Tuesday 19 May 2026
Marka ay dadku yidhaahdaan doorashooyinka Itoobiya ee sannadkan 2026 ma aha xor iyo mid daahfuran, waa runtood. Laakiin tilmaanta daahfurnaan la’aantu kuma filna in lagu sifeeyo shaqada meesha ka socota. Waa tilmaan qeexaysa in khalkhal ku jiro shaqada dimuqraaddiyadda, xaaladda Itoobiya wajahaysaa na waa mid ka halis badan. Dhibtu kuma koobna qaabka tirinta codadka maalinta doorashada, waa dhib dhaafsiisan, oo gaadhsiisan in muddo badan ka hor maalinta doorashada lasii faaruqiyey saaxadda siyaasadeed, jidkana lasii bannaystay.
Xisbi xaakimka Barwaaqo, guudka sare waa mid ilaaliyey muuqa sare ee doorashada dimuqraaddiga ah, se haddana doorashada waxa uu ka siibay dhammaan shuruudihii macnaha doorasho u yeelayey. Xisbiyadu waa kuwo magac ahaan uun u jira oo waraaqaha ku qoran. Sidoo kale, haayadihii doorasho waa kuwo shaqaynaya, xeerarka waxa laga ansixiyaa baarlamaanka, tallaabooyinkii doorashada na waa la dabbaqaa haddana intaas oo jirtaba, dhuuxii xulashada macnaha u samaynayey waa mid si habaysan loo siibay.
Sababtan awgeed, luuqadda aynu u barannay ee sheegta in doorasho lagu dheelay ma aha mid xaaladda hadda ee Itoobiya ku dabbaqmaysa. Itoobiya waxa ay u jihaysatay nooc ka mid ah noocyada xukun ee loo yaqaan kelitalisnimo qaabaysan. Waxa loo jeedaa nidaam maamulka iyo kelitalisnimada lagu adkaysto qaababka qaanuuniga ah, xeerarka maamul iyo shaqooyinka haayadeed, halkii kelitalisnimada lagu yaqaannay in kaladuwanaanta siyaasadeed si badheedh ah meesha looga saaro. Waa qaab ay adagtahay in la waajaho, sababtoo ah waa qaab u eg mid xakamaysan oo muuqa sare sharci ka ah, waana qodob halis ka dhigaya.
Doorashooyinkii 2021-kii waxa ay ahaayeen digniin. Xisbiga Barwaaqo waxa uu ku guulaystay 455 kursi oo ka mid ah tirada guud ee kuraasta oo ahayd 471 oo lagu tartamayey. Goobo doorasho ayaana gebi ahaanba laga codayn dagaalka awgii. Deegaanka Oromiya, hal murashax baa keligii ka tartamayey goobo boqol deegaan doorasho ka badan. Sidaas oo ay tahay, natiijada waxa lagu sheegay mid dimuqraaddi ah walow aan loo dhammayn. Waxa ay ahayd doorasho muujisay in xukuumadda ay suurogal u tahay ilaalinta geeddiga doorasho, iyadoo haddana meesha laga saaray shuruudihii ka dhigayey doorasho lagu cabbiro doonista bulshada.
Bishii Juun 2025, baarlamaanku waxa uu ansixiyey xeer cusub oo khuseeya ururrada bulshada iyo warbaahinta, kaas oo lagu horjoogsaday in ururrada taageero ka hela cid ajnabi ah ay gacan ku yeeshaan wacyigelinta codbixiyayaasha, kormeerka doorashada amaba kaalin kasta oo siyaasadeed. Dal inta badan kormeerka madaxabannaan uu ku tiirsanaa taageero dibadeed, dabarkan lagu soo rogay waa mid musiibo ah. Waa dabar xaddidaya awooddii ururrada bulshada iyo kaalintoodii ahayd ilaalinta iyo kormeerka habsami u socodka doorashooyinka. Maaddaama oo xeerku aanu si qayaxan u qeexayn tiirar muhiim ah, siiba arrinka la xidhiidha ololaha siyaasadeed, dhaqangelintiisu waa mid u xidhan doonista dawladda.
Isla qaabkan baa ku dabbaqmaysa warbaahintana. Bishi Abril 2025, baarlamaanku waxa uu wax ka beddel ku sameeyey xeerka warbaahinta oo waxa la ansixiyey in ciqaabta lagu kordhiyo weriyayaasha faafiya warbixinno aan qayaxnayn. Kolka Itoobiya la joogo, siiba wakhtigan taagan, arrinkani inta uu cabsi gelin yahay ayaa ka badan inta uu keliya yahay wax ka beddel xeer. Weriyayaasha oo markooda horeba la dhibbanaa gaadhitaanka goobaha dhibaataysan ee dagaalladu ka jiraan, kuna adagtahay hubinta iyo xaqiijinta xogaha goobahaas kasoo gaadhaa, ku gooddinta ciqaab dheeraad ah waa mid sii awood tiraysa.
Dhibaata jirtaa ma aha ismoodsiis. Weriyayaal badan baa baxsaday, qaarna waa la xidhay. Sidoo kale, internetka laga gooyey meelaha dagaalladu ka jiraan waa mid keena in bulshooyinkaas laga jaro dunida iyo qaybaha kale ee dalkaba. Suurogal ma aha in dawladi sheegato doorashooyin xor ah, xilli ay qaybo ka mid ah bulshada ka hor istaagayso mid ka mid ah xuquuqda ugu fudud ee ah in ay codkooda dhiibtaan, doonistooda cabbiraan, ururrana samaystaan.
Dhaqankani waxa uu si wanaagsan uga muuqanayaa sida loola dhaqmay ururrada mucaaradka ah. Guddiga Qaranka ee Doorashooyinku bishii Maaj 2025 waxa ay diwaangelinta kala noqdeen xisbiga TPLF. Marka indho dimuqraaddiyadeed lagu eego, muhiimadda go’aankaasi kuma koobna in xisbi weyn oo la yaqaan doorashooyinka laga reebay, ee waxa kale oo mudan in lagu baraarugo in TPLF weli yahay jidka ugu muhiimsan ee dad badan oo Tigray ahi u mari karaan ka qayb qaadashada siyaasadda Federaalka, xilli la sugayey in dib u qaabayn lagu sameeyo metelaadda Tigrayga ee nidaamka dastuuriga ah wixii ka dambeeyey Heshiiskii Biritooriya.
Dhawaan xisbiyada mucaaradka oo wadajira waxa ay sheegeen in seeskii dimuqraaddiyada ee dalku tirtirmay. Koongarayska Oromada ee Federaaliga ahina waxa uu xusay in aan dhaqdhaqaaq siyaasadeed laga samayn karin meel ka baxsan Addis Ababa. Dad caan ah oo siyaasiyiin Oromo ah baa sannado badan xidhnaa, iyada oo amarro maxkamadeed oo soo baxay lagu faray in lasii daayo. Dhammaan arrimahani ma aha galdaloollo la iska indhatiri karo, ee waa kuwo tilmaamaya jiritaanka nidaam mucaaradka u oggolaanaya inay muuq ahaan u jiraan, se shaqo ahaan aanay saaxadda iskeenin.
Waxa jira arrin kale oo la xidhiidha dhulka. Doorashooyiinka daahafuran ee xaqa ahi waa kuwo u baahan jiritaanka bulsho siyaasadeed oo awoodda ka qaybqaadashada doorasho meel kasta oo dalka ka mid ah. Itoobiya se shardigan ma buuxinayso. Deegaanka Amxaarada, dagaalka ciidamada dawladda iyo jabhadda Faano ka dhex socda waxa uu abuuray gobollo ka go’doonsan nolosha caadiga ah iyo ta siyaasadeedba. Deegaanka Oromadana, weli waxa dagaal wada Jabhadda Xorraynta Oromiya oo abuuray gobollo aan nabdoonayn. Deegaanka Tigrayga, murannada ka jira deegaanno doorasho ayaa codaynta ka dhigaya mid aan xal loo helin. Guddiga Qaran ee Doorashooyinka qudhooda ayaa arrinkan qirsan, oo sheegay in qaybo badan oo ka mid ah dalku aanay ka qaybgeli karin u sinnaanta cod dhiibashada. Natiijada arrinkan ka dhalanaysaa waa in codayntu keliya ka dhacayso deegaannada magaalooyinka ee ay xukuumaddu gacanta ku hayso, halka inta badan qaybaha dalku siyaasad ahaan go’doonsanyihiin.
Qodobka 25aad ee ka mid ah Axdi Qarameedka Caalamiga ah ee la xidhiidha Xuquuqda Madaniga ah iyo Siyaasadda, muwaaddiniintu waxa ay xaq u leeyihiin codaynta iyo iska sharraxidda doorashooyin dhab ah oo dammaanad qaadaysa xorriyadda cabbirka ee ay codbixiyayaashu doonistooda ku cabbirayaan. Guddiga Xuquuqda Aadamuhu waxa ay cabbireen in xorriyad cabbirka, is urursiga iyo samaynta ururro ay shuruud aasaasi ah u yihiin xaqa codaynta. Haddii aanay shuruudahani jirin se, codayntu waxa ay noqonaysaa mid macno la’aan ah xitaa haddii codadka la dhiibto.
Isla mabda’an laftiisaa ku jira Axdi Qarameedka Afrika ee Dimuqraaddiyadda, Doorashooyinka iyo Xukunka. Doorashooyinku sharciyadda keliya kuma helaanjiritaanka xarumo cod dhiibasho, jadwallo lasoo dhejiyo iyo natiijooyin rasmi ah oo la shaaciyo, se waxa ay sharciyadda ka helaan tartan siyaasadeed oo furan, kormeer madaxbannaan, xorriyadda urur samaysiga, iyo suurogalnimada xulasho dhab ah. Kolka shuruudahani maqan yihiin se, keliya tallaabooyinka la qaaday sharcinnimadii ma jiddaynayaan.
Sababtan awgeed, ma habboona in doorashooyinka Itoobiya ee 2026 loo fahmo keliya tartan aan madaxbannaanayn, ee waa doorashooyin labada u dhow in la sharciyeynayo kootaysiga siyaasadeed. Natiijada xukuumad waa lagu soo dhisi karaa, se marna masoo saarayso metelaad dimuqraaddi ah oo macno dhab ah leh.
Qodobkani waa mid dhaafsiisan xitaa Itoobiya. Meelo badan oo ka mid ah guud ahaan Afrika, muddo dheer ayaa ay madaxdu ku dedaalayeen inay ujeeddooyinkan oo kale dhabeeyaan: in laga takhalluso tartanka siyaasadeed ee dhabta ah, iyada oo aan si toos ah loo qaadan sawir afgambi, amaba aan si qayaxan loo laalin muddoxileedda, amaba aan xitaa si badheedh ah loogu shuban codadka. Qaabka Itoobiya ee cusub waxa uu keenayaa xal ah: ilaalinta haayahada, ilaalinta qaababka qaanuuniga ah, cabudhinta nolosha rayidka iyo jujuubkeeda, kala furfuridda mucaaradka, dabridda warbaahinta, fulinta falal nabadgalyo darro si gobollo aan loo gaadhin, ka dibna, waxaas oo dhan oo jira in la qabto doorasho, natiijadana loo soo bandhigo sidii inay tahay nidaam dastuuri ah.
Haayadaha gobol ama caalamiga ah waa ay ku adkaanaysaa inay nidaamkan duraan, sababtoo ah waa nidaam shaqo sharci u eg ku fulay, oo aan dirays ciidan loo soo xidhan, sababtan awgeed ayaa uu nidaamkani dalal badan ugu faafay.
Kolkan, Midawga Afrika waxa u yaalla imtixaan dhab ah. Haddiiba halbeegyada dimuqraaddiyadeed ee qaaradda lagu dabbaqayo keliya kelitalisnimada ad’adag, halka go’doominta siyaasadeed ee sida qaanuuniga ah loo jidbaxsanayaana aanay wax islaxisaabtan ah la kulmayn, habraaca halbeegyada qaaraddu waa mid gude ahaan wiiqmaya.
Waxa hubaal u dhow in Xisbiga Barwaaqo ku guulaysan doono doorashooyinka 2026, guushanna waxa looga faa’idaysan doonaa helidda taageero bulsho. Sidaas oo ay tahay, doorashooyinka ka hor intaanay qabsoomin natiijadeeda lagu sii qaabaynayo cabudhin, horjoogsi, cabsigelin, afduubidda haayadaha iyo kala diridda dhinacyada, waa doorasho aan lagu cabbiri karin doonis bulsho. Waa doorasho diwaangelinaysa guusha nidaam u samaysan inuu hor istaago soo bixidda xorriyadda iyo in dadku siyaasaddooda muujiyaan.
Haddaba, wayddiinta udubdhexaadka ahi lama xidhiidho in Itoobiya awoodi doonto qabashada doorasho kowda Juun, 2026, oo jawaabtu waa haa. Laakiin, wayddiinta dhabta ahi waxa weeye: suurogal ma tahay in doorashooyin la qabtay ka dib markii la wiiqay xulashada siyaasadeed ee aasaasiga ah loo tixgaliyo mid dimuqraaddi ah?
Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.