Saturday 8 August 2026
Hay'adaha maaliyadeed waxay door weyn ka ciyaaraan horumarka dhaqaale ee dal kasta. Waxay ka kooban yihiin bangiyada ganacsiga, bangiyada horumarinta, hay'adaha maaliyaddeed ee maalgeliya ganacsiga yar-yar (microfinance), ururrada iskaashatooyinka amaahda (credit unions), shirkadaha caymiska (Insurance Companies), iyo hay'ado kale oo bixiya adeegyada lacag-bixinta, kaydinta, amaahda, iyo maaraynta khatarta.
Dalalka soo koraya, helitaanka raasumaalku wuu xaddidan yahay isla markaana suuqyada ayaan si buuxda ugu adeegin bulshada saboolka ah, hay'adaha maaliyadeed waxay noqdaan kuwo aad muhiim ugu ah dhimista saboolnimada iyo kobcinta horumar dhaqaale oo waara.
Qoraalkani wuxuu sharxayaa sida hay'adaha maaliyadeed uga qayb qaataan horumarka iyagoo ururiya kaydka, maalgeliya maalgashiyada wax-soo-saarka leh, maareeya khataraha, hagaajiya nidaamyada lacag-bixinta iyo ganacsiga, isla markaana kor u qaada ka mid noqoshada adeegyada maaliyadeed (financial Inclusion). Waxa kale oo uu ka hadlayaa muhiimadda ay leedahay in la helo sharciyo iyo kormeer adag si loo hubiyo in hay'adahani noqdaan kuwo xasilloon oo faa'iido u leh bulshada.
1. kaydinta dhigaalka iyo Taageeridda Maalgashiga Wax-ku-oolka ah
Mid ka mid ah shaqooyinka ugu muhiimsan ee hay'adaha maaliyadeed waa ururinta kaydka dadka iyo ganacsiyada (savings). Dad badan ayaa haysta lacag dheeraad ah oo ay doonayaan inay si ammaan ah u kaydsadaan, laakiin waxaa laga yaabaa inaysan garanayn meel wax-soo-saar leh oo ay ku maalgeliyaan. Bangiyada iyo hay'adaha kale ee maaliyadeed ayaa ururiya kaydkan una beddela raasumaal loo isticmaalo maalgashi. Hayadaha maliyadeed sidan ayay uga qayb qaataan xallinta caqabad weyn oo horumarineed, taas oo ah yaraanta lacagaha la maalgashan karo (capital for investment). Intaa waxaa dheer, hay'adaha maaliyadeed waxay kordhiyaan hufnaanta qaybinta raasumaalka. Halkii khayraadku si aan nidaam lahayn ugu wareegi lahaa, hay'aduhu waxay adeegsadaan qiimeynta amaahda (Credit Assessment), dejinta dulsaarka (Setting interest rate), iyo la socodka si ay lacagaha ugu hagaan dadka iyo mashaariicda leh fursadaha ugu wanaagsan. Tani waxay kordhisaa wax-soo-saarka waxayna xoojisaa koboca dhaqaalaha.
2. Bixinta Amaahda ay Ganacsiyada iyo dadku u baahan yihiin
Horumarka dhaqaale wuxuu si weyn ugu tiirsan yahay koboca shirkadaha, gaar ahaan kuwa yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah (SMEs). Hay'adaha maaliyadeed waxay bixiyaan amaah iyo adeegyo dayn ah oo ka caawiya ganacsatada inay bilaabaan ganacsi, ballaariyaan wax-soo-saarka, iibsadaan qalab, isla markaana shaqaale qortaan. Marka shirkadaha yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ahi helaan amaah la awoodi karo, waxay kordhiyaan wax-soo-saarka waxayna abuuraan shaqooyin cusub. Dalal badan oo soo koraya (Developing Countries), ganacsatadu waxay la kulmaan caqabado ay ka mid yihiin dammaanad la'aan ( lack of collateral) ama caddayn maaliyadeed (financial statements) oo rasmi ah. Hay'adaha maaliyadeed ee maalgeliya ganacsiyada yaryar (microfinance) iyo bangiyada sameeya nidaamyo amaah oo loo wada siman yahay (financial inclusion) waxay yareyn karaan caqabadahan. Sidoo kale waxay taageeraan hal-abuurka iyo ganacsiga, gaar ahaan kuwa yaryar iyo kuwa dhexe (SMEs), kuwaas oo muhiim u ah horumarka muddada dheer.
3. Maalgelinta reer miyiga iyo Beeraha
Dalal badan, qayb weyn oo dadka ka mid ahi waxay ku tiirsan yihiin beeraha. Hay'adaha maaliyadeed waxay ka qayb qaataan horumarinta reer miyiga iyagoo bixiya amaah lagu iibsado qalabka beeraha sida siidhka, bacriminta, iyo agab kale. Waxay sidoo kale maalgeliyaan nidaamyada waraabka iyo hawlaha ka dambeeya goosashada sida kaydinta iyo farsamaynta dalagga (storage and processing). Beeruhu waa shaqo xilliyeed ay hubanti la'aani ku badan tahay, sidaas darteed beeraleydu waxay u baahan yihiin maalgelin waqtiyo gaar ah oo sanadka ah. Marka maalgelinta reer miyigu jirto (rural finance), beeraleydu waxay maalgelin ku heli karaan agab tayo sare leh, taas oo kordhisa wax-soo-saarka, dakhliga qoysaska, yaraysa saboolnimada, iyo sugnaan la,aanta cuntadda (food security). Intaa waxaa dheer, taageeridda ganacsiyada beeruhu waxay xoojisaa la-dagaalanka sicir-bararka , waxayna abuurtaa shaqooyin ka baxsan beeraha.
4. Maalgelinta Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Mashaariicda Muddada Dheer
Kaabayaasha dhaqaaluhu waa tiir muhiim u ah horumarka sababtoo ah waxay yareeyaan kharashaadka wax-soo-saarka waxayna kordhiyaan hufnaanta dhaqaalaha. Tusaale ahaan, waddooyinku waxay yareeyaan waqtiga gaadiidku ugu kala safraan laba aag, korontadu waxay suuragelisaa wax-soo-saar warshadeed oo qiimo macquul ah la siinayo lana tartami karta badeecaddaha warshadeed ee dalalka kale, halka biyaha iyo fayadhowrkuna ay taageeraan caafimaadka bulshada iyo beeraha. Si kastaba ha ahaatee, kaabayaasha dhaqaaluhu waxay u baahan yihiin maalgelin badan oo muddo dheer ah, taas oo dadka caadiga ahi aysan awoodin inay bixiyaan. Bangiyada horumarinta iyo hay'adaha kale ee bixiya maalgelinta muddada dheer ayaa maalgelin kara mashaariicdan. Iyagoo taageeraya horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, sidoo kalena hagaajiyaan isku xidhka, iyo soo jiidashada maalgashiyada gaarka loo leeyahay, taas oo horseedaysa kobcinta dhaqaalaha qaybihiisa kala duwan.
Horumarku wuxuu u baahan yahay maalgashi, balse maalgashigu waxa uu wajihi karaa khataro. Tusaale ahaan, qoysasku waxay la kulmi karaan cudurro, shilal, ama masiibooyin dabiici ah, halka beeraleyduna ay wajahi karaan guuldarro dalag oo ka dhalata isbeddelka cimilada iyo khatar kasta oo dalaga beerahooda saamayn ku yeelanaysa. Marka dadku ay ka baqaan khasaaro weyn, waxay ka fogaadaan maalgelinta wax-soo-saarka leh. Shirkadaha caymiska iyo hay'adaha kale ee maareeya khataruhu waxay bixiyaan adeega caysimka oo khatarahan aynu sheegayno xal u noqon kara. Caymiska dalagga, caafimaadka, iyo noloshu waxay yareeyaan u nuglaanta khatarta waxayna ka caawiyaan qoysaska iyo ganacsigaba inay dib uga soo kabtaan dhibaatooyinka. Sidoo kale, bangiyadu waxay maareeyaan khatarta iyagoo kala duwaya maalgalinta ay samaynayaan sidoo Kalena diyaarinaya nidaam dayn bixineed oo taxaddar leh . khatarta oo si wanaagsan loo maareeya waxay dhiirrigelisaa maalgashiga, taas oo dedejisa horumarka.
5. horumarinta Nidaamyada Lacag-bixinta iyo Yaraynta Kharashaadka.
Hay'adaha maaliyadeed waxay fududeeyaan lacag-bixinta iyo isu gudubka lacagaha. Tani waxay yareysaa kharashaadka ku bixi laha nidaamka lacag bixinta iyo isku gududbaka lacagta waxayna kordhisaa kalsooni keenaysa isdhaafsiga dhaqaale. Tusaale ahaan, ganacsiyadu waxay si degdeg ah u bixin karaan lacagaha alaabaha ay iibsanayaan, shaqaaluhuna waxay si ammaan ah u heli karaan mushaharkooda, halka qoysaskuna ay si rasmi ah u diri karaan una heli karaan lacagaha ay xawilayaan. Nidaamyo lacag-bixin oo hufan waxay xoojiyaan ganacsiga sababtoo ah wax kala iibsigu wuxuu ku dhacayaa si degdeg ah oo khatar yar leh. Intaa waxaa dheer, lacag-bixinta casriga ah ee dijitaalka ahi waxay gaarsiin kartaa adeegyada maaliyadeed dadka ku nool meelaha ka fog amma ka baxsan adeegyada bangiyada, taasoo kordhinaysa ka qaybgalka dhaqaalaha (financial inclusive).
6. Taageeridda Maalgelinta Ganacsiga iyo Isdhexgalka Suuqyada
Ganacsigu wuxuu ku tiirsan yahay kalsooni iyo lacag-bixin waqtigeeda ku dhacda. Iibsadayaasha iyo iibiyayaashu waxay kala fogaan karaan juqraafi ahaan halka ay kala joogaan mana yeelan karaan xiriir adag oo toos ah. Hay’adaha maaliyadeed waxay bixiyaan adeegyo maalgelinta ganacsiga sida waraaqaha dammaanadda (letters of credit) iyo maalgelinta qaansheegadka (invoice financing). Adeegyadani waxay xaqiijiyaan in iibiyayaashu helaan lacagtooda halka iibsadayaashuna helaan badeecadaha lagu heshiiyay. Waa nidaam fudaydinaya isku xidhka iibiyaha iyo iibsadaha meelo kala duwan jooga. Hay'adaha maliyadeed sida bangiyaddu waxa ay fudaydiyaan in shirkaduhu si fudud u soo dejisan karaan alaabta caydhiin (raw material) dhoofinna karaan wax-soo-saarkooda. Taas oo horseedaysa isdhexgalka suuqyada, kordhinaysana dakhliga, sidoo kale kobcinaysa horumarka warshadaha.
7. Kor u Qaadidda adeegyo maaliyadeed oo loo dhanyahay
Ka mid noqoshada helidda adeegyada maaliyadeed(Financial Inclusion) waxay la macno tahay in dadka iyo ganacsiyadu—gaar ahaan kuwa hadda ka maqan nidaamka maaliyadeed—ay helaan adeegyo maaliyadeed oo faa'iido leh oo la awoodi karo. Dad badan oo dakhligoodu hooseeyo iyo bulshada miyigu ma helaan adeegyada bangiyada, amaahda, iyo caymiska. Helitaanka adeegyadan wuxuu dadka siinayaa fursad ay ku kaydsadaan lacag, amaah ku helaan, kana maareeyaan xaaladaha degdegga ah. Akoonnada kaydku (Saving Account) waxay ka caawiyaan qoysaska inay yeeshaan adkaysi dhaqaale. Amaahdu waxay u suurtagelisaa inay maalgelin ku sameeyaan ganacsiyo yaryar iyo ilo dakhli oo nolol-maalmeedkoodda ku daboolaan. Dhanka kale, marka caymis la helo, qoysasku waxay ka badbaadaan khataro dib ugu celin kara saboolnimo. Sidoo kale, ka mid noqoshada adeegyada maaliyadeed waxay taageertaa sinnaanta dhaqaale ee jinsiga iyadoo haweenku helaan adeegyo maaliyadeed oo ay u isticmaalaan ganacsigooda iyo baahiyahooda gaarka ah.
8. Xaqiijinta Xasilloonida iyadoo la Adeegsanayo Sharciyo iyo Kormeer
Inkasta oo hay'adaha maaliyadeed ay horseedi karaan horumar, waxay sidoo kale sababi karaan dhibaato haddii ay daciif yihiin ama aan si wanaagsan loo maamulin. Burburka bangiyada, xatooyadda ama musuqmaasuqa oo baddata, iyo doorka sharciyadeed ee dawladda oo daciifa waxay hoos u dhigi karaan kaydka lacageed ee dadku samayn lahaayeen waxayna yareyn karaan helitaanka amaahda. Marka hay'adaha maaliyadeed ay fashilmaan, dhaqdhaqaaqa dhaqaaluhu hoos buu u dhacaa, saboolnimaduna way kordhaa. Sidaa darteed, sharciyo adag iyo kormeer wax-ku-ool ah ayaa lama huraan ah oo ka imanaya dhanka dawladda. Hay'adaha sharcidejintu waa inay dhaqan geliyaan shuruudaha raasumaalka (capital requerments), nidaamka maaraynta khataraha (risk management standards), xeerarka maamulka shirkadaha, iyo ilaalinta macaamiisha (corporate governance rules, and consumer protection). Daahfurnaantu waxay sidoo kale kor u qaaddaa kalsoonida nidaamka maaliyadeed. Marka xasilloonida iyo kalsoonida maaliyadeed la ilaaliyo, hay'adaha maaliyadeed waxay si wax ku ool ah uga qayb qaataan horumar waara (sustainable development).
Somaliland oo ah dal xoriyadda qaatay 26-kii Juun 1960 waxa ay la midawday dawladda Soomaaliya iyaga oo ku heshiiyay dawlad cusub oo magaceedu yahay “Jamhuuriyadda Soomaaliya” ujeedka midawguna waxa u ahaa raadinta seddexdii soomaliyeed ee kale si loo dhiso aragtidii wakhtiga caanka ahayd ee somaliwayn (Pan-Somalism). 18-kii May 1991, Somaliland ayaa ku dhawaaqday dib ula soo noqoshada xoriyaddedii dagaal dheer oo ururkii SNM la galay dawladdii kacaanka ka dib . Haddaba, Nidaamka maaliyadeed ee Somaliland waxa uu bilaabmay 1994, markaas oo la aasaasay Baanka dhexe ee Somaliland.
Bangiga dhexe ee Somaliland oo jiray in ka badan 32 sanno waa hay’ad aan si buuxda u gudan waajibaadkeeda oo aan awood u lahayn shaqada iyo doorka dhaqaale ee bangi dhexe ka qabto nidaamka dawladeed ee dalka. Bangi dhexe waa mid ka mid ah hay’adaha ugu muhiimsan dhaqaalaha dal waxaana lagu tilmaami karaa wadnaha qaranka, waa Haayad maaliyadeed oo ka masuul ah dhamaan bangiyada ganacsiga ee dal ku yaala.
Shaqooyinka ugu muhiimsan ee bangiga dhexe waxa ka mid ah; fulinta siyaasadda lacagta (monetary Policy) oo ah siyaasad muhiim ah oo ujeedkeedka laga leeyahay tahay; hoos u dhigista sicir-bararka (price stability), kor u qaadista shaqo abuurka (increasing employment) iyo hagaajinta koboca wax-soo-saarka dalka (economic growth). Haddaba bangiga dhexe ee Somaliland ma aha haayad awood u leh in uu shaqooyinka aynu kor ku xusnay qabto. Sidoo kale bangiga dhexe waxa uu masuul ka yahay daabacadda lacagta dalka iyo sarifka lacagta dalkii qiimaha ay ka noqonayso lacagaha kale (Foreign Exchange).
Waxa muhiim ah in la xuso Somaliland xukumaddihii kala dambeeyay ee soo maray ay ku guuldarraysteen in la sameeyo Baanka ganacsiga Somaliland (Somaliland Commercial Bank) oo hadda ku dhex jira bangiga dhexe ee dalka. Bangiga dhexe ee Somalilaan waxa uu ku dhisan yahay xeer la yidha “Xeer Lr. 12/2012.” Dhanka kale iyadda oo la raacayo Dastuurka dalka qodobkiisa 14aad farqaddiisa 3aad oo odhanaysa “Ribada iyo macaamilooyinka ganacsi ee dhib u leh bulshada iyo ku xoolaysiga sifo aan sharci ahayni way reebban yihiin” somalilaaan waxa ka jira in ka badan 6 bangiyada ganacsiga gaarka loo leeyahay oo ku shaqaynaya nidaamka islaamiga ah (Sharia Compliance) . sidoo kale waxa jira xeerka baananka islaamka oo golaha wakiiladdu ansixiyay.
Hadaba iyadda oo ay bangiyadda ganacsi ay jiraan haddana nidaamka maaliyadeed ee dalku waa mid aad u hooseya waxaana jira cabashooyin badan oo dadku ka qabaan bangiyadda magaca islaamiga sita balse adeeyadda maaliyadeed ee ay sameeyaan ka culays iyo dulsaar badanyahay kuwa ay sameeyaan bangiyadda kale (Conventional Banks).
tusaale ahaan hababka bangi islaami ah maalgalin u samayn karo way badan yihiin(Islamic modes of Financing) balse nooca u caansan ee bangiyaddeennu adeegsadaan waxa la yidha “muraabaxo”. Waa maxay muraabaxadu? Muraabaxa waa nooc ka mid ah iibka kaas oo iibiyuhu sheegayo lacagta uu badeecadda ku soo iibsaday iyo xaddiga uu saarayo halka iibsadduhu qaab dayn ah ku bixin doono. Daynta qaabka u bixinaya waxa ay ku xidhintahay hadba sida uu heshiiskoodu u dhigan yahay, hal mar in uu bixiyo iyo in uu bil kasta xaddi heshiis lagu yahay bixiyo (instalments or lump sum).
Haddaba dhibka ugu wayn ee bushadda taabata waa xaddiga faa'iidada ay bangiyaddu saraan dadka ay maalgalinta u samaynayaan (Murabaha Profit), waxa ugu yar ee ay saraan waa 12% marka ay maalgalintu tahay muddo hal sanno ah, halka mararka qaarkood ay gaadhayso 30% oo ah dulsaar aad u sareeya. Maxa dhibaato oo ka dhalan kara faa'idadan saraysa ee ay saarayaan? Waxa meesha ka baxaya bulshaddu in ay fursad u wadda helaan helidda daymaha maalgalineed ee bangiyaddu samaynayaan waxa adkaanaysa dadka dakhligood hooseeyo iyo kuwa leh ganacsiyada yaryar in ay dayn maalgalineed oo ganacsigooda ku horumariyaan ama mid cusub ka abuuraan ay qaataan. Taas oo Iyana hoos u dhigaysa dhaqaalaha dalka korna u qadaysa saboolnimadda iyo kala tagsanaanta dhaqaale ee dadka (Income inequality)
Hay’adaha maaliyadeed ee dalku leeyahay waxa ay door muhiim ah ka qaataan abuuridda shaqooyinka, maalgalinta ganacsiga iyo mashaariicda wakhtiga fog sidoo kale waxa ay maalgaaliyaan kaabayaasha dhaqaale ee dalka. Dhanka kale waxa ay fudaydiyaan in bushladdu hesho daymo macquul ah oo qofku awoodo in uu iska bixiyo si ganacsatadu ugu maalgashadaan ganacsigooda, dadka caadiga ahina awood kayd oo kor u qaadaysa adkaysigoodda ka faaidaan.
Haddaba waxa muhiim ah marka la joogo dalkeenna in xukuumadda hadda joogta mudnaanta siiso xoojinta haayadda maaliyadeed ee dalka oo ugu horrayn xoojinta iyo awood siinta bangiga dhexe oo masuul ka ah dhamaan bangiyadda ganacsiga ee kale sidoo Kalena muhiim u ag dejinta siyaaddaha horumarineed ee horseedi kara, shaqo abuur, iyo wax-soo-saarka dalka oo kor u kaca, siyaasaddaha oo horseedi kara dhimista saboolnimada iyo dakhliga muwaadiniinta. Sidoo kale waxa muhiim ah in la dhiso Baanka Ganacsiga Somaliland oo aan hadda jirin.
Aasaaska baanka ganacsi ee Somaliland waxa u qayb ka qaadan karaa yaraynta fadhiidnimadda haayaddaha maaliyadeed ee dalka hadda ka jira. Sidoo kale waxa muhiim in la xoojiyo hay'addaha maaliyadeed ee bixiya adeegga caymiska. Shirkaddaha caymiska ee hadda jiraa ma xoogana, kaliya waxa ay u shaqeeyaan ama ay bartilmaameed ka dhigteen shaqaalaha hay’adaha caalamiga ah oo aan ahayn suuq joogta ah oo sii jiri kara muddo fog.