Skip to main content

Tuesday 19 May 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Buug

Dr. Ngozi Okonjo iyo Waayo-aragnimadeedii Cidhibtirka Musuq-maasuqa

29 April, 2026
Image
Dr. Ngozi Okonjo iyo Waayo-aragnimadeedii Cidhibtirka Musuq-maasuqa
Share

Musuq-maasuqu waxa uu ka midyahay aafooyinka ragaadiya dawladnimo wanaagga iyo horumarka bulshada, waayo wuxu uu isku mar dumiyaa anshaxa iyo dhaqaalaha bulshada. Sannadkii 2018-kii waxa buug macne leh ifka u soo saartay Dr. Ngozi Okonjo-Iweala kaas oo ay ugu wanqashay “La dagaallanka musuq-maasuqu waa is miidaamin “, Inta aynnaan gudo gelin mawduucyada ay buugga ku faalaysay aynu ka jawaabno wayddiinta ah; waa tuma qoraaga buuggu?

Ngozi Okonjo-Iweala waa aqoonyahanad u dhalatay dalka Nayjeeriya, waxa ay ka mid tahay haweenka ugu sumcadda dheer qaaradda Afrika. Labo jeer bay noqotay wasiirka Maaliyadda ee Nayjeeriya, iyada oo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee dalkaas ka qabata jagadaas. Waxa ay sidoo kale noqotay Wasiirka Arrimaha Dibedda, iyadoo dhanka hay`addaha aduunkana hore uga soo shaqaysay Bangiga Adduunka, Hay`adda gaacsiga adduunka oo ay ka gaadhay maareeye guud. Xirfaddeeda aqooneed, hiraalkeeda sare iyo waayo-aragnimadeeda shaqsiga ah ayaa ka dhigay mid ka mid ah haweenka ugu saameynta badan Afrika.

Waxa ay waxbarashadeeda sare ku qaadatay Jaamacadaha Harvard iyo Massachusetts Institute of Technology (MIT), iyada oo ka diyaarisay shahaadada saddexaad (PhD) ee dhaqaalaha. Waxbarashadeeda iyo khibraddeeda maaliyadeed waxay ka caawiyeen inay noqoto hormuud ku caan baxay maamul wanaagga, daahfurnaanta, iyo la dagaallanka musuq-maasuqa. Dr. Ngozi waxa lagu xusuustaa difaacidda dhaqaalaha dalkeeda, dib-u-habayntii maaliyadda Nayjeeriya, iyo dagaalkii ay u gashay in lacagaha danta guud aan la-lunsan.

Nuxurka buugga

Buuggu xajmi ahaan waa mid kooban oo ka yar 200 oo xaashiyood, haddana nuxur ahaan waa mid qaro weyn oo faaqidaya mawduuc muhiim ah kolka la joogo dawladnimo wanaagga iyo horumarka bulshada. Waxa uu ka koobanyahay sagaal cutub oo ay weheliyaan hordhac, iyo gunaanad. Inta badan xooggiisa waxa ay ku lafa gurtay jaadka musuq-maasuq ee naafeeyey dhaqaalaha Nayjeeriya, sida loo dabo galo tuugta caadaystay dhaca hantidada dadweynaha iyo noocyada musuq-maasuq ee ku faafay laamaha dawladda.

Afrika iyo Aafada musuqa

Dr. Ngozi waxay buuggeeda ku muujisay in musuq-maasuqa Afrika uu ka gun iyo sal ballaadhan yahay inta u muuqata dadka, waxa ay farta ku fiiqaysaa in musuqa daashaday qaaraddu uu yahay cudur qoto dheer oo ku faafay siyaasadda, dhaqaalaha, hay’adaha dawliga ah, deeq bixiyayaasha iyo cid kasta oo nidaam dhaqaale maamulisteed qayb ka ah. Waxa ay sharraxaysaa in musuq-maasuqu aanu ku koobnayn lacag la lunsado ama keliya qandaraasyo la leexsado, balse uu noqday nidaam isku dhafan oo ay ka dhex shaqeeyaan siyaasiyiin, ganacsato awood leh, shaqaale dawladeed, iyo shabakado ka dhisan gudaha iyo dibedda labadaba. Nidaamkaa qotodda dheer ee isku xidhani waxa uu abuuraa deegaan ay ku bullaalan kuna tarmaan tuugtu, deegaankaas oo ka baxsan isla xisaabtanka, halkaas oo hantida ummadda si sharci darro ah loogu qaybiyo danaha kooxo gaar ah.

Buuggu waxaa uu si qoto dheer u lafagurayaa in musuq-maasuqu yahay sababta ugu weyn ee Afrika ay uga liidato adeegyada bulshada.

Mashaariicda dhaqaalaha ugu badan lagu bixiyo islamarkaana ay tuugadu baylahda ka hesho lagacihii ku bixi lahaana sida ba`an loo leexsado waxaa ka mida waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo korontada. Mashaariicdaas kolka si gaar ah looga fa’iidaysto inta soo hadhay ee wax lagu hirgeliyo tayo ahaan waxa ay noqdaan kuwo liita, waana mid kamida sababaha ay Afrika u noqotay qaarad hagaasa oo waxa lageliyo ee dhaqaale ah aysan waxba kasoo noqon.

Qoraagu iyada oo dabo joogta isla qodobkan waxa ay tusaale u soo qaadanaysaa dalkeeda iyada oo ka warramaysa barnaamijyo badan oo ay isku dayday inay hirgeliso iyo sidii loo lunsaday, taas oo muujinaysa sida ay u adag tahay in si hufan loo maamulo dhaqaalaha dadweynaha, waxna looga qabto dacdarrada iyo dayaca haysta bulshda danyarta ah.

Dhanka arrimaha maalgashiga iyo shaqa abuurka, waxa ay iyana soo qaadanaysaa in Musuq-maasuqa saameyn xun ku yeeshay maalgashiga shisheeye. Shirkadaha caalamiga ah ayaa ka cabsada inay maalgashi ku sameeyaan dalalka uu musuq-maasuqu ka jiro, sababta oo ah khatarta hufnaan daridda iyo isku halaynta yaraanta ka jirta dalalkaa aawadeed.

Marka maalgashigu Meesha ka baxo oo dadka oo dhamina ay ka maagaan in ay maalgashtaan gude iyo dibadba waxaa ka dhasha in uu yaraado shaqo abuurku, layska daayo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, islamrkaana ay fursad waayaan dhalinyaradu, halka oo ay bulshada danyarta ahi noqdaan kuwa ugu badan ee la kulma culeyska nolosha.

Dhanka kale, waxa ay carrabka ku adkaynaysaa in hay’adaha daciifka ah iyo nidaamka oo isla xisaabtan ahaan liitaa uu sii xoojiyo musuq-maasuqa. Markii hay’adaha dowladdu aysan haysan madax-bannaani, ilaalin sharci iyo awood kormeer, kooxaha bahwadaagta ku ah musuqu waxa ay awoodaan inay si fudud u maamulaan hantida dadweynaha. Waxay abuuraan shabakad ka shaqaysa danahooda, taasoo ka dhigaysa in nidaamka musuq-maasuqa uu noqdo mid adag oo caqabad ku noqda isbeddel kasta oo sharci ah ama dib-u-habeyn.

Maxaa uu la kulmaa qofka Musuqa la dirira?

Qoraagu waxayaabaha xiisaha leh ee ay buugga kaga warramayso waxaa ka mid ah in cid kasta oo isku dayda in ay wax ka qabato ama hor istaagto musuqa iyo tuugaysiga hantida dad waynaha ay la kulanto takoor iyo dagaal ba`an oo kaga yimaadda gafanayaasha ku naaxay boobka hantida dadwaynuhu. Tusaale ahaan, waxa ay ka sheekeynaysaa marar badan oo ay dagaal la gashay kooxahan in ay kala kulantay hanjabaado, weerarro siyaasadeed, dacaayado iyo in si toos ah loogu bartilmaameedsaday si loo cabsi geliyo. Mid ka mid ah dhacdooyinka ugu xanuunka badan waa afduubkii hooyadeed loogu gaystay iyada oo cadaadis lagu saarayo inay joojiso barnaamijkeeda dib-u-habaynta maaliyadda dalka Nayjeeriya, oo hilfaha u qaadayey dadka danaha gaarka ah u adeegsada hantida dad waynaha.

Weedhaha ugu culus ee ay kaga warantay halista ku imaankarta dadka ladagaalama mususqana waxa ay si farshaxamaysan u tiri: “Isbeddel doonayaashu waxa ay wajahaan halis naf iyo maalba ah leh. Waxaa laga weeraraa warbaahinta, sharaf-dil ayaa lagu sameeyaa, waxaanay yeeshaan cadaw baddan oo midkastaa doc kasoo weeraro “.

Tani waxay ina tusinaysaa in la dagaallanka musuq-maasuqu aanu ahayn hawl fudud, ee uu yahay dagaal siyaasadeed ay ku lug leeyihiin shabakado awood badan oo midkastaa si gooniya uga macaasho, ciddii soo faragashatana si ay u suuliyaan ay naf iyo maalba halis u gelin karaan.

Ugu danbeyn Dr. waxa ay carrabka ku adkaynaysaa in la dagaallanka iyo cidhibtirka musuq-musaasuqu ay ka weyntahay hawl uu qaban karo hal qof waxaanay ku doodday in uu ay tahay shaqo u baahan halgan iyo isku duubno ka soo fusha dhammaan qaybaha dawladda iyo bulshada rayidka ah. Sida uu buuggu xusay, dabiici ahaan shabakadaha musuqu waa kuwo qoto dheer oo ay ku wada jiraa siyaasiyiin, ganacsato, iyo kooxo dano gaar ah leh, taas oo ka dhigaysa in qof kasta oo kelidii is hortaaga uu noqdo bartilmaameed u nugul weerar, dacaayad, iyo weji xumayn. Sidaas darteed, guushu waxay ku xidhan tahay in la helo cudud midaysan oo dumin karta nidaamyada ku dhisan xatooyada hantida dadweynaha.

Dhanka kale mushkiladdani ma aha mid ku kooban maamul xumo oo keliya, bal e waa arrin socotay ilaa heer bulsho oo noqotay aafo si ba’an u curyaamisay horumarka qaaradda Afrika guud ahaan, waana waxyaabaha suurad xumeeyey adeegga iyo caddaaladda bulshada. Sidaas awgeed si loo cidhibtiro kuwa danta guud uga faa’idaysta danta gaarka ah waxa loo baahanyey dedaal wada jir ah, ha’yado dawladeed iyo kuwo rayid oo ku hawl gala qorshe dhamaystiran oo dhab ah.

Qoraallada kale ee qoraaga

Buug

Danbiyo Dagaal