Skip to main content

Sunday 9 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Eretariya: Go’doonka Dhijitaalka iyo Faafreebka Kelitaliska

24 September, 2025
Image
Eretariya: Go’doonka Dhijitaalka iyo Faafreebka Kelitaliska
Share

Xilli awoodda dawladaha lagu qiyaaso heerka ay awood u leeyihiin gelitaanka dhijitaalka iyo ka shaqaysiinta dhaqaalaha xogta, Eretariya waxa ay indhaha kusoo jiidanaysaa jaadgoonnideeda muujinaya go’doonka ay kaga jirto dhijitaalka. Xilligan oo qaaradda Afrika ku jirto mawjadda faafidda adeegyada internedka iyo isgaadhsiinta moobillada gacanta, dal xeebeedkani waxa uu ku hoos jiraa siyaasado kelitalis oo gacan bir ah ku haya halbawle kasta oo isgaadhsiinta ah, arrinkan oo dalkan ka dhigaya mid aan u furnayn dunida dibedda. Xaaladdani waa mid Eretariya ka dhigaysa tusaale dhinaca kale u rogaya jidka isbeddelka dhijitaalka ee Afrika, oo halka tiknoolajiyaddu ka tahay kaabe horumarineed, halkan ay isku rogayso waddo dalka lagu go’doomiyo, laguna xoojiyo hababka xakameynta siyaasadeed.

Warbixin la daabacay ayaa Eretariya ku tilmaantay lamadegaan dhijitaal, iyadoo laga eegay dhinaca maqnaanshaha xadhkaha badda hoos mara, ee dalka ku xidhi lahaa shabakadaha caalamiga ah, taas oo ka dhigtay dal xeebeedka kaliya ee Afrika ku yaal ee aan aslanba lahayn kaabahan aasaasiga ah. Maqnaantan awgeed, dalku waxa uu ku tiirsanyahay dayax-gacmeedyada iyo gudbiyeyaasha mikrowayfka, oo awood xaddidan leh, siina laba jibbaaraya go’doonka dhijitaal ee dalka. Walow qaar ka mid ah shirkaduhu dhowaan bilaabeen in ay xadhkaha badda usoo jiidaan dhinaca biyaha Eretariya, si ay uga fogaadaan dagaallada Yaman, haddana xukuumadda Eretariya tallaabadan wax la falgal ah lamay samayn, iyadoo kusii adkaysanaysa kala go’doominta bulshada Eretariya iyo dunida dhijitaalka caalamiga ah.

La’aanta kaabayaashani waxa ay la xidhiidhaan waaqac aad u kakan oo ku sal leh siyaasadaha dalka, sababtoo ah xukuumadda Eretariya ayaa kooto ku haysata dhinaca isgaadhsiinta, iyadoo leh shirkadda keli ah ee isgaadhsiin ee Eri tel, arrinkan oo meesha ka saaray tartan xor ah, fogeeyeyna suurogalnimada maalgashi dibedeed oo lagu sameeyo kaabayaasha dhijitaalka iyo isgaadhsiinta. Kootadan waxa ka dhashay in suuqa isgaadhsiinta ee dalku noqdo kan ugu koboca yar Afrika oo dhan, iyadoo boqolkiiba 85 moobillada gacantu ku koobanyihiin adeegyada wicitaanka iyo farriimaha gaagaaban, iyagoo adeegsanaya shabakadda Jiilka Labaad (2G), gebi ahaanna aanay jirin jiilka saddexaad, afraad iyo shanaad (3G, 4G iyo 5G).

Eretariya, waxa ay leedahay xeeb istaraatiiji ah, haddana ma laha xadhkaha badda hoos mara kuwaas oo u sahli lahaa in ay si fudud ugu xidhato shabakadaha caalamiga ah ee dhigitaalka, sidaas awgeed waxa lagu tilmaamaa lama degaan dhigitaal iyo dal go’doonsan.

Gaabiskan kaabayaasha dhijitaalku, waxa uu dhaliyey natiijooyin la arki karo oo heerka adeegsiga internedka ah. Sida laga tixraaci karo warbixinada Midawga Isgaadhsiinta ee Caalamiga ee sannadka 2025, boqolkiiba siddeetan bulshada Eretariya weligood interned may adeegsan; macnaha waa wax ku dhow 2.86 milyan oo qof, halka dadka adeegsadaa aanay dhaafayn 700 oo kun oo qof. Heerkan hooseeya ee adeegsiga internedka iyo dhijitaalka waxa loo aaneeyey koobnaanta moobillada gacanta, oo boqolkiiba 22 oo keliya ay haystaan, iyo jiritaanka siyaasado rasmi ah oo kooxaha qaar moobillada ka mamnuucay, sida ciidamada.

Hoosayntani waxa ay si qayaxan ugu sii caddaanaysaa goobaha laga heli karo adeegga internedka, oo gebi ahaan dalka, internedku waxa uu ku kooban yahay meherado-interned oo ku dhow 100 meheradood oo bixiya adeegga “Wi Fi”, waana goobo u hoggaansan faafreebka kooxaha amniga, arrinkan oo dadka adeegsanaya ku abuura dareenka ah in aanay nabdoonayn. Gelitaanka baro mucaarad ama akhrinta xog la mamnuucay oo keliya ayaa sababi karta in qofka askar loogu yeedho, amaba xitaa la xidho.

Dabarrada amni ka sokow, kharashaadka ayaa sidoo kale ah caqabad dheeraad ah. Kharashka lagu galo meheradaha Internedka ayaa saacaddii gaadhaya toddoba doollar, oo ah kharash ka sarreeya awoodda inta badan muwaaddiniinta. Deegaanka dabarradan leh awgii, tirada dadka adeegsada baraha bulshadu kama badna 14 kun oo qof oo keliya; macnaha waa tiro u dhiganta 0.4% bulshada oo dhan, waana arrin caddaynaya xidhxidhnaanta dhijitaalka iyo gaabiska ka jira in internedku noqdo meel dadku doodda ku wadaagaan.

Heeryada dawladda iyo go’doonka bulshada Eretariya

Koobnaanta adeegyadani waxa ay si cad uga muuqanayaan deegaannada miyiga, iyadoo wax ka badan kala badh bulshadaasi ay la noolyihiin isgaadhsiin la’aan ama interned la’aan. Kala dhantaalnaanta baahinta kaabayaasha isgaadhsiintu waxay sii xoojinaysaa kala tagga dhinaca dhijitaalka ee miyiga iyo magaalada, arrinkan oo ka turjumaya saamaynta kala fogaynta ah ee isgaadhsiinta dalka. Kala tagsanaantani keliya kuma koobna xadaynta fursadaha wadaagga xogta, ee sidoo kale gaabiskiisa ayaa dhinaca kalena ah wax bulshadii ka go’doominaya dunida kale, waana arrimo la jaanqaadaya siyaasadda dawladdan rabta in ay cududdeeda isugu gayso xakamaynta dhijitaalka.

Go’doonkan dhinaca dhijitaalka ah ee dalku ku jiraa waa mid u eg go’doonka warbaahineed ee kasii daran, iyadoo Eretariya dunida oo dhan kaalinta koowaad kaga jirto dalalka ugu faafreebka adag, iyadoo xitaa ka horraysa Kuuriyada Waqooyi, sida ku xusan warbixinta Guddiga Ilaalinta Suxufiyiinta. Laga soo bilaabo 2001-dii, dalku ma arag saxaafad madaxbannaan amaba warbaahin gaar loo leeyahay, arrinkan oo warbaahinta dalka kusoo koobay mid tebisa wararka rasmiga ah ee dawladda. Guddigu, waxa uu aaminsanyahay koobnaanta heerka adeegsadayaasha internedku in uu yaraynayo baahida maamulku u qabo soo rogidda faafreeb guud, walow dadka adeegsadaaba koobanyihiin, haddana xukuumaddu waxa ay joogtaysaa dabridda nuxurka, xidhidda baraha mucaaradka iyo tirtiridda ilaha bixin kara xogo kale.

Go’doonkan dhinaca dhijitaalka ah ee Eretariya ku jirtaa waxa uu la midyahay go’doonka warbaahineed ee ay ku jirto, waxaana sabab u ah caqliyad kelitalisnimo oo xididdaysatay.

Arrinkani waxa uu ku salaysan yahay caqliyad kelitalisnimo oo xididdaysatay. Madaxii hore ee Guddiga Ilaalinta Suxufiyiinta, Joel Simon, waxa uu tilmaamay in nidaamka Eretariya uu adeegsado hadallada “deggenaansho iyo horumarin”, si uu uga dhigo marmarsiiyo lagu daboolayo cabudhinta warbixinaha madaxabannaan iyo u adeegsiga tiknoolajiyadda cudud lagu xakameeyo muwaaddiniinta.

Warbaahinta Eretariya waxa ay u hoggaansantahay xakameynta dawladda, waxa keliya ee loo adeegsadaana waa faafinta aydhiyoolajiyadda qawmiyadeed ee nidaamka, halka dhijitaalkuna ku koobanyahay laba websayd oo rasmi ah, oo ka kala tirsan Wasaaradda Warfaafinta iyo Xisbu Xaakimka (PFDJ), oo waxa keliya ee lagu soo tebiyaa yahay buunbuuninta xukuumadda. Nidaamku, waxa uu muujiyey ka laba’labayntiisa ballaadhinta adeegsiga internedka, isagoo ka cabsaday kaalinta internedku ku yeelan karo faafinta xogaha madaxabannaan iyo isku xidhidda bulshada, iyo dunida dibedda iyo mucaaradka. Waa sababta uu Wasiirka Warfaafintu u bilaabay olole lagu suurad xumaynayo internedka, laguna tuhmayo in uu horseed u yahay anshax xumo, dagaal warbaahineed iyo ilaha weerarka ku ah anshaxa iyo nabadgalyada.

Cabudhinta iyo ku tumashada xuquuqda bulshada

Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dadku waxa ay aaminsanyihiin in kacdoonkii Gu’ga Carabta ee 2011 uu sii xoojiyey shakiga iyo cabsida nidaamku ka qabo kaalinta baraha bulshadu ku leeyihiin hurinta dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed. Cabsidani waxa sababtay in maamulku ka laabto qorsheyaal qabyo ahaa oo muwaaddiiniinta lagu gaadhsiin lahaa adeegyada internedka ee ay ka heli karaan moobillada gacanta, walow uu jiray heshiis dawladdu la gashay shirkad isgaadhsiin oo Koonfur Afrika laga leeyahay. Xukuumaddu, waxa ay go’aankan ka noqoshada ku sababaysay in ay lagama maarmaan noqotay ka hortagga wax ay ku tilmaantay qorsheyaal dibedeed oo beegsanaya nabadgalyada dalka iyo deggenaanshaha, sidaasna kaabayaasha kooban ee dhijitaalku waxa ay isku beddeleen agab toos ah oo lagu xoojiyo xakamaynta siyaasadeed.

Hannaankan oo jira, Xarunta Xuquuqda Aadanaha ee Jaamacadda Biritooriya waxa ay walaac ka muujisay joogtaynta xayiraadda internedka ee Eretariya, iyadoo xaruntu sheegtay in arrinkani caddaynayo cabudhin nidaamsan oo joogto ah in ka badan labaatan sanno. Laga soo bilaabo kolkii madaxweyneha aan la dooran ee dalku, Asiyaas Afawerki, uu xukunka qabtay ka dib madaxbannaanidii 1993-kii, dalka lagama qaban wax doorasho ah, lagumana dhaqmin dastuurkii 1997-kii, oo dammaanad qaadaya xuquuqda hadalka iyo kala duwanaanta aragtiyaha siyaasadeed. Maqnaanta distuurka iyo haayadeed waxa uu dhaliyey xididdaynta seeska kelitaliska xidhxidhan, oo si isku mid ah gacan bir ah ugu haya labada dhinac ee siyaasadda iyo dhijitaalkaba.

Eretariya waxa ay badhtanka ugu jirtaa mashaqo iyo xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha, waxaana si joogta ah uga dhaca xadgudubyo ay ka mid yihiin xadhig iyo askariyeyn qasab ah.

Xaaladdan oo jirta, xaruntu waxa ay u kuurgashay in dabarrada lagu hayo dhijitaalka ee Afrika si gaar ah u kordhaan xilliyada doorashooyinka ama kacdoonnada shacabka, iyadoo jaridda internedka loo adeegsado cudud siyaasadeed oo lagu awood tirayo mucaaradka, laguna xadaynayo isdhaafsiga xogaha. Xaruntu waxa ay adkaynaysaa in tallaabooyinkani keliya aanay saamaynayn xuquuqda muwaaddiniinta Eretariyaanka ah ee hadalka iyo helidda xogta, se sidoo kale ka qayb qaadanayaan sii adkaynta go’doonka dalku kaga jiro dunida ku xeeran, meshana ka saaraya furfurnaan kasta oo siyaasadeed ama dhaqaale.

Eretariya, waxa ay badhtanka ugu jirtaa hoos-u-dhac weyn oo xaaladaha xuquuqda aadanaha ah, waxaana joogto u dhaca xadgudubyo waaweyn oo ay ka mid yihiin xadhiga qasabka ah, xabbiska gaarka ah ee qofka iyo ciidamaynta jujuubka ah ee ilaa muddo aan xaddidnayn. Waxa kale oo dheer faafreebka ba’an ee lagu hayo xorriyadda aragtida iyo hadalka. Xaaladdan oo jirta, ninka u xilsaaran xaaladda xuquuqda aadanaha ee Eretariya, Maxamed Baabakar, waxa uu xaqiijinayaa in maamulku doortay in uu sii joogteeyo siyaasado iyo tallaabooyin sii xumeeya dhibaatada xuquuqeed ee dalka. Waxa uu ka digay in joogtaynta xadgudubyadan, iyada oo aanay jirin habab toolmoon oo garsoor, keliya keenayso sii wadidda cabudhinta, oo ah wax Eretariya ka hor istaagaya dhabaynta deggenaansho siyaasadeed iyo horumar waara.

Xaaladda Eretariya waxa ay tusaale cad u tahay sida dhijitaalku isaga beddeli karo agab horumarin iyo furfurid ee uu u noqon karo hab lagu ballaadhsado kelitalisnimada, go’doominta dalkana loo adeegsado. Dal Badda Cas kaga yaalla goob istiraatiiji ah, saamaynta hoosaynta dhijitaalku keliya kuma koobnaanayso gudaha, ee waxa ay u gudbaysaa inay caqabad ku noqoto awoodda dalku u leeyahay dhexgalidda tartanka juquraafi-siyaasadeed ee loogu jiro kaabayaasha dhijitaalka ee qaaradaha isaga gudba. Iyadoo dalalka gobolka iyo kuwa caalamiga ahiba ku tartamayaan fidinta xadhkaha badda mara iyo xoojinta joogitaankooda marinnada muhiimka ah, bulshada Eretariya waa ay ka go’doonsantahay isbeddelladan, waxaanay u dabrantahay siyaasado ka dheefa gaabiska isgaadhsiinta, una adeegsada hab xakameyn.