Skip to main content

Wednesday 17 December 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Doorka Suugaantu ku Leedahay Ilaalinta Xuquuqda Haweenka Soomaalida

7 August, 2025
Image
Doorka Suugaantu ku Leedahay Ilaalinta Xuquuqda Haweenka Soomaalida
Share

Marka laga soo tago kaalinta faneed ee suugaanta Soomaalida, sidoo kale waxa ay kaalin ku leedahay halganka iyo iskacaabbinta. Waa agab lagu cabbiro karo diidmo, laguna codsan karo xuquuq. Suugaanta oo ay Soomaalidu dhaqan u lahayd qarniyo, ahna soojireen afka la isugu soo gudbinayey, waxa aan ka maqnayn kaalinta dumarka, oo buraanburkooda kaga qaybqaadanayey. Suugaanta buraanburku, waxa ay dumarka u ahayd jid ay kaalintooda ku muujiyaan, dibindaabyadii gumeysiga iskaga caabbiyaan, xadgudubka raggana iskaga difaacaan. Buraanburka ayaa ah agab ay soo gudbiyaan halgankooda, codadkooda iyo baaqooda ku aaddan helidda xuquuqda ay mudanyihiin.

Marka dagaalka la dersayo, dhinacii laga eegaba, dadka dersaa waxa ay ku eegaan indho labood, fagaarayaasha dagaalka iyo ciidankana waxa ay u arkaan wax ragga u gaar ah, oo cilmibaadhista laga samaynayaana iyaga uun khusayso. Abrams, waxa uu ku doodayaa in dhaqankan duuduubka lagu liqay awgii, aynnu u hoggaansanno halbeegyada bulsho ee dagaalka u arka arrin labood. Hase ahaatee, caqliyaddani waxa ay burtaa, marka dib loo eego saameynta dagaalku ku yeesho dumarka, waxaanay ku fashilantaa in ay qirto raadeynta tooska ah ee ay dumarku kala kulmaan dakanada dagaalka, haweenku na yihiin cidda xuquuqdooda ugu hor weyda marka dagaal yimaaddo, sidoo kale noqda dadka ugu badan ee ururrada caalamiga ah magansada, sida Qaramada Midoobay, marka taladu faraha ka baxdo.

Maqaalkan u jeedkiisu waxa uu yahay in uu soo bandhigo sida caqliyaddaas dagaalka u kootaysay raggu ugu fashilantay u kuurgalka sida dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya u burburisay xuquuqdii asaasiga ahayd ee haweenka, dagaalladaasina u sababeen hoos-u-dhaca xuquuqdii gabadha, oo halkii ay xilligii dawladnimada ay ka ahayd muwaaddinad leh xorriyad, markii dambe bartilmaameed ugu noqotay xadgudubyada jinsi. Waxa kale oo kasii muhiimsan, oo uu maqaalku soo bandhigayaa, iska indhotiridda tijaabada gabadha ee dagaalka, oo muhiim u ah fahanka xuquuqda aadamaha.

Si aynnu qodobkaas uga doodno, waa in aynnu dib u milicsannaa dhaqdhaqaaqyadii bulsho ee gumaesiga la iskaga caabbinayey iyo kaalintii dumarku ku lahaayeen, isbeddelladii ku yimi xuquuqda gabadha gumeysiga dabadii iyo sida xuquuqdaas loo lumiyey markii dagaallada sokeeye bilaabmeen iyo waxii ka dambeeyey.

Dhaqannada kala duwan ee bulshooyinka, qiyamka iyo fekradaha caalamiga ah waa la tixgaliyey markii la dejinayey nidaamka xuquuqda aadamaha ee caalamiga ah, si dunida oo dhammi iskaga dhex aragto, wax bulshooyinka dunida oo dhammi wadaagaanna u noqdo, oo lagu dabbiqi karo qof kasta oo bulshada ka mid ah. Sida uu aaminsanyahay Sikkink, qaddiyadaha xuquuqda aadamuhu waxa ay u jiraan fulinta halbeegyada caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha. Hirgelinta halbeegyadaas caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha waxa sababay walaaca laga qabo awoodda dawladaha iyo in dawladahaas awoodda xad-ka-baxa ah lehi ku xadgudbaan xuquuqda dadka. Dejinta halbeegyadaas caalamiga ah, oo dawladaha oo dhammi u hoggaansameen, oo ay garabsocdaan habab kale oo xuquuqda aadamaha lagu ilaaliyo, sida baaqyo iyo heshiisyo caalami ahi, waxa ay abuureen nidaam lagu korjoogteeyo nidaamka xuquuqeed ee dunida oo lagu la xisaabtamo xidhiidha qofka iyo dawladdiisa.

Baaqa Caalamiga ah ee u gaarka ah Xuquuqda Madaniga iyo Siyaasadda (ICCPR) iyo Heshiiska Yurub ee Ilaalinta Xuquuqda Aadamaha iyo Xorriyadaha Aasaasiga ah (ECHR) ayaa hadda xaddida xuquuqda madani iyo siyaasadeed, oo ay soo gudagalayaan xorriyad cabbirka iyo mamnuucidda jidhdilka, bahdilka iyo dhaqannada aadamannimada ka baxsan. Marka Galbeedka la joogo, xuquuqdani waa mid la tixgeliyo, loona arko xuquuq asaasi ah oo uu qofku leeyahay, sidoo kale, inta badan dunida waa xuquuq la dhawro, sababtoo ah waa halbeegyo aadamaha oo dhammi isku waafaqsanyahay, oo la isku raacay in la tixgeliyo. Nasiibdarro se, xuquuqdan asaasiga ah may helin haweenka Soomaalidu, waxaana ka xayuubiyey dagaalkii sokeeye.

Halgankii dumarka Soomaaliyeed kula jireen gumeystuhu waxa uu kor u soo qaaday xuquuqdooda xorriyadda hadalka.

Sidaynnu horeba u soo tilmaamnay, dagaal iyo halgan waa wax kooto loogu xidhay ragga. Waa fekrad ku aroorta aragtidii Daarwin, ee ku qotontay in raggu dumarka ka geesisanyihiin, kana waajihi ogyihiin dagaalka iyo halganka. Guud ahaan Afrika, qoraallada ku saabsan gumeysi la dirirka iyo halgankii lagaga soo horjeeday badanka waa qoraallo ragga udubdhexaad uga dhiga halgankaas. Walow ay jiraan qoraallo laga sameeyey kaalintii haweenka Afrikaanka ee halgankii gumeysi la dirirka, haddana weli waa fagaare u baahan hodmin iyo in si qotodheer looga hadlo sida halgankaas gumeysi la dagaallanku haweenka u u siiyey xuquuq ay markii dambe ku gorgortamaan.

Dumarka Soomaalidu waxa ay gumeysi la dirirka kaga qaybqaateen suugaantooda buraanburka, oo walow ay kaalmo kale oo firfircoon ku lahaayeen halgankaas, haddana buraanburku waxa uu ahaa waxa ugu weyn ee ay dadka ku kiciyaan, kuna baraarujiyaan. Buraanburku sidiisaba dumarka waa suugaan u dihin, oo ay tabashadooda kusoo gudbin karaan, halgan ku geli karaan, xadgudubka raggana iskaga difaaci karaan, se nasiibdarro waa suugaan aan si qotodheer loo darsin, xoog badanna aan la saarin.

Gubaabada ay dumarku buraanburka ku cabbiraan waxa ay figta u sarraysay gaadhay sannadihii 1941-kii ilaa 1950-kii, kolkaas oo Ingiriisku gebi ahaanba dhulka Soomaalida la wareegay, kaddibna dhulka badh uga tanaasulay Itoobbiya. Kacdoonka arrinkan lagaga soo horjeedaa waxa uu gaadhay isfarasaar. Xorriyadda kaddib, dumarka oo halganka qayb ka ahaa, buraanburkoodana dadka ku guubaabinayey, waxa ay bulshada ka heleen kaalin wacan, waxaana loo tixgaliyey dad codkooda gumaysiga kula diriray, xaqooda xorriyadda hadalkana ku halgamay.

Halgan loo qirsanaa, ee xaqa u siinayey sii joogtaynta hanashada xuquuqdooda kale, waxa uu meesha ka baxay markii dagaalka sokeeye bilaabmay. Laakiin doodaha ku saabsan dagaalka sokeeye, ma tixgeliyaan xuquuqdan dumarku ku waayeen dagaallada sokeeye. Dagaalladaasi waxa ay dumarka ka dhigeen dhibbanayaal aan cod lahayn, oo saameynta dagaalkuna inta u badani iyaga ku habsato. Sida ururka SIDRA ee caafimaadka dhimirku sheegayo, dagaallada, dilalka arxandarrada ah iyo kala aargoosashadu waxa ay dumarka u soo jiidday in ay si fudud ugu bandhigmaan kufsiga iyo tacaddiyada kale, iyada oo dhinacyada dagaallamayaan kufsiyadaas u arkaan ka aargoosi dhinac kale.

Dumarku waxa ay sidaas ku waayeen sinnaantii iyo caddaaladdii, waxaanay lumiyeen xuquuq aasaasi ahayd, arrinkanna waxa uga sii daray burburka dhaqannadii bulsho iyo taagdarrada maamulka dawladnimo oo weli jira. Sida ay Ergayga Qaramada Midoobay ee Arrimaha Qaxoontigu xusaysana, meel kasta waxa ku dacdarraysan dumar qaxay, oo carruuro ku dhalay xeryo qaxoonti, se arrinka ugu murugada weyni, waa in aan cidina tixglin xuquuqaha aasaasiga ah ee dumarku ku waayeen dagaallada.