Sunday 8 February 2026
Ka dib burburka heshiis laga gaadho dib u hagaajinta doorashooyyinka iyo wax ka beddelka dastuurka ee Soomaaliya, doorashooyinka dawladda hoose ee Muqdisho ayaa qabsoomay walow ay weli mucaaradku codsanayeen heshiis siyaasadeed oo ballaadhan, qaabka doorashooyinkani u qabsoomeenna waa qaab ay Samiira Gaydh u aragto in uu ka tarjumayo dhibaatooyinka siyaasadeed iyo hay’adeed ee Soomaaliya joogtada ku ah, wax xal ahna aan laga gaadhin.
24-kii Diisambar ee 2025, magaalada Muqdisho waxa ka qabsoomay doorashooyin deegaan markii u horraysay ka dib sannado badan, waana doorashooyin dawladdu ay ku tilmaantay “dhacdo taariikhi ah”. Hase ahaatee, doorashooyinkani waxa ay dhaceen xilli mucaaradku qaaddaceen, welina ay jiraan ismaandhaaf siyaasadeed oo qotodheer, kuna saabsan gebi ahaan doorashooyinka. Hoggaanku mucaaradku waxa ay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku dhiirrigeliyeen in uu joojiyo doorashooyinkan ilaa inta laga gaadhayo heshiis la xidhiidha qaabka doorashooyinka loo qabanayo, iyagoo uga digay in ku adkaysiga qabsoonka doorashooyin hal dhinac wado uu wiiqayo sharciyadda codbixinta. Hase ahaatee, xukuumaddu waa ay diidday codsiyadan, waxaanay ku adkaysatay qabsoomidda doorashooyinka.
Go’aanka xukuumaddu ku go’aamisay qabsoomidda doorashooyinkani waxa uu yimi ka dib muddo dheer oo aaan doorashooyin la galin. Ku kala aragti duwanaanta qabashada doorashooyinka, dib u eegista dastuurka iyo sharciyadda siyaasadeed ayaa sababay in ay suurogali weydo ku heshiinta qaabka doorashada. Xukuumaddu sida ay ku doodayso, qabashada doorashooyinkani waxa ay meesha ka saaraysaa muddadii dheerayd ee bilaa doorashada la ahaa, walow mucaaradku gebi ahaanba diiddanyahay qabashadeeda, sidoo kalena shaki geliyeen sharciyaddeeda qaanuun iyo siyaasadeed.
Salka dhibtani waxa ay kasoo bilaabmaysaa 27-kii Maaj, 2023, kolkaas oo Golaha Wadatashiga Heer Qaran ee Soomaaliya uu oggolaaday qorshe dhamaystiran oo jidka loogu jeexayey doorashooyinka heer qaran. Qorshaha waxa ku jiray in doorashooyinka laga soo bilaabo heer degmo, oo ka bilaabmayey bishii Juun 2024, waxaana ku xigay doorashooyinka baarlamaan iyo kuwa madaxtooyada ee heer maamul-goboleed, oo ku beegmayey Noofambar 2024. Waxa kale oo qorshaysnaa in xisbiyada siyaasaddu ay ku tartamaan doorashooyinka degmooyinka, ka dibna labada xisbi ee ugu codka bata kuraasta goloyaasha deegaanka loo aqoonsado labada xisbi qaran. Hase ahaatee, fulinta habraacani waxa uu u baahday wax ka beddel lagu sameeyo dastuurka hadda ee Soomaaliya, waana wax ka beddello aan weli la samayn.
Ismaandhaafku waxa uu salka ku hayaa isdiiddo gunta ah: u jihaysiga nidaam “qof iyo cod ah” iyo doorashooyinka xisbiyadu waxa ay ka hor imanayaan habraaca distuurka Soomaaliya ee qabyada ah, sidoo kalena waxa uu taabanayaa boogta loollanka joogtada ah ee u dhexeeya xukuumadda Federaalka iyo maamul-goboleedyada xubnaha ka ah. 30-kii Maaris, 2024, waxa cirka isku shareeray khilaafkii wax ka beddelka dastuurka, jadwallada doorashooyinka iyo ku loollanka mamaulka ee Xukuumadda Federaalka iyo maamul-goboleedyada, heer uu khilaafkani noqday dhibaato dastuur oo ballaadhan. Xukuumadda Federaalka ee uu madaxweynaha u yahay Xasan Sheekhna waxa ay sii wadday wax ka beddelka dastuurka, iyadoo dadka gorfeeyey arrinku ay ku sheegeen tallaabo u baahan heshiis dhinacyada ah. Waax ka beddelkani waxa uu dalka galiyey duufaanno siyaasadeed, Buntilaanna waxa ay Xukuumadda Federaalka kala laabatay aqoonsigii.
Waxa intan dheer in khilaafku isku beddelay dagaal toos ah. Jubbalaan ayaa qabatay doorashadii maamulka, waxaana dib loogu doortay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam “Madoobe”. Xukuumadda Federaalku waa ay diidday natiijada doorashadaas, waxaanay ku dhawaaqday in aanay dastuurka waafaqsanayn, sidaas darteed waxa ay soo saartay warqad xayiraad u ah Axmed-Madoobe, maamulka Jubbalaan laftiisu waxa uu soo saaray xayiraadda shakhsiyaad ka tirsan Federaalka. Dhibaatadani waa midda ugu dambayn sababtay iska hor imaad hubaysan iyo dagaallo ka dhacay qaybo ka mid ah Jubbalaan. Iska hor imaadku waxa uu ka dhacay meelo ka mid ah labada gobo lee Jubbada Hoose iyo Gedo, oo ay ka mid tahay Raas-Kaambooni, iyo sidoo kale deegaannada Belad-Xaawo iyo Doolow. Bulshada deggan Doolow waxa ay xaqiijiyeen in ciidamo Itoobiyaan ah oo fadhiisinkoodu gobolkaa yahay ay soo farageliyeen.
Bishii Juun ee 2025, hoggaanka mucaaradka ayaa xoojiyey mawqifka ay kaga soo horjeedaan Madaxweynaha. Iyagoo ku midaysan dalladda Badbaado-qaran, hoggaanka mucaaradku waxa ay wadahadallo la galeen Madaxweyne Xasan Sheekh, si ay uga doodaan qaababka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka. Hase ahaatee, wadahadalladani ugu dambayn waa ay fashilmeen iyaga oo aan wax heshiis ah laga gaadhin. Ka sokow in Madaxweyne Xasan uu heshiis la galay qaar ka mid ah mucaaradka, oo uu ka mid yahay Cumar Cabdirashiid, Raysalwasaarihii hore, sidoo kalena uu laalay wax ka mid ah wax ka beddelka dastuurka, haddana mucaaradka ugu cadcad dalku waa ay diideen tallaabooyinkan.
Bishii Diisambar, isbahaysiga mucaaradka iyo labada maamul-goboleed ee Buntilaan iyo Jubbalaan waxa ay qabteen “Shirweynaha Wadatashiga Qaranka”, oo ka qabsoomay magaalada Kismaayo. Isbahaysigu waxa uu Madaxweyne Xasan ku tuhmay ku xadgudubka dastuurka iyo qaadidda tallaabooyin hal dhinac ah, waxaanu ka digay in doorashooyinka dib loo dhigo, xukuumadduna maamulka isku koobto, iyagoo labadanba ku tilmaamay waxa khalkhal gelinaya xasilloonida nidaamka siyaasadeed ee dalka.
Arrinka fiirada gaarka ah u baahani waa sii badashada dhinacyada ka hor imanaya Madaxweynaha. Hoggaanka mucaaradku waxa ay ka hor imashadooda ku tilmaameen wax aan ku koobnayn gorgortanka siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya, ee mucaaradaddani ay tahay garabsiinta hannaanka dawlad-dhiska caalamiga ah ee xukuumadda Muqdisho kaalmaynayey labaatan sanno wax ka badan, siiba la dagaallanka Alshabaab, oo ay xukuumadda ku tuhmeen in ay faraha ka qaadday. Waxa kale oo ay ka digeen in ay la iman doonaan xukuumad ka barbar shaqaysa Federaalka hadda.
Ka sokow kala qaybsanaantan, haddana xukuumadda Muqdisho waxa ay doorashooyinka ku tilmaantay waxqabad taariikhi ah. doorashooyinkani waxa ay heleen danayn caalami ah iyo taageero bulsho iyo mid goboleed, sida taageerada ururka IGAD, Midawga Afrika iyo Midawga Yurub. Sidan oo ay tahay, doorashooyinka waxa dul gadaaman cabsi dhab oo laga qabo sharcinnimadeeda iyo sida dhibaatadan taagani u saamayn doonto doorashooyinka soo dhow ee 2026.
Geesku waxa arrintan kala sheekaystay Samiira Gaydh, oo falanqaysa amniga gobolka, sidoo kalena aasaastay oo maamusha Xarunta Cilmibaadhisaha ee Balqiis, iyadoo ka warbixisay khilaafka ku gadaaman doorashada, isweydiinaha ku saabsan sharciyaddeeda iyo waxa dhibaatada Soomaaliya hadda ka taagani uga dhigantahay doorashooyinka soo dhow ee qorshaysan 2026.
Samiira Gaydh: doorashooyinka deegaanka ee Muqdisho sinaba umay ahayn guul taariikhi ah. Doorashooyinkaasi ma tilmaamayaan horusocod tartiib ah iyo tallaabo loo qaaday tubtii dawlad-dhiska Soomaaliya, ee taa beddelkeeda waxa ay muujinayaan dib-u-dhac ku yimi doorashooyinkii, si kasta oo ay u kala dhinnaayeen, haddana sida tartiibta ah usoo dhismayey sannadaha badan.
Ma jiro kormeere iyo dadka dhawrayey doorashooyinkan in ay fishaan isku daygii koowaad ee doorashooyin deegaan in uu noqdo iskuday dhammaystiran. Hase ahaatee, waxa jira seesas dimuqraaddi oo lafdhabar ah, oo ay lagama maarmaan tahay in doorasho kasta oo sharci ahi yeelato. Seesaskan waxa ka mid ah u dhannaanta dhinacyada, daahfurnaanta, musuqla’aanta iyo taageerada siyaasiga ee ballaadhan. Kolka se la eego doorashooyinka deegaanka Muqdisho, seesaskan keliya lagama tagin, ee si badheedh ah ayaa la isaga fogeeyey. Waa arrinka keenay in badanka mucaaradku qaaddacaan doorashada. Si aynnu arrinka u caddayno, maqifka mucaaradku ma ahayn mawqif ay doorteen si ay u carqaladeeyaan shaqada doorashada, se cagsiga waxa ay dhammaan isku dayeen in ay ka qaybgalkooda habboon gaadhaan, halka Xukuumadda Federaalku fadhiyadii wadahadalka siyaasadeed uga faa’idaysatay muddo-korodhsi, ugu dambaynna meesha ay ka saartay mucaarad kasta oo sharci ah. Waxa muuqata in tallaabadani ay mid loo badheedhay si natiijada doorashooyinka ka horba loo sii gaadho, muuqaal siyaasadeed cusubna la sameeyo.
Kolkaas, halkii ay doorashooyinku sii qotodheerayn lahaayeen halbeegyada dimquraaddiyadda amaba xoojin lahaayeen maamulka dawladda hoose, ma aha doorashooyin keenaya wax aan ahayn kalsooni darro iyo sii kalaqaybsanka bulsho awalba kala irdhaysnayd.
SG: Ma cadda qorshaha dhabta ah ee Madaxweynuhu iyo ujeedkiisa rasmiga ahi, se qaab u maamulkiisa afartii sanno ee lasoo dhaafay waa mid tilmaamo muhiim ah bixinaya. Hannaankiisa hoggaamineed waa mid ku tilmaaman ad’adkaan joogto ah; oo waxa uu ku adkaystay qaadashada go’aanno hal dhinac ah, xitaa iyadoo lataliyayaashiisa ka ag dhawi kala taliyeen, dadka danaha guud lehina uga digeen. Waxa arrinkaa si waafi ah u caddayn kara halwlgalladii amni ee 2023, oo aan si dhab ah loogu diyaarsanayn, ugu dambaynna fashilantay, isagoo digniinihii istiraatiijiga ahaa isaga dhegomariyey taageerada siyaasadeed awgeed.
Waxa kale oo caddaatay in madaxweynaha laftiisu isburiyo. Baaqa joogtada ah ee wadahadalka, se ay ka dambeeyaan tallaabooyin albaabka kusoo xidhaya, isagoo qaadanaya go’aanno uu keligii gaadhay, waa waxa sababay hoos u dhaca kalsoonidii dadka. Isburintani beryihii dambe ayaa ay si waadax ah usoo baxday, ka dib baaqyo uu mucaaradka iyo laba maamul-goboleed kaga dalbanayey samaynta wadahadal qaran. Madaxweynuhu wuu shaaciyaa in uu wadahadal rabo, se isla jeerkanna isagaa keligii qaatay go’aanka doorashada Muqdisho. Si guud waxa doorashooyinkan loo arkaa kaadh uu ku gorgortamayo oo siyaasadeed, isagoo isku dayaya in uu soo rogo arrin dib u qaabeeya fagaaraha siyaasadeed.
Waxa aan filayaa in Madaxweynuhu ku adkaysanayo ajandayaashiisa isagoo mucaaradka iska dhegomarinaya, waana xaaladdan uu doorashooyinka deegaanka ugu sheegayo “guul”, si uu ugu jidbixiyo marxaladda xigta ee qorshayaashiisa. Waxa kale oo la fili karaa in “guushan” uu ka dhigto tallaabo hore oo uu ku codsado muddo-kordhin, oo isla arrin kusoo noqnoqday maamul-goboleedyo xubno ka ah federaalka.
Sidaas darteed, halkii laga xoojin lahaa fursadaha lagu gaadhayo heshiis ku yimaadda wadahadal dhab ah, hannaankani waxa uu beddelka arrinkaas wiiqayaa fursadahaas. Waxa hoos usii dhacaya fursadaha lagu gaadhayo heshiis dhab ah oo waara, siiba iyada oo ay soo dhawaanayso dhammaadka muddoxileedda hadda.
SG: Aragtidayda, maamulku casharro khaldan buu ka qaatay dhibaatooyinka doorashooyinkii hore ee Soomaaliya. Halkii ay ahayd in uu fahmo in go’aan ku kaliyeysigu uu keeno dhaqaaq la’aan, kalsooni darro iyo ugu dumitaan ugu dambayn, waxa muuqata in hoggaanka hadda ay ismoodsiiyeen in ay xuduudda ka bixi karaan inta ay muddoxileedkooda rasmiga ah joogaan, ee ay aqoonsiga caalamiga ahna haystaan.
Waxa ay aaminsanyihin in dhibaatooyinka siyaasadeed laga gudbi karo, oo saaxiibbada caalamiga ahna la dejin karo, wakhti ku filanna ay u haystaan ilaa inta dhib kale imanayso. Waxa ay ila tahay in fahankani khaldanyahay, oo uu gebi ahaan kasoo horjeedo waaqaca siyaasadeed ee Soomaaliya. Sharciyadda dawladeed iyo maamulka qaanuuniga ah muddo kooban way asturi karaan, se marnaba beddel ugama noqon karaan sharciyaddii gudaha, siiba dawlad daalaadhacaysa, oo la tiicaysa xadgudubyo hore oo muddo soo jiitamayey.
Ku adkaysiga go’aankan iyo kusii socoshadiisu waxa ay sheegayaan talaxgabidda haayadaha. Halkii ay ahayd in jidka la saxo, maamulku waxa uu ku noqnoqonayaa giraan madhan oo hore loo soo arkay: shaqo dhinac keli ahi qabto, talomaroorsi ku xigo, ka dibna kalsooni darro dhacdo. Hannaankani waa waxa keenay talaxgabka halbeegyo awalba ligliganayey, waana halbeegyo gundhig u ah ilaalinta isdhamaystirka nidaamka siyaasadeed ee Soomaaliya.
SG: Sida aynnu ku aragnay Tansaaniya, meesha waa laga saaray mucaaradkii rasmiga ahaa, waxaana la oggolaaday mucaarad si qotodheer loo doortay, oo loo oggolaaday inay tartanka qayb ka noqdaan. Waa qodob saaxiibbada dalka iyo falanqeeyayaasha uga baahan inay eegaan wax ka qotodheer muuqa guud, iyadoo dalal badani adeegsadaan qaabab dimuqraaddi u eg, sida doorashooyin, diwaangelin xisbiyo iyo codad baarlamaan, si ay usii xoojiyaan nidaamka jira. Fahankan qotodadheer ee la fahmo jaangooyayaashu waa mid muhiimad leh, si loo qiimeeyo dhabnimada doorasho kasta.
SG: Waxa jira qodobbo dhawr ah oo arrinkaa lagu fasiri karo; arrimuhu waa ay isbeddeleen caalami ahaan iyo gobol ahaanba. Kolka caalamka la eego, waxa muuqata in qaddiyadaha gudeed ay mudnaan gaar ah yeesheen, sida socdaalka, sicirbararka, iyo dagaallada socda sida dhibaatada Yukrayn. Sidoo kale, maamulka Trump oo dib u qaabayn ku sameeyey mudnaanta difaaca iyo dalalka kale ee tallaabo la mid ahi qaadayba ay beddeleen xoogsaariddii dagaallada Geeska Afrika. xaaladda gobolka kolka la eegana, gobolka waxa ka taagan dhibaatooyin dhinacyo badan leh, oo ay ugu dambeeyeen Itoobiya, imikana Suudaan ay gubanayso. Dhibaatada Suudaan waa dhibaatada aadame ee maanta ugu weyn caalamka, sidaas oo ay tahay, beesha caalamka iyo dhinacyada gobolkuba waa ay awoodi waayeen inay mideeyaan dedaalladooda oo ay soo gudbiyaan taageeradii habboonayd. Sidaas darteed, ma odhan karno dawlad baa ka mudan dawlad kale oo si degdeg ah looga jawaabayaa dhibteeda ama laga hortagayaa in ay dunto. Qasanka caalamiga ahi waxa uu si wanaagsan uga muuqdaa Geeska Afrika, waxaana si qayaxan looga dhex arkaan qaabka ka gaabsiga ah ee beesha caalamku uga falcelinayso Soomaaliya. Weli wakhti baa uga hadhsan muddoxileeddii xukuumaddan, qodobkanina ka gaabsiga arrimaha ee beesha caalamka waa ka qayb. Se arrinku waxa uu isbeddeli doonaa kolka muddadu ka dhammaato ee dhinac keli ahi muddo-korodhsi sameeyo, ama muddadu dhammaato iyada oo aan heshiis siyaasadeed laga gaadhin tallaabooyinka xiga.
SG: Waxa aan aaminsanahay in suurogalnimadaa dambe ay u badantahay. Oddoroska u xoogga badan ee lixda bilood ee soo socda waa sii badashada kala daadashada haayadeed halkii loo noqon lahaa heshiis siyaasadeed. Hormuudka siyaasadeed ee Soomaaliya dhexdooda, qaababka hoggaan ee kala duwan iyo mawqifyada kala fogi waxa ay ka dhigeen in aan la gaadhi karin xalal dhexdhexaad ah. Waxa muuqata in dhinacyo badani ay u janjeedhaan ku dhegganaanta aragtidooda halkii ay danta guud u tanaasuli lahaayeen. Intan waxa dheer, waxa jira caqabado amni oo joogto noqday, siiba dagaalka Alshabaab iyo qaddiyado khilaaf oo la xidhiidha aqoonsiga Somaliland, iyo hoos u dhaca kaalmadii caalamiga ahayd. Dhammaan arrimahaasi wanaag uma saadaalinayaan Soomaaliya, ee waa qodobbo muujinaya mustaqbalka madow ee Soomaaliya.