Skip to main content

Tuesday 14 July 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Buug

Einstein iyo Freud: Maxaa Sababa Colaadaha?

19 June, 2026
Image
Einstein iyo Freud: Maxaa Sababa Colaadaha?
Share

Buug-yare cinwaankiisu yahay “Maxaa Sababa Colaadaha?”, ayay daabacaadda Paris ee L'Herne dib ugu soo saartay wada-hadalkii dhex maray laba ka mid ah mufakiriintii ugu waaweynaa casriga, kuwaas oo ibo-furay aragtiyo aqooneed cusub qarnigii 20-aad, waa fiisigisyahanka Albert Einstein iyo aasaasihii cilmi-nafsiga taxliiliga ah Sigmund Freud.

Dib ugu noqoshada wada-hadalkan maanta, xilli ay sii badanayaan colaadaha hubaysan iyo dagaalladu, macnaheedu ma aha oo keliya in dib loo eego dukumenti taariikhi ah, balse sidoo kale waa in dib loo akhriyo wada sheekaysi aas-aasi ah oo isu keenaya laba cod oo waaweyn oo wata laba hab feker oo is-dhammeystiraya: codka saynisyahanka ku shuqlanaa nidaamka caqliga ku dhisan ee koonka, iyo codka falanqeeyaha nafta ee dhegeysanaya quwadaha mugdiga ah ee ka shaqeeya gunta hoose ee nafaha dadka iyo bulshooyinka.

Dagaalku halkan, ma aha oo keliya dhacdo istiraatiiji ah ama jiyoosiyaasi ah, balse waa muujinta isku-dhac qoto dheer kaas oo u dhexeeya ilbaxnimada iyo xoogagga rabshadaha ee ku qarsoon dareenka wadajirka ah ee bulshada, xitaa ku dhex jira bini’aadannimada lafteeda. Taasina waxay gacan ka geysanaysaa fahamka sababaha nabaddu u nugushahay iyo sababta ay u sii jirto u janjeedhka rabshaddu.

Qoraalka ku jira buugga wuxuu ka dhashay hindise cajiib ah. Sannadkii 1932-kii, Machadka Caalamiga ah ee Iskaashiga Aqooneed, oo ahaa hay’ad hoos tagaysay Ururka Quruumaha isla markaana ahaa horudhacii taariikhiga ahaa ee UNESCO, ayaa abaabulay taxane waraaqo is-weydaarsi ah oo dhex maray mufakiriin iyo qoraayaal waaweyn si ay uga doodaan arrimaha aasaasiga ah ee ilbaxnimada ugana fekeraan hababka looga hortagi karo colaado cusub oo dhex mara quruumaha. Wada-hadalku wuxuu ka bilaabmay su’aal uu Einstein u diray Freud, xilli doogtii Dagaalkii Koowaad ee Adduunku weli ka muuqatay Yurub: “Ma jiraa waddo lagaga xoreyn karo bani’aadamka khatarta dagaalka?” Einstein wuxuu hordhac uga dhigay su’aashiisa, in raadinta jawaabta arrintani ay tahay baahi jiritaan, isla markaana horumarka farsamo ee aadamuhu ka dhigtay arrintan mid aad muhiim ugu ah ilbaxnimada. Hase yeeshee, ayuu yidhi, “dadaalladii xoogga badnaa ee loo galay xalinta dhibaatadan ilaa hadda waxay ku dhammaadeen guuldarro aad u xun.”

Einstein wuxuu xusay in guuldarradan ay ka dambeeyaan xoogag nafsiyeed oo aad u waaweyn. Damaca ay awoodda u hayaan dabaqadaha talada haya ee dowladuhu waxay caqabad ku noqotaa xaddidaadda xuquuqdooda maamul. “hamuuntan siyaasadeed ee awoodda” ayaa marar badan ka hesha taageero koox kale oo danaynaysa faa’iidooyin dhaqaale oo keliya. Einstein wuxuu tilmaamayaa koox yar oo ku dhex jirta shacab kasta, balse awood go’aan leh, kuwaas oo aan dan ka lahayn bayhoofka dadka iyo arrimaha bulshada. Kooxdani waxay ka kooban tahay dad dagaalka, warshadaha hubka iyo ka ganacsiga hubkaba u arka oo keliya fursad ay ku gaadhayaan faa’iidooyin gaar ah kuna ballaadhinayaan saamayntooda shakhsiga ah. Einstein wuxuu is weydiinayaa: sidee ayay tiradan yar u awooddaa inay rabitaankooda ku khasbaan malaayiinta shacabka ah, iyadoo dadweynahaasi dagaalka ka dhaxlaan oo keliya dhimasho, silic iyo saboolnimo?

Wuxuu ku soo gabagabeynayaa in dadkaa tirada yar ee xukunka hayaa ay gacanta ku hayaan dugsiyada, saxaafadda iyo inta badan hay’adaha diinta. Iyaga oo adeegsanaya qalabkan ayay ku maamulaan dareenka dadweynaha una jiheeyaan sida ay doonayaan, iyagoo indho saabaya danahoodana ka fushanaya.

Sigmund Freud wuxuu doodda u qaaday heer kale. Marka lagu eego aragtidiisa, dagaalka laguma fahmi karo oo keliya hay’adaha ama xidhiidhka ka dhexeeya dowladaha; Waxay ku xididaystaan qaab-dhismeedka nafsiga ah ee bini’aadamka laftiisa. Sidaas darteed, gardarradu waa qayb aan laga maarmin oo ka mid ah xaaladda bani’aadamka. Falanqayntani waxay timid xilli taariikhi ah oo aad u liidata. Yurub markaas waxay dhab ahaantii taagnayd qarka burbur ay labada ninba dareensanayeen halistiisa. Sannadkii 1933-kii, Adolf Hitler wuxuu la wareegay talada Jarmalka, dhowr sano kadibna qaaraddu waxay mar kale u jabtay dagaal adduun oo rabshaddiisu ka sii darneyd tii Dagaalkii Koowaad ee Adduunka.

Waxyaabaha uu Freud ku sheegay jawaabtiisa Einstein ayuu si faahfaahsan uga hadlay buuggiisii “Dhibaatada Ilbaxnimada” (Civilization and Its Discontents) oo lagu daabacay Vienna sannadkii 1930-kii. Buuggu wuxuu ku wareegayaa hal fekrad oo aasaasi ah: ilbaxnimada uu bini’aadamku dhistay si ay u ilaaliso una nidaamiso noloshiisa ayaa isla markaas noqota il murugo iyo walaac qoto dheer. Taas micnaheedu waa in bini’aadamku gudihiisa ku sido dareenno iyo damacyo aasaasi ah, kuwa ugu muhiimsanna ay yihiin rabitaanka iyo gardarrada; dareenka nolosha iyo dareenka dhimashada.

Sida uu Freud qabo, ilbaxnimadu waxay isku daydaa inay rabbayso gardarrada una beddesho tamar bulsho, akhlaaqeed iyo dhaqan, balse si buuxda uma baabi’in karto. Sidaa darteed, gardarradu waxay ku sii jirtaa meel qarsoon, dabadeedna waxay ku qaraxdaa dagaallo, nacayb wadareed ama nidaamyo cabbudhis ah. Mid ka mid ah aragtiyaha ugu qotada dheer ee Freud soo bandhigay ayaa ah in khilaafka u dhexeeya qofka iyo ilbaxnimada uusan ahayn dhibaato ku-meel-gaadh ah oo xal kama dambays ah loo heli karo, balse uu yahay iska horimaad qaab-dhismeed ahaan ula socda jiritaanka bini’aadamka laftiisa. Tani waxay sharraxaysaa sababta uu u leeyahay dagaalku ma aha dhacdo si kedis ah taariikhda uga soo baxda, balse waa suuragalnimo joogto ah oo ku dhex nool qofka.

Hase yeeshee, suuragalnimadani mar walba isku qaab uma soo baxdo; mar way xoogaysataa marna way yaraataa iyadoo ku xidhan qaababka siyaasadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee nidaamiya nolosha bulshooyinka. Sidaas darteed, horumarka sayniska iyo farsamadu khasab ahaan uma horseedo horumar akhlaaqeed ama ruuxi ah, mana dammaanad qaado badhaadhe. Xitaa qalabka ilbaxnimada lafteeda ayaa isu beddeli kara qalab burbur baahsan lagu geysto.

Aragtidan waxay la jaanqaadaysaa fekrado badan oo falsafadeed oo dambe oo ka hadlayay nugaylka mashruuca bini’aadamka iyo isburinta xanuunka leh ee u dhexeysa hibada dhismeed ee aadamaha iyo awooddiisa soo noqnoqota ee wax burburinta. Qaar ka mid ah mufakiriinta ayaa sidoo kale fiiro gaar ah u yeeshay doorka dadweynaha iyo sida ay si indho la’aan ah u raacaan hoggaamiyeyaasha, iyo waxa loogu yeedhi karo “dhaqanka raacatada”, taas oo ina xusuusinaysa fekradda “addoonsiga la doortay” (Voluntary Servitude) ee uu qarnigii 16-aad si qoto dheer uga hadlay qoraaga iyo mufakirkii Faransiiska ahaa Étienne de La Boétie.

Halkaas ayuu La Boétie kula kulmayaa Freud, inkastoo ay qarniyo badani u dhaxeeyeen, marka laga hadlayo qaab-dhismeedka nafsiga ah ee kooxaha, adeecidda iyo raadinta awoodda aabbaha ama hoggaamiyaha kali-taliska ah. Su’aashan la xidhiidha kali-talisnimada iyo adeecidda ma ahayn mid ku kooban fekerka Yurub oo keliya. Waxay sidoo kale ka soo muuqatay fekerka dib-u-habaynta Carabta xilli taariikhi ah oo xasaasi ahayd, waa dhammaadkii qarnigii 19-aad. Waxaan si gaar ah uga helaynaa buugga “Dabeecadaha Kali-talisnimada iyo Goobaha Burburka Addoonsiga” (طبائع الاستبداد ومصارع الاستعباد) ee Cabdulraxmaan al-Kawaakibi, kaas oo aan ku ekaan cambaaraynta kali-taliyaha isagoo ah qof dulmi badan, balse isku dayay inuu falanqeeyo qaab-dhismeedka nafsiyeed iyo bulsheed ee kali-talisnimada ka dhigaya mid suurtagal ah oo sii jira.

Al-Kawaakibi wuxuu si fiican u fahmay in kali-talisnimadu aanay ku tiirsanayn awoodda oo keliya, balse ay sidoo kale ku tiirsan tahay cabsida, jaahilnimada, ku tarbiyanta dadka adeecidda, iyo u rogista diinta iyo akhlaaqda ama caadooyinka aalado lagu hoggaansamo. Sidaas darteed ayuu sheegay in ummadda isu dhiibta kali-talisnimada ay si uun uga qayb qaadato dib-u-soo-saaristeeda, isla markaana kali-talisnimadu aysan musuqin siyaasadda oo keliya, balse ay dhaawacdo shakhsiyadda bini’aadamka lafteeda.

  • Qormadan waxa laga soo turjumay halkan