Skip to main content

Friday 13 March 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Doorka Imbiriyaal-yarenimo ee uu Turkigu ka ciyaarayo Soomaaliya

24 August, 2025
Image
Doorka Imbiriyaal-yarenimo ee uu Turkigu ka ciyaarayo Soomaaliya
Share
Hordhac

Maqaalkan waxa uu dul istaagayaa siyaasadda Imbriyaal-yerinimo ee dhawaanahan soo shaacbaxaysa ee Turkigu ka ciyaarayo Soomaaliya iyo guud ahaan Afrika. Haddii uu shalay Turkigu ahaa mid xirxiran oo aan xiriir badan la lahayn waddamada ku hareeraysan iyo Afrikaba, maanta waa awood isu diyaarinaysa inay saameyn ku yeelato guud ahaan siyaasadda gobolka. Siyaasad ka bilaabantay gargaar bini’aadnimo ayaa isu rogtay siyaasad leh waji gumeysi. Aragtida Imbiriyaal-yerinimada (Sub-imperialism) taariikh ahaan, kolkii ugu horraysay waxa qeexay Barofisoor Maarkiiste ah oo lagu magacaabo Ruy Mauro Marini sanadkii 1970-kii. Waxa uu ku qeexay aragtidan inay jiraan dalal yaryar oo aan ahayn quwadaha dunida ugu weyn kuwaas oo uu u shaqeeya si la mid ah quwadaha waaweyn, isla markaana awooddooda siyaasadeed, dhaqaale iyo ciidanba ku faafiya dalalka iyaga ka liita ee soo koraya si ay uga faa’ideystaan. Adigoo qeexitaankaa maanka ku haya markaad eegto habdhaqanka siyaasadeed ee uu Turkigu ka wado Soomaaliya iyo guud ahaan Afrika waxaa kuu soo baxaysa inuu Turkigu yahay dal Imbiriyaal-yare ah oo u dhaqmaya sidii inuu yahay dal weyn oo Imbriyaali ah. Qaybaha hoose ee maqaalkan waxaan ku faahfaahin doonnaa sida uu Turkigu u yahay Imbiriyaali yar.

Abaartii 2011: Bilawga siyaasadda Imbiriyaal-yerinimo ee Turkiga

Soomaaliya 2011 waxay u ahayd sannad baas oo ay abaar iyo macalluul darani galaafatay nolosha Soomaali badan oo lagu qiyaasayo tiro ahaan 250,000 sida ay dhigayaan warbixinnadii ay hayadaha UN-ka ka qoreen halka warbixinno kale ay sheegeen kala bar dad Soomaali ah inay la il daranaayeen macalluul ba’an. Xasillooni darro siyaasadeed, amni iyo mdhaqaale ayaa sii dacaraynaysay waayaha iyo mustaqbalka murugsanaa ee Soomaaliya. Xaaladdii dalka ka jirtay waxay noqotay mid caalamku la argagaxay. Dadkii Soomaalida ee abaartani saameysay waxay noqdeen kuwo miciin bida Kiiniya, Muqdisho iyo deegaamada ay gacanta ku hayaan Ururka al-Shabaab. Qolyaha xuquuqul insaanka iyo arrimaha bini’aamnimada ka shaqeeya, Abaartii 2011-kii waxa ay u aqoonsadeen tii ugu xumeyd ee qarnigan 21aad dunida ka dillaacda. Tusaale, Shiikh Shariif oo ahaa Madaxweynihii dawladdii Ku meel gaadhka ahayd abaartan awgeed waxa uu baaq u diray haya’daha gargaarka bani’aadamnnimo si macalluushan ay gacan uga gaystaan. Cabdiwali Cali Gaas oo mar Raysal wasaare ka soo noqday xukuumaddihii kala danbeeyey ee Soomaaliya, Buuggiisa Kalaguurkii kakanaa ee Soomaaliya, waxa uu ku xusay Ha’yadaha Qaramada Midoobay in ay ka gaabiyeen gargaar u fidinta dadkii ku wax yeeloobay abaarta.

Beesha Caalamka oo ka cagajiidaysa wax ka qabashada macalluusha Soomaaliya, shacabka koonfurta iyo bartamaha ku dhaqanna ay sacabada kor u taagayaan ayay diyaaradda Turkish oo ay saaran yihiin Ordogaan, xaaskiisa iyo wafdi kale oo uu hoggaaminayo soo cagadhigatay gegidda caalamiga ah ee Aadan Cadde taariikhdu markii ay ahayd 19 Ogos, 2011. Markii laga soo tago sida maamulka Ordogaan ay wax uga qabteen musiibadan, haddana safarkaas waxaa lagu tilmaami karaa mid aad loo soo qorsheeyay oo waliba laga soo baaraandegay sida uu Guuleed Axmed maqaalkiisa ku tilmaamayo. Oday Ordogaan, safarkiisan waxa uu ku soo aaddiyay bil Ramadaan ah oo sagaal maalmood oo qudha ay ka harsan tahay maalmaha Ciidul Adxaa, tanna waxay keentay in loo arko walaal muslim ah oo soo gurmaday xilli loo baahnaa. Haddii uu Turkigu iman lahaa Soomaaliya 2011-kii waxii ka horreeyay waxaa loo arki lahaa awood dalka ku soo duushay sidii AMISOM ba loogu arkay markay nabad ilaalinta Soomaaliya u timid.

Waxii safarkaas ka dambeeyay Turkiga waxa uu bulshada ku dhex yeeshay sumcad aysan horey ugu yeelan dalal badani oo xaaladda Soomaaliya ku lug lahaa, oday Ordogaan wuxuu u muuqdaa in uu doonayay aragtidan ay bulshada Soomaaliyeed ka qaadatay isaga iyo dalkiisaba si uu ajandihiisa siyaasadeed u gaaro illeen ma jiro dunida dal si bilaash ah u taageera dal kale oo dhibaateysan. Turkigu, si uu ugu muujiyo shicibka iyo dawladda Soomaaliya iyo deeq bixiyaasha caalamka inaysan kaliya u socon gargaar oo aragtidoodu intaas dhaafsiisantahay, doonayaanna inay qayb weyn ka noqdaan mashruuca dawlad-dhiska Soomaaliya, waxaanu ku dhawaaqay mashaariic waaweyn dib-u-casriyeynta isbitaalka Digfeer oo loogu magacdaray isla isaga, in la daahfuri doono safaaradda Turkiga ee Afrika ugu weyn iyo in diyaaradda Turkiga na ay duulimaadyado ka bilaabi doonto garoonka Aadan cadde.

Intaas waxii ka dambeeyay Turkigu wuxuu u xuub siibtay inuu Soomaaliya la noqdo shuraako dhanka ganacsiga ah. Soo dagistiisa Soomaaliya waxay bud-dhig u noqotay siyaasadda Imbiriyaal-Yarenimo ee Turkigu Afrika ka ciyaarayo. Dabadeed waxa uu u qalab qaatay sida uu xiriir ula sameyn lahaa waddamada Afrikaan- Islaamka ah asigoo xoqnaya kaar ‘walaal Muslim ‘oo samaha walaalihiisa kale jecel, doonayana inuu qayb weyn ka qaato horumarka dalalkaas Afrikaanka saboolka ah ee waliba saboolnimadu dabartay.

Soo dagistiisa Soomaaliya waxay bud-dhig u noqotay siyaasadda Imbiriyaal-Yarenimo ee Turkigu Afrika ka ciyaarayo

Albayrak iyo Favori LLC: labada shirkadood ee gacanta ku haya ilaha dakhliga ugu muhiimsan ee Soomaaliya.

Favori iyo Albayrak waa laba shirkadood oo fadhigoodu yahay dalka Turkiga kuwaas oo gacanta ku haya maamulka ilaha dakhliyeed ee ugu muhiimsan dalka; Dekedda Muqdisho iyo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaana labadaas shirkadood kala leh labo qoys oo xiriir dhow la leh Madaxweynaha Turkiga. Labadan shirkadood waxay qayb ka ahaayeen mashaariicdii uu Ordogaan ku dhawaaqay ka dib booqashadiisii ugu horreesay ee Soomaaliya iyo abaartii 2011. Kolka hore aan waxyar ka bidhaamiyo musdambeedka labadan shirkadood iyo xilligii ay gacanta ku dhigeen heshiisyadan u ogolaanaya maamullidda ilahaas dakhliyeed. Shirkadda Albayrak waxa la aasaasay 1952-kii iyadoo markii hore ku shaqo bilawday shirkad hawlaha dhisma qaabilsan, waxayna sanadihii danbe isku fidisay qaybaha kala geddisan ee ganacsiga kala duwan. Shirkadda waxaa si wadajir ah u wada leh ilmo Xaaji Axmed Albayrak oo tiro ba ah lix. Waxa ay si dhow xiriir ula leeyihiin Madaxweynaha Turkiga. Shirkaddu sanadkii 2003-kii ayay toos faraha u la gashay hawlaha maareynta dekadaha iyadoo gacanta ku dhigtay dekadda Tarabsaan ee Turkiga.

Iyagoo ilmo Albayrak ka faa’ideysanaya saaxiibtinimada kala dhaxaysa oday Ordogaan, ayuu u qalqaaliyay in heshiiska maamulka dekedda Muqdisho farta laga saaro, waxaana shirkadda Albayrak lagu “ABAALMARIYAY” inay dekedda Muqdisho maamusho muddo dhan 20 sano taariikhdu markii ay ahayd Oktoober 2013-kii iyagoo inta badan wasiiraddii ay u codeeyeen heshiiskaas ansixintiisa walow markale dib laga la heshiiyay oo la yareeyay muddada heshiiska oo laga dhigay 14 sano.

Dhanka kale haddaan u nimaadno shirkadda Favori, waxay maamushaa oo ay gacanta ku heysaa maamulka iyo maareynta garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde. Bishii Juun 2013-kii ayaa heshiiskii labada dhinac dhex maray (Favori iyo DFS) ay ansixiyeen golaha wasiiradda waxa uu na dhaqan galay 15-kii semtember 2013. Shirkadda Favori waxa loo xilsaaray inay casriyeyso garoonka sidoo kale ay gacanta ku heyso maamulkiisa iyo maareyntiisa. Ka dib saxiixii heshiiska shirkadda Favori waxay si degdeg ku jiro u samaysay isbeddelo dhawr ah si ay heshiiska uga dhigto mid sharciyad leh oo aysan dawladda Soomaaliya shaki u galin. Tusaale, maalin ka dib markii ay heshiiska saxiixeen ayay guddiga sare ee shirkadda fadhi yeesheen si ay shirkadda magaceeda wax uga beddelaan uguna daraan hawlaha shirkaddu qabato maareynta garoomada diyaaradaha iyo ka ganacsiga shidaalka. Sidaas ayaana magaca shirkadda looga dhigay ‘Favori Management and Overseas Investment Construction Industry and Trade Limited Companey’. Waxa halkan laga arkayaa Shirkad aan wax khibrad ah u lahayn maamul iyo maareyn garoon diyaaradeed oo caalami ah ayaa si deeqsinimo leh xukuumaddii Xasan Sheekh farta ka saartay heshiis dhan 20 sannadood. Ilmo Kozuva oo ah mulkiilayaasha shirkadda iyagoo ka faa’ideysanayaan xiriirka ay la leeyihiin Ordogaan ayay gacanta ku dhigeen gacan ku heynta isha dakhli ee ka midka ah ilaha ugu muhiimsan dalka. Caadiyan markii loo eego, shirkad aan horey waayo-aragnimo ugu lahayn duulista ama maamulka garoomada diyaaradaha kama heli karto heshiis nuucaan ah fursad illaa ay ku lug leeyihiin mooyaane madax sare oo Ordogaan oo kale ah. Intaas waxaa sii dheer xogta diiwaangalinta ganacsiga shirkaddani, kama muuqan wax caddeynaya in shirkaddu qorsheynayso inay mustaqbalka u gudbeyso maamulka garoomada diyaaradaha.

Musuqmaasuqa iyo ku takrifalka xuquuqda shaqaaleed ee ay ku kaceen labadaan shirkadood

Kolka laga yimaaddo taariikhdaas kooban ee labadaas shirkadood iyo siday ku heleen heshiiska ay ku mamulayaan labada ilood ee dakhliga ugu muhiimsan ka soo galo dalka, haddana waxaa jira kiisas laga soo gudbiyey oo isugu jira: musuqmaasuq, wax-is-dabamarin iyo ku takrifalka xuquuqda shaqaalaha. Labo maalmood oo qura iyadoo laga joogo heshiiska Albayrak ay kula wareegtay dekadda Muqdisho ayay shaqaalaha dekaddu ka mudaaharaadeen musuqmaasuq lagu sameeyay mushaharkii ay qaadan jireen oo hoos loo dhigay. Sida uu Guddoomiyihii ururka shaqaalaha dekadda ee xilligaa Yuusuf Warsame ku warramayo intaysan Albayrak iman waxa ay 50-kii kiilo ku qaadan jireen lacag dhan 6.6 doollar, halka shirkaddu soo jeedisay inay qaataan lacag aad uga yar tii hore oo gaaraysa 1.80 doollar kontankii kiilaba. Wareysiga ay Goobjoog la yeelatay hantidhowrahii hore ee qaranka Nuur Faarax waxa uu ku sheegayaa “ in shirkado waaweyn oo dalka ka hawlgala ay iska lunsadaan hantidii dalka iyadoo aan la la xisaabtamin, waxaana ka mid ah shirkadahaas Albayrak “.

Mar wax laga wayddiiyay kiisaska uu xafiiskiisu gacanta ku hayo iyo sababta ay tallaabo rasmi ah uga qaadi waayeen shirkadaha ku xadgudbaya hantida dalka ayuu ku jawaabay, “hadda waxaa dalka jooga shirkado la siiyay heshiisyo iyo qandaraasyo sifo sharci darro ah waxaana tusaale u soo qaadan karnaa shirkadda maamusha dekadda Muqdisho”. Shirkaddan waxay dalka uga hawlgalaysaa si aan lahayn asal sharci – oo waxayba u dhaqmayaan sidiiyoo ay u shaqeeyaan shakhsiyaad gaar ah – halkii ay dawladda u shaqeyn lahaayeen. Baarlamaanka Soomaaliya wuxu buriyay heshiiskii ay la galeen dawladda, markuu xafiiskaygu isku dayey inuu baaritaan ku sameeyo waxaa na la hor istaagay inaan dekaddii dhamayd galno.”

hadda waxaa dalka jooga shirkado la siiyay heshiisyo iyo qandaraasyo sifo sharci darro ah waxaana tusaale u soo qaadan karnaa shirkadda maamusha dekadda Muqdisho

Markale oo wax laga wayddiiyey sida uu heshiiskani ugu arko mid sharci darro ah iyadoo uu muuqdo waxa ay shirkaddani iyo dawladdu ku wada heshiiyeen ayuu ku jawaabay “Heshiiskaas wuu buray sababta oo ah Baarlamaanka Federaalka ayaa si rasmi ah u laalay. Ma jiraan wax kale oo sharci ah oo ay ku shaqaynayaan. Si farsamo ahaan ah markii loo eego, ma garanayno sida dakhliga dekadda loo xisaabiyo. Waxaan ka codsannay in nala tuso warbixinnadooda xisaabeed, balse way diideen codsigeennii. Waxaan iswayddiiyay dekaddu ma dekad Turki leeyahay baa mise waa dekad Soomaaliya leedahay? Calankooda ayaa ugu rakiban dekadda. Caalamiyan, calanka waddan kale laguma rakibo meelaha sida dekedaha oo kale ah.”

Heshiiskaas wuu buray sababta oo ah Baarlamaanka Federaalka ayaa si rasmi ah u laalay.

Cabasho taa la mid ah waxaa muujiyay hantidhowraha uu Ra’iisul wasaare Xamse magacaabay isagoo Albayrak iyo Favori ku eedeeyay in ayna soo gudbin warbixinnadii maaliyadeed ee looga baahnaa. Arrintaas na waxay sababtay buu leeyahay hantidhawruhu inay dawladdu xaqiijiso saamigeeda saxda ah ee dakhliga laga helo hawlaha labadan shirkadood. Waxa uu intaas ku sii darayaa hantidhawruhu in la’aanta hufnaan maaliyadeed ay suurtogal ka dhigayso in dawladda Soomaaliya ay waydo malaayiin doollar oo ah dakhli muhiim ah.

Xukuumaddii Farmaajo markii ay dalka timid ayay heshiisyo badan oo ka mid ah kii la la galay Albayrak dib eegis lagu sameeyay, waxaana Digreeto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka lagu shaaciyay in mar kale heshiis la la galay shirkadda Albayrak iyadoo meesha laga saaray heshiiskii hore ee dhigayay inay dekedda maamusho muddo 20 sano ah, waxaana lagu beddelay14 sano walow saami qaybsiga aan waxba laga beddelin. Dhanka kale Wasiir Cabdiqaadir oo hadda ah Wasiirka Dekadaha iyo Badda waxa uu ka mid yahay ardaydii Turkiga wax ku soo baratay oo si weyn xiriir ula leh xukuumadda uu Ordogaan hormuudka u yahay. Muddo bil ah iyadoo laga joogo magacaabistiisa ayuu booqasho ku tagay Turkiga waxaana si gaar ah xafiiskiisa ugu soo dhaweeyay Ordogaan. Magacaabista wasiir Cabdiqaadir waxay u muuqataa mid lagu doonayo inuu shirkaddan kor ka ilaaliyo.

Kolka dekadda Muqdisho laga soo tago, shirkadda Albayrak sidoo kale waxa ay gacanta ku dhigtay heshiis ay ku maamuleyso dekadda Banjul iyo Sanyang ee dalka Gaambiya muddo dhan 30 sano. MTBS oo ah shirkad qaabilsan arrimaha talo-bixinta maalgashiga dekadaha iyo horumarintooda ayaa loo xilsaaray inay qiimeyn ku sameeyaan heshiiskaan shirkadda Albayrka ay ku rabto inay maamusho labadaas dekadood waxayna warbixintooda ku sheegeen in shirkadda Albayrak aysan lahayn khibrad culus, awood maaliyadeed, tayo farsameed iyo inaysan jirin hufnaan ay ku fulin karaan mashruucaan aadka u culus. Sidoo kale warbixintu waxay carrabaabaysaa in shirkadda Albayrak aysan buuxin shuruudihii laga rabay si uu heshiisku u fulo, iyadoo ay warbixintaas loo gudbiyay maamulka xukuumadda Gaambiya.

Markii shirkadda laga soo tago dhibaatooyinka musuqeed iyo ku takrifalka xuquuqda shaqaale, waxaa dhankaas kale si aad ah kula tartamaya shirkadda Favori oo ah tan gacanta ku haysa maamulka iyo maareynta garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Shaqaalaha ka shaqeeya shirkadda Favori waxay marar badan ka cawdeen dhibaatooyin xadgudubeed oo la xiriira in mushaharka laga goosto ama mararka qaar lacag yar la siiyo iyo shaqaalaha oo aan helin xuquuqdooda la xiriirta caafimaad qabkooda.

Qoraal ay soo saareen Ururka Federaalka Shaqaalaha Soomaaliya waxay ku tilmaameen in shirkadda Favori ay tahay meel caddaalad-darrada iyo ku tumashada xuquuqda aadanaha ay ka noqdeen wax caadi ah oo ku dhex milmay dhaqanka shaqada shirkadda. Favori inay diidday ayay tibaaxayaan xaqa shaqaaluhu ay u leeyiiin inay shaqo joojin sameeyaan taas oo ah xadgudub ka dhan ah qodobka 24aad ee dastuurka ku-meelgaadhka ah. Arrinta kale ee argagaxa ah ee ururka shaqaaluhu ay tilmaameen waxaa laga xusi karaa in bishii Juun 2020, ay shirkadda Favori in ay warqad u dirtay shaqaalaha amniga iyadoo ku amraysa inay istaagaan markay maamulka arkaan arrintaas oo u muuqata mid askarinimo iyo addoonsi u janjeerta. Sidoo kale Ururku waxa ay soo saareen warbixin ay si qotodheer kaga warramayaan ficillada bahalnimada ah ee Favori ku sameyso xoogsatada ka hawlgala shirkadda. Warbixinta waxay ku sheegayaan inay shirkaddu si cad oo bareer ah ugu tumatay xeerka shaqaalaha qodobka 50aad oo dhigaya inaan shaqaale shaqada laga ceyrin karin iyadoo aysan jirin sabab cad oo la fahmi karo, se Favori waxaa u caado ah in qofka subixii uu shaqada yimaaddo iridda laga celiyo isagoo lagu wargelinayo in shaqada laga cayriyay.

Waxaa kale oo ay xuseen inay shaqaalaha si adag u shaqeeyaan oo ay hawlgalaan saacado badan taaso ka hor imaanaysa qodobka 86aad ee xeerka shaqaalaha oo dhigaya in shaqaaluhu aysan shaqayn karin wax ka badan 8 saacadood. Laakiin shaqaalaha Favori waxay shaqada soo galaan 7 subaxnimo, 6 maqribnimo na shaqada ayay ka rawaxaan taasoo si cad u jabinaysa xeerka iyo nidaamka shaqaalaha Soomaaliya.

Mid ka mid ah shaqaalaha shirkadda Favori oo si sharcidarro ah shaqada looga eryay ayay maxkamadda sare xaqiisa u soo dhicisay iyadoo si adag u go’aamisey inaan shaqaalaha xuquuqdooda lagu tuman oo aan la iska burin karin bilaa tixraac qodobeed. Cabashadii shaqaalaha iyo kiisaskii badnaa ee soo noqnoqday waxay sababeen in maxkamadda gobolka Banaadir ay amar ku bixisay in la soo xiro madaxa shirkadda Favori oo lagu magacaabo Ertugrul Karaferiyeli, kaas oo lagu soo eedeeyay inuu si aad ah u caadeystay ku tumashada xuquuqda shaqaalaha Soomaaliya. Intaan la xirin madaxa shirkadda, waxaa si joogto ah baaris ku waday Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud. Xiritaanka madaxa shaqaalaha shirkadda waxay aragagax ku abuurtay xukuumadda Turkiga maaddaama ay markii hore ahayd cidda fududaysay in Favori lagu wareejiyo maamulka garoonka Aadan Cadde, shirkadduna waxay xiriir dhow la la leedahay Madaxweynaha Turkiga. Wada haddalo daaha gadaashiisa ka dhacay oo dhex maray madaxda Turkiga iyo Soomaaliya ayaa lagu sii daayay madaxii Favori, dhibannayaasha iyo qoyskooda na waxaa lagu aamusiyay lacag gaaraysa 20k oo doollar. Markii laga yimaaddo favori inay xuquuqda shaqaalaha ku tumatay, sidoo kale waxaa jira eedaymo kale oo ku foorara Favori. Xafiiska Hantidhawraha qaranka wuxuu carrabka ku dhuftay inay Favori iyo Albayrak diideen ka qayb qaadashada kormeer maaliyadeed oo madax-bannaan taas oo xadgudub ku ah heshiiskii ay la galeen dawladda Federaalka. Sida uu xafiisku Hantidhawrka Guud sheegay in shan baaritaan oo kala duwan ay ku ogaadeen xadgudubyo culus oo ay galeen labadan shirkadood. Tanna waxay caddeyn u tahay habdhaqanka gurracan ee shirkadahan dalka ka hawlgala ay ku kacaan, waxayna u muuqdaan kuwo ay ka dambeeyaan masuuliyiin sarsare oo difaaca jeerkii qalad lagu helo.

Turkiyeynta jiilka Soomaalida

Berigii hore dunida waxaa shaacsane ka ahayd isticmaalka awoodda adag (Hard Power) si waddan uu saameyn kale ugu yeesho waddan kale. Waxyaabaha aadka loo isticmaali jiray waxaa ugu caansanaa ciidan iyo nuucyada kala duwan ee hubka, waddanka tusaalaha fiican loo soo qaadan karo waxaa ugu cadcad Maraykanka iyo dullaankii uu ku qaaday dalka Fitnaam si uu siyaasad ahaan iyo ciidan ahaanba saameyn ugu yeesho. Awoodda caynkaas ah waddamo badan ayaa ku soo caano maalay. Siyaasaddaas awoodda adag ku dhisani waxa ay isbeddeshay kolkii uu caalimkii siyaasadda Jooseef Nye uu hindisay aragtidiisa lagu magacaabo awoodda dabacsan. Jooseef awooddan waxa uu ku qeexay kartida uu waddan u leeyahay in uu saameeyo dal kale isaga oo ku fidinayaa ama uu soo bandhigayaa qiyamkiisa, afkaartiisa siyaasadeed iyo dhaqankiisa si uga helo niyad wanaag iyo iskaashi. Si uu waddan saameyn u yeesho asigoo adeegsanaya awoodda dabacsan waxa uu u maraa warbaahinta, kaalmada iyo deeqaha uu siiyo waddamada tabaaleysan iyo gudbinta dhaqanka oo ay soo hoos galayaan: farshaxanka, fanka, isboortiga iyo madadaallada.

Waddamada qaybta ka ah qaaradda Yurub ah waxay dadyawga kale iskaga gadeen oo ay ku soo jiiteen ciyaaraha iyo saaxafadda, halka Maraykankuna uu dunida iskaga gaday aflaamta ay Hollywood-ka ay soo saaraan iyo gargaarka ee uu caanka ku yahay. Fursadaha ama deeqaha waxbarasho ee uu waddan siiyo waddan kale waxay qayb ka tahay awoodaha dabacsan ee uu dal ku abuuran karo jiil safiirro ugu noqon karo dhaqankiisa iyo danihiisa siyaasadeed. Imaanshiiyihii Ordogaan ee Soomaaliya 2011, waxyaabaha uu shaaca ka qaaday waxaa qayb ka ahaa in dhallinta Soomaalida uu siin doono fursado waxbarasho ah, muddo ka dib waxaa dalka laga qaaday ardey dhan 250 oo si gaar ah loogu qaaday diyaaradda Turkiga. Hadafka iyo qorshaha Turkiga kuma uusan jirin kaliya Soomaaliya inuu ka caawiya ka soo kabashada abaaraha ee waxa uu sidoo kale doonayay inuu saameyn ku yeesho arrimaheeda siyaasadeed, siina diyaarsado jiil uu isaga wax soo baray si ay mustaqbalka dambe dalka hoggaan uga noqdaan oo ay danihiisa siyaasadeed kaga shaqeeyaan. Wareysiga Dr. Federico Donelli oo ah Bare sare oo dhiga xiriirka caalamiga ah ee uu siiyay Somali Public Agenda waxa uu kaga warramayaa saameynta iyo istaraatiijiyadda Turkiga ee ku aaddan Afrika.

Waddamada qaybta ka ah qaaradda Yurub ah waxay dadyawga kale iskaga gadeen oo ay ku soo jiiteen ciyaaraha iyo saaxafadda, halka Maraykankuna uu dunida iskaga gaday aflaamta ay Hollywood-ka ay soo saaraan iyo gargaarka ee uu caanka ku yahay.

Mar uu falanqeyn ku sameynayo arrimahaas ayuu soo qaadanayaa siyaasadda deeqaha waxbarasho ee uu Turkigu ka leeyahay wuxuuna tibaaxayaa in Turkigu doonayo inuu abuurto jiil ku hubeysan aragtidiisa siyaasadeed iyo dhaqankiisa. Turkigu waa ogyahay ayuu leeyahay borofeesarku in jiilkaan ay berri markay dalkooda ku laabtaan ay madax ka noqon doonaan. Burslari waa iskoolarshiib ay si toos ah u bixiso dawladda Turkiga kaasoo loogu talogalay in lagu abaalmariyo dhallinta ku nool dalalka soo koraya ee uu Turkigu doonayo inuu xiriir la sameysto iyo kuwa uu la leeyahayba. Qasab waxaa ku ah ardeyga helay deeqdaas inuu hal sano oo kaamil ah laga dhiso luuqadda Turkiga. Markii taas laga soo tagoTurkigu sidoo kale waxa uu gacanta ku hayaa mid ka mid ah iskuullada ugu waaweyn dalka oo lagu magacaabo Macaarif, waxyaabaha indhahaaga sida gaarka ah u soo jiidanaya waxaa ka mid ah, xijaabada guduudan ee ay hablaha yaryari gashan yihiin. Midabkaa guduudanna waxa uu astaan u yahay calanka dalka Turkiga. Waxbarashadu kaliya maaha qalab uu dhaqanka Turkigu Soomaalida kaga gadmay ee musalsalaadda Turkigu waxa ay qayb weyn ka yihiin adeegsiga awoodda dabacsan ee lagu doonayo in lagu ballaariyo saameynta iyo sawirka laga heysto Turkiga. Ka dib abaartii 2011 iyo imaanshihii Ordogaan, Soomaali badan waxay caashaqday Turkiga oo gudaha dalka Telefashinnadu waxay billaabeen inay sii daayaan Aflaamta Turkida oo luuqadda Soomaliga lagu turjumay. Wixii intaas ka dambeeyay na waxay noqdeen musalsalaad laga daawado guri kasta oo Soomaali ah, taas na waxay sare u qaadday saameynta siyaasadeed ee uu Turkiga iyo sawirka guud ee ay Soomaalida ka haysato. Aflaamtu kaliya maaha wax inta badan madadaalo gudbiya se sidoo kale waxa ay gudbiyaan dhaqan iyo afkaaro siyaasadeed. Sida ku cad maqaal ay daabacday DW, aflaamta Turkidu waxay wax badan ka beddeleen sawirkii qallafsanaa ee dunida ka heysatay oo xitaa waxay sababeen inay dalka yimaaddaan dalxiisayaal badan si ay u dheehdaan goobihii lagu jilay aflaamtii ay daawadeen.

Musalsalaadda Turkigu waxa ay qayb weyn ka yihiin adeegsiga awoodda dabacsan ee lagu doonayo in lagu ballaariyo saameynta iyo sawirka laga heysto Turkiga.

Xukuumadda Ordogaan taxanayaasha ka baxa Telefeshinnada waxay u adeegsadaan qalab ay ku gudbiyaan afkaartooda dhaqameed iyo mid siyaasadeed oo taxanihii caanka ah Ertugrul ee ka warramayay asaasihii boqortooyadii Cusmaaniyiinta waxaa maalgalisay dawladda Turkiga, maadaama uu taxanahaas gudbinayay aragtida qowminimada Turkiga iyo aragti Islaami ah.

Gunaanad

Turkigu, sanadihii dambe waxa uu noqday dal siyaasadda Soomaaliya aad ugu lug leh oo saameyntiisu waxay gaartay meel aan la taaban karin. Waddan markii hore arrimo gargaar dalka ku yimid ayaa maanta ah mid qaabeeya siyaasadda Federaalka Soomaaliya. Wax mashaariic horumarineed iyo hawlo gargaar ku bilawday ayaa maanta isu beddelay siyaasad u eg gumeysi iyo imbiryaalnimo. Turkigu maanta dhinac kastaba waa ku jiraa haddii ay noqon lahayd, maamulka dekadda iyo garoonka Muqdisho oo ah labada ilood ee ugu muhiimsan dakhliga dalka iyadoo la ogyahay sida ay shirkadahaas u dhaqmaan oo musuqa uu yahay waxa ugu horreeya ee ay ku kacaan. Ciidanka ugu badan, Turkigu isaga ayaa maamula oo tababbara, dhowaanna waxa uu gacanta ku dhigay sahaminta iyo soosaarista shidaalka Soomaaliya. Siyaasaddeenna arrimaha dibaddu waxa ay u eegtahay siyaasad aan daahfurnayn, qorsho fog iyo wax-ka-fiirsi aan ku dhisneyn ee taas beddelkeeda waa siyaasad si deeqsinimo ah wax u bixisa gaar ahaan dalalka doonaya inay Soomaaliya garab qabtaan, waana lama huraan in wax laga beddelo si aan loogu danbeyn gacmo shisheeye. Turkigu waa Imbiryaali cusub oo aan la dhaadanayn oo ay tahay in siyaasad taxadir ku dhisan lagu la falgalo.

Qoraallada kale ee qoraaga