Sunday 18 January 2026
Xasuusqorkan la yidhaahdo, "My Role in the Foundation of the Somali Nation-state", waxa uu ka hadlayaa taariikh-nololeedkii raysalwasaarihii labaad (1964-1967), ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo lagu xasuusto falsafad maamulwanaag, islaxisaabtan dawladeed, musuqmaasuqdiid iyo daahfurnaan maamul. Mudane Cabdirisaaq waxa uu ku jiraa midhadhka madaxda Soomaaliya soo maray ee aragti dawladeed aaminsanaa, dadkuna uga marag kacay. Waxa uu ahaa nin aaminsan in dawladnimadu bulshada u adeegto, taas oo illaa loxodka laga dhigayey uu ku mintiday. Buuggiisani waxa uu ina dhex geynayaa noloshiisii korniin, waxbarasho, halgan iyo siyaasadeed. Waxa uu ka hadlayaa waxii adduun-araggiisa siyaasadeed qaabeeyey, tajribadiisii xukun iyo kaalintii uu ka geystay sees u dhigiddii qaran-dawladeedkii Soomaalida. Geesta kale waxa uu faaqidayaa xukuumadihii rayidka, hoggaankii shidka u fadhiyey iyo dimuqraaddiyaddii iimaha lahayd ee milatarigii dalku dharaar cad ay afduubteen. Waxii kacaankii dhashay laga biirsaday, iyo sidii uu hay'adihii dawladeed u burburiyey ee qof keli ahi dalkii ugu ammarkutaagleeyey illaa uu burbur aan laga soo waaqsan qarankii baday, ayuu xasuusqorkani si la yaqaan ugu nuuxnuuxsanayaa.
Cabdirisaaq X. Xuseen waxa uu dabshidkii 1925-kii ku dhashay gobolka Nugaal. Waxa uu ka dhashay qoys ballaadhan oo xooladhaqato ah. Sida uu tilmaamay korniinkiisii carruurnimo waxa raad weyn ku yeeshay labo arrimood: kow, deegaankii reerguuraannimo ee uu ku dhashay, taas oo ay ka jirtay dareen bulshannimadu xooggan tahay, dadku iskaashado, isu tudho, oo is-haysadkooda bulsheedi uu sarreeyo. Labo, qoyskiisii, si gaar ah aabbihii oo uu sheegay in uu lahaa dabeecado gaar ah, oo ay ka mid yihiin: in uu ahaa nin soojiidasho leh oo firfircoon, dhaqankii iyo taariikhdii waagaas si fiican u garanayey, codkar ah oo hadalka dadka deeqsiin og, ruux hoggaamineed leh, sida oo kale na gacanfuran oo dadka danyarta iyo kuwa jilicsanba u roon. Waxa uu ka sheekeeyey in aabbihii uu si weyn saamayn ugu yeeshay saykoolojiyaddiisa, oo dabcan habdhaqanno iyo dabeecado badan uu ka dhaxlay oo ay ugu weyn tahay soojiidashadu. John Drysdale (1925-2016), oo ahaa diblumaasi iyo taariikhyahan Ingiriis ah, waxa uu warqaddiisa la yidhaahdo, "Reflections 1943—63", ku xusay in Cabdirisaaq uu ahaa siyaasi soojiidasho leh (charismatic), tan waxa la la xidhiidhin karaa dabeecad uu aabbihii ka hiddaystay.
Sidii waagaas caanka ahayd, Cabdirisaaq kolkii uu koray waxa lagu daray dugsi Qur'aan uu macallin ka ahaa nin la odhan jiray Sheekh Maxamed Ciise. Waxa uu tilmaamay in macallinkaasi raad weyn ku yeeshay maskaxdiisii iyo kobociisii aqooneed. Macallinku waxa uu uga warrami jiray fashilka Muslimiinta ku dhacay, isaga oo wayddiin jiray su’aal halxidhaale ah oo odhanaysa: "maxay Muslimiintu u dibdhaceen, qayrkoodna u horumareen?" Wayddiintani waxay noqotay farriintii iyo iniintii qawminnimada ee ugu horraysay ee uu helo, taas oo garaadkiisa carrisay. Faashiistihii Talyaanigu dugsigan waxa uu u arkay boqcad halis ah oo wax lid ku ah lagu faafinayo, sidaa awgeed waxa uu saaray korjoogtayn iyo indha'indhayn xooggan. Cabdirisaaq isaga oo Gaalkacyo jooga ayaa waxa uu la kulmay nin dareewal ah oo ku wargeliyey in walaalkiis Cabdiraxmaan oo ka weyn uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, kana shaqeeyo gawaarida xammuulka. Cabdirisaaq waxa uu u bokhoolayaa Muqdisho. Kolkii uu Muqdisho soo galay waxa loo sheegay in walaalkii uu raacay ciidamadii Talyaaniga ee Itoobbiya ka dagaallamayey, laguna amray in uu daabbulo alaabaha uu ciidanku u baahan yahay. Halkaas waxa uu kala kulmay niyadjab.
Nasiibwanaag waxa daryeel u fidiyey cid xigtadiisa ahayd oo magaalada deggenayd. Judhiiba wuu shaqo galay, waxa uuna helay shaqo dukaan-ilaalin ah, halkaas oo noqotay irridda uu ka fahmo noloshii Muqdisho iyo isticmaarkii Talyaaniga ee joogay. Muqdisho iyo Koonfuri waxa ay u noqdeen meel uu wax ka barto, nolol ka tabcado, waayo-aragnimo ka biirsado, sida oo kale na u dhugmo iyo fahan yeesho xukunkii Faashiistaha ee ummadda cabbudhinayey. Raysalwasaare Cabdirisaaq waxa uu ka sheekeeyey tacaddiyadii Talyaaniga, siyaasaddiisii qabiilka, kalaqaybinta, laaluushka iyo cunfiga ku dhisnayd. Waxa uu ka hadlay xisbiyadii Koonfur ka dhisnaa ee u halgamayey gobonnimaddoonkii Soomaalida, loollannadoodii iyo kala duwaantoodii feker.
Sannaddii 1943-kii waxa salka loo dhigay xisbigii SYC, kolkii danbe se loo beddelay SYL (Somali Youth League), oo ahaa xisbi gobonnimaddoon oo ujeedkiisu yahay Soomaalida isticmaarku kala qoqobay in la xorreeyo, oo la mideeyo. Xisbigan waxa uu sahlay in ay ku qulqulaan dhammaan qawmiyiintii Soomaalida waxa uuna sees u noqday minbar ay Soomaalidu farriinteeda ku gudbiso, bulshaweynta ku abaabusho, sida oo kale na ku kiciso baaqyada isticmaardiidka ah. Cabdirsaaq waxa uu xisbigan ku biiray gu'gii 1946-kii, waxa uuna dedaallo miradhal ah ka geystay hawlagalladii gobonnimaddoonka, isaga oo noqday xubin firfiroon oo aragtiyo miiggan oo dawlad-dhis ah la shaacbaxay. Dabshidkii 1956-kii waxa rukummada loo taagay dawladdii Daakhiliga, waxana raysalwasaare loo doortay Cabdillaahi Ciise (1956-1960). Mudane Ciise waxa uu soo dhisay xukuumad ka kooban gole wasiirro oo kooban. Maaddaama xukuumaddan cusubi ay ku hoos jirtay maamulkii Wasaayada ee Talyaaniga, waxa dhacday in Talyaanigu xubnihii goloha wasiirrada noqday uu u qaybiyo guri, gaari, iyo dareewal gaar ah. Waxa intaa dheeraa in wasiir walba loo qoray mushahar gaadhaya 1,500 oo shilin Soomaali ah oo waagaas ahayd lacag aad u badan. Waxa uu tilmaamay in Aadan Cabdulle Cismaan oo markaas ahaa Guddoomiyihii Baarlamaanka uu arrinkan ka hor yimi isaga oo wasiirrada ku waaniyey in raaxada la yaraysto oo bulshada loo adeego. Taladii Aadan cidna dheg jalaq uma siin, waxana dhacday in dadkii dawladda ku jiray iyo bulshaweyntii ay kala koraan dhaqaale ahaan iyo nolol ahaanba. Cabdirisaaq waagaas waxa uu ahaa Guddoomiyii SYL, waxa uu ka sheekaynayaa in ay adkaatay in wasiirrada la helo. Waxa kordhay cabashadii bulshada ee adeegbixinta dawladda ku aaddanayd, waxa uu carrabka ku adkeeyey in xafiiskiisa boqollaal dad ahi u iman jireen iyaga oo ka cabanaya xukuumadda. Waxa uu tilmaamay in cadaadiskani kolkii danbe uu xubnihii SYL ku qanciyey in uu is casilayo, waxay se u sheegeen in uu illaa dhammaadka sannadka uu joogo xilka, sababta oo ah waxa laga cabsanayey in uu khalkhal ku yimaaddo xisbiga iyo xukuumadda.
Cabdirisaaq waxa uu ka faallooday in ay samaysmeen nukhbo cusub oo ka go'an bulshada. Waxa uu ku tiiqtiiqsaday in xukuumaddaas xilalka dawladeed lagu heli jiray qabyaalad, eex, qoys, saaxiibtinnimo iyo qabiiltoocsi. Waxa uu carrabka ku adkeeyey in nukhbadii samaysantay ay dawladnimadii ku barareen oo ku naaxeen, halka shacabweynihii ayaandarro nololeedi ay aafaysay. Mudane Cabdirisaaq si layaqaan ayuu u naqdiyey xukuumaddii Daakhiliga iyo hoggaankii shidhka u fadhiyey.
Sannadkii 1960-kii waxa midoobay Soomaaliya oo uu talyaanigu haystay Iyo Somaliland oo Ingiriisku ka talinayey waxaanay ku midoobeen Jamhuuriyadda Soomaalida. Jamhuuriyadan cusub ee ay ku midoobeen waxa ay wajahday kala duwanaan xagga maamulka, xeerarka iyo luuqadda ah. Maxaa wacay, ma jirin luuqad rasmi ah oo lagu wadaxidhiidho. Dawladdan cusub waxa madaxweyne ka noqday Aadan Cabdulle Cismaan, halka uu raysalwasaaruhu ahaa Cabdirishiid Cali Sharmaarke. Xukuumaddii uu Cabdirishiid soo dhisay waxa Cabdirisaaq X. Xuseen loo xushay Wasiirka Arrimaha Gudaha. Cabdirisaaq waxa uu sheegay in wasaaraddani ka mid ahayd wasaaradihii ugu muhiimsanaa dawladihii rayidka. Maxaa yeelay, waxa ay muhiim u ahayd isku xidhka dalka, iyo wadashaqaynta laamaha kala duduwan ee dawladda. Qofka wasaaraddan qabanaya waxa muhiim ahayd in uu aqoon fiican u leeyahay luuqadaha Ingiriisiga iyo Talyaaniga. Waxa intaa dheeraa in uu ogaal u leeyahay lahjadaha kala geddisan ee dalka ka jiray iyo aqoon guud oo ku saabsan taariikhda waddanka. Mudane Cabdirisaaq waxa uu sheegay in xukuumaddii koowaad ee Cabdirishiid loo xushay in uu xilkan ka soo bixi karo, oo uu ku habboon yahay, sidaa awgeed ayuu u noqday, Wasiirka Arrimaha Gudaha (1960-1962).
Waxa uu ka sheekeeyey in wasaaraddani ay dhib badnayd, sababta oo ah waxa jiray mucaarad xooggan oo kalaqaybinta bulshada ka shaqaynayey, waxa kale oo jiray gadood bulsheed oo xooggan, oo la xidhiidhay in xilalkii dawladeed Koonfur u badatay. Wuxuu sheegay in uu har iyo habeen arrimo bulsheed ku dhex jiri jiray oo inta uu nasto, dhinaca dhulka dhigo ay aad u koobanyd. Shaqadaas culus ee loo igmaday si hagaagsan ayuu uga soo dhalaalay. Kolkii danbe waxa loo wareejiyey Wasaaraadda Hawlaha Guud (1962-64). Intii uu wasaaraddan joogay waxa uu qabtay: dibuhabayn uu ku sameeyey wasaaradda, olole ka dhan ah musuqmaasuqa, wadaxaajoodkii uu Soofiyeedka la furay, iyo hindisiddii shirkaddii diyaaraha ee Soomaaliya (Somali Airlines). Cabdirisaaq waxa uu ahaa wasiir firfircoon oo leh aragti aan caadi ahayn (Samatar & Samatar 2008, 39).
Cabdirisaaq X. Xuseen, sannaddii 1964-kii waxa madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan uu u magcaabay raysalwasaaraha Soomaaliya. Cabdirisaaq judhiiba waxa uu la yimi aragti xanbaarsan maamulwanaag oo ay halkudhig u tahay karti iyo hufnaan. Waxa uu gudaggalay in uu xukuumaddiisan cusub uu u xulo gole wasiirro ah oo tayo leh, sida oo kale na u qalma in ay hawlaha dawladda qayb weyn ka geystaan. Waxa uu qaacido ka dhigtay falsafad hoggaamineed oo Talyaani ah oo odhanaysa, "in qofka saxda ah, la geeyo booska saxda ah/la persona giusta nella posizione giusta." Halkaa waxa uu ka bilaabay xulidda xukuumad waxtar leh oo daacad ah. Waxa uu xoogga saaray la-dagaallanka musuqmaasuqa, kartixumada, qaraabokiilka iyo eexda. Intaa waxa dheerayd in uu ku wargeliyey in aan xukuumadda laga oggolayn jaad kasta oo maamulxumo ah.
Waxa uu qaacido ka dhigtay falsafad hoggaamineed oo Talyaani ah oo odhanaysa, "in qofka saxda ah, la geeyo booska saxda ah
Sidoo kale, wasiirrada waxa uu ugu baaqay in ay hantidooda iclaamiyaan oo dadweynaha u sheegaan. Shaqaalaha dawladda ayuu baadhitaanno kartidooda lagu ogaanayo ku qaaday, waxa uu kala sifeeyey shaqaalihii kartixumada maamulka kula dhex jiray. In aan hantida dawladda lagu tagrifali karin, ayuu cod dheer ku sheegay. Waxa uu dardargeliyey in shaaaluhu xilliga munaasibka ah ee shaqada dawladdu bilaabanto ay soo xaadiraan isaga oo weliba dul dhigay korjoogtayn wanaagsan. Waxa uu dhaqangeliyey daahfurnaan, islaxisaabta, musuqmaasuq la dirir iyo in mansabyada dawladeed loo sinnaado. Ismaaciil C. Ismaaciil buuggiisa la dhaho "Governance", waxa uu ku tilmaamay in xukuumaddii Cabdirisaaq ay la gaar ahayd tayo maamul. Waxa uu tixgelin siiyey mudnaanta, ehelnimada xilka iyo in aanu xulashadiisa u eegin isu dheellitir qabiil, ayuu qorayaa (bogga, 163).
Cabdirisaaq waxay xukuumaddiisu dhacday kolkii lagaga adkaaday doorashoodii madaxtinnimo ee sannaddii 1967-kii ee ay xilka ku waayeen isaga iyo madaxweynihiisii, Aadan Cabdulle. Mudane Cabdirisaaq waxa uu la yimi falsafad maamulwanaag oo wax badan ku biirisay dedaalladii hay'adaynta iyo dimuqraaddiyadda. Waxaanu uu xilka ka degay isaga oo aan xoolo dadweyne lagu tuhmayn. Cabdiraxmaan Baadiyow buuggiisa "Somalia: A State in Search of Exceptional Leadership", waxa uu ku qoray kolkii uu xilka ka degay raysalsawaare Cabdirisaaq xitaa in aanu lahayn guri uu dego, oo waxa uu codsaday in uu dego gurigii uu ku noolaa markii uu ahaa xubin ka tirsan baarlamaanka uuna bixiyo kirada.
Dhanka kale, markii ay xidhay dawladdii askartu waxay baadhitaan ku samaysay xisaabaadkiisii bangiga waxana laga helay in ay ku jirto lacag qiyaastii ah $500 (Samatar 2016, 207). Buuggiisa "Africa's First Democrats", Cabdi I. Samatar waxa uu ku xusay siyaasiyiintii Soomaaliya u kacay gumeysigii ka dib in ay u qaybsanaayeen labo kooxood. Kow, koox lahayd masaalix shakhsi ah oo aaminsanayd in dawladnimada laga macaasho, oo hantida dadweynaha la dhiigmiirto. Labo, koox kale oo lahayd qorshayaal madani ah iyo qaayasoorro dimuqraaddiyadeed oo isbeddel, kooxdan danbe waxa uu tusaale u soo qaadanayaa Aadan Cabdulle iyo Cabdirisaaq X. Xuseen oo uu xusayo in hoggaamintoodu caynkeedu uu qaaradda ku yaraa. Waxay ahaayeen rag dawladeed oo ku qancay in dawladnimada dadka loogu adeego, taas ayey ku mutaysteen dhaxal taariikheed oo maguuraan ah kuna noqdeen dimuqraaddiyiintii ugu horreeyey ee Afrika.
Kolkii ay dhalatay xukuumaddii Cabdirishiid iyo Cigaal ay hoggaaminayeen, Cabdirisaaq waxa uu noqday mucaarad mintid ah, waxa uuna seeska u dhigay xisbi la odhan jiray Dabka/DAP (Democratic Action Party), oo ahaa minbar uu xukuumadda si kulul uga mucaarado. Waxa uu faydi jiray iimaha dawladda ee leh musuqmaasuqa, ku tagrifalka awoodda iyo eexda. Waxa uu noqday xisbi ka sheeggan dhiggiisa, aad na u gilgilay xukuumadda isaga oo helay taageero bulsheed oo xooggan. Cabdirisaaq mucaarad buu ahaa illaa milatarigii dalku ay taladii afduubteen sannaddii 1969-kii, kolkaas oo isaga iyo dhammaan hoggaankii dawladihii rayidka badankood la xidhay. Xasuusqorkiisa waxa uu kaga sheekeeyey noloshiisii xabsiga iyo maamulkii askarta oo uu xusay in ay cagta mariyeen dhammaan hay'adihii dimuqraaddiga ahaa. Waxa uu tilmaamay in kacaanku geeddigeliyey ku tagrifal awoodeed, maamulxumo iyo cabbudhin bulsho oo caynkeeda aan la arag. Waxa uu ka sheekeeyey shakhsiyaddii Maxamed Siyaad Barre, sidii uu u fekeri jiray, aragtida uu dawladnimada ka haystay iyo taladiisii gurracnayd sidii ay qarankii Soomaaliyeed u galaafatay oo wax walba u soo gebagebaysay.
Cabdirisaaqsannaddii 1973-kii ayaa laga soo daayey xabsiga, waxana loo magcaabay Safiirka Soomaaliya u jooga Qarammada Midoobay. Xilkan waxa uu hayey illaa laga soo gaadhayey sannaddii 1979-kii kolkaas oo uu gudbiyey warqadda iscasilaadda. Intaa ka dib waxa uu Maraykanka ka dalbaday magangelyo siyaasadeed, waana laga aqbalay. Maraykanka waxa uu ka bilaabay nolol cusub isaga oo noqday waardiye. Waxa yaab ahayd in masuul sare oo soo noqday xubin baarlamaan, wasiir, raysalwasaare iyo safiir in uu maanta ka shaqaynayo shaqo aan u qalmin, tani wuxuun bay summad u ahayd burburkii qarankii Soomaaliyeed ku dhacay iyo sida haybaddii dawladnimadu dhulka u gashay.
Raysalwasaare Cabdirisaaq waxa uu noloshiisii intii danbe ku no0laa dalka Maraykanka illaa uu qaranjabku ka dhacayey, oo uu qayb ka ahaa haldoor siyaasadeed oo kaalin weyn kaga jiray dadaalladii nabadraadinta ee Soomaalida. Cabdirisaaq waxa uu cisbitaal ku yaalla magaalada Miniyaabulis ee carriga Maraykanka ku xijaabtay Jeenawari 31, 2014. Waxa lagu aasay Soomaaliya Febraayo 6, 2014, iyada oo lagu dhinac aasay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Aadan Cabdulle Cismaan oo uu dardaarmay in dhankiisa la xejiyo. Taas oo tilmaamaysa in xidhiidh qotodheeri uu ka dhexeeyey labadan hoggaamiye ee sumcadda weyn uga tagay dalkooda.
Raysalwasaare Cabdirisaaq X. Xuseen waxa uu ahaa shakhsi dawladeed oo ay dhab ka tahay horumarinta dalka, waxa uu saaxadda siyaasadeed la yimi isbeddel iyo dibuhabayn maamul, taas oo gilgishay xaaladdii siyaasadeed ee dalka ka jirtay, dad badan oo fursad gaad miidhan ahaana argagax ku ridday. Cabdirisaaq X. Xuseen waa muhiim in wax laga barto hoggaamintiisii iyo falsafaddiisii maamul. Waa in dib loo soo nooleeyo qiyamkiisii siyaasadeed ee uu ku shaacbaxay, si lodka danbe si dhow ay wax uga barteen. Waa in jidkii siyaasadeed ee uu jeexay dib loo soo nooleeyo, si uu qaadhaan uga geysto dadaallada qarandhiska dawleed ee gabaabiska ah. Ugu danbayntii, faalladan koobani waxay daarranayd goosan yar oo ka mid ah taariikhdiisii siyaasadeed, ciddii danayn xooggan u qabta waxaan kula talin lahaa in ay daalacato xasuusqorkan iyada/isaga oo la akhrinaysa buugagga kale ee laga qoray.