Wednesday 19 November 2025
Maxamed Axmed Nuur oo ah 50 jir, waxa uu xasuustaa kolkii uu ka soo baxayey gurigiisa oo ku yaallay tuulada Qudhaclay ee ka tirsan gobolka Hiiraan, 30-kii Jannaayo 2023-kii in ay cirka heehaabayeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, balse waxba muu sii raacraacin, maaddaama oo aanay aragtidoodu qariib ku ahayn tuuladan hoos tagta kooxda al-Shabaab.
Mar dambe oo maalinnimadaas ah, Maxamed waxa uu ku sugnaa aas aan deegaanka ka fogayn kolkii uu soo gaadhay warka duqaynta ku sahabsani, dabadeedna waxa uu u soo cararay goobtii uu weerarka naxdinta lehi ka dhacay. “Waxaan arkay qaybo ka mid ah hilbihii ubadkayga oo gubtay iyo maydadka dhallinyaro kale oo weli ololaya” ayuu Maxamed ku yidhi jariiradda Foreign Affairs, waxaanu intaas sii raaciyey “Geedka hoostiisa oo dhan ayuu hadhaagii cadkoodu ku wadhnaa”.
Maxamed, waxa uu sheegay in goobta ay ku sugnaayeen qaar ka mid ah dagaalyahannadda al-Shabaab, kolkii uu soo gaadhay, kuwaas oo u socday inay aqoonsadaan dadkii duqaynta ku naf waayey. Sidaas awgeed, kolkii ay ogaadeen in meesha lagu halaagay wiilal yar yar, cid iyaga ka tirsanina aanay waxba ku noqon waa ay iska holeeleen. Guud ahaan duqayntan waxa ku naf waayey toddoba wiil oo dhallinyaro ah, kuwaas oo shan ka mid ahi aanay weli gaadhin da’da qaangaadhka. Maxamed, waxa uu aabbe u ahaa saddex ka mid ah wiilaashaas oo kala ahaa: Axmed Maxamed Nuur, 20 jir, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, 18 jir, iyo Qays Maxamed Nuur, 8 jir. Sidoo kale, waxa qayb ka ahaa wiil uu Maxamed adeer u yahay oo 17 jir ah, iyo saddex cunug oo da’doodu kala ahayd 11 jir, 13 jir iyo 14 jir.
Turkiga oo gacan ka helaya ha’yadda nabadsugidda Soomaaliya(NISA) ayaa duqaymo dhanka cirka ah ku qaada kooxda al-Shabaab isagoo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. (Maraykanka iyo Imaaraadka ayaa iyaguna hawlgalladan oo kale Soomaaliya ka fuliya). Hay’adda Sirdoonka iyo Amnigu (NISA) kolka ay u soo gudbiso xogaha sirdoonka ayuu dabadeed Turkigu duqaynta fuliyaa. Sida laga soo xigtay laba sarkaal oo hay’adda sirdoonka ka tirsan kuna sugan magaalada Muqdisho, Weerarkii Qudhaclayna jaranjaradaas oo kale ayuun buu maray. (Labadan sarkaal ayaa codsaday in aan magacooda la shaacin, maaddaama oo aanay oggolaansho u haysan in ay saxaafadda la hadlaan).
Laga soo bilaabo duqayntii Qudhaclay, waxa Turkiga lagu eedeynayaa in uu duqaymo baaxad leh ka geystay Soomaaliya, kuwaas oo ay dad rayid ahi ku waxyeeloobeen. Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ayaa si aad ah ugu sii dhex faafaya Afrika; gobolka Saaxil, Liibiya illaa Itoobiya.
Turkigu Soomaaliya ku soo galay, ka dib markii ay macaluushu ka dillaacday sannadkii 2011 si uu u badbaadiyo nafo si aadaminimo. Tan iyo waagaas na waxa uu ku dhex xididaystay kaabayaasha dhaqaalaha iyo haayadaha ammaanka Soomaaliya. Dagaalka al-Shabaab oo ah saaxiibka ugu weyn ee al-Qaacida, ayuu haddana door laxaad leh ka qaadanayaa, balse cidda uu dhibka ugu weyni soo gaadhayaa mar walba waa dadka shacabka ah.
“Saldhigga ugu dhaw ee al-Shabaab waxa uu noo jiraa 2km, haddanna annaga ayay weli na duqaynayaan” ayuu Maxamed yidhi, isagoo sii raaciyey “Carruurtaydu ma mudnayn in sidaas loola dhaqmo” Macaluushii Soomaaliya ee galaafatay dad lagu qiyaasay 250, 000 qof, ayaa Turkigu u saamaxday in uu cagta soo dhigo dalkan dhaca gobolka istaraatijiga ah ee Geeska Afrika, dabadeedna shirkadihiisii ganacsiga iyo ha’yadihiisii gargaarka ayaa xigay oo mar qudha sida daadka ugu soo fatahay.
“Arrin ku bilaabmay weji bani aadannimo iyo awood dabacsan ayaa si la wada arki karo isu rogay qorshe ujeeddo fog leh” Jethro Norman oo ah cilmibaadhe ka tirsan Machadka Deraasadaha Caalamiga ah ee Dheenmaarik ayaa sidaa yidhi. “Dhab ahaantii, Soomaaliya waa xuddunta higsiga juquraafi-siyaasadeedka weyn ee Turkiga —taas oo lagu qeexi karo dib u soo celintii saamayntii Turkiga ee Geeska Afrika iyo badda Cas oo ah himilada Cusmaaniyiinta cusub”.
Turkigu isaga oo gacan ka helaya ha’yadda Nabadsugidda Soomaaliya(NISA) waxa uu duqaymo dhanka cirka ah ku qaadaa kooxda al-Shabaab, isaga oo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Waa duqaymo la mid ah kuwa ay Soomaaliya ka fuliyaan Maraykanka iyo Imaaraadku.
Laga soo bilaabo kolkii uu Turkigu bilaabay in uu taakuleeyo dawladda Soomaaliya illaa maanta waxa uu door laxaad leh ka qaadanayey dagaalka ka dhanka ah kooxda al-Shabaab. Kooxdan iyo kuwa la midka ahba Turkigu waxa uu u arkaa kuwo halis ku ah danihiisa iyo maamulka uu gacansaarka la leeyahay ee Muqdisho, kaas oo muddo ku siman labaatan sanno la xarbiyaya maleeshiyadan.
Al- Shabaab si cadho leh ayay uga falcelisay garabsiintaas Ankara u muujisay dawladda Soomaaliya. “Gaashaanbuurta NATO ee Turkigu qaybta ka yahay waa cadawga ugu weyn ee muslimiinta. NATO waa urur ay ku bohoobeen Kiristaanku” ayuu yidhi afhayeen kooxda u hadlay. Intaas ka dib waxa ay qaraxyo ismiidaamin ah la beegsatay qaar ka mid ah shaqaalaha safaaradda Turkiga ee Muqdisho; sidoo kale waxa ay mar kale weerar ku ekeeyeen Injineerro Turki ah oo dhismaha jidadka ka shaqaynayey, waxaana ugu dambeeyey dilkii ay u gaysteen mid ka mid ah hawlwadeennada gargaarka ee Turkiga ka jooga Soomaaliya.
Arkara waxay aaminsan tahay in jiritaanka dawladda Muqdisho uu muhiim u yahay daneheeda Soomaaliya iyo kuweeda Geeska Afrikaba. Sannadkan gudihiisa, bishii Abriil, Turkigu waxa uu Soomaaliya u soo diray 500 oo askari, ka dib markii ay soo xoogaysatay cabsida laga qabo is fidinta al-Shabaab iyo in ay xukuumadda Muqdisho afgambido. Ciidankan oo ay ku lammaan yihiin kooxo qaabbilsan hawlgelinta diyaaradaha iswada ayaa sida la sheegay ilaalin doona xarumaha muhiimka ah ee Turkiga, sida saldhigga ciidamada oo ah midka ugu weyn ee Turkigu meel dalkiisa ka baxsan ku leeyahay iyo dekedda Muqdisho.
Saamaynta Turkiga ayaa dhanka kale si aad ah uga dhex muuqata qaybaha kala duwan ee nolosha Soomaaliya. Dugsiyo salka ku haya ururrada samafalka Turkiga ayaa Soomaaliya laga hirgaliyey, halka shirkadihiisuna ay ka qaybqaataan mashaariicda dhismaha jidadka, cusbitaalada iyo xarumaha daryeelka agoomaha. Sidoo kale, kumannaan arday oo Soomaali ah ayuu Turkigu deeqo waxbarasho dalkiisa ugu diray.
Intaas waxa dheer in shirkado Turki ahi ay gacanta ku hayaan qaar ka mid ah hantida dawladda ee muhiimka ah. Sannadkii 2013-kii, shirkadda dhabarka ku haysa dawladda Turkiga ee Favori LLC ayaa qandaraas 20 sanno ah ku guulaysatay oo loogu saxeexay maamulka dekedda Muqdisho, halka shirkadda kale ee Albayrak oo iyada qudheeduna Turki ah, qandaraaskaas oo kale loogu gacangaliyay gegida diyaaradaha ee Muqdisho muddo labaatan sanno.
Si kastaba ha ahaatee, waxa jira wayddiimo hor leh oo dul hoganaya hufnaanta qandaraasyadaas, gaar ahaan dhanka saamiqaybsiga faa’idada, shaqaalaysiinta dadka deegaanka, xakamaynta muddada dheer ee kheyraadka dalka iyo madaxbannaanida hantida qaranka. Garyaqaanka guud ayaa sannadkii 2014-kii ku soo eedeeyay labadan shirkadood in ay ku xadgudbeen heshiisyadii macaash-qaybsiga. Dhanka kale, sida lagu ogaaday baadhitaanno madaxbannaan, labadan shirkadood waxay ku guuldarraysteen in ay soo bandhigaan warbixinnadii maaliyadeed ee waajibka ku ahaa, taasoo sabab u noqotay in dawladda Soomaaliya ay xaqiijin kari weydo saamigii ay xaqa u lahayd. Sida uu xeer-ilaaliyuhu sheegay, tani waxay keeni kartaa in la waayo malaayiin doollar oo koboca dhaqaale ee dalka wax ka tari lahaa.
Saamaynta Turkiga ee Soomaaliya waxa ay si weyn uga dhex muuqataa waxbarashada, kaabeyaasha dhaqaaleha iyo amniga, waxaanu Muqdisho ku leeyahay saldhigga ugu weyn ee uu dalka dibeddiisa ku leeyahay
Saamaynta juquraafi-siyaasadeed ee Turkigu Soomaaliya ku leeyahay kuma koobna xagga dhaqaalaha uun, laakiin se, waa mid qoto dheer oo xataa amniga dalka taabanaysa. Sannadkii 2017-kii, magaalada Muqdisho waxa uu Turkigu ka hirgeliyey saldhigga ugu weyn ee uu dalka dibeddiisa ku leeyahay, kaasoo sannadihii xigayba ay ka soo baxeen kumannaan askari, si ay qayb uga noqdaan dagaalka lagu la jiro kooxda al-Shabaab. Marka laga yimaaddo duqaymaha diyaaradaha iswada ee uu isagu gacantiisa ku fuliyo, Turkigu waxa uu dawladda Soomaaliya ugu deeqay diyaaradaha qummaatiga u kaca iyo ciidamo dhuleed, haba ugu dambeeyaan kuwii uu bishii Abriil ee dhawayd u soo daabulaye. Guud ahaan Turkigu waxa uu noqday waddanka afraad ee hubka ugu badan u soo dhoofiya dalalka saxaraha ka hooseeya ee Afrika. Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa kaalinta ugu weyn kaga jira iibka hubka ee Turkiga; diyaaradaha Bayraktar iyo Akinci ayaa noqday kuwo laga heli karo gobolka Saaxil illaa Geeska Afrika.
Marka laga yimaaddo duqaymaha diyaaradaha iswada ee uu isagu gacantiisa ku fuliyo, Turkigu waxa uu dawladda Soomaaliya ugu deeqay diyaaradaha qummaatiga u kaca iyo ciidamo dhuleed. Guud ahaanna Turkigu waa dalka afraad ee hubka ugu badan u soo dhoofiya dalalka saxaraha ka hooseeya ee Afrika.
Daahfurnaan la’aanta duqaymaha Turkigu waxay dhab ahaan kaalmaynayaan kuwii la rabay in la beegsado, maaddaama oo ay ka faa’idaysan doonaan dareenka dadka rayidka ah ee duqaymaha dhibku ka soo gaadho iyo guud ahaan cadhada shacabka. Haayadda Caalamiga ah Amnest ayaa 2014-kii baahisay warbixin qalbijab ah oo tilmaamaysa dambiyo dagaal in laga yaabo in Turkigu Soomaaliya ka geystay. Warbixintu waxay sheegaysaa in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkigu ay duqeeyeen tuulo beeralay ah, halkaasna ay ku dileen 23 qof oo 13 ka mid ahi carruur yihiin. Weerarkan ayaa Turkiga la la xidhiidhiyay ka dib markii goobta laga helay falliidho ka mid ah hubkiisa. Si kastaba ha ahaatee, ma jiro nidaam lagula xisaabtami karo ciddii masuulka ka ahayd duqayntan iyo tii Qudhaclayba. Qayb ahaan arrintan waxa sabab u ah duqaymaha Soomaliya laga fuliyo in badankoodu ay ka dhacaan dhul ay al-Shabaab maamusho ama meelo aanu maamulba ka jirin oo hortaa bannaan ah.
“Weerarada diyaaradaha iswada ee Turkigu Ka geystaan Soomaaliya waxa ay inoo tilmaamayaan sida uu isu beddelay adeegsigii diyaaradaha iswada caalamka oo dhan. Sidoo kale, waxay hoosta ka xarriiqayaan in dagaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayni aanu summad u ahayn siyaasadda arrimaha dibedda Maraykanka, balse taa beddelkeeda uu hadda udubdhexaad u yahay istaraatijiyadda caalamiga ah ee Turkiga” Norman oo ah cilmi baadhe ayaa sidaa ku dooday, waxaanu arrintan u bixiyay “diblumaasiyadda diyaaradaha iswada”, taas oo ah isku dhaf halis ah oo ka kooban tignoolajiyad dilaa ah, iibinta hubka iyo damaca juquraafisiyaasadeed.
Qormadan waxaa laga soo turjumey halkan.