Skip to main content

Thursday 23 January 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Siyaasad

Doorasho Sinigaal taariikhdeeda dib ugu xidhaysa

2 April, 2024
Image
Faye
Anti-establishment candidate Bassirou Diomaye Faye was set March 25 to become the youngest president in Senegal's history after his rival conceded the race, triggering a political earthquake in the West African nation. (Photo by MARCO LONGARI/AFP via Gett
Share

Doorashadii uu ku soo baxay Basiiru Dhiyoomaaye Faaye waxay rejo cusub galisay shacabka Sinigaal, balse ma u suuragali doontaa in uu oofiyo filashadoodaas sarraysa?

 

“Anigu xirfaddan kalluumaysigaan ku gaashaan qaaday, waxaanan rabaa in aan sii joogteeyo,” ayuu yidhi Mukhtaar Ndiaye oo ah mid madax adag. Wuu diiday in uu ka tago xirfaddiisan, iyadoo adduunkuba dhabarka u jeediyay. Waxa ku kaliyaystay isaga iyo walaalkii iyo doontooda kalluumaysiga. Waxa uu ka soo jeedaa Saint Louis oo dhacda waqooyiga-galbeed ee Sinigaal, halkaas oo doonyaha qalaadi ka laasteen gabi ahaan kalluunkii ku jiray; isla dhibkii ka dhacay magaaladaa uu ka soo jeedo ayuu hadda ku marayaa Ziguinchor.

“Doontan ayaan ku tagi karnaa Isbayn, way ina gaadhsiin kartaa oo mashiin wanaagsan ayaa saaran,” ayuu yidhi walaalkii, Baka. Odhaahdan ayaa uu intaa sare ugu gacan saydhayay. Waxay rabaan in ay ahaadaan waxay waligoodba ahaayeen, iyagoo dalkooda jooga. Ruuxdan iska-caabbinta leh ee jar iskaxoornimadu ku ladhan tahay, waa ta ay muujiyeen codbixiyayaasha boqollaalka kun ah ee reer Sinigaal, kuwaas oo aakhirkii loo oggolaaday in ay codkooda dhiibtaan Maarso 24, 2024.

In lagu qasbo qabashada doorashooyinka waa habka koowaad ee looga raayay xukuumadda hadda xilka wareejinaysa, taas oo dib u dhigtay doorashada oo ay ahayd in ay qabsoonto Febraayo 25-dii. Waxay rabeen in ay dib u dhigaan ilaa bartamaha Diisembar. Isu soo baxyo dhallinyaradu kaga soo horjeedaan dib u dhigistan ayaa ku riixday Maxkamadda Dastuurku in ay is hortaagto wareegtadii uu madaxweyne Macky Sall damacsanaa in uu dib ugu dhigo doorashada. Doorashadu waxay qabsoontay bil ka dib xilligeedii caadiga ahaa, tan oo noqonaysa dib u dhigistii u horraysay ee soo marta taariikhda doorashooyinka Sinigaal.

Natiijadu waxay u taagan tahay ka leexashada dhabbadii ay ku taagnayd siyaasadda Sinigaal ilaa hadda. Bassirou Diomaye Faye waxa musharaxa loo doortay ka dib markii musharaxa xisbigiisa ee Ousmane Sonko la laalay musharaxnimadiisa sababo la xidhiidho danbiyo lagu soo oogay. Waxa xigtay in isaga laftiisa la xidho. Waxa uu muddo dhawr toddobaad ah isaga gudbay maxbuus maxkamadayn sugaya ilaa madaxweynaha shanaad ee jamhuuriyadda.

 

Mudane ilaa arday

Si la mid ah dugsi Quraanka, ee macallinku u gudbiyo cilmiga ardaydiisa, kuwaas oo iyaguna asaasa dugsi iyaga u gaar ah, ayaa siyaasadda Sinigaalna u ahayd tan iyo madaxbannaanidii mid qori isu dhiib ah. Madaxweynihii koowaad ee xilka qabta madaxbannaanidii Sinigaal ee 1960 ka dib, madaxweyne Leopold Sedar Senghor, waxa uu awoodda ku wareejiyay iscasilaaddiisii ka dib, Abdou Diouf, si ay xukunka u sii hayaan xulafadiisa siyaasadeed ee xidhiidhka dhow la lahaa Faransiiska iyo IMF. Doorashadii 2000 ee uu ku guuleystay hoggaamiyihii mucaaradka ahaa ee Abdoulaye Wade waxa loo arkayay isbeddel siyaasadeed oo lagaga xadhig goosanayo tagtada siyaasadeed ee Sinigaal ee qori isu dhiibka ahayd, balse waxay noqotay uun in mar kale isbedbeddalaan qoysaska awoodda lehi. Qoysaska awoodda leh se dhexdooda waa ka suurtagal in ardaygu ama wiilku asaasto xulafo siyaasadeed oo u gaar ah oo uu aabbaha ama macallinka ka goosto.

Ka dib isku daygii madaxweyne Abdoulaye Wade uu xukunka rabay in uu ku keeno inankiisa Karim, waxa tan ka cadhooday Macky Sall oo ka goostay. Macky Sall waxa uu ahaa raysalwasaaraha xukuumadda Abdoulaye Wade. Waxa uu kula tartamay doorashadii 2012, isagoo ku ololaynaya isbeddel siyaasadeed iyo daahfurnaan. Hadda waa kan isku dayay – se ku guuldarraystay – in uu xukunka u gudbiyo xulafadiisa siyaasadeed oo uu xilka qabto Amadou Ba.

Marka xagashaa laga soo eego, madaxweynaha hadda la doortay ee Bassirou Faye iyo musharaxii hore ee xisbigiisuba waxay u taagan yihiin burinta siyaasaddaas qori isu dhiibka ah ee Sinigaal, taas oo wanaagga kali ah ee ay leedahay – xasillooni – uu yahay sidoo kale cilladdeeda u weyn; qaab siyaasadeedkan wax isbeddel ahi kuma dhicin tan iyo xornimadii. Maalintii u danbaysay ee ololaha doorashooyinka madaxtooyada, ayuu Abdoulaye Wade oo 97 jir ahi ka aargoostay madaxweynaha hadda xilka wareejinaya ee Macky Sall, 12 sanno ka dib, ka dib markii uu iclaamiyay in isaga iyo xisbigiisuba ay taageersan yihiin musharaxnimada Bassirou Diomaye Faye.

 

Ciqaabta xukun-diidka

1992 ayaa filim sameeyaha reer Sinigaal ee Ousmane Sembene soo saaray filimka ‘Guelwaar’, oo maalmahan qaybo ka mid ah la wareejinayay baraha bulshada. Mid ka mid ah shaqsiyaadka matalaya ayaa xilli la qaybinayay cunto dalalka deeqaha bixiyaa ku deeqaan, go’aansanaya in uu taliska ka fallaagoobo oo dabadeed jeedinaya qudbad uu ku dhaleecaynayo.  Wuu ka yaabinayaa siyaasiyiintii iyo dadweynihii meesha joogay kolka uu soo xigto odhaah uu leeyahay filasoof reer Sinigaal oo qarnigii 17-naad noolaa, Kocc Bara Fall: “Nin qab weyn haddaad rabto in aad disho, waxaad kafaysaa baahiyihiisa maalinlaha ah. Sidaas ayuu ku noqonayaa addoon.” Siyaasiyiinta kurbada ku dhagaysanaya waxa ka muuqata dhiillo oo waxay rabeen in ammintan fadeexadda miidhan ahi soo afjaranto. Mid baa dalbanaya fasiraad, mid ka mid ah kaaliyayaashiisa ayaa ugu niyad dejinaya: “Ninka hadlay ereygiisii u danbeeyay maantuu jeediyay.”

Soddon sanno ka dib samaynta filimkaas, Sinigaal wali waa mid cuntada dibadda kala soo degta – 60% bariiska dalku quuto waa la soo dejistaa – dalkuna aad buu u deymaysan yahay. Sinigaal marar dhawr ah waxa soo maray hoggaamiyayaal xaq u dirir ah oo ka dhiidhiyay dhaqaalaha dalka ee ku tiirsan beerista lawska iyo xidhiidhka maalgaliyayaasha galbeed – gaar ahaan kuwa Faransiiska ah. Jawaabta ay xaq u dirirkani helayeen waxay ahayd in la xidho, in la musaafuriyo ama la dilo, sida ay dhawaan jeelasha kaga soo bogteen hoggaamiyaasha mucaaradka ah iyo boqollaal dhallinyaro ahi.

Markaa madaxweynaha dooran ee Bassirou Diomaye Faye iyo Ousmane Sonko-ba waxay isku dayayaan in ay jeexaan dhabbe dhagax ku gudban yahay.

 

Dhabbaha kale ee madaxbannaanida: Hantiwadaag leh muuqaal Sinigaali ah

Madaxbannaanidii siyaasadeed ee Sinigaal ka qaadatay Faransiiska 1960-kii, waxay ahayd mid halxidhaale ku gedaaman yahay: Madaxweynihii koowaad ee dalka oo ahaa maansayahankii Leopold Sedar Senghor, ma ahayn mid raba in dalku madaxbannaanidiisa qaato. Fiiro dheeridiisa siyaasadeed waxa uu ku hantay, in uu isagoo qawmiyad yar ka soo jeeda oo Kiristan Kaatooliga ah (diin ay haystaan 10% wax ka yar) xilka ugu sarreeya dalka qabtay. Ka dib markii uu ku gacan dhigay abaabulayaashii hore ee ururrada shaqaalaha iyo hoggaamiye diimeedyada – labadan oo ahaa ururradii ugu ballaadhnaa ee Sinigaal xilligii gumeysiga – waxa uu Senghor u hawl galay in uu dalka ka tirtiro siyaasiyiintii rabay in ay adeejiyaan madaxbannaanida dalka oo dhaqaale ahaan isbeddel ku sameeyaan.

Mamadou Dia, oo ahaa raysalwasaarihii Senghor ayaa ugu cadcaddaa dadka abaabulkan caynkan ah ku jiray. Hadduu Senghor rabay in uu raaco xarriiq Baariis ku dhaweynaya, Mamadou Dia waxa uu rabay in uu dhiso hantiwadaag Afrikaan ah oo loo marayo iskaashi dhanka falashada beeraha ah. Mamadou Dia waxa uu rabay in uu xoreeyo awoodda beeratada gudaha oo ka xoreeyo deymaha dulsaarka badani saaran yahay ee ay ka qaadanayeen dillaalinta. – oo uu ka takhalluso dillaaliintan hadday yihiin wadaaddada muslimiinta ah ama ganacsatada reer Lubnaan. Mamamdou Dia dhanka aydhiyoolajiyadda waxa uu ahaa mid ka fog reer Galbeedka iyo Midawga Soofiyeet-ba. Waxa uu aaminsanaa in ay tahay in sees looga dhigo hantiwadaagga Afrika qiyam aadannimo oo isku wadi kara diimaha dadka reer Sinigaal hadday tahay Kiristaaniyadda iyo Islaamkaba. Ka dib markii uu awoodda kula loollamay Senghor, ee lagu eedeeyay isku day afgembi 1962, Mamadou Dia waxa lagu xukumay xabsi daa’in oo waxa lagu xidhay Kedougou oo 900km u jirta caasimadda Sinigaal, Dhakaar (Dakar).

Hoggaamiyayaasha muslimka ahi waxay doorbideen in ay taageeraan Senghor-ka Kaatooliga ah iyo Golaha Ganacsiga ee Faransiiska si ay u ilaashadaan ganacsigooda iyo doorka saamaynta leh ee samaysteen xilligii gumeysiga. Cafis madaxweyne ayuu Mamadou Dia xabsiga kaga soo baxay 12 sanno ka dib, balse waxay ahayd goor doorkiisii siyaasadeed wiiqmay: waxa loo arkayay ilaa dhimashadiisii in uu yahay manaaradda akhlaaqda, balse kuma uu guulaysan in uu saamayntiisan codad ku kasbado.

Kacdoonka qiyamka Islaamiga ah ee la dagaallanka musuqmaasuqa

Dawladda Sinigaal waa mid cilmaani ah, oo diintu ka soocan tahay dawladda, hase ahaatee ururrada diiniga ahi, sida Ikhwaanul muslimiinku, waa kuwo fure u ah fahanka taariikhda dalka. Waana kuwo saamayntooda adeegsada si ay xasilloonida u soo celiyaan, kolka ay dhacaan kacdoonno ama shaqajoojin – iyagoo badanka u xaglinaya danaha siyaasiyiinta iyo ganacsatada. Waxay aad hoosta uga xarriiqaan taageerayaasha iyo dadka ka soo horjeeda Ousmane Sonko in uu yahay mid ku adadag qiyamka Islaamiga ah.

Ousmane Sonko waa asaasaha xisbiga Pastef, kaas oo xarfaha magaciisu u taagan yihiin ‘shaqo, anshax iyo walaaltinimo.’ Ousmane Sonko waxa uu caddeeyay in ay ka dhab tahay halganka uu qiyamkan ugu jiraa, kolkii isagoo ka mid ah baadhayaasha xarumaha baadhista cashuurta uu ku soo eedeeyay xukuumaddu in ay musuqmaasuqday qaybinta liisanka saliid baadhista. Falkan shaqadiisa ayuu ku waayay, balse waxa uu ku hantay ixtiraamka kumannaan dhallinyaro ah, kuwaas oo u arkay in uu yahay hoggaamiye siyaasadeed oo qiyam sare leh.

Muddo ayna caddayn aydhiyaloojiyadda uu xisbigiisu u taagan yahay ka dib, waxay isku qeexeen “xisbi garabka bidix ah oo Midnimida Afrika rumaysan,” iyagoo wata soojeedin ah in dib looga wada xaajoodo heshiisyada ka faa’ideysiga kheyraadka – dahabka, shidaalka iyo saliidda. Waxayna dood ka fureen adeegsiga lacagta Faranka, oo ahayd lacagtii Sinigaal isticmaali jirtay ilaa waagii gumeysiga. Qudbadihiisa waddaniga ahna waxa uu kaga hadlaa daryeelka dadka reer Sinigaal, waxaana uu dhaleeceeyaa hay’adaha dhaqaale ee u qaabaysan in ay ilaaliyaan danaha maalgaliyayaasha qalaad. Qodobbadan ayaa u soo jiiday taageerada dhallinyaradda, dal celceliska da’aadiisu yahay 19 jir.

Magaalada Ziguinchor oo ah magaalada uu ka soo jeedo sidoo kalena ay ku nool yihiin taageerayaashiisa u badan, kumanaan dad ah ayaa si waalli ah u rumaysan hoggaankiisa, kaliya in uu yahay nin “ilaahay ka baqaya” si ka duwan siyaasiyiinta kale – kuwaas oo ay u arkaan in ay yihiin kuwo musumaasuqlayaal ah oo aan la dan ahayn dadka reer Sinigaal ee caadiga ah. Guushiisii dhawyd ka dib madaxweynaha dooran, Bassirou Diomaye Faye, waxa uu wajahi doonaa danleydii nidaamka dalka ka jira ku tiirsanayd oo ah siyaasiyiinta iyo ganacsatada gudaha iyo maalgaliyayaasha dibadda, gaar ahaan gumeystihii hore ee dalka, Faransiiska.

Deynta dalku waa mid cirka ku shareeran – waxay tahay in ay bixiyaan $3 bilyan ilaa 2026, taas oo u dhiganta 10% tacabdhalka idil (GDP) ee Sinigaal. Madaxweynaha doorani sidoo kale waa in uu maamulo rejada sarraysa ee uu bulshada galiyay xilligii ololaha. Dabbaaldeggii jidadka Sinigaal ka dhacayay waxay ahaayeen kuwo muujinaya in shacabku dareensan yihiin in ay ninkii iyaga dantooda ka shaqayn lahaa kursiga saareen. Waqtiga waa uu is gurayaa, waydiinta taallaana waa: ma ka dhabayn doonaa rejadooda?