta, waxa uu ku noolyahay dalka Itoobiya ee dariska la ah dalkiisa. Si la mid ah maxaabiistii Eretariya ee uu maqaalkani ku waraystay Itoobbiya dhexdeeda waxa uu codsaday in aan la xusin magaciisa, sababta oo ah weli waxa ay cabsi ka qabaan in basaasiinta nidaamku ay soo beegsadaan.

Qiraalkoodu (maxaabiista) waxa uu muuqaal kooban oo naadir ah ka bixinayaa nidaamka xabsiyada ay Eretariya maamusho, iyada oo ka mid ah dawladaha kelitaliska ah ee ugu cabudhinta badan dunida. Maxaabiistu, xabsiyada Eretariya waxa ay ku sifeeyeen goobo ay ka jiraan jidhdil, xadgudubyo, daryeel xumo, shaqo qasab ah iyo isku day baxsi oo caalwaa ah, iyo goobo ay ka dhex dheceen dhimashooyin.

Eretariya waa dawlad yar oo ku taalla Badda Cas taas oo ay ku noolyihiin ku dhawaad 3.5 milyan oo qof, waxaana lagu naanaysaa ‘Kuuriyada Waqooyi ee Geeska Afrika’. Tan iyo waagii ay ka madax bannaanaatay Itoobiya sannadkii 1993-kii, kama ay qabsoomin doorashooyin guud, sidoo kale, Dastuur rasmi ahi kama hirgelin. Asiyaas Afaweerki oo ah ninka ka taliya waxa uu Madaxweyne noqday ka dib markii uu hoggaamiyey dagaalkii xorriyad doonka, dabadeed waxa uu xayiray Xisbiyada Mucaaradka, warbaahinta madaxa bannaan, iyo ururrada bulshada ee rayidka ah. Suxufiyiinta ajnabiga ah ee aan ballan qaadin in ay warbixinta ‘togan’ ka gudbinayaan dalka iyana waa looga dhaartay in ay cag soo dhigaan Eretariya.

Waxa iyana dambi ah cibaadada ka baxsan afarta diimood ee maamulku ogolyahay. Inkasta oo ay hodan ku tahay macdanta haddana Ereriya, haddana wax dhoofinteeda ugu muhiimsani waa DADKA. Ku dhawaad saddex meelood meel Eretariyaanku waxa ay ku noolyihiin dalka dibeddiisa iyaga oo ka firdhanaya saboolnimada, dulmiga iyo siyaasadda iska furan ee u adeegista ciidanka taas oo warbixinnada qaramada midoobay ay ku tilmaameen ‘addoonsi’. “In aad Eretariya ka noqoto askari waa arrin lafojabis ah”. Sidan waxa yidhi maxbuus hore. Intaas waxa uu ku daray: “Haddii aad farta taagto oo aad hadasho, waa ay ku kaxaysanayaan, waa meel ayna xorriyadi ka jirin”.

 

معتقلٌ إريتري سابق يعيش اليوم في تيغراي. تصوير: فريد هارتر.
Maxbuus Eretariyaana oo hore, haddana ku nool Tigraay. Sawirka waxa qaaday Fariid Haartar.

Sannadkii 2023-kii, Eretariya waxa ay ahayd dalka afaraad ee ay ka yimaaddaan soogalateetiga miciinka soo bida Ingiriiska iyaga oo soo raaca doon yar oo qaadda 2,262 qof. Sidaas oo ay tahay, haddana badi dadka Eretariya ka soo qaxa waxa ay ku nagaadaan Beriga Afrika. Sannadkii 2023-kii Itoobiya oo keliyi waxa ay marti gelisay 158,000 kun oo qof oo soo qaxay.

Bulshada Eretariya inta gudaha dalka ku sii hadha waxa ay halis ugu jiraan xadhig iyo xabsiyo qarsoodi ah, xabsiyadaas oo ay ka mid yihiin boqollaal ku yaal dhulka hoostiisa iyo xerooyin ciidan

Maxamed Cabdisalaan Baabakar oo Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadamaha ee Eretariya waxa uu leeyahay “Waa nidaam u qaabaysan cabsi gelinta iyo xakamaynta nolosha Eretariyiinta. Waxaanu si weyn uga qayb qaataa aamusiinta mucaaradad kasta oo siyaasadeed “.

Sannadkii 2014-kii Qaramada Midoobay waxa ay qiyaasatay in Xabsiyada u gaarka ah Milatariga oo keliya lagu hayo dad gaadhaya 14,000 kun oo qof. La haystayaasha ayaa isugu jira siyaasiyiin mucaarad ah, weriyeyaal iyo culimo awdiin, waxa intaas dheer dadka ka baxsada adeegga ciidanka (Askariyeynta qasabka ah). Baabakar waxa uu rumaysanyahay tirada dadka xidhan in ay sii siyaasadday intii uu socday dagaalkii sokeeye ee Itoobiya (2020-2022), kaas oo ay Eretariya ka qayb qaadatay iyada oo la dhinac ah Xukuumadda Itoobiya, ciidameyn qasab ah na gelisay muwaaddiniinteeda.

Xafiiska Baabakar waxa kale oo uu wariyey jidh dilka iyo xadgudubyada galmo ee lagu la kaco dadka la askriyeeyo in ay yihiin wax shaacsane ah oo aan qarsooneyn. Maxbuus hore oo ka mid ah ahaa Ciidamada Eretariya ayaa waxa uu sheegay in khasab laga ga dhigay in isaga oo cago cad ku dul istaago ciid kulul badhtanka lama degaanka saxaraha. Waxa uu bixiyey kabo caag ah oo uu xidhnaa isaga oo muujinaya nabarrada cascas ee ku yaalla guudka cagihiisa. Mid kale ayaa sifeeyey sida loo jidh dilay oo uu ku sheegay “ Helikobtar“ wuxu jidh: “ waxa ay ii xidheen labo dible si ay ii xanuunjiyaan”. Midka kale ayaa isna sheegay in sidii loo garaacayey uu waayey mid ka mid ah indhihiisa.

ندوب معتقلٍ تعرّض للتعذيب بإجباره على الوقوف حتى كاحليه في رمالٍ حارقة. تصوير: فريد هارتر.
Maxbuus loo gaystay jidh dil. Sawirka: Fariid Haartar

Waxa jira hal dhufsane yare oo ay wadaagaan saddexdan maxbuus kaas oo sababay in la xidho: waa in ay muddo dhaafeen fasaxii sannadlaha ahaa ee ciidanka, muddadaas oo ay uga faa’iidaysteen beer falid ama badar goyn si ay u helaan dakhli dheeraad ah oo ay ku taageeraan qoysaskooda. “Qoyskaygu waxa ay la kacaakufayeen nolosha, mushaharkayguna ma ahayn mid dabooli kara baahiyahooda”

In badan oo ka mid ah maxaabiista kolka la xidho waqtiyadooda waxa ay qaataan mugdi gaw ah. Mid ka mid ah dadkaas oo xidhnaa siddeed bilood waxa uu sheegay in lagu xidhay qayb la yidhaa “Qaybta B” oo ku taalla dhulka hoostiisa, halkaas oo lagu hayey boqollaal maxbuus oo kale. Waxa uu sheegay mugdiga ka dhex jiray qolka in uu ahaa mid aad u daran heer aanu qofku arki karin farihiisa. Waxa uu intaas raaciyey in maxaabiista qabta cudurrada macaanka iyo dhiig karka aan loo ogolayn wax daawo ah sidaas awgeed ay qudhaanjadu bariinsatay. Qolka oo cidhiidhi ahaa awgii, dulmanayaashu waxa ay u fadhiisan jireen safaf dhaadheer iyaga oo lugahooda fidinaya si ay isu cidhiidhsadaan. “ Waxa la ogolaa oo keliya ayaa ah in aad dhawr daqiiqo yara istaagto, waayo ma jirin meel kale oo la aado. Sidaas ageed kala goysyada ayaa na wada xanuunay”.

Maxaabiistu, si ay waqtiga isu dhaafiyaan waxa ay is waydaarsan jireen sheekooyin ku saabsan xasuusihii hore iyo guryahoodii, laakiin haddana dhanka kale waxa ay ka fogaan jireen ka hadalka siyaasadda iyaga oo ka baqaya in uu madawga u soo raaco basaas dawladda u shaqeeya. Sida uu sheegay, qolkaas mugdiga ah ee ay ku xidhnaayeen dadka badan waxa ku qudh baxay shan qof. Maydka qofka dhinta si loo gaadhsiiyo albaabka laga baxo waxa lagu gudbin jiray madaxyada maxaabiista halkaas oo askarta waardiyeyaashu ka sii qaadi jireen. Waxa uu intaas ku daray “ Geeradu waxa ay noo ahayd nasasho”. Waxa uu sii raaciyey “Waxa ay noo ahayd fursad aan laguha ku yara fidsanno”.

لاجيءٌ إريتري وصف ظروف سجن «أدي أبيتو» بأنها «مثل الجحيم». تصوير: فريد هارتر.
Qaxoonti Eretariyaan ah oo xabsigii uu ku xidhnaa ee “Di Abuti” ku sifeeyey “ Jahannamadii ifka”. Sawirka: Fariid Haartar.

Afarta maxbuus waxa kale oo ay sheegeen jiritaanka xaalado kuwan la mid ah oo ka dhex jira jeelasha kale. Tusaale goobta la yidhaa Abid Abeyto oo ah jeel, dadku kolkii ay kala bateen waxa ay ku qasbanaadeen in ay hurddada isu waydaartaan iyaga oo weliba seexanaya dhul adag oo qabaw. Jeelkan si ay waardiyayaashu uga hortagaan in ay cidi baxsato waxa ay bannaanka Jeelka ku daadiyeen jajabka quraarado. Maxaabiistana maalintii hal mar ayaa loo ogolaa in ay kabo la’aan ku soo xaajo gutaan.

“Waxa ay ahayd Jaxiima oo kale “waxa sidaas yidhi maxbuus hore oo jeelka u galay eed ah in uu bannaanka iska sii joogay ka dib markii ay dhammaatay muddadii fasaxiisu, waxaanu dib ugu soo noqday ururkii ciidan ee uu ka tirsanaa ka dib markii la xidhay aabbihii. Sannadkii 2018-kii ayuu Itoobiya ku noqday qoxoonti, waxa se uu ka warwarsanyahay wiil dhallinyaro ah oo uu dhalay oo Eretariya ku nool waxaanu ku calaacalay: “Waa 17 Jir, waana da’da lagu askariyoobo, waxa kasta oo igu dhacay isaga na waa ay ku dhici doonaan”.

Eretariya in aad ka baxsato waa arrin khatarteeda leh. Askartu waxa ay amar ku qabtaa cid kasta oo isku dayda in ay baxsato oo ka gudubo xuduudda ay barteeda ku toogtaan. Mid ka mid ah dadka ka soo firdhaday Eretariya ayaa isaga oo ku sugan xero qoxoonti oo ku taalla gobolka Tigraay, ee waqooyiga fog ee Itoobiya waxa uu kor u qaaday gacantiisa si uu u muujiyo dhaawac halis ah oo ka soo gaadhay markii uu ka soo gudbayey webiga dhanka Itoobiya. Haweenay ayaa iyadu na ka sheekaysay sidii horteeda loogu kufsaday ubad yar yar ay dhashay gaar ahaan xuduudda.

أثرُ رصاصةٍ مدمّرة في ذراع لاجئٍ أُصيب بينما كان يفرّ عبر نهرٍ إلى إثيوبيا. تصوير: فريد هارتر.
Muwaaddin Eretariyaan ah oo ay ilaaladda xuduuddu xabbad kaga dhufteen gacanta 
isaga oo baxsad u ah Itoobiya. Ilaaladu waxa ay amar ku qabaan in ay toogtaan qof kasta oo isku daya in uu baxsado. Sawirka: Fariid Haartar.

Eretariya madaxbannaanidii ay heshay, waxa ay u keentay rejo dimuqraadiyadeed, laakiin dagaal xuduudeed oo ay la gashay Itoobiya kaas oo uu ku daatay dhiig badan isla markaana socday sannadihii 1998-kii illaa 2000, nidaamka Eretariya waxa uu sii xoojiyey talidiisa: waxaanu laalay qorshihii yagleelidda dastuur cusub, oo waxa uu xidh xidhay dhammaan weriyeyaashii iyo siyaasiyiintii waday dib u habeynta Eretariya. Dadkaas uu nidaamku xidh xidhay waxa ka mid ahaa; Daawit Isxaaq oo ahaa aasasaha “Setit” oo ah wargayskii koowaad ee madax bannaan ee dalka laga hirgeliyo. Daawit Isxaaq, wuxu xidhanyahay muddo 23 sanno ah oo aan wax maxkamad ah la soo joojin.

Betlehem oo ah gabadh uu dhalay, oo deggan Iswiidhan waxa ay sheegtay qoyskoodu in ayna ka war qabin halka uu ku xidhanyahay, se haddana ay hubaan in uu noolyahay. Bishii Noofember, waxa u aabbeheed helay abaalmarinta sare ee xuquuqda aadamaha ee Iswiidhan bixiso. Betlehem waxa ay sheegtay “kolkii ugu dambaysay ee ay aragto aabbaheed oo ahayd sannadkii 2001-kii in uu socodku dhibayey, jidh dilka loo gaystay awgeed “.

Tabta wadaadka, Betlehem waxa ay ku riyootaa ku noqoshada dalkeeda. “Kolkii aan Eretariya ka tagayey waan ilmaynayey” ayuu yidhi wadaadku. “Ma rabin in aan ka tago. Waa dal qurux badan “.

  • Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.