Sunday 18 January 2026
25-kii sanno ee ina dhaafay, isbeddelladii siyaasadeed ee Soomaaliya may ahayn kuwo si lama filaan ah u dhacayey, taas beddelkeeda midhaha dedaallo caalami ah, cadaadisyo iyo dhexdhexaadino lagu doonayey ilaalinta xasilloonida xaaladda siyaasadeed ee aan cagaha adag ku taagnayn. Hase ahaatee, Soomaaliya maanta waxa ay taagantahay isgoys halis badan. Dedaalka dhinaca keliya ah ee Xukuumadda Federaalku ugu jirto hanashada awoodda, iyadoo ku dhuumanaysa hal-ku-dhigyada dib-u-habaynta dimuqraaddiga ah, waa wax ka digaya dhicitaanka dhibaato sharci, weerarna ku ah xagal-daacinta midhihii siyaasadeed iyo maalgelinihii caalamiga ahaa ee tobannaanka sanno soo socday.
Xaqa uu qofku u leeyahay in uu wax doorto waa qodob Soomaalida oo dhammi ka midaysantahay wanaaggiisa, haddana, khilaafyada siyaasadeed ee qotoda dheer, una dhexeeya dhinacyada siyaasadda, caqabadaha nabadgalyo ee joogtada ah, soo dhawaanta dhammaadka muddo-xileedda xukuumadda iyo caqabadaha maaliyadeed waa kuwo adkaynaya hirgelinta xaqa doorashada iyo xulashada tooska ah.
Dedaalka lagu bixinayo hirgelinta xaqa doorasho toos ah, iyada oo aan la hayn heshiis siyaasadeed, haayado diyaarsan iyo dammaanadqaad amni, ma aha dedaal xididdaynaya dimuqraadiyadda iyo madaxbannaanida dalka; ee waa dedaal awoodda talinta ku koobaya cidda hadda talisa, siina kordhinaya halista sii kala fogaanta iyo soo ifbaxa awoodo is garab socda.
Halkii ay ahayd in caqabadahan lagu daweeyo heshiis, xukuumaddu waxa ay ku mashquulsantahay faramaroorsiga awoodda, iyadoo adeegsanaysa suuqgaynta xaqa doorashada tooska ah. Dhinac keliya (xukuumadda) ayaa sameeyey wax-ka-beddelka distoorka, oo ah wixii waanwaanta siyaasadeed gundhiga u noqon lahaa. Sdioo kale, xukuumaddu waxa ay ansixisay xeerar danaheeda gaarka ah u adeegaya, isla xukuumadda ayaana hawlaha doorasho isku diburidaysa, ka shaqaynaysa ururrada siyaasadeed iyo guddiga doorashooyinkaba. Waxa intan dheer, xukuumaddu waxa ay magacawday 18 komashinneer, oo dhammaantood uu taageerayo Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka.
Dedaalka dhinaca keliya ah ee Xukuumadda Federaalku ugu jirto hanashada awoodda, iyadoo ku dhuumanaysa hal-ku-dhigyada dib-u-habaynta dimuqraaddiga ah, waxa ay horseedayaan qas yo dhibaato sharci iyo in uu xagal-daac ku yiimaaddo siyaasadeed iyo maalgelinihii caalamiga ahaa ee tobannaanka sanno soo socday.
Somaliland waxa ay 1991-kii shaacisay ka bixitaankeeda iyo ka madaxbannaanideeda Soomaaliya, tan iyo markaana, muddo ka badan soddon sanno, waxa ay raadinaysaa aqoonsi. Tan ka sokow, inta badan dhinacyada mucaaridka Soomaaliya, oo ay la jiraan madaxda dawlad-goboleedyada Buntilaan iyo Jubbalaan, waxa ay diideen hannaanka xukuumaddu waddo, waxaanay aasaaseen Golaha Mustaqbalka Soomaaliya. Kooxahani waxa ay shaaciyeen qorshe lagu qabanqaabinayo shirweyne siyaasadeed, waxaanay soo bandhigeen in ay raaci doonaan jid siyaasadeed oo barbar socda ka xukuumadda, haddii ay iska dhegomariso baaqyadooda.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya gacanta kuma wada hayso dalka, oo Ururka al-Shabaab ayaa deegaanno iyo gobollo gacanta ku haya. Ururku weli waxa u wadaa awooddiisa ah in uu weerarro ka fuliyo meelo xukuumaddu ka taliso. Dhawaan Ururku waxa uu weeraray xabsi u dhow Madaxtooyada Soomaaliya, waana tallaabo si qayaxan inoogu caddaynaysa xaaladda amni ee ciirciiraysa ee haddana la rabo in doorasho lagu qabto.
Kolka la eego falalka xukuumadda ee maroorsiga talada ah iyo gaabnida muddada uga hadhay talada, waxa waajib ku ah beesha caalamka in ay soo farageliyaan si loo taageero kalaguurka lixaad ee siyaasadda Soomaaliya ee 2026. Sii xoojinta iyo horumarinta nidaamkii doorashada dadban waa hannaanka ugu habboon ee dammaanad qaadaya in xukunka lagu la kala wareego si nabad ah. Dabaqadda siyaasadeed ee Soomaaliya waxa ay khibrad weyn u leeyihiin hannaanka doorashada dadban oo ah hannaan ay soo adeegsanayeen 25-kii sanno ee u dambeeyey. Sidaas oo ay tahay, xitaa haddii heshiis siyaasadeed la helo, waa in hannaanka doorashada dadban ee 2026 uu koobsadaa muddaynta munaasibka ah, hannaanka tartanka iyo ka qaybgalka.
Muddo-xileedda xukuumaddani waxa ay ku egtahay 15-ka Maaj, 2026, waxaana socda doodo u dhexeeya dhinacyada xukuumadda taageersan oo ku saabsan in go’aan hal dhinac ah lagu kordhiyo muddada. Waa in soojeedintan la diido. Haddii heshiis siyaasadeed la gaadho, muddo-kordhin farsamada la xidhiidha waa loo baahan karaa, se waa muddo-kordhin keliya dhici karta iyadoo lagu gudo jiro qabanqaabada doorashada. Mid ka mid ah hababka lagaga hortagi karo dhibaatada muddo-kordhinta ee soo laablaabata waxa ka mid ah in la cayimo wakhti go’an oo aan la dhaafi karin doorasho kasta. Tusaale ahaan, Buntilaan waxa ay ilaalisay jadwalka qabashada doorashooyinka shantii sanaba mar, bisha Jeenaweri.
Xaqa uu qofku u leeyahay in uu wax doorto waa qodob wanaaggiisa laga midaysanyahay, laakiin haddana waxa sii adkaynaya hirgelinta xaqaas ayaa ah caqabadaha amni, siyaasadeed iyo maaliyadeed ee ka jira Soomaaliya.
Waxa kale oo waajib ah in hannaanka horumarsan ee doorashada dadban uu noqdo hannaan la fulin karo, macnaha mid la fahmi karo, oo la qaban karo. Kooxaha siyaasaddu waa in ay isku waafaqaan tiro go’an oo ergo ah oo kursi kasta cid u doorta. Ka dib waa in odayaal-dhaqameed guddiyada doorasho aqoonsanyihiin kala doortaan ergada, ergadaasina waa in ay kala doortaan u tartamayaasha kuraasta. Hannaankani ma aha ka ugu wanaagsan, se waa hannaan xaaladaha hadda jira lagu dhex fulin karo.
Si ka duwan iskudayadii hore, waxa waajib ah in hannaanka horumarsan ee doorashada dadbani uu noqdo mid si dhab ah loo tartamo, si dhab ahna looga wada qaybgalo oo loo dhanyahay. Doorashooyinkii hore, siyaasiyiinu waxa ay ku ciyaareen xulidda xubnaha baarlamaanka, iyagoo tartanka ku wiiqay qaab loo bixiyey “malxiis”, oo ah in tartamuhu yeesho qof kale oo muujiya in uu la tartamayo, se aan marka horeba in uu ka guulaysto aan u socon. Haatan waa in doorashooyinka soo socda tartamayaasha loo oggolaadaa tartan dhab ah oo aan mala’awaal ahayn, waana in halbeeg cad la sameeyaa oo diidaya ku ciyaaridda xulidda iyo samaysiga wakiillo la tartama.
Walaaca ugu weyni waxa uu ka jiraa u dhannaanta doorashada. Inta badan waa la cidhiidhiyaa kuraasta dumarka oo ay ahayd in boqolkii soddon loo kooteeyo kuraasta baarlamaanka. Sidaas darteed, waxa waajib ah in heshiis kasta oo siyaasadeed uu si cad u qeexo ka qaybgelin dhammaystiran, sidoo kalena waa in haayadaha korjoogtaynaya doorashada awood loo siiyo hirgelinta kootada dumarka.
Kolka la dhugto falalka xukuumadda ee maroorsiga talada iyo gaabnida muddada uga hadhay sharci ahaan, waxa waajib ku ah beesha caalamka in ay soo farageliyaan si loo taageero kalaguurka lixaad ee siyaasadda Soomaaliya ee 2026. Sidoo kale, waa in shaqeeyaa sii xoojinta iyo horumarinta nidaamkii doorashada dadban.
Ugu dambayn, inta badan doorashooyinka Soomaaliya waxa suurad xumeeyey musuqa baahsan, oo doorashada wiiqayey markasta. Doorashadii 2022, madaxda dawlad-goboleedyada ayaa gacanta ku hayay hannaanka doorasho oo sida ay jecelyihiin u hagayey. Si haddaba musuqaas loo xakameeyo doorashada 2026, tallaabooyinka ugu wanaagsan ee la qaadi karo wax ka mid ah in la kordhiyo tirada dadka wax dooranaya iyo in ay halmar u codayn karaan kuraas kala duwan, arrinkan oo hoos u dhigaya fursadda iibsashada codadka.
Beesha caalamku hore ayaa ay cadaadis xooggan u saartay hormuudka siyaasadda Soomaaliya, si loo gaadho heshiis, ku adkaysanaysa lagama maarmaannimada “in aanay xukuumaddu muddo korodhsi samayn, amaba aan la qaban doorashooyin hal dhinac abaabulay”, “sidoo kalena mashaariic siyaasadeed oo barbar socda dawladdu aanay mucaaridku wadin”. Baaqan, oo lagu biiriyey awoodda beesha caalamku fulinta u leedahay, waa tallaabo habboon. Waxa waajib ah in dabaqadda siyaasadda Soomaaliya lagu khasbo wadahadallo dhab ah oo beddela shirarka dhinacyadu keligood qabsanayaan.
Sidoo kale, si la mid ah sidii hore, waxa habboon in beesha caalamku jaangoyso lamadhaafaankaa aan laga gudbi karin. Xukuumadda waxa ku waajib ah in aanay muddo korodhsi samayn amaba qabsan doorashooyin hal dhinac ah. Isla jeerkan, mucaaradka waxa ku waajib ah in ay ka tanaasulaan qorshahooda ah ajandayaal siyaasadeed oo xukuumadda laga barbar dhiso, sida in dawlad-goboleedyada xubnaha ka ah Xukuumadda Federaalku ay qabtaan doorashooyin ka baxsan habraaca siyaasadeed.
Marar badan Soomaalidu waxa ay muujiyeen hilawga ay u qabaan dimuqraaddiyad, arrinkaasna waxa hor taagani ma aha doonista bulshada, ee maroorsiga foolaadku siyaasaddu wado iyo in ay xaaladaha jira uga faa’idaysanayaan dano siyaasadeed. Xaaladdan halista badan, beesha caalamku kuma koobsan karto ka aamuska xaaladda. Faragelin habboon, oo ku dhisan mabaadi’ waa u lagama maarmaan in la hor istaago dumista sharciyadda iyo ilaalinta wixii qabsoomay 25-kii sanno ee la soo dhaafay.