Skip to main content

Friday 17 April 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Ekeyn Cusub: Jumhuuriyadda Mudnaanta iyo Madaniyadda

29 March, 2026
Image
Ekeyn Cusub: Jumhuuriyadda Mudnaanta iyo Madaniyadda
Share
Hordhac

Nidaamka dawladnimada, hanashada awoodda iyo beddelaadeedu wuxuu dhextaal iyo lagama maarmaan u yahay tayada, kartida howlqabad iyo xasilloonida dawladda inta ba. Taariikhda dawladnimada, aadamuhu wuxuu soo tijaabiyey noocyo badan oo nidaam xukun ah; boqortooyo awoodda dhalasho lagu helo, dhimasha na lagu beddelo, diktaatooriyad xoogid, inqilaab iyo u adkaansho lagu helo, qasbidna lagu beddelo iyo diimuqraadiyad doorasho iyo codka ogolaanshaha lagu fuulo kursiga codna lagaga dego. Saddexdaas nooc oo mid kasta uu dhowr weji leeyahay, tan ugu danbaysa ayaa loo aqoonsan yahay in ay tahay hannaanka loogu qaatay, ugu shiddada yar, ugu na dhow maangalnimada. Waxay ku doodaan dawladyahanka casrigani (sida Francise Fukuyama, iyo aragtidiisa Dhammaadka Taariikhda) in diimuqraadiyaddu tahay figta ugu sarraysa ee garashada binii’aadamku ay ka gaadhi karto fahanka dawladnimada. Ma run baa? Diimuqraaddiyadu ma tahay nidaamka ugu wanaagsan ee dawlad lagu dhaqo?

Marka la barbardhigo nidaamyada kalateliska ah sida diktaatooriyadda iyo dhaxal-ku-hellida waxaa muuqata in ay in badan ka door roon tahay. In masiirka iyo talada ummad dhan, xoog lagu maroorsado oo la dhaco, ama sidii hantiyeed la kala dhaxlo foolxumadeeda iyo aayaxumadeeda waa mid la isla qirsan yahay. Balse marka laga yimaaddo isbarbardhiggaas widhwidhinaya diimuqraadiyadda ee ka dhigaya suxubbida, dhab ahaantii, miyay tahay suxubbi ceeb ka saliim ah? Innaga oo aan u daadegin heerka akhlaaqeed iyo falsafadda milgeed ee diimuqraadiyadda, waaqica aynu la nool nahay iyo waayo aragnimadeena la xidhiidha dhaqangelinta diimuqraadiyadda ku dhisan “codka caammada” iyo ku qasbanaanta “dookha aqlabiyaddu” waa mid dhimaallo (shortcommings) leh. Qulqulatooyinka ugu weyn ee qarniga kow iyo labaatanaad iyo ceebta diimuqraadiyaddu ma aha dhimaal anshaxeed iyo milgadarrada codbixiyaha, balse waa dheelliga ku jira qaab-dhismeedka awoodda dawliga ah iyo kakanaanta asaliga ah ee nidaamka guud ama dawladnimo.

Dhimaallada Diimuqraadiyadda

Ugu horrayn, ilbaxnimada aadanaha ee casrigan la joogo waxaa astaan u ah farsamo iyo tiknoolijiyad xowli ku socota, aqoon takhasus ku salaysan, carra-edegow xawaaraha isgaadhsiinta iyo gaadiidka sababeen, xogta, saadka iyo dalabka oo caalami ah iyo xaaladda deegaanka iyo cimilada oo sii cakirmaya. Sidaas oo ay tahay haddana, waxa aynu weli ku tiirsannahay hannaanka dimuqraadiyadda aqlabiyadda taas oo ah nidaam la hindisay inuu la jaanqaado xilliyadii beerashada iyo bilowgii wershadowga (industrialisation).

​Marka labaad, dimuqraadiyaddu, sida ay maanta tahay, dhaqangelinteedu waxay saldhigatay u gardhigashada ra’yiga caammadda iyo caadifadooda kaas oo ku salaysan shucuurta guud ee markaas taagan, isla markaa na aan wax tixgelin ah siin masiirka iyo isairaatiijiyadda fog ee dawladnimada. Diimuqraadiyadda ku dhisan codka iyo caadifadda caammadu waa midda talada keentay Hitler iyo Donald Trump. Waa tan sababtay in Dawladda Ingiriisku ka baxdo Midowga Yurub, go’aankaas oo qoommamo badan gadaal ka abuuray. In go’aanka masiirka talada lagu halleeyo dareenka dadwaynaha iyo caadifadda caammadu waa qorshe heeddadow ah oo aan laga aaminqabin.

Marka saddexaad na, caadifadda dadwaynuhu waa mid si sahlan loo majarahabaabin karo. Waynu ka dheregsanahay xilligan la joogo sida ra’yul caamka loo sameeyo iyo sida dareenka caammada loo hago. Casriga xogta ee algooriisamku maskaxda dadwaynaha naqshadeeyo, waxaa aad u fudud, si joogta ahna u dhacda in jihaynta ra’yi caamku ay tahay mid si fudud loo jaangooyin karo. Haddii waagii hore werwerku ahaa in warbaahintu cid gaar ah u gacangasho, khatarta jirtaa na ay ahayd xogta oo la xaddido, iminka waa cagsiga oo warbaahintii waxay noqotay warbaahin bulsho iyo haadow-dalaq. Macluumaadkii na wuxuu u qulqulayaa sida daadkii-xaaboole, daadxoortii iyo qashinkii ayaa na soo kormaray oo xagga sare sabbaynaysa.

Haddaba, haddii ay sidaas tahay, oo diimuqraadiyadda codaynta iyo aqlabiyadda ku dhisnayd ay dhimaallo noocaas ah iyo kuwo kale ba yeelatay, maxaa xal ah? ma in la daweeyo oo iyada la toostoosiyo baa? Ma in aan beddel kale la helayn oo sideeda lagu haystaa? Mise waa in laga guuro oo nidaam kale la daahfuro? ​Soojeedinta qormadini soo bandhigayso ee ah nidaamka Jamhuuriyadda Mudnaanta iyo Madaniyadda (Merit-Filtered Civic Republic) waa mid diidaysa fowdada codbixinta caammada iyo fadqallalada kalitaliska ah. Waxay soo jeedinaysaa waddo saddexaad: in awoodda lagu kasbado karti iyo mudnaan la hubo, oo la soo mariyey shaandhooyin adag oo dhanka aqoonta iyo tartanka ba ah, isla markaana ku shuruudaysan kor-joogteyn, u dhammaan iyo sharciyad. Tani ma ahan riyo-maalmeed (utopia); ee waa mashruuc dhisid haayado dawladeed oo la isku hallayn karo iyo nidaam dawladeed oo bilaa goldaloolo ah, isku na dayaya in uu awoodda siyaasadeed la waafajiyo baahiyaha casriga ah.

Qeexid: Jamhuuriyadda Mudnaanta iyo Madaniyadda

Fekradda Jamhuuriyadda Mudnaanta iyo Madaniyaddu waxay ka kooban tahay jamhuuriyad macneheedu yahay in aanay boqortooyo dhaxaleed iyo kelitalis ahayn ee sharciyadda shacabka laga qaato, kartida aqooneed iyo khibradeed na ay mudnaanta leedahay, dabeecadda awooddu na ay tahay madaniyad la kala dumaalo oo aan ahayn guur kootali ah. Balse ugu horrayn si aan jawaab ugu helno su’aasha ah, yey tahay in ay taliso oo awoodda siyaasiga ah gacanteeda lagu aammino? Halka jawaabta diimuqraadiyaddu ka tahay “cid walba” nidaamkani wuxuu soo jeedinayaa jawaab ka duwan oo kooban: waxaa mudan awoodda siyaasiga ah iyo masiirka talada ummadeed in ay mehersato ciddii karti iyo karaan u leh. Kartida garashada iyo karaanka howlqabad ayaa saldhig u ah kala mudnaanta booska siyaasadeed. Su’aasha labaad ee jawaabta u baahani waxay noqonaysaa “su’aasha sharciyadda”; yey tahay in ay awoodda siiso oo talada gacanta u geliso cidda mudan? Jawaabta nidaamkani bixinayaa wuxuu kala siman yahay diimuqraadiyadda oo waa dadwaynaha, laakiin qaabka loo marayo ayay kaga duwan tahay (gadaal ayaan ka sharrixi doonnaa).

Su’aasha saddexaaad waxay tahay, sidee loola xisaabtamayaa cidda awoodda gacanta loo geliyey, yaa la xisaabtamaya, sidee se loo beddelayaa? Jawaabta nidaamka diimuqraadigga ah ee su’aashan saddexda lakab ka kooban waxaa weeye, metelayaasha dadwaynaha ama baarlamaanka ayaa jawaab u ah qaabka iyo fulinta la xisaabtanka. Halka hannaanka beddelida nidaamku na ay tahay codayn guud. Jawaabta Jamhuuriyadda Mudnaanta iyo Madaniyaddu waxay ku waafaqsan tahay dimuqraadiyadda lagama maarmaannimada la-xisaabtanka iyo daahfurnaanta, balse waxay kaga duwan tahay qaabka iyo qorshaha la xisaabtanka. Qodobka beddelidda cidda awoodda haysa gebi ahaan ba jawaab ka geddisan tan diimuqraadiyadda ayay soo jeedinaysaa, kaas oo aan fahankiisa ugu tegi doonno qaybaha danbe ee qormada.

Raadraaca Mudnaanta Kartida (Meritocracy)

​Fekradda ah "in xukunku ahaado mid ku salaysan xikmad" waa mid la fac ah falsafadda siyaasadda, haddana marna laguma guuleysan in la waafajiyo baahiyaha bulsho casri ah. Ugu horrayn, Afalaadoon (Plato) ayaa ugu horreeyey cid fekraddan wax ka qorta. Buuggiisii Jamhuuriyadda ayuu markii ugu horreysay ku qeexay yoolka "boqorka faylasuufka ah". Wuxuu ku dooday in xilka boqornimada cidda keliya ee mudan ay tahay ciddii murti leh. Bulshada wuxuu u kala qaybiyey saddex qolo oo midkasta door xaddidan nolosha ku leeyahay. Addoomuhu waa inay beeraha ka shaqeeyaan ayuu yidhi, ninkii awood lihi waa in uu askari noqdaa ayuu yidhi, talada na murtiyahannada (faylasuufyada) uun baa xaq u leh. Si kasta ba ha noqotee, nidaamka uu soojeediyey Afaladoon wuxuu ahaa mid ceebo badan, oo kala sarrayn iyo is addoonsi ku dhisan.

​Dhanka kale, imtixaanaadkii shaqaalaha dawladda ee Shiinaha (nidaamkii Keju) waxay ahaayeen isku-daygii taariikhiga ahaa ee ugu horreeyay ee nidaam dawladeed kartida ku maamula. Nidaamkan oo ka soo bilowday Boqortooyadii Suu (Sui Dynasty 581–618), soo maraya Boqortooyadii Taan (Tang Dynasty 618–907) ilaa laga soo gaadhay Boqortooyadii Soon (Song dynasty 960–1279), muddo 1300 oo sannadood waxay ilbaxnimada Shiinuhu ku dhaqmi jirtay nidaam adeeg qaran oo imtixaan loo galo qabashada xilalka dawladda. Nidaamkan imtixaanaadku wuxuu tusaale u yahay tijaabada in awoodda lagu yimaaddo karti aqooneed. Arrintani waxay qarniyo badan Shiinaha u horseedday maamul xasilloon oo aqoon leh, kaas oo ka gudbay dhaxalka dhiigga iyo gobannimada lagu qaban jiray xilalka guud. Hase yeeshee, ma ahayn nidaam dhammaystiran oo aqoonta xilka lagu helaa ma ahayn mid dhammays ah, waxaa ugu muhiimsanaa ee lagu baasi jiray waxay ahayd mabaadii’da diinta Koonfuushiyada (Confucious) iyo gabayada, xilli dunidu u guuraysay casriyowga iyo aqoonta cusub. Sidoo kale, ma lahayn nidaam u furan isla xisaabtan iyo is-dhaliilida lagama maarmaanka u ah cusboonaysiinta.

Marka laga yimaaddo tusaalaha taariikhiga ah, tiknookaraasiyadda casriga ah, waxaa inoo metelaya Midowga Yurub. Waxay isku dayeen inay sameeyaan nidaam siyaasad dejinta ka ilaalinaya duufaannada isbeddellada siyaasadeed ee doorashooyinka. In kastoo tani ay soo saartay xeerar farsamo oo tayo sare leh, haddana waxay fogeysay muwaadiniinta, iyadoo abuurtay "dimuqraadiyad qolof ah" (hollowed-out democracy) oo dadku dareemayaan inay xukumaan koox aqoonyahanno ah oo fog, waji na aan ka lahayn.

​Jamhuuriyadda Madaniga ah ee ku Dhisan Nidaamka Mudnaanta (The Merit-Filtered Civic Republic) waxay higsanaysaa inay isku-dhafto tusaalooyinkaas hore—iyadoo qaadanaysa adkaanta imtixaanaadkii Nidaamka Keju, iyo khibradda tiknookraasiyadda casriga ah—isla markaana ku salaynaysa dhismahaas oo dhan nooc cusub oo sharciyad madani ah.

​Geeddi-socodka Awoodda: Laga soo billaabo Soo-xulista Bulshada ilaa Awoodda Shuruudaysan
  1. Akadeemiyadda

Jamhuuriyaddan, awooddu kor kama soo degto, si kedis ahna ugama dillaacdo caadifadda dadweynaha. Taas beddelkeeda, waxay noqonaysaa qorshe xeelfog oo muddo dheer, kaas oo taxane shaandhooyin kala danbeeya ah.

​Hannaanku wuxuu ka soo billaabanayaa sooxulista Bulshada. Xisbiyada siyaasadda, oo ah jaqafad ay xuloodku danahooda ku ugaadhsadaan, dareenka dadkana lagaga ganacsado, meesha waa laga saarayaa. Bulshada waxaa loo qaybinayaa waaxo is khuseeya oo isku dan iyo duruuf ah. Sida shaqawadaag; beeralay, ganacsato ama wershedaley, deegaamo: gobollo, degmooyin ama tuulooyin, qabiillo ama hadba sidii kale ee bulshadu u dhisan tahay. Muhiimaddu waxay tahay, si looga fogaado kala-sarreynta ku dhisan "faa'iido-doon" kaliya, nidaamku wuxuu awoodda soo-jeedinta musharrixiinta siinayaa waaxaha bulshada. Sidoo kale waxaa qasab ah in ilgaar ah lagu eego qaybaha bulshada ee ka baxsan waaxaha bulshadu u qaybsan tahay ama laga tirada badan yahay sida: dumarka, dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo dhallinyarada. Waaxahani ma doortaan hoggaamiyeyaasha; waxay soo xulaan musharrixiinta loo diyaarinayo suurtagalnimada hoggaanka. Waax kasta waxay soo xulaysaa tiro badan, tusaale ahaan boqolkii ba shan tirada guud ee waaxda, kuwaas oo dhalinyaro ah ku na jira marxaladii waxbarashada waayo muddada tababarku waxay noqonaysaa 9-12 sanadood. Tirada in la badiyo waxay badinaysaa muunadda metelaadda, taas oo bilow ahaan, yaraynaysa xaglinta iyo eexashada.

​Musharrixiintaas waxay gelayaan Akadeemiyada Maamulka. Tani ma ahan jaamacad caadi ah balse waa goob tijaabo iyo tababar adag oo soconaya muddo dheer. Si ka duwan imtixaanaadkii Shiinaha ee u baahnaa in fahanka diinta oo kaliya la wada qaato, manhajka Akadeemiyaddu wuxuu ku dhisan yahay mabda’a "diidmada isku-mid ahaanshaha", waxaa na lagu tababarayaa, culuumta hogaaminta, sida taariikhda, siyaasadda, dhaqaalaha iyo culuumta bulshada. Sidoo kale waxaa lagula daalayaa xirfadaha maaneed, sida habfekerka habboon, gorfaynta, aqoonta maangalnimada iyo falsafadda. Musharrixiinta waxaa lagu qasbayaa inay bartaan aragtiyo kala duwan—sida dhaqaalaha Keynesian-ka iyo kan Austrian-ka, manhajka dhab-abbaarka (realism) iyo hiraalka (idealism).

Si kasta ba ha noqotee, ​Akadeemiyaddu ma aha midda bixinaysa damaanad xilqabasho ee waa shaandho. Kala reebidda joogtada ah iyo imtixaanaadku waxay xaqiijinayaan in meesha laga saaro kuwa aan lahayn adkaysi anshaxeed ama furfurnaan maskaxeed (mind resilience). Qalinjabintu, ma bixiso awood; waxay kaliya u oggolaanaysaa qalinjabiyaha inuu galo Kaydka Tartanka Maamulka. Halkan, musharrixiintu waa inay u tartamaan xilal fulineed oo gaar ah iyagoo maraya jilidda siyaasadda, dhegeysiga doodaha fagaaraha, iyo imtixaanaad tijaabinaya adkaysigooda anshaxeed. Awoodda laguma gaadhayo in codbixiyaha loo sameeyo ballanqaadyo siyaasadeed; ee waxaa lagu kasbanayaa muujiyo awoodda ugu sarraysa ee maamul mas'uuliyad leh.

  1. Sharciyadda Xilliga Kartida

​Dhaliisha ugu weyn ee nidaamkan waa maqnaanshaha sharciyada; ogolaanshaha wakiilashada iyo codaynta dadwaynaha. Haddii dadku aysan madaxdooda ku dooran codbixin dadweyne, maxay tahay sababta ay ugu hoggaansamayaan? Jamhuuriyadda Mudnaanta iyo Madaniyaddu way aqoonsan tahay doorka ogolaansha dadwaynaha. Sharciyadda Codaynta waxaa lagu xallinayaa hannaan iskudhaf ah oo ka kooban laba qaybood: A) bilowga ba tababartayaasha loo diyaarinayo mustaqbalka hoggaanku, waa kuwo ku imaanaya hannaan ka wada qaybgal ah iyo fursad loo siman yahay. B) waa marka labaade booska awoodda waxaa lagu tegayaa muujinta kartida, taas oo ay go’aaminayaan dadwaynuhu iyo khuburo xeerbeegti ah oo isku dhafan. Halkii awoodda codaynta dadwaynaha keliya awoodda lagu iman lahaa, waa la kala qaybinayaa saamiga codaynta, tusaale ahaan boqolkii ba konton 50% waa codayn dadwayne halka boqolkii ba konton 50% ay noqonayso qiimaynta iyo jaangoynta khuburo xeerbeegti ah oo karti u leh inay bixiyaan xukun aqoon ku dhisan. Fikradda xeerbeegtiga waxaan ka soo ergaystay masalada “ahlul-xalli wal-caqdi” ee ku jirtay suugaanta culimada Islaamka. Taas oo ahayd in talada lagu koobo odoyaasha oo keliya, balse in qaab kale loo dhaqangeliyo ayaan soo jeedinaynaa.

Maaraynta khatara Qaabdhismeed

​Ma jiro qaabdhismeed hay'adeed oo ka badbaadi kara burburka dabiiciga ah ama fadhiidnimada. Saddexda khatarood ee ugu waaweyn nidaamkani ku iman karaa waa xuloodowga (elite closure), Isku-ekaanshaha Fikireed (cognitive homogenization) iyo sinnaan la'aan dhaqaale.

​Xuloodowga (in qalinjebiyayaasha noqdaan dabaqad xul ah oo isku dan ah): Akadeemiyaddu waxay halis u tahay inay noqoto dabaqad isdhaxasha, halkaas oo carruurta madaxda hadda joogta ay helaan fursad dheeraad ah oo ay ku soo galaan. Si taas loo yareeyo, nidaamka xulista cidda gelaysa Akaadeemiyaddu wuxuu ku bilaabanayaa imtixaanno horudhac ah oo aan magaclaawe ah (blind pre-screening exams) iyo kootooyin dhaqaale-bulsho oo adag. Haddii dabaqad ama gobol gaar ah uu billaabo inuu qabsado Akadeemiyada, shaandhada gelitaanka ayaa dastuuriyan la beddelayaa. Waxaa intaas dheer, "Xeerka Wareejinta Qasabka ah" wuxuu xaqiijinayaa in boqolkiiba in go'an oo hoggaanka ah la beddelo wareeg kasta, iyadoo aan loo eegin waxqabadkooda, si looga hortago in awooddu fadhiisato.

​Isku-ekaanshaha Fekereed (Cognitive Homogenization): Marka koox yar oo dad ah ay marto tababar isku mid ah, waxay yeeshaan aragtiyo isku mid ah (identical blind spots). Akadeemiyaddu waxay tan uga hortagaysaa iyadoo sharciyaynaysa khilaafka fikireed. Guddi dhexmar ah (Red Team) ayaa la samaynayaa, kuwani ma ahan guddi la-talin, balse waa hay'ad dastuuri ah oo shaqadeeda kaliya ay tahay inay caddayso in hoggaanku qaldan yahay. Sidoo kale, nidaamka go'aan-qaadashada ee heerarka leh wuxuu xaqiijinayaa in go'aannada "Qiyamka" (Normative)—kuwa khuseeya dhaqanka, xuquuqda, iyo diinta—aysan Akadeemiyaddu kaligeed gaari karin; waxay u baahan yihiin la-tashi qasab ah oo lala yeesho Goleyaasha Dadweynaha.

​Sinnaan La'aanta Dhaqaalaha: Nidaamyada mudnaanta (Meritocracies) badanaa waxay isku beddelaan "maamullo hantiileyaal," halkaas oo hantidu ay iibsato waxbarashada loo baahan yahay si looga gudbo shaandhada. Jamhuuriyaddu waxay qaabdhismeed ahaan tan uga hortagaysaa iyadoo Akadeemiyada ka madaxbannaynaysa hantida gaarka ah, isla markaana dhisaysa Gole Maaliyadeed oo Madaxbannaan (oo aan Akadeemiyada ka tirsanayn) kaas oo maamula canshuuraha iyo xaqiijinta heerka ugu hooseeya ee daryeelka caafimaadka iyo waxbarashada dastuuriga ah.

Dhanka kale waxaa imaan kara shaki ah, haddii talada laga fogeeyo caammada iyo dadwaynaha miyaanu nidaamkani yeelanayn suurad kelitalisnimo. Waa shaki gar ah, hase yeeshee, kalitalisnimada waxaa lagu qeexaa awoodda oo meel isugu ururta iyo maqnaanshaha dariiqyo lagu bedelo. Jamhuuriyadda Madaniga ah ee ku Dhisan Nidaamka Mudnaanta waxaa saldhig u ah, in awoodda lagu yimaaddo saddex qodob, tayo kartiyeed oo la hubo, xukun xeerbeegti iyo cod shacab oo isu dheellitiran. Sidaa si la mid ah ayaa na lagu waayi karaa.

Dhanka dhaqangelinta nidaamka Jamhuuriyada Mudnaanta iyo Madaniyaddu wuxuu noqonayaa mid muddo dheer laga baaraandegayo. ​Nidaam sidan u xagjir ah laguma soo rogi karo kacdoon; taasi waxay jebinaysaa mabaadi'diisa asaasiga ah ee xasilloonida, balse waa inuu ku yimaadaa tijaabooyin horumarineed oo tartiib-tartiib ah.

​Tijaabooyinka ugu horreeya waxaa lagu bilaabi karaa "Golayaasha Deegaankka" heer degmo ama heer gobol. Magaalo ayaa dhisi karta gole lagu soo xulay nidaamka mudnaanta oo qaabilsan qorshaynta magaalooyinka ama maamulka maaliyadda, iyadoo la adeegsanayo xeerbeegti qori-tuur ah si loo qiimeeyo guushooda. Haddii tijaabooyinkani ay muujiyaan samaan iyo musuqmaasuq ka yar kan dhiggooda la doortay, "Shaandhada Kartida" waa la ballaadhin karaa ilaa heerarka sare ee maamulka. Kala-guurku ma ahan tallaabo loo qaadayo meel aan la garanayn, balse waa si tartiib-tartiib ah talaabada dhulka loogu hubsado.

Gunaanad

​Jamhuuriyadda Madaniga ah ee ku Dhisan Nidaamka Mudnaanta ma ahan ballanqaadka janno-dhuleed . Meesha kama saarayso damaca aadanaha, mana sii saadaalin doonto qalalaase kasta iyo caqabad kasta oo iman karta. Hase yeeshee, qiimayn oo lagu sameeyey fashilka siyaasadda codaynta jaantaa roganta ah dib loogu eegayo, la na isku deyayo in la soo jeediyo waddo kale oo ka shiddo yar.

​Waan sii wadi karnaa inaan ku dhegganaano caadada codbixinta, innagoo daawanayna sida hay'adaheenna uuu xaalufinayo dareenmaalka buuqsiraatadu, kartidarrada iyo aragti gaabnida siyaasiga ka werweraya sidii uu kursiga ku sii joogi lahaa. Balse waxaan doorbidayaa inaan qirano in dawladnimadu u baahan tahay "raalli ahaanshaha dadweynaha"—wuxuu u baahan yahay xukun aqoon leh iyo mas'uuliyad hay'adeed. Ugu danbayn, soojeedintani waa mid shakhsi ah, si na ba uma noqon karto mid dhammaystiran ama ceeb la’ balse waxaan uga dan leeyahay in aan cariyo maskaxdiina, oo aan isla gorfaynno beddel dhaama, laguma dhaamee dhaqaaq.