Thursday 23 January 2025
Nabar doogi ma hadho
— Maahmaah Soomaaliyeed
Doogtu waa falcelin ka dhalata dhacdo argagax leh oo uu qofku la kulmo, taas oo raad xooggan kaga tagta nafsadda iyo dareenka qofka. Doogta waxa sababa arrimo ay ka mid yihiin: dagaallada, saboolnimada, qaxa, cunfiga guriga, kala'tagga lammaanaha, dhimashada iyo wixii la mid ah. Doogta waxa loo qaybiyaa laamo kala duwan waxase ugu caaansan: kow, doog fudud (acute trauma), waa doog qofku mar la kulmo, oo wakhti yar qaadata. Labo, doog joogto ah (chronic trauma), waa doogta qofka ku soo noqnoqota, taas oo uu qofku si joogto ah u la kulmo. Doogtan waxa ka mid ah: cunfiga guriga, xadgudubka (abuse). Saddex; doog murugsan (complex trauma), waa doog qofka ugu dhacda siyaalo kala duduwan, sida in qofku la kulmo; cunsuriyad, cunfi bulsheed, dagaal iyo barakac. Doogta jaadadkan ahi ee uu qofku noloshiisa la kulmo, waxa la yidhaahdaa: doog murugsan. Tan waxa ugu caansan oo tusaale u ah doogta carruurnimada (childhood trauma), taas oo ah qodobka uu daaran yahay ciwaanka maqaalkeennu. Waa doog aynu ugu jidbixin doonno, sida ay ilmaha u saamayso xag walba oo noloshiisa ah, waa mid ka mid ah doogaha ugu culus ee insaanku la kulmo.
Doogta carruurnimadu waa in ilmuhu la kulmo dhacdooyin argagax leh, kuwaas oo saamayn taban kaga taga nafsaddiisa iyo dareenkiisa. Doogta uu ilmuhu la kulmi karo, waxa ka mid ah: colaadda, abaaraha, cunfi qoyseedka (domestic violence), dilka, bahdilaadda, cayda, yasidda, dayacaadda, gudniinka fircooniga, xadgudub jinsi ah, waalidka oo is fura iyo saboolnimada. Intaasi waxa ay ilmaha ku sababi karaan in uu dhaxlo jaad uun oo doog nafsadeed ah, taas oo eelkeedu si xun u carqaladayn karo geeddisocodka dhan walba ah ee ilmuhu samaynayo. Doogtu waxa ay jidgooyo u dhigataa isu dheellitiranka korniin ee ilmaha. Waxa ayna ku keentaa in ilmuhu kala koro, oo waxa aad arki kartaa: qof weyn oo jidh ahaan koray, se garaad ahaan saqiir ah, taasi in ay dhacdo waxa kaalin ku leh doogta carruurnimada ee ilmuhu soo maro. Abwaannada kasmanafeedda korniinka (developmental psychology), ka faalloota waxa ay tibaaxaan in ay lamahuraan tahay in ilmuhu sameeyo koboc ku aaddan dhawr jaanib oo ay ka mid tahay: koboc maskaxeed, koboc jidheed, koboc bulsheed, koboc afeed iyo koboc dareen. Intan oo looga baahan yahay in ay ilmaha si siman oo dheellitiran u kobcaan ayey doogta carruurnimadu kala dhantaashaa. Doogtu waxa ay adhaxda ka jabisaa habsami-u-socodka korniinka ee ilmaha, waxa ayna dhaxalsiisaa jirrooyin nafsadeed/maskaxeed oo ilmuhu marka uu weynaado noloshiisa mustaqbaleed oo idil caqabbad hortaagan ku noqota. Sidaa darteed doogta carruurnimadu waa khatar, wayna ka halis badan tahay doogta qofku marka uu weynaado ku dhacda.
Doogta carruurnimadu waxa ay leedahay eel aad u daran. Waxa ayna saamayn xun ku reebtaa korniinka maskaxeed ee ilmaha, waxa ay dhashaa qulub, diiqad, walaac iyo doogreeb PTSD (Post-traumatic stress disorder). Go'aan qaadashada, wax qorshaynta, diirad-saaridda, maaraynta dareennada, xasuus yaraan, cabsi, murugo, cadho badan, bayr iyo xiisajab, ayaa doogta laga taransadaa. Doogtu waxa kale oo ay saamayn ku leedahay, dad dhexgalka. Ilmuhu marka uu koro waxa uu noqdaa; qof shaki badan, kalsooni darran oo aan qaabdhaqan hagaagsan lahayn. Waxa ku adkaata waxbarashada, maangalnimada iyo in uu arrimo murugsan si hagaagsan u lafaguro. Waxa dhaawac weyn soo gaadhaa, sawirka uu naftiisa ka haysto iyo xushmadda naftiisa (self-esteem). Waxa uu noqdaa ruux la daalaadhacaya dareenno taban oo ay ka mid yihiin: liidnimo, quursi, ceebaal, qoomamo, hiifid, haaraamid iyo calashi uu naftiisa ku wado. Intaas oo dhan waxa dheer in doogtu irridda u furto in ilmuhu/qofku barto mukhaaddaraadka iyo in uu balwadda ku walfo (drug addiction). Tan waxa uu kaga dhuumanayaa dareennada sida dhinbiil dab ah duunkiisa hoose uga shidmaya. Waa maxsuul kale oo ay leedahay doogta carruurnimadu, waana qodob inoo caddaynaya halista doogtu ku leedahay nolosha ilmaha. Waxa muhim ah in la xuso in doogtu kaalin lixaad leh ka ciyaarto in qofku dhaxlo: jirrooyin nafsad-jidheed (psycho-somatic disorders), sida madax xanuun, daal, hurdo xumo, caloolxanuun iyo wixii la halmaala.
Maqaalkan waxa aynu ku eegi doonnaa, doogta nafsadeed ee ay carruurta Soomaalidu ka dhaxlaan waayaha qallafsan ee dalka ka jira iyo sida dhaqan Soomaaligu u kaalmeeyo in carruurtu xaaladdo nafsadeed la kacaamaan. Waxa aynu eegi doonaa duruufihii miyiga iyo kuwa magaalagalku sababay, waa is barbardhig ina tusin doona in doogtu sidii u jirto oo weli carruurtu nugul yihiin.
Soomaalidu waxa ay ku nooshahay dhul saxare-xigeen ah, oo oomasoore ah, oo qorfe ah, habnololeedka bulshadu weligii waxa uu u badnaa nidaam xooladhaqato reerguuraa ah, oo hayaan, harraad, hirdan iyo colaad miidhan ah. Labadaas oo isu tagay waxa ay door kaalingal ah ku darsadeen dabciga iyo saykoolojiyadda ruuxa Soomaaliga ah. Dhulka oommanaha ah ee bulshadu degan tahay waxa uu ahaa dhul wax walba suququl iyo cidhiidhi yihiin, taas awgeed waxa ku badnaa colaadaha iyo khilaafaadka qabaa'ilka. Dhulka caynkaas ah waxa ka qarxi jiray dagaallo qaba'ilka dhex mara oo aan dhayal ku istaagin, xididka dagaalladu waxa uu ku saabsanaa kala dhacsashada khayraadka kooban ee geyigaas ka jira. Loollanka qabaa'ilka ee joogtada ahi waxa uu raadeeyey nafsadda bulshada iyo xidhiidhka lammaanaha. Tan waxa aynu ka fahmi karnaa, maahmaahda tidhaahda: "nin iyo naagtii colna ma aha, nabadna ma aha." Maahmaahdu waxa ay ku dhalatay geyiga aynu xaaladdiisa nololeed iyo bulsheed ka faalloonay, sidaa darteed waa la malayn karaa in wixii suugaan ah ee halkaas ka dhasha in ay tahay mid dirirtu ku badan tahay, codka nabadduna uu ku yar yahay. Judhaba waxa aynu qiyaasi karnaa, in ubadka arladaas ku dhalata, aanay ka badbaadi karin jaad uun oo doog nafsadeed ah. Waa meel xidhiidhka lammaanuhu aanu hagaagsanayn, ka bulshaduna colaad u badan yahay, oo waxay ku maahmaaheen, "lugna dirir, lugna baqo." Sidaa awgeed carruurtaasi way nugushahay.
Bulshada Soomaalida ee raacatada ahi waxa saamayn xooggan ku lahaa labada xilli ee kala ah: Gu'ga iyo Jiilaalka. Gu'gu waxa uu ahaa xilli nabadeed oo barwaaqasooran ah. Waxa la odhan jiray Nabad iyo Caano. Waxa uu ahaa xilli dagaalladu kooban yihiin, cidhiidh kale oo nololeedna laga dheer yahay. Jiilaalku waxa uu ahaa ammin aad u ayaandarran. Waxa uu ahaa xilli caan ku ah; dagaal, dhiillo, abaar, hayaan iyo naqraac. Jiilaalka waxa badan jiray furniinka iyo khilaafaadka lammaanaha. Waxa jirta maahmaah duruuftaas ka halcelinaysa oo tidhaahda, "Jiilaalka iyo ninku way legdamaan, kolba ka naagtu raacdaa adag." Soomaalidu waxa ay xilligan ugu yeedhi jireen: ammintii welwelka iyo walbahaarka. Waxa kale oo ay u yaqaanneen, xilligii colka iyo abaarta. Duruufahaas kakan ee xilligaasi wato waxa uu qaabeeyey dabciga nafsadeed ee ruuxa Soomaaliga ah, waxa uuna soosaaray qof la dabci iyo dhaqan ah waayahaas adag.
Ibraahin-Hawd Yuusuf qoraalkiisa la yidhaahdo, "Cadaabtii Carruurta", waxa aynu si gudaballaadhan uga fahmi karnaa nolosha iyo barbaarinta arxanka daran ee ay la kulmaan ubadka ku dhasha dhulka Soomaalida. Waa ubad la kawsada doog carruurnimo oo jaad walba leh, haddii ay noqoto dil, gaajaysiin, hawlo aysan xammili karin oo dusha laga saaro iyo in aan loo muujin in yar oo naxariis ah. Ilmaha waxa la bari jiray adkaysiga. "qofka naftiisa iyo jidhkiisa loo ma carbiyo in uu xal helo, waxaa se loo laylyaa in uu u adkaysto harraadka, gaajada, daalka iyo hawlaha culculus", ayuu Hawd qorayaa. Ilmaha noloshaas reerguuraaga ku dhasha ee ku kacaama, waxa uu Hawd ku tilmaamay cadaab. Waxa uu qoray, "dhulka Soomaalidu waa cadaabtii carruurta." Maqaalku waxa uu sawir waafi ah ka bixinayaa ilmahaasi in aanu ka badbaadi karin doog nafsadeed, marka la eego waayaha kakan ee uu ku dhasho. Buuggiisa "Losing the Art of Suvival and Dignity", Xuseen Cabdillaahi Bulxan oo ah shakhsi wax badan ka qoray nafsadda raacatada, waxa uu ku sheegay in carruurta Soomaalidu korniinkooda hore ay doog la kulmaan. Waxa ay kala kulmaan, waalidka, bulshada iyo duruufta nololeed ee jirta.
"qofka naftiisa iyo jidhkiisa loo ma carbiyo in uu xal helo, waxaa se loo laylyaa in uu u adkaysto harraadka, gaajada, daalka iyo hawlaha culculus"
"Ilmaha Soomaaliga ahi marka uu dhasho illaa laga gaadhayo da'da shan jirka, waxa uu maraa marxalad isugu jirta; cabsi, qallafsanaan, naxariis darro iyo tudhaale-la'aan. Da'daas (0-5 jir), ilmaha waxa la baraa magaciisa, qabiilkiisa ilaa jifadiisa hoose, heer la xifdisiiyo sida Faatixada. Marxaladdan waxa ilmaha looga sheekeeyaa qisooyin sooyaal ah (classical stories), kuwaas oo dhammaantood xanbaarsan argagax, cabsi iyo hal-xidhaale. Qisooyinkaas waxa ugu caansan: Diin iyo Dawaco, Dhegdheer, Dadqalato, Cigaal Shiidaad iyo Googgaaleysi. Sheekooyinkan cabsida xanbaarsani waxa ay kaalin muhim ah ka ciyaaraan bulshaynta ubadka (socialization). Isla da'daas waxa dhacda in hooyadu ilmaha naaska ka jarto. Soomaalidu si ay ilmaha naaska uga jarto waxa ay samaysaa arrin aad u foolxun oo aan loo quuri karin ilmo yar oo dhallaan ah. Waxa la sameeyaa in hooyada naaskeeda la mariyo geedka Dacarta la yidhaahdo, oo ah geed qadhaadh oo qudhmoon. Halkaas waxa uu ilmuhu kala kulmayaa doogta ugu horreysa", ayuu Bulxan ku qorayaa (bogagga 99-100).
Ilmaha nolosha xoolaraacatada ku dhasha way adag tahay in uu ka samatabaxo doog nafsadeed. Maxaa wacay, dhaqanka iyo waayaha nololeed ee dhulkaas ka jira ayaa u abaabulan doog cayn walba leh. Noloshas sidaas ah waxa ka unkami jiray dad dabci qallafsan oo naftooda iyo nafaha dadka kaleba u daran.Wadciga geyigaas ka jiray haddii aynu rabno in aynu fahanno, waxa si weyn inooga saacidiga kara "suugaanta rafaadka", ee Ibraahin-Hawd ka qoro waayahaas, taas oo si la yaqaan u kala dhigdhigaysa xaaladda dhaqan-dhaqaale, bulsheed iyo nafsadeed ee bulshadaas.
Kolkii la magaaloobay, docda kalena la helay dawladnimada, wax badan iskama doorin xaaladdii carruurtu ku jirtay, oo waxa falsafaddii barbaarinneed ee miyiga loo soo waariday magaalada. Ubadka sidii baa loo dilaa oo loo xanuujiyaa, sidiii bay jugo nafsadeed u la kawsadaan, sidii bay ugu nugul yihiin waayaha nololeed ee jira. Deraasaduhu waxa ay tibaaxayaan in carruurta Soomaalidu ay la kulmaan tacaddiyo nololeed oo isugu jira; jidhdil, dagaallo, qax, xadgudubyo jinsi, macalluul, iyo dayacaad. Waxa kale oo ay la kulmaan bahdilaad iyo cunfi afeed kuwaas oo dhaawac maskaxeed gaadhsiiya. Ereyga bahdilaadda xanbaarsani waxa uu ilmaha shakhsiyaddiisu ku sababi karaa burbur nafsadeed oo aanu ka soo kaban. Soomaalidu waxa ay ku maahmaaheen, "uli way qabowdaa, erey xun se ma qaboobo", murtidani waxa ay muujinaysaa halista ereyga xumi ku leeyahay saykoolojiyadda ilmaha/ qofka. Waxa kale oo ay yidhaahdeen, "dhagaxna meel dhow buu ku dhacaa, dhawaqna meel dheer." Odhaahdan waxa laga akhrisan karaa sida hadalku ama ereygu u gaadhi karo meel aanay xabbad iyo dhagax tooni tiigsan karin. Salaan Carrabay waa tii uu yidhi, "afku wuxuu la xoog yahay, magli xawda kaa jara." Carruurtu bahdilaad afeed ayey la kulmaan, way se u kala nugul yihiin, oo waxa si gaar ah loo beegsadaa gabdhaha, kuwaas oo loo cuskado bahdilkooda iyo yasiddooda suugaan Soomaaliyeed oo liidnimo ka ceegaagan.
Musiibadii qaranjabka ee Soomaaliya ku dhacday, waxa ay jugo maskaxeed oo xooggan kaga tagtay carruurta. Waxa unkamay lod doog la ildaran. Jiilka burburkii dhashay waa dadka ugu badan Soomaalida ee la nool jirrooyinka iyo khalkhallada nafsadeed/maskaxeed. Cilmibaadhistii ugu danbaysay waxa ay daaha ka rogtay in caafimaadka dhimirka Soomaalidu uu marayo xaalad afkalaqaad ah, waxa ay tibaaxday in qiyaastii 76% Soomaalidu ay la nooshahay xaalad nafsadeed. Deraasadda dadka ugu badan ee ka qaybqaatay (68.1%) waa dhallinyaro 35 jir ka yar. Waxa la ogaaday in dadka ugu badan ee xanuunnada dhimirka la dhibban ay dhallinyaro yihiin, waxa ay qabaan doogreeb PTSD. Waxa intaas lagu daray in da'yartu si xawli ah u adeegsato mukhaaddaraadka. Xididka doogta waxa la la xidhiidhiyey dagaallada, saboolnimada iyo xasilloonidarrada. Jiilkan waa lod la da'da ah burburka Soomaaliya, badankood waxa ay ku dhasheen ama ku kacaameen riiq colaadeed. Joanna Lewis buuggeeda la yidhaahdo, "Women of the Somali Diaspora", waxa aynu ka ogaan karnaa jiilkii ka qaxay colaadihii gobollada woqooyi (Soomaaliland), iyo Soomaaliya dhammaadkii 1980meedyadii iyo horraantii 1990meedyadii sida ay u la kulmeen nolol qaxootinnimo oo ayaan xun. Marwo Lewis waxa ay waraysiyo kala duduwan la yeelatay dumar iyaga oo dhallaan ah ka qaxay dagaalladaas, waxa ay sheegtay in dumarkaasi doog nafsadeed iyo xasuuso argagax leh la ildaran yihiin. Doogta Soomaalida ka jirta waxa ay maraysaa waxa ay aqoonyahannada kasmanafeeddu u bixiyeen: doog facyaal isaga gudubtay (Intergenerational trauma).
Waagii aan jaamacadda Frantz Fanon dhiganayey, baan waxaan qaatay kooras la yidhaado, "Psychotraumatology." Maaddadan waxa noo dhigaysay macallimad ka soo shaqaysay xarumaha carruurta lagu barbaariyo. Waxa ay noo sheegtay in carruurta Soomaalidu la kulmaan, doog murugsan (complex trauma), taas oo ilmaha kaga timaadda: guriga, goobaha waxbarashada, bulshada iwm. Intaas oo dhan in ilmuhu riiq nafsadeed kala kulmi karo waa wax iska cad, marka la fiiriyo nolosha burbursan ee aynu qaayibnay.
Dawladaha iyo distoorrada Soomaalidu ma ilaaliyaan xuquuqda carruurta, mana jiraan shuruuc dammaanadqaadaysa qodobkaas, kuwaas oo si dhaqangal ah u shaqeeya. Maxaa wacay, ma jiraan siyaasado degsan oo carruurta ku saabsan, weli carruurta wax loola dhaqmaa tabtii miyiga, xuquuqaad badan oo ay lahaayeen ayaan la ilaalin oo si joogto ah loogu tuntaa. Bilmetal; Guuleed Dafac oo ah garyaqaan si dhiirran u difaaca xuquuqda insaanka, waxa uu tibaaxay in distoorka Soomaaliland aanu ka hadlin xuquuqda carruurta. Tiisadiisii uu PhD ku diyaariyey ee ciwaankeedu ahaa, "Carruurteennu Xuquuq ma leeyihiin? Xuquuqaha Carruurta ku Nool Dawladda aan la Aqoonsanayn ee Soomaaliland", waxa uu ku sheegay in xeerarka Soomaaliland aanay ku jirin qodob si qayaxan u qeexaya xadgubyada jinsiga ah ee carruurtu la kulmaan. Waxa uu tibaaxay in aanay jirin xeerar degsan oo dhawraya in ubadka aan la gula kicin xadgudub jinsi ah. (Bogga 129). Mudane Dafac waxa uu cod dheer ku sheegay in carruurtu ku xuquuq la' yihiin xeerarka dawladeed ee Soomaaliland. Sababtuna waa hirdanka ka dhexeeya, xeerarka dhaqan Soomaaliga, shareecada Islaamka iyo qawaaniinta reer Galbeed. Saddexdan sharci in mid walba maanhag gaar ah ubadka ka haysto, ayuu tilmaamay. Tusaale uun baan Soomaaliland u soo qaatay e, dawladaha kale ee Soomaalidu waa la mid oo xaq iyo xuquuq ubadku kuma leh.
Carruurta Soomaalidu waxa ay ku barbaaraan waayo aad u waleecaad badan, waxa gebi ahaanba la xididdo saaray xuquuqihii dhaladka ahaa ee ay lahaayeen, taasi waxa ay sahashay in wax walba lagu samayn karo, maaddaama aanay jirin cid tudhid iyo daryeel gaar ah u haysa. Ubadkaasi waxa ay u nugul yihiin doog carruurnimo oo uga timaadda habnololeedka bulshada. Aqlabiyaddoodu waxa ay dhaxlaan xaalado nafsadeed oo adag. Soojeedintaydu waxa ay ku uruuraysaa: in carruurta xuquuqdooda la dhawro, in la sameeyo xeerar dammaanadqaayada bedqabka nafeed, jidheed iyo maskaxeed ee carruurta, in laga hortago tacaddiyada ka dhanka ah carruurta, in la ilaaliyo jiritaankooda rasmiga ah, in wacyi gelin ballaadhan arrimahaas hirgelintooda loo kaashado, in laga doodo duruufaha ay carruurtu la nool yihiin, in la taageero oo laga qaybqaato wax walba oo ubadka u adeegaya. Waa in la beddelo falsafadda barbaarinneed ee aynu ubadka ku korinno, in la qaato maaddooyinka kasmanafeedda ka tirsan ee carruurta ka warranta. In lagu baraarugo in ubadku ay yihiin khayraadka rasmiga ah ee bulsho leedahay, kuwaas oo kaalin ka ah horukac ummadeed.
Falsafadda barbaarinneed ee ay bulshadu ku koriso ubadka, waxa uu qaabeeyaa mustaqbalka bulshadaas iyo dawladdaas. Soomaalida dadqalnimada, macangagnimada, dhiigyacabnimada iyo bahalnimada caadaysatay, waa maxsuul ka soo baxay hannaanka barbaarinneed ee ay ubadka u koriso. Waa lamahuraan in xididdada loo rujiyo falsafadaha tarbiyadeed ee abaaday, haddii in uun rejo mustaqbaleed la rabo.