Skip to main content

Saturday 8 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Eelka Laba-baraadleynta

15 September, 2025
Image
Eelka Laba-baraadleynta
Share

Hordhac

W.E.B. Dubois (1868–1963), waxa uu ka mid ahaa raggii ugu mudnaa indheergaradkii Madowga ahaa ee qarnigii 20-aad ka jiray carriga Maraykanka. Wuxuu ahaa Afro-Ameerikaan ku suntan takoordiidnimo, dulmi la dirir, Afrikaannimo, iyo aragtiyaha hurosocodka ah. Dubois wuxuu astaan iyo caroog u ahaa bulshada madowga Maraykanka ah ee la dhibbanayd takoorka iyo tookha dadyowga cad. Had iyo gooraale, wuxuu u heellanaa una halgamay sida uu heeryada dulmiga uga ridi lahaa dadyowga madow, isla jeerkaana ugu horseedi lahaa dhabbada dib-u-dadeynta. Dubois wuxuu hoggaamiye ka ahaa dhaqdhaqaaqii Neegarka (Niagara Movement) ee dabshidkii 1905-kii la aasaasay, waxa kale oo uu tifaftire guud ka ahaa wargeyskii shaacsanaha noqday ee NAACP oo ahaa wargeys u taagnaa la dirirka iyo naqdinta faquuqa iyo kala sarreynta sinjiyeed.

Wargeyska NAACP wuxuu shidaaliyay kacdoonnadii gumeysi diidka iyo takoordiidka. Sidoo kale wuxuu saamayn mug leh ku yeeshay halgamayaashii la diriray isticmaarka. Dhanka kale, Dubois keliya kuma koobnayn xaq u dirirka madow ga Maraykanka ah, balse waxqabadkiisa Imbiriyaaliyad-diidku waxa uu isaga gooshay qaaradda Afrika illaa Kareebiyanka. Wuxuu salka u dhigay oo karkariyay kacdoonnadii Afrikaannimada. Wuxuu ayidsanaa in Afrika ay si wada jir ah ula dagaallanto nidaamyada Imbiriyaaliyadda, hantigoosiga iyo faquuqa. Aragtiyahiisu waxay bud-dhig iyo dastuur u noqdeen nukhbadii iyo halgamayaashii gumeysi la dirirka ahaa, sida; Nkrumah, Azikiwe, Fanon, Albert Memmi. Buuggiisa Ruuxda Dadka Madow (The Souls of Black Folk), wuxuu ku soo bandhigay aragtida Laba-baraadleynta (Double consciousness), waa aragti aad uga dhex muuqatay cilmibaadhisihii gumeysiga ka dib (postcolonial studies) iyo culuumta lagu darso aragtiyaha sinjiyada. Sidaas awgeed, maqaalkan kooban waxa aynu ku eegi doonnaa aragtidaas.

Mafhuumka Laba-baraadleynta

Dubois, aragtida Laba-baraadleynta wuxuu ku galaabixinayaa saykoolojiyadda dadyowga la faquuqay, lana gumeystay. Buuggiisa Ruuxda Dadka Madow, wuxuu si banyaal ah ugu sheegay: " Mushkiladda qarniga labaatanaad waa mid ku salaysan laynka midabka; xidhiidhka ka dhexeeya dadka dubka madow iyo kuwa dubka cad". Dubois wuxuu isku dayayaa in uu u jidbixiyo hayb-wareerkii dadyowga madow ku habsaday. Aragtida laba-baraadleyntu waa xaalad qofku dareemo in uu ka kooban yahay laba hayb-bulsheed oo is huwan. Qofka madow hal mar ayuu yahay laba ahaanshiyo – Isir oo is khilaafsan. Aragtidan oo kolkii hore diiradda saaraysay bulshada madow ee Maraykanka ah — in kasta oo ay shaacsane noqotay— Dubois isagoo isticmaalaya manhajka lafagurka nafsad bulsheed, wuxuu inoo soo bandhigayaa hayb-wareerka bulshadaas madow ku dhacay. Wuxuu tibaaxayaa in masiirka dadyowga madowga ahi u luqunjibaaran yahay si-u-aragga dadyowga cad. Isasarraysiinta iyo tookha dadyowga cad waxay saameyn nafsiyadeed ku yeeshaan bulshada la faquuqay. Waxa u caadiyooba oo raadeeya faquuqa, waxayna aqbalaan hoosaynta iyo quudhsiga. Markan, qofka madow si uu dhammaystir ahaanshiyeed u gaadho wuxuu isku dayayaa inuu isku ekaysiiyo qofka cad, si uu danayn iyo aqoonsi uga helo. Had iyo gooraale qofka la takooray wuxuu jamasho u qaadaa hab dhaqanka cidda takoortay/ gumeysatay. Sida uu mufakirkii iyo gumeysi la dirirkii Afro-Kareebiyanka ahaa ee Faanon, buuggiisa "Black Skin White Masks" ku galaabixiyay in had iyo jeeraale uu qofka madow u heellan yahay sidii uu u noqon lahaa qofka cad, ugana heli lahaa aqoonsi jiritaan, ma dhaadana in uu leeyahay ahaanshiyo u gaar ah.

Qofka Madowga ahi waxa uu had iyo jeer u heellan yahay sidii uu u noqon lahaa qofka cad, taas oo keentay in uu yeesho labo haybood oo is khilaafsan – mid uu isir ahaan yahay iyo mid uu nafsad ahaan yahay

Laakiin dadyowga duubka cad, ee isku arka dad darajo sare jooga, in la isku dhereriyo waxay u arkaan deelqaaf, maxaa wacay qofkan madow waxa ay ka haystaan daabaqaad (stereotype) ah inay yihiin walax ka hoosaysa oo aan la darajo ahayn. Halkaas ayuu ka aloosmayaa isku dhaca qofka madow la waleecaadaayo, wuxuu dareemaa iswaayid ay abuurtay qofka uu isku arko iyo siday u arkaan dadyowga duubka cad. Laba-baraadlayn ayaa ku abuurmaysa oo bidhaanta qofka cad "white gaze" ayaa maanhag u noqonaysa.

Laba-baraadlaynta iyo Faanon

Fiirada laba-baraadleyntu waxay noqotay aragti si ballaadhan loogu darso cilmibaadhisaha gumeysiga dabadii, ka xorroobidda gumeysiga iyo faquuqa. Kasmanafeedyahankii iyo halgamaagii Faraanz Faanon ayaa ka mid ah qoraayada ka dhinbiilqaatay aragtida Dubois ee Laba-baraadleynta, isagoo tiirxoog ah uga dhigay naqdintiisa nafsad-bulsheed ee gumeysiga. Faanon waxa lagu tiriyaa foolaadka kacdoonyahannadii qalin iyo qoriba kula diriray isticmaarka. Sida ku dhigaalan buuggiisa "Looma'ooyaan" wuxuu ku baaqay in gacan ka hadalku yahay awood la isku xorreeyo oo dib la iskugu gobeeyo.

Buugga Faanon ee (Dub Madow, Dahaadho Cad/ Black Skin, White Masks), waxa lagu tiriyaa buugta ugu mudan ee naqdiyay uurkutaallada isticmaarka. Faanon oo ka shidaalqaadanaya aragtida Laba-baraadleynta, wuxuu buuggan ku lafaguray eelka kasmo-dhaqameed ee isticmaarku ku yeesho la-gumeystaha iyo gumeystahaba. Faanon wuxuu buuggan ku banbixinayaa haybwareerka iyo quudhsiga uu qofka madow la waleecaadayo, waxa kale oo uu inoo bidhaaminayaa sida gumeysigu uu ruuxa madow ugu sandulleeyey in uu dahaadh (mask) xidho, duubkiisa madowna tuuro si uu u gaadho dhammeystir ahaanshiyeed, aqoonsina uga helo dadyowga cad. Halka qofka cad ee caqliyadda gumeysiga yeeshay uu qooqaanimo iyo isa-sarraysiin la baannayo.

Faanon oo inoo tilmaamaya in labada dhanba uu gumeysigu dadnimo tiray oo ay ku dhagranyihiin eelka midabbaynta, wuxuu ina leeyahay; "Qofka madow wuxuu doonayaa in uu noqdo qof cad, ruuxa cadna wuu iska fogaynayaa si uu u gaadho darajo insaani ah." Waa qodob inoo muujinaya laba-baraadleynta ku habsatay qofka madow.

Gumeysigu waxa uu dadnimo-tiray dadka madow iyo kuwa cadba; kuwa hore waxa ay ka qaadeen hoseegnimo iyo is-liidid, halka ay kuwa dambena ka qaadeen isa-sarreysiin iyo isla-weyni

Laba-baraadleynta iyo Jinsitakoorka

Dadyowga isku-dayey inay jidbixiyaan halkuu ku sal leeyahay jinsitakoorka labaysani, waxay sheegaan in waagii lagu noolaa ugaadhsiga iyo qadhaabsiga oo insaanku, keliya, yaqaannay xirfadda eryashada ugaadha, ay kaalintaas ku roonaadee labku maddaama ay leeyihiin muruqyo waaweyn kana xiiqid yaryihiin dumarka. Halkaasna waxa ka aloosmay in labku isku arko inuu ka sarreeyo dheddigga, isagoo ku salaynaya kartida hawleed ee eryashada. Sidaas ayuu ku abuurmay dhaqanka iyo wacyiga kala sarraynta labka iyo dheddigu, dhaqankaas oo ku dhisan yasidda iyo dadnimo-tirka dumarka, waa dhaqan walaxeeyay oo burburiyay haybta dheddignimada, kana xayuubiyey kaalin walba oo nololeed. Waa dhaqan abuuray in aayaha dheddiggu ay u luqunjibaarnaadaan si u aragga ina rag.

Dhaqankaasi wuxuu qofka dumarka ah ku abuuray, una caadiyeeyey, saykoolojiyad ah in haybteeda dheddignimo u aragto hoosayn iyo foolxumo, isla jeerkaana u heellanaato in ay isku eekaysiiso oo jeclaato dhaqanka jinsiga ragga, si ay bulshada raalligelin iyo aqbalaad uga hesho. Halka uu ninku raganimadiisa ka dhex arkaayo in uu ka fogaado wax walba oo ku sifaysan dheddignimo. Eelkaasi waxa uu qofka dumarka ah ku abuuraa iswaa iyo laba-baraadleyn u dhexaysa si-u-arageeda shakhsiyeed iyo ku dhaqanka rageysan.

Jinsi takoorku waxa uu ku arooraa waqtigii ugaadhsiga oo ay raggu u arkeen in ay muruqa kaga sarreeyaan dumarka, dumarkuna waa ay aqbaleen waxana ay ku dhaceen laba-baraadleyn haybeed – mid ay yihiin iyo mid ay jantaan

Gloria Jean Watkins oo loo garan ogyahay magac qalimeedka bell hooks, waa qoraa iyo fiminiistiyad Afro-Ameerikaan ah oo ku shaacbaxday naqdinta nidaamyada is biiliya ee kala ah; Imbiriyaaliyadda,hantigoosiga, iyo nidaamka aabbuhu taliyo (patriarchic system). Bell hooks, oo ka dhinbiilqaadanaysa aragtida Laba-baraadleynta, waxay tilmaamaysaa in waleecaadka ku habsaday haweenayda madow aanu keliya ku koobnayn sinjitakoor iyo gumeysi, balse sidoo kale ay la dhibban tahay faquuq jinsiyeed oo uu sababay dhaqanka aabbe-taligu, dulmiyo is biirsaday ayaa ahaanshiyo-tiray naagta madow. Waxa ay tibaaxaysa in naagta madow ay la dhibban tahay loollanka ahaanshiyeed ee u dhexeeya si-u-aragga isir-summadka ah (stereotype) ee bulshadu u qeexday iyo ahaanshiyaheeda dhabta ah, middaas oo sababta burbur haybnimo. Dabadeed, waxa ay ku baaqday in haweenaydu ku baraarugto oo la dagaallanto dulmiyadaas isku bahaystay burburinta ahaanshiyaheeda dheddignimo, islajeerkaana yeelato wacyi naagnimo oo u halganto tabtay iskaga tuuri lahayd heeryada dulmiga.

Gabogabadii, asalkaba gumaysigu waa mashruuc u jira in bulshooyinka la gumeystay la galiyo hab nololeedyo cusub. Sidaas darted, ka xorroobidda gumeysigu kuma koobna mid dhuleed — waa mid u baahan in dib loo gobeeyo kaalin wal oo isticmaarku gumeeyey. Qoraaga iyo foolaadka suugaanta Afrika, Ngugi wa Thiango, oo qodobkaas sii iftiiminayaa wuxuu buuggiisa "Ka Xorroobidda Gumeysiga Maanka/Decolonising the Mind" ku banbixinayaa in isticmaarku xididdada u siibay dhaqankii iyo xerodhallankii asalka ahaa ee Afrika. Wuxuu tibaaxayaa waxa ugu weyn ee ay Imbiriyaaliyaddu yeeshay qaaradda Afrika in ay tahay burburinta luuqadeed iyo sooyaaleed, isla jeerkaana abuurtay qof laba-baraadleynaya. Wuxuu ku baaqay sida keli ah ee la iskaga xorrayn karo gumeysiga maanka in ay tahay in la rujiyo eelka isticmaarku reebay oo mudnaanta la siiyo xorreynta afafka Afrika. Dubois iyo qoraayada kale ee gumeysi la dirirku waxay ku baaqeen in jidka eelka laba-baraadleynta lagaga bixi karaa uu yahay in dadyowga haybwareerku ku habsaday ay haybtooda is-ahaanshinnimo jecladaan oo ku baanaan, isla jeerkaana ka diriraan cidda sarra-yndoonka ah.

Gumeysigu waxa uu gumeeyay wax kaste, sidaa awgeed xoroobiddu kuma koobna dhulka oo qudha. Waa in dib loo gobeeyo wax kaste oo uu isticmaarku gumeeyay oo ay ku jiraan luuqadda, haybta iyo midabku

Qoraallada kale ee qoraaga

Masrax

Marka Cunfigu Sharci Noqdo