Monday 23 June 2025
Inta badan waalidka kala taga ee qoysku ka burburo, waxa ku yimaadda, dhibaatooyin badan, oo saameeya nolasha waalidka iyo ta ubadkaba. Waxa ubadka iyo waalidkaba ku reebma doogo nafsaddeed oo ay la noolaadaan, una gudbi karta jiilasha danbe ee ka tafiirmi doona. Sheekadan waxay si qotadheer u sawiraysaa mid la mid ah burburka qoys ee Soomaalida iyo sida ay saameyn ugu reebto carruurta. Marka waalidku kala tago, carruurta ayay mararka qaar kala qaataan. Iyaga oo waaliddiintu kala qaybsado ubadka, taas oo ka dhigan in ay lumiyaan xiriirka ay, la lahaayeen mid ka mid ah waalidkooda iyo walaalahood. Taasi waxay dhalisaa dhaawac nafsi ah, oo saameyn ku yeelan kara noloshooda oo dhan.
Sheekadan oo ku dhacday gabadh yar oo saddex iyo toban jir ah, waxa lagu baahiyay madasha “Silent Beads”, oo ah madal kawaranta dhaqanka jacaylka casriga ah (Jacaylka lamaanaha, qoyska, waalidka, saaxiibada iwm.) Qodobada muhiimka ah ee ay sheekadu ka hadlayso, waxa ka mid ah:
Sheekadan oo la moodo in ay sawirayso, dhaqanka soomaalida! Waa qoys reer Gaana ah, oo is khilaafaya, way isla dirirayaan, oo is furayaan, carruurtii baa kala lumaysa. Cuqdad baa ku dhacaysa carruurtii. Eelka xun ee qoys burburay laga dhaxlo ayay halkaas sheekadu ka hulaaqaysaa. Sheekadan oo ay qortay, Efe (Efe waxay ahayd gabadh yar oo saddex iyo toban jir ah) waxay leedahay: Waalidkay waxay is fureen, anigoo yar. Sida uu sheegay aabbahay, arrimaha waa la xalin karayay, haddii ay wada fadhiisan lahaayeen oo ay wada hadli lahaayeen si ay isku fahmaan, laakiin hooyaday waxay qaadatay mawqif adag oo ah, in ay kala tagaan, aabbahayna warqadda furriinka siiyo.
Isaga oo khilaafku wali taagan yahay, subax subaxaha ka mid ah, hooyaday waxay u sheegtay aabbahay inay booqanayso qoyskeeda muddo toddobaad ka dib ahna ay soo laaban doonto. Markii ay tagtay ayay kaxaysay labadayda walaal ee noogu weyn, aniga iyo walaashay iga weyn ayay naga tagtay. Usbuucii wuxuu isu rogay bilo, dib umay soo laaban! Ugu dambeyntii, waxay hooyaday soo dirtay ergo si ay ugu wargaliyaan aabbahay inay ka tashatay oo aanay xaas danbe u sii ahaanayn, kuna soo laaban doonin . Aabbahayna wuxuu u diray ergo kale, si ay u raalli geliyaan, ugana codsadaan in ay soo noqoto, laakiin way diidday hooyaday. Waxay ku adkaysatay furriin, kaas oo la soo gabagabeeyay dhowr bilood ka dib. Hooyaday waxay si cad u sheegtay inay ilaalin doonto oo masuuliyaddooda qaadi doonto, labadayda walaal, halka aabbahayna uu ilaalin doono, aniga iyo walaashay iga weyn, oo markaa shan iyo toban jir ahayd. Intaas uun kuma ay joogin sheekadu ee hooyaday waxay ku dacwootay, in aabbahay gabadh kale la guursaday oo uu qarsoodi ku qabay, uurna loo leeyahay, laakiin uu hooyaday ka qariyay. Hooyaday si xaqiiqa ah umay ogayn arrintaasi, balse, waxay sheegtay in ay xan ku ogaatay, wayna ka hor tagtay, balse wuu diiday illaa uu ugu dambayntii runta qirtay. Danbiga weyn ee uu galay ka sokow, waxay hooyaday sheegtay in xanaaqiisa uu ahaa mid aan loo dulqaadan karin. In kasta oo aanu waligiis garaacin, dagaal gacan ka hadal ahina dhex marin, haddana marar badan wuu u hanjabay, wayna la noolaan kari wayday cabsida joogtada ah. Arrintu ma ahayn iyada oo keliya, ee waxa saamaynta xoogan ku leh waxay ahayd, cadhadiisa oo badan iyo dabeecad xumo uu asal ahaan lahaa, waxaana si cad u kala tagay hooyaday iyo aabbahay, qoyskoodiina waa burburay- ubadkayagiinna waanu kala dhambalannay.).
Sannado ka dib, waxaan aabbahay wayddiiyay ooridiisii kale iyo ilmihii ay u dhashay, ee ay wagaas caloosha ugu sidday. Waxa uu ii sheegay in ilmuhu dhintay toddobaad ka dib dhalashadiisa, waxana uu si maldahan u sheegay in hooyaday laga yaabo in ay wax ku samaysay. "Waa saaxirad", ayuu yidhi, si kaftan dhable ah. Ma garan waxa aan sameeyo, laakiin waxaa cad in nabarrada guurkooda ay weli yihiin kuwo caydhin, oo cadaawaddu wali jirto dhexdooda.
Furriinka ka dib, hooyaday waxay ku guursatay sannad gudihiis, laakiin aabbahay wuu iska baajiyay guurkii. Wuxuuna ku dadaalay inuu aniga iyo walaashay iskii u koriyo. Looma baran in uu ahaado daryeele keliya, sidaas darteed waxa uu la soo xidhiidhay walaashii oo ku noolayd dalwaynaha UK, si ay noogu soo qaado halkay ku nooshahay. Aniga oo shan iyo toban jir ah ayaa eeddaday ii timid, walaashayna waxay nagu soo biirtay sannad ka dib, oo aniga iyo eddaday bay noo timid. Hooyaday arrimahan, waxba kama ay ogayn - nama ay soo xidhiidhin. Aabbahay, si kastaba ha ahaatee, wuu sii waday ka qayb qaadashada uu nagu dhiirrigelinayay ee uu nagu caawinayay inaan qorshaynno mustaqbalkayaga dambe. Eeddaday oo aan iyadu wax ubad ah dhalin ayaa noo noqotay hooyo oo kale, waxay na siisay xasillooni iyo taageero aanu u baahnayn.
2018-kii, aabbahay ayaa nagu soo booqday UK, markii ugu horrreysay si uu uga qayb galo qalinjebintayda. Waxa uu u ekaa qof da’ weyn oo daciif ah, laakiin shakhsiyaddiisa waxba iskamay beddelin. Wuxuu weli lahaa dhaqanka qosolka iyo raaxada joogtaysan, ee aan yaraantaydii ku xasuusto. Waqtigaas, hooyaday wax xidhiidh ah kamaannaan maqal, sannado badan oo ay weli naga sii maqantahay. Xataa ma aan garanayn meel ay walaalahay joogaan. Mar kasta oo aan wayddiiyo aabbahay, wuxuu ii sheegi jirey inay u muuqdeen inay lumeen, oo ay gacantayada ka baxeen (Isaga iyo anagaba). Waxa uu u ekaa mid aan dhab ahaantii wax war ah ka hayn, oo aan waxba nooga sheegin karin, halkay cidhib dhigeen.
Qalin-jabintaydii ka dib, waxaan kula soo noqday Gaana aabbahay. Intaas ka dib, waxaan go'aansaday in aan raadiyo hooyaday. Waxa aan ogaaday in aabbahay uu garanayay halka ay joogto balse, uu doortay in aanu la xidhiidhin maadaama ay nin kale guursatay. Taasina waxa sabab u ahaa, dhaawac ka soo gaadhay in ay isaga ka tagtay oo ay cid kale u sii gudubtay (Nin kale guursatay). Ma uusan rabin in uu arko oo uu dareemo xannuunka gudihiisa ku mudan.
Markii aan ugu dambeyntii helay hooyaday, waxay ahayd kulan qiiro leh. Markii hore, ima ay aqoonsan. Waxay moodday inaan ahay qof qalaad, ilaa aan u sheegay qofka aan ahay. "Efe? Gabadhaydii Efe?” Ayay ku dhawaaqday iyadoo si adag laabta ii galisay. Waxay i wayddiisay wax ku saabsan walaashay iyo noloshayda, waxaan u sheegay wax walba iyo sida aanu ugu noolnahay UK, sida walaashay u baranayso waxbarasho tayo sare leh, si ay u noqoto qareen, iyo sida aabbahay u kafeeyay nolashayada.
Dabeecaddeedii farxaddii bay u beddeshay millicsi (Xasuus galid) markii ay dhegaysanaysay. Waxay iiga warrantay nolosheeda furriinka ka dib, sida ay ula kulantay ninkeeda cusub iyo sida uu uga caawiyay korinta walaalahay. Waxay ii sheegtay in walaalkay iga weyn uu hadda macallin ka yahay Akra (Dugsi waxbarasho), kan kalena uu yahay ciyaaryahan kubbadda cagta ciyaara.
Waxaan is weydaarsannay tirooyin badan oo sheekooyin iyo dhacdooyin ah, sidoo kale waxa aan kala qaadannay telefoonnada gacanta iyo Email-ka, waxaanan ballan ku qaaday inaan la soo xiriiri doono. Markii aan guriga ku soo noqday, aabbahay waxa uu i wayddiiyay sida ay hooyaday tahay. Waxaan u sheegay inay faraxsan tahay, wuxuuna u muuqday mid ka nastay. Laakiin markii aan sheegay in aanay isaga wax ka wayddiin, wuxu ii soo eegay sidii in waayihii hore weli isaga ku sii jiro.
Markii aan ka soo laabtay, booqashadaas ka dib, hooyaday waxay bilowday inay si joogto ah ii soo wacdo. Waxaan ka wada hadalnay wax kasta oo ay tabaysay sannadihii la soo dhaafay. Waxay sidoo kale dib ula xiriirtay walaashay, iyada oo u soo dirtay lacag iyo hadiyado. Waxaan la kulmay walaalkaygii iigu weynaa mid ka mid ah, safarro aan ku laabtay Gaana. Waxa uu ahaa nin weyn oo laab ballaadhan oo gar weyn leh. Ma aanan helin inaan arko walaalkaygii ciyaartoyga noqday, ee kubbadda cagta. sababta oo ah wuxuu had iyo jeer ahaa mid ku jiray xerada tababarka. Laakiin markii uu wakhtigu muddo socday, xidhiidhkii aniga iyo hooyaday ayaa yeeshay waji madow, oo aan farxad lahayn. Waxay bilawday in ay ila wadaagto sheekooyin ku saabsan khaladaadkii aabbahay ee hore, iyada oo u sawiraysa sidii nin sharwade ah! Waxay ku andacootay in uu rabay inay i soo rido, anigoo markaa uurka ku jira, waxay tidhi “Sababta oo ah diyaar uma ahayn ilmo kale in uu noo soo kordho”. Aabahay ayaan arintaas kala sheekaystay, wuuna qirtay in uu sidaas yidhi balse waxa uu ku macneeyay ‘In ay ahayd in ay xaalad dhaqaale la dhibtoonayeen wakhtigaas.’ Waxa uu ku adkaystay in aanu niyad xumo ka qabin dhalashadayda.
Dhaliisha joogtada ah ee hooyaday aabbahay ka sheegaysay, waxay noqotay mid daal badan igu sababtay, oo igu abuurtay diiqad fara badan. Waxay u muuqatay inay go'aansatay inay nagu soo celiso isaga, xitaa markay lacag na wayddiisay. Walaashay ayaa ugu dambayntii gabi ahaanba jartay iyada oo diidday in ay ka jawaabto talefoonnadeeda ama ay u soo dirto wax kasta. Waxaan isku dayay inaan dhexdhexaad ka ahaado, laakiin way adagtay. Waxaan xitaa aabbahay ka codsaday inuu raalligeliyo iyada, anigoo rajaynaya inay dejiso xiisadda. Laakiin wuu diiday, isaga oo sheegay in uu hore raalligelin uga bixiyay sannado ka hor oo aanay wax isbeddel ah samayn. Wuxuu ii sheegay inaan khaladkooda wax ka barto oo aanan ku celin guurkayga.
Hadda, laba sanno ka dib, hooyaday weli way wacdaa aabbahay, si ay ugala hadasho, nika aan la aqal gali-doonno mustqabalka, in uu noqdo mid wanaagsan. Waxay iiga digtay in haddii aanan ka taxaddarin ninkeyga, uu iila dhaqmi doono si la mid ah sidii aabbahay ula dhaqmi jiray iyada. Hadda waan guursaday waxaanan leeyahay qoys. Waxaan u sheegay hooyaday in haddii ay joojin waydo, dhaleecaynta aabahay iyo nacaybka ay nagu dhex faafinayso, laga yaabo inay anigana i waydo. Laakiin waxay ku adkaysanaysaa in saamaynta aabbahay ay tahay eedda, sidaa darteedna weli waxay iiga digaysaa nacayb iyo xumaan aanan garayan halku kaga soo hulaaqayo, oo ay aabbahay ka soo warinayso- illaa nolashayda oo dhan ay la xidhiidhinayso xumaanta aabbahay.
Ma garanayo in hooyaday weligeed cafiyi doonto aabbahay, ama ay dhaafi doonto wixii hore ee dhib ahaa. Aabbo wuu ka dhammaaday hooyo oo nabad buu ku nool yahay, laakiin hooyo weli waxay ku jirtaa dagaal wakhti hore dhammaaday. Waxay rabtaa inay hub ahaan noogu isticmaasho isaga, si annaga iyo aabbahayo nacayb dhexdayada u yimaaddo, mana sii wadi karayn anigu in aan doorkaas ku sugnaado. Waxaan bilaabay in aan iska indhatiro wicitaankeeda, anigoo rajaynaya in ay aakhirka garwaaqsato in cadhada ay ku sii dhagan tahay dhibaataynaysa iyada oo keliya. Waxaan jeclaan lahaa inay nabad hesho, laakiin iyada ayay ku xidhan tahay inay samayso doorashadaas, waayo anagu marna hooyo ma dirqiyi karno.