Monday 7 September 2026
17-kii Julaay ee 2026, baarlamaanka Israa’iil (Knesset) waxa uu u codeeyey in la golaha la kala diro, arrinkan oo gogoldhig u ah doorashooyinka guud ee la qorsheeyey inay ku qabsoomaan xilligoodii dastuuriga ahaa. Tallaabadan waxa loo arkaa horumar weyn, sababtoo ah, tan iyo 1988-kii, waa markii koowaad ee Knesset-ku dhammaysto muddo-xileeddiisa, sidoo kalena xukuumadda Netanyaahu waa xukuumaddii koowaad ee tan iyo wakhtigaas dhamaysata muddo-xileeddeeda. Ka sokow dhibaatooyinka xukuumadda isbahaysiga ah soo waajahay, sida in mucaaradku ku eedeeyeen guuldarrooyinka la xidhiidha dhacdooyinkii 7-dii Aktoobar, xaqiijin la’aanta yoolasha dagaalkii Iiraan iyo mucaaradadda adag ee bulshadu kala hortimi wax ka beddellada garsoor ee ay xukuumadda Netanyaahu bilawday dhammaadkii 2022-kii, haddana mucaaradku kumay guulaysan inay ridaan xukuumadda ama ay doorashooyinka kasoo horumariyaan wakhtigoodii rasmiga ahaa. Xilligan, waxa bilaabmaya diyaargarawga axsaabta ee doorashada, iyadoo la filayo in isbahaysiyadu is bedbeddelaan ilaa laga gaadhayo 8-da September ee 2026 oo ah wakhtiga kama dambaysta ah.
Kolka la eego Netanyaahu, waxa jira tilmaamo kordhaya oo muujinaya hoos u dhac ku yimi fursadihiisa guusha. Sawirka laga haystaa waxa uu hoos u dhacay ka dib dagaalkii labaad ee lagu qaaday Iiraan, xabbad-joojintii iyo is’afgaradkii ay gaadheen Maraykanka iyo Iiraan 17-kii Juun. Waxa kale oo dhaawac sii gaadhsiiyey isbeddelka ku yimi mawqifka Madaxweyne Trump. Trump oo kolkii taageero u muujinayey Netanyaahi ayaa bilaabay inuu eedaymo usoo jeediyo, arrinkanina waxa uu noqday wax ay ka faa’idaystaan mucaaradka Israa’iil, oo ay ka dhigeen masuul aan gudan karin xaqiijinta danaha Israa’iil. Waxa kale oo cadaadis ku noqday isbahaysiga dhex maray Naftali Bennett iyo Yaa’ir Labiid. Waxa kale oo cadaadis leh kor usoo kaca xisbiga Gadi Eisenkot ee Yashar oo bilaabay inuu kaxaysto kooxo midigta dhexe ah.
Kor usoo kaca xisbiga Eisenket waa mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee Netanyaahu horyaalla, sababtoo ah, Eisenkot waa taliye hore oo ciidamada ah, inankiisana ku waayay Dagaalka Qasa. Waxa uu isku dayayaa inuu xisbigiisa u badiyo dhinaca midigta dhexe, isagoo adeegsanaya olole ballaadhan, sida lagamamaarmaannimada inay Israa’iil guulaysato. Aragti ururin la sameeyey Julaay waxa ay muujinaysaa in xisbiga Yashar uu la siman yahay xisbiga Likud ama uu waxyar ka horreeyo. Mid ka mid ah aragtiyo ururintaas, waxa uu helay 23 kursi halka Likud uu ka helay 22 kursi, ra’yi ururin kalena, waxa uu helay 22 kursi, halka Likud uu helay 20. Ra’yi ururin kale oo la sameeyey baa muujinaysa in Eisenket uu Netanyaahu kaga horreeyo cidda bulshadu ay u aragto inuu ku habboon yahay madaxa xukuumadda. Intan waxa dheer saadaal sheegaysa in heerka codaynta ee bulshada Carabta ah ee Israa’iil gudaheeda ay gaadhi doonto boqolkiiba 65, iyadoo ka kordhaysa heerkii ahaa boqolkiiba 45. Dhammaan waa arrimo yaraynaya fursadda uu Netanyaahu ku heli karo aqlabiyadda la rabo oo ah 61 kursi.
Iyada oo ay jiraan tilmaamahan sii kordhaya ee yaraynaya suurogalnimada guuldarrada Netanyaahu, haddana Netanyaahu waxa uu isku dayayaa inuu dib u qaabayn ku sameeyo xisbiga Likud-ka iyo inuu saamayn badan ku yeesho murashaxiinta u xulan doorashada. Mid ka mid ah soojeedinihiisa waxa ka mid ah in la laalo ama la dhimo doorashooyinka gudaha xisbiga ee is reebreebka ah iyo in la siiyo awood uu isagu ku dooran karo toban murashax oo ka mid ah soddonka kursi ee ugu horreeya murashaxiinta xulan. Waxa kale oo uu soo jeediyey in la sameeyo guddi xisbiga gudihiisa ah oo qaabbilsan nidaaminta murashaxiinta xulan. Isbeddelladan waxa uu ku sababeeyey in murashaxiinta imika xulan ay yihiin kuwo aad xagjir u ah oo aan soo jiidanayn midigta dhexdhexaadka ah, arrinkaasina keeni karo guuldarrada Likud-ka. Waxa uu soo jeedinayaa in dadka xulan lagu daro shakhsiyaad midigta dhexdhexaadka ah ka tirsan, sidoo kalena lagu soo daro shakhsiyaad millatari iyo xirfadeed. Hase ahaatee, soojeedintiisu waxa ay xisbiga kala dhex kulmaysaa mucaaradad adag, sababtoo ah in murashaxiin cusub lasoo xulaa waxa ay ka dhigantahay in meesha laga saaro xildhibaanno iyo wasiirro hadda shaqeeya.
Waxa kale oo jira warar hoose oo sheegaya suurogalnimada in Netanyaahu aasaaso xisbi siyaasadeed cusub, haddii aanu awoodin inuu aragtidiisa ka hirgaliyo xisbiga Likud-ka. Qaar ka mid ah saadaalaha ayaa xusaya in uu hoggaamin karo xisbi kuraas badan hela, iyagoo barbardhigaya Ariel Sharon kolkii uu ka goostay xisbiga Likud-ka sannadkii 2005, ee uu aasaasay Kadima. Hase ahaatee, isbarbardhiggani waa mid aan dhamaystirnayn; sababtoo ah Sharon berigaas waxa uu marayay figta awooddiisa siyaasadeed, waxaanu haystay muddo badan oo uu ku nidaamiyo xisbi cusub. Sidoo kale, ka goosigiisa xisbiga Likud-ku waxa uu la xidhiidhay khilaaf aydhiyoolajiyadeed oo ku saabsanaa kasoo bixidda Qasa. Hase ahaatee, wararkan la xidhiidha xisbiga cusub waa warar ay u badantahay in lagu cadaadinayo in xubnaha Likud-ku yeelaan soojeedinaha Netanyaahu.
Sidaas oo ay tahay, wax ka beddelka xubnaha u xulan doorashada Likud-ku waxa suurogal ah inaanay badbaadin Netanyaahu, sababtoo ah xisbigu keliya dhibaato doorashada xubnaha ahi ma haysato, ee waxa is beddelay gebi ahaan sawirka ay ka haystaan dhinacyada midigta dhexdhexaadka ah, waxaana loo arkaa xisbi u dhow midigta xagjirka ah. Sidoo kale, Netanyaahu ma keenin tallaabooyin siyaasadeed oo sawirkaa beddeli kara, ee waxa uu kusii socdaa wax ka beddelka dastuurka, welina go’aan rasmi ah kamuu soo saarin ciidamaynta kooxaha Xeridem-ka, oo ah qaddiyad muhiimad weyn u leh xubnaha wax dooranaya ee ka tirsan midigta dhexdhexaadka ah. Tallaabooyin waaweyn oo siyaasadeed la’aantood, wax ka beddelka toban murashax waa ay soo jiidan kartaa xubno dhexdhexaad ah, se waa tallaabo dhinacyo hadda xisbiga ka tirsan sii fogaynaysa.
Waxa kale oo jira xisbiyo Carbeed, oo sida la xaqiijiyey, kolka ay isbahaysi samaystaan Knesset-ka ka hela kuraas oo ka tiro badan kolka ay keli keli doorashada u galaan. Haddaba, saadaalaaha iyo ra’yi ururinta la sameeyey waa kuwo muujinaya in xisbiga Netanyaahu uu heli karo kuraasi u dhexeeya 49 ilaa 52, oo ka mid ah 120-ka kursi ee lagu tartamayo ee Knesset-ka. Xisbiyada kale ee Sahyuuniga ayaa la qiyaasay inay helayaan 56 ilaa 60 kursi, halka xisbiyada Carabtuna heli karaan 10 ilaa 11 kursi. Saadaashani waxa ay ka dhigantahay in garabka kasoo horjeeda Netanyaahu aanay awoodin inay soo dhisaan xukuumad, haddii aanay isbahaysi la gelin xisbiyada Carabta.
Doorashadan soo socota waa mid ka mid ah doorashooyinkii ugu muuhimsanaa sooyaalka Israa’iil, sababtaas awgeed ayaanay u adagtahay in la saadaaliyo natiijooyinkeeda, se haddana saadaaluhu waxa ay u badan yihiin in garabka Netanyaahu mucaaradka ku ahi ay heli doonaan tiro kuraas oo ka badan kuwa Netanyaahu, haddii ay helaan wax ka badan 60 kursina, waxa ay awoodaan inay soo dhisaan xukuumad wadaag ah, iyagoon kaalmo ka helin xisbiyada Carabta. Hase ahaatee, dhammaan xaaladaha taagani, waxa ay guuldarrada Netanyaahu ka dhigayaan mid uga dhow guul uu gaadho.
Qoraalkani waa tarjumaad iyo sookoobid laga sameeyey falanqayn lagu daabacay halkan.