Skip to main content

Friday 17 April 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Masrax

Doorka ay Shaneemadu ku leedahay Loollanka Maraykanka iyo Iiraan

28 March, 2026
Image
Doorka ay Shaneemadu ku leedahay Loollanka Maraykanka iyo Iiraan
Share

Sannado badan, shaneemada Maraykan kumay koobnayn madaddaalo samaynta, ee sidoo kalena waxa ay ahayd mid ka mid ah fagaarayaasha laga falkiyo sawirrada dunida, laguna dhiso sheekooyinka siyaasadeed ee waaweyn. Sidaas darteed, Iiraan waxa ay boos goonni ah kaga jirtaa qaab-u-fekerka shaneemada Holiwuudhka, laga soo bilaabo isbeddelkii taariikhiga ahaa ee Iiraan ka dhacay ee Kacaanka Islaamiga ah, sannadkii 1979-kii, iyo dhacdooyinkii ka dambeeyey, sida qafaalashada diblumaasiyiinta Maraykanka ah loogu gaystay Dahraan, intii u dhaxaysay 1979 iyo 1981-kii. Laga soo bilaabo kolkaas, Iiraan ma noqon dal fog oo Bariga Dhexe ku yaalla, ee waxa ay waxqabadyada faneed ee Maraykan ka dhex noqotay mawduuc daraamo oo la isku dhex milo cabsi iyo siyaasad, dhabnimada jiquraafi-siyaasadeed iyo mala’awaalka shaneemo.

Sannadahaa badan waxa soo baxayey filimo dhawr ah oo qaadaadhigay loollankan, oo walow ay ku kala duwanaayeen heerka soo bandhigidda, haddana Iiraan kusoo bandhigayey indho Maraykan oo u arka cadow aydhiyoolajiyadeed iyo siyaasadeed. Filimada qaarkood waxa ay Iiraan ka dhigayeen meel xidhxidhan oo lagu dhaqo xeerar adag, filimo kalena waxa laga dhigayey meel qalalaase, argagixiso amaba hoy u ah shaqooyin sirdoon oo kakan. Sawirradaas kala duwan buu ka samaysmay sawirka caalamiga ah ee dadweynaha dunidu ka haystaan Iiraan. Waa sawir aanay shardi ahayn inuu noqdo ka dhabta ah ee ka turjumaya Iiraan; kacaankufkeedii sooyaal iyo bulsheedba, se keliya cabbiraya qaabka saqaafadda Maraykan u aragto cadawgan siyaasadeed.

Xaaladdan oo jirta, ayaa uu soo baxay filinka Argo, ee uu soo saaray, sidoo kalena jilay xiddigga Maraykan ee Ben Affleck, lana soo bandhigay sannadkii 2012. Waa filin sheekada kasoo dheeganaya hawlgal dhab ah oo Wakaaladda Sirdoonka Maraykanku (CIA) ay fulisay xilligii diblumaasiyiinta Maraykan ay Dahraan ku afduubnaayeen. Filinku, keliya ma werinayo sheekadii badbaadinta diblumaasiyiinta Maraykan ee Iiraan lagu haystay, ee sidoo kale waxa uu soo gudbinayaa tusaale cad oo muujinaya sida dhacdo sirdoon loogu beddeli karo sheeko shaneemo oo xiiso leh, isla dhinaca kalena muujinaya awoodda Holiwuudhku u leeyahay samaynta sheeko dhamaystiran oo loollan ku saabsan.

Maanta oo loollankii Iiraan iyo Maraykan mar kale laba kacleeyay oo uu cirka isku shareeray, gaadhayna duqaymo milatari, beegsiga danaha Maraykan ee gobolka, iyo isbeddellada khatarta ah ee weli socda, sida dilkii hoggaamiyihii Iiraan, dib usoo milicsiga filimaantani waa wax soojiidasho gaar ah leh. Dagaallada wakhtigan cusub, keliya laguma galo fagaarayaasha dagaalka, ama gantaallada iyo diyaaradaha hawlgalka, ee sidoo kalena waxa lagu gala fagaaraha sawir iska bixinta iyo khiyaalka. Qaabkan dambe ayaa shaneemada ka dhigaya mid ka mid ah awoodaha dabacsan iyo agab lagu falkin karo sheekooyin waaweyn, sidoo kalena lagu jihayn karo aragtida dadweynaha caalamiga ahi ka qaadanayaan dagaalka, xiddigaha hurinaya iyo cadawga.

Sannado badan Maraynkanku waxa uu curiyey filimo dhawr ah oo qaadaadhigay loollankan ka dhaxeeya isaga iyo Iraan, walow ay ku kala duwanaayeen heerka soo bandhigidda, haddana waxa ay ka midaysnaayeen in ay Iiraan ku soo bandhigaan indho Maraykan oo u arka cadow aydhiyoolajiyadeed iyo siyaasadeed.

Kolka dhinacan laga eego muhiimadda shaneemada, filinka Argo keliya noqon maayo filin guulaystay oo helay abaalmarinno caalami ah, ee sidoo kale waxa uu noqonayaa qayb ka mid ah dagaal weyne tebineed oo ballaadhan, waa tebin uu dhaqanka Maraykan isku dayayo inuu u dhex maro tebinta sheekadiisa gaarka ah ee la xidhiidha Iiraan, isla dhinaca kalena uu u marayo in laftiisu uu sheekadiisa ku tebiyo.

Si aynnu u fahanno sheekada uu tebinayo filinka Argo, waxa lagama maarmaan ah inaynnu dib ugu laabanno xilli ka mid ah xilliyadii ugu walaaca weynaa sooyaalka xidhiidhka Maraykan iyo Iiraan; dayrtii 1979, kolkaas oo Iiraan ku jirtay curashada Kacaankii meesha ka saaray nidaamkii Shaah Maxamed Rida Bahlawi, dib u qaabaysan siyaasadeedna dalka ka dhacay.

Afartii Noofambar ee sannadkaas, arday Iiraani ah baa u daatay safaaraddii Maraykanka ee Dahraan, waxaanay afduubeen tobannaan diblumaasiyiin iyo shaqaale Maraykan ah. Dhacdadaasi waxa ay judhiiba isku beddeshay dhibaato caalami ah oo jiitantay 444 maalmood, sidoo kalena noqotay mid ka mid ah xilliyadii ugu xasaasisanaa siyaasadda dibedda Maraykanka. Maraykanka gudihiisa, sawirrada dadka la afduubtay waxa ay noqdeen dhaawac siyaasadeed oo qotodheer, halka mashaqadani gudaha Iiraanna ka noqotay mid cabbiraysa ka xidhiidhfurashada awooddii Maraykan ee xidhiidhka lala lahaa Kacdoonka ka hor.

Qalalaasahan oo jira, lix ka mid ah diblumaasiyiinta Maraykan waxa u suurogalay inay ka baxsadaan safaaradda, ka hor intaan dadka la wada afduuban. Diblumaasiyiintani waxa ay ku dhuunteen guriga safiirkii Kanada ee Dahraan, iyagoo go’doon ku jiray muddada uu Maraykanku isku dayayay in uu kusoo badbaadiyo qaab dhibaato siyaasadeed oo cusub aan kicinin. Madaarrada xayiraad adag baa saarnayd, masuuliyiinta Iiraanna waxay baadigoobayeen wax raad ah oo ragga baxsaday leeyihiin, sababtaas ayaana ka bixitaanka dalku macquul aanu u noqon.

Kolkan ayaa lasoo bandhigay mid ka mid ah fekradihii ugu la yaabka badnaa sooyaalka hawlgallada sirdoon: waa in filinsamaynta laftiisa loo adeegsado hawlgal wax lagu tahriibiyo. Wakaaladda Sirdoonka Maraykanka ayaa soo soo jeedisay qorshe ah soo saaridda filin mala’awaal saynis ah, se aan jirin, magaciisuna yahay Argo, si loo sheego in kooxda filinkani Dahraan u yimaaddeen inay raadiyaan goobihii lagu jili lahaa. Qorshahani waxa uu lixda diblumaasi ka dhigayey xubnaha wafdiga filinsameeyayaasha ah oo Kanadiyaaana, ahna farsamayaqaanno shaneemo. Si sheekadu ugu ekaato mid maangal ahna, waxa lagama maarmaan noqotay in la dhiso qorshe dhan oo filinkaas bugta ah: sinnaariyo dhab ah, boodhadh xayaysiis, shirkad soosaarid, iyo xitaa olole xayaysiis oo Holiwuudhka ah.

Halkan waxa kulmay waaqacii iyo mala’awaalkii, isuguna milmay qaab iyada lafteedu waxqabad shaneemo u ekaysiinaysa. Fikraddii jilliin filin lagu metelayey, waxa ay noqotay qorshe badbaado oo dhab ah, ka hor intaanay tobbannaan sanno ka dib noqon filin malaayiin dad ahi dunida daafaheeda ku daawadaan. Halkan buu ka dhashay Argo, oo aan ku koobsanayn tebinta dhacdo sooyaal, se sidoo kalena soo bandhigaya qaabka shaneemadu qayb uga noqon karto geeddiga siyaasadeed.

Sidaas oo ay tahay sheekadan lafteedu, kama madhna tebinta guud ee shaneemada Maraykan, iyadoo inta badan Iiraan kasoo gudbinaysa tilmaanta ah goob qalalaase iyo halis u joog ah, Maraykankana ka gudbinaysa sawirka geesiga awooda in uu is badbaadiyo. Waa tebin daraamo, oo inta ay dhacdo tebinayso in ka badan tebinaysa qaabka Holiwuudhku jecel yahay in loollanka loo weriyo.

Holiwuudh: Awood dabacsan

Arrinta uu filinka Argo la gaarka yahay ma aha oo keliya dib u metelidda dhacdo sooyaal, ee sidoo kale waa habka uu filinka shaneemada lafteeda ugu adeegsanayo agab istaraatiijjiya. Sheekada filinka, Holiwuudh waxa ay kaga soo muuqanaysaa tilmaanteeda dhaafsiisan madaddaalo samaynta, isuna rogaysa awood debecsan iyo agab tahli kara in sheeko loo beddelo dhacdo waaqici ah.

Fekradda judhaba amakaagga ah ama xitaa maadda ahi ayaa ah— adeegsiga filim mala’awaal saynis ah oo aan jirin se lagu soo badbaadinayo diblumaasiyiin ku go’doonsan Dahraanta gadoodsan — waaqac ahaan waa tusaalaha dhabta ah hab tebinta Maraykan. Hawlgalku keliya ma ahayn dagid siyaasadeed ama taatiko sirdoon, ee waa bandhig dhab ah oo muujinaya awoodda saqaafadda Maraykan u leedahay falkinta sheeko dhamaystiran, oo waaqac ahaan loo adeegsan karo in jidka dhacdooyinku ku socdaan lagu beddelo.

Halkan bay tafaasiishu kaalintooda qaadanayaan: boodhadh xayaysiis oo filinku leeyahay, sinnaariyo si saxartiran loo qoray, shirkad filin soosaar oo aan jirin, iyo xitaa olole Holiwuudhku u sameeyey, dhammaan waxyaabahani may ahayn farshaxan shaneemo, ee waxay ahaayeen qayb ka mid ah qancinta hawlgal u baahan kalsooni. Kolkan, shaneemadu waxay noqonaysaa mid wax daboosha, iyo hub tebin ahaan loo adeegsado, iyadoo jilidda iyo mala’awaalka agab looga dhiganayo badbaado.

Isla jeerkan, jilliinka xiddiga filinku, Tony Mendez, waxa uu soo gudbinaya waa maskax deggan, si tartiib ah hawlgalka u hoggaaminaysa iyada oo aan wax rasaas ah ridin, awoodana inuu sheekada guul kusoo gebagebeeyo. Dhinaca kalena, filinku waxa uu Iiraan kasoo gudbinayaa meel qasan, oo halis iyo kaladambayn la’aan ku suntan. Iska soo horjeedkani ma aha mid keliya daraamo lagu dhisay, ee waa tebin qayaxan oo muujinaysa sida Holiwuudh u falkiso sawirka Maraykanku ka bixinayo cadawgiisa: Ameerika wax badbaadinaysa, iyo Iiraan dunida halis ku ah.

Falkinta sidan ah innagoo ka duulayna, Argo waxa uu inoo caddaynayaa in shaneemadu keliya aanay sooyaal werin, ee ay sooyaalka samayso, sidoo kalena jihayso wacyiga dadweynaha caalamiga ah. Halkan waxa si maad leh ugu kulma siyaasadda iyo fanka: filinka laftiisaa noqonaya awood debecsan, oo noqonaya hub tebinta ah oo Maraykanku u adeegsado maaraynta dhibaatooyinka, sidoo kalena xaqiijiya awoodda shaneemadu u leedahay dib u qoridda waaqaca, iyadoo lagu eegayo indho Maraykan, sida in Iiraan loo sawiro cadow aydhiyoolajiyadeed, halka Maraykanku yahay badbaadiye.

Sidee Maraynkan u soo bandhigayaa Iraan?

Filinka Argo dhexdiisa, Iiraan waxay noqonaysaa shakhsiyad shaneemo oo qas iyo qalalaase la daalaadhacaysa, halis joogto ahina ka jirto. Kolkan, Iiraan looma soo bandhigayo sidii inay tahay meel aadame ku nool yahay ama dawlad ka jirto, ee waxa loo soo bandhigayaa fagaare si gaar ah loogu diyaariyey u adeegidda tebinta Maraykan: halis joogto ah, colaadin qotodheer leh, shaki leh, oo uu xiddiga Ameerikaanka ahi xeeldheeridiisa kaga dabbaalanayo wax u muuqda halis joogto ah.

Muraayadda shaneemo ee Holiwuudhku waa ta sawirkan samaynaysa. Laga soo bilaabo jidadka Dahraan ee ay ka buuxaan boodhadhka kacdoon iyo halkudhigyadu, ilaa laga soo gaadho madaarka Mahar Aabaad ee kaladambayn la’aantu ka jirto, filinku waxa uu cuskanayaa qaabab muuqaal iyo muusig ah oo qotodheer. Iftiinka filinku waa mid muujinaya hadhadhka xooggan, soosaarku waa mid labanlaabaya dareenka cadaadiska iyo halista, muusigga muuqaalka ahi waa mid kicinaya dareenka cabsida iyo werwerka, iyadoo daawaduhu wadnaha farta ku haynayo, oo uu la neeftuurayo shakhsiyaadka filinka ee raadinaya meel ay ka baxaan.

Filimada cajiibka ah ee lagu soo bandhigay loolanka u dhexeeya Maraykan iyo Iraan waxa ka mid ah filinka Argo, filinkani waxa uu inoo caddaynayaa in shaneemadu keliya aanay sooyaal werin, ee ay sooyaalka samayso, sidoo kalena jihayso wacyiga dadweynaha caalamiga ah.

Haddana, shaneemada Maraykan kumay koobsan uun dhinaca muuqaalka, ee sidoo kale waxay adeejisay isku darka maaddooyin arkiifiyo iyo daraamo la jilay, si ay u xoojiso sawirka laga qaadanayo Iiraan inay tahay meel cadaw, oo halis ah. Iskumilidda waaqaca iyo mala’awaalku ma aha arrin dhayal ah, ee waa wax qayb ka ah istaraatiijiyad tebineed oo qotodheer oo dadweynaha ka dhigaysa inay dareemaan weerar iyo halis, sidoo kalena bogaadiyaan geesinnimada xiddiga, Tony Mendez, ah xiddig aan cabsidu qabanayn, werwerkuna caqabad ku noqonayn, sidaana ku noqonaya geesiga Maraykan ee ku dayashada mudan.

Sawirka sidan ah madaddaalo keli ah loogama jeedo, ee waa agab dhaqan iyo siyaasad gudbinaya; dib u qaabayn ku samaynaya sida dunidu u aragto Iiraan, dadweynahana dejinaya boos uu halis dareemo ka hor intaanu xiddiga filinkaba shaashadda ku arag. Qaabkan ayaa ay shaneemadu u dhistaa fahanno iyo qaab-u-fekerka cadawga laga yeelanayo, una xididdaysaa tebinta Maraykan ee dalkan ka dhigta markasta geesiga aan jabin ee wax badbaadinaya, astaanna uga dhigta garaad badni.

Filinku, isagoo istiraatiijiyadahan raacaya, waxa weydiimo muhiim ah ka keenaya soohdinta u dhaxaysa xaqiiqada iyo mala’awaalka shaneemo. Dhacdooyinka sooyaal ee dhabta ah – sida u daadashadii safaaradda Maraykan amaba dhuumashadii diblumaasiyiinta – daraamo ahaan waa la buunbuuniyaa, weliba mararka qaar qaab ku talaxtag ah, si loo muujiyo halis joogto ah. Qaabkan kolka la eego, filinku tebin sooyaal kuma koobna, ee waa tijaabo shaneemo oo dhamaystiran, oo argagaxa iyo geesinnimada qaabaynaysa, dhacdo siyaasadeedna u beddelaysa daraamo caalami ah. Argo ma aha keliya filin laga metelayo hawlgal sirdoon, ee waa cashar ku saabsan samaynta sawirrada collaadda iyo saaxiibtinnimada.

Xafladdii lagu qaybinayey abaalmarinaha Ooskarka 85aad ee sannadkii 2013, Marwadii Maraykan ee xilligaas, Michelle Obama, waxa ay tebin toos ah oo Aqalka Cad ka socota ku shaacisay in filinka Argo ku guulaystay filinkii ugu wanaagsanaa. Michelle, oo toob dhalaalaya xidhan, waxa ay ammaantay filimada u sharraxnaa abaalmarinta, ka hor intaanay furin warqadda oo aanay shaacin guusha filinka Ben Affleck, iyadoo si fudud u leh: “Waa xulid wanaagsan”.

Abaalmarinuhu – Golden Globe, Ooskar iyo kuwo la midka ahi – keliya ma aha abaalmarin faneed, ee waa qiraalka awoodda shaneemada Maraykan u leedahay inay dhacdo siyaasadeed oo dhab ah u beddesho tebin shaneemo oo xiiso leh, oo Maraykan ka dhiga badbaadiyaha geesiga ah, Iiraanna ka dhiga cadawga halista ah. kolkan, shaacinta abaalmarintu waa ay ka macno badanaysaa dabbaaldeg, waa shaacinta awoodda sawirka iyo tebinta, iyo qaabka filin u awoodo inuu sameeyo wacyi dib u qaabaynaya sooyaalka, isagoo madaddaalo u dhex maraya.

Ugu dambayn, Argo waxa uu xaqiijinayaa in aan shaneemadu madaddaalo ahayn, ee ay awood tebin tahay, iskuna xidha waaqaca iyo khayaalka, siyaasadda iyo fanka, oo ina dareensiiya in awoodda sawirku mararka qaar ka awood badan tahay awoodda hubka.

 

  • Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.