Tuesday 9 December 2025
Ereygu iskii uma abuurmo, waa inuu jiro nuxur dabiicadeed ama aadmi oo uu ka yimi. Ereyadu waa natiijo lagu qodobeeyay muuqaalkii maskaxda lagu qabtay, inta aan erey la bixin waxa ka horreeya feker mid ah oo dad isku raaceen wixii ay suuraysteen. Ereyadu waa dhawaq la curiyay, waxana uu dhawaqyada kale iyo jabaqda kaga duwan yahay godadka ay xarfuhu ku dhacayaan oo samaynaya dhawaq gooni ah oo ka duwan tii asalka ahayd. Hadalka iyo ereyada waxa ka horreeyay sawir, in la sawiray wixii la arkay, dabiicadda wixii la gala kulmay, anfariir iyo ashqaraarba midka uu noqdayba. Markii uu aadmigu gartay in uu wax sawiro ayaa is fahanku soo dhawaaday, waxana la helay farsamo ugub ah oo abuurtay in la isku raaco waxyaalo badan oo fekerka iyo maskaxda aadmiga ku koobnaa, balse aan qofna ka kale u tilmaami karin sida uu walaxdaa u suuraystay. Godadka iyo rugihii ay deganaayeen ayay dhir iyo xoolo ku xardheen. Geed baa la sawiray, neef xoola ah ayaa la sawiray, dabadeed waxa uu qof kasta ogaaday sida uu neefkaas u suuraystay in ay dad kalana u suuraystaan. Natiijadaa ayay ereyadu ka dhasheen. Waxay ila tahay in uusan ereygu si habaw ah u abuurmi karin, waa in uu jiro fahan iyo awaal uu ka dhashay, taas oo summadaysa dhismaha uu yeelanayo. Xarfuhu ma laha awood ay iskood nuxur ugu abuuraan, waa se qalab aan la huri karin oo uu ereygu ka dhismo, L, M, T, W, waa xarfo aan door lahayn. Haddii aan isku darno iyaga oo tabtaas ah, waa caydh aan karti lahayn, waxa se nuxurka leh waa sida uu ereygu uga kooban yahay xarfo duwan oo marka la isu geeyo nuxur yeesha. Tirada xarfaha uu ereygu ka koobnaan karo mudnaan ma leh, waxa mudnaanta leh waa fekerka lagu curiyay.
Ereygu waa xarfo iyo shaqallo la isu geeyay oo ku salaysan fahan aan walax ama arrin ka qaadannay. Dabiicadda ayaa laga soo dhiraandhiriyaa, waayaha, iyo abuurta koonka. Asalka hore sida uu erey u dhismo waxa sal u ah dhawaq la isku raacay, kaas oo ka dib la doorto godadka ay xarfuhu ka soo baxayaan. E, waa dhawaq furan oo hooseeya, R oo ka soo baxaysa faraaryaha carrabka iyo foolasha dhabarkooda, iyo shaqalka A oo ka xooggan kaas hore, neef qalallan dhuuntana toos uga imanaysa. Y, waxay ka soo baxaysaa carrabka oo dhexda saaraya dhamxanagga. Neeftii afka gudihiisa lagu googooyay ayaa dhawaqa uu EREYGU yeelanayo soo qaabaaysay. Iyada oo ereyga guud sidaas u dhismay, waxa laga yaabaa dhacdo aan la kulannay inaan u bixinno erey aan horey u naqaannay sifadii asalka ahayd ee loo cugtay. LOXOS, waa ayaanta u horraysa ee reerku aqalka dego, waa xaalad hawl badan oo aan weli la negaan. Innaga oo taas naqaan ayaan aragnay qof ay taladiisu xaaladdaas la siman tahay, mid aan negaansha lahayn oo waxba toos u abbaarayn, had iyo jeerna uu ku fooggan yahay. Waa talo LOXOS ah. Talada aan saluugnay ee laxawsiga badan ee tebaysa negaansho aan hadda ahayn, welina aan wax door ah qaadan ee dayacu ka muuqdo ayaan u bixinnay LOXOS oo aan xaaladdiisa naqaan, tilmaantiisana sidaas u bidnay. Sidaas darteed, waxa jira ereyo fara badan oo sifaynteeda dhacdooyin iyo arrimo kale u adeegsanno, innaga oo sifadii asalka ahayd ka tixraacaynna. Sida ereyga DOOG ama DOOGASHO. Ereygu si madaxbannaan ayuu uga soo farcami karaa sifadii asalka ahayd ee uu walax ama shay u lahaa. Markaa Doog[ta] xanuunka ah waa inaan asalkeeda helno, in kasta oo ay ila tahay erey si madaxbannaan ay sifadiisu uga soo tarantay tii asalka ahayd ee DOOGGA loogu doortay. Horta Doog(tu) naq keli ah kuma saabsana, horraantii waa uu ahaaa, imminka se inuu ka ballaadhan yahay ayaan u tixgalinayaa. Doog marka hurgumada lagu salaynayo waxay leedahay nuxur ah wax dib u soo kacaya, rogaal, isa soo rogaya; sida naqa qudhiisa oo inta uu engago dib cagaarka u bixiya.
Dooggu waa sifa xilliyaysan, waxan uga jeedaa dhirtu xilli ayay doogga yeelataa, waa sifada loo bixiyo is beddelka geedka oogadiisa ka muuqda, ma se aha wax waara oo sifa rasmi ah oo guun ah u hirgala.
Dhawaqu ma noqon karaa qodob nuxurka ereyada kala qaybiya? Waxan uga jeedaa dhawaqu miyuu ereyada kala geddisnaan u sameeyaa? Haa, balse sal uma aha kala duwanaanta ereyada. Horta waxa habboon inaan isku dayno siyaalaha uu dhawaqu ereyada u kala reebo, u kala duwo. Dhawaqu laba erey oo kala macna duwan oo qudha ma kala reebo. Dhawaaqu xitaa erey macna qudha leh ayuu laba dhawaaq oo kala geddisan u yeelaa. Waxa uu galaa kuwa aad u kala fog oo macnayaal kala geddisan leh, isku dhigaal se ah oo dhawaqooda loo cuskado kala soociddooda. Erey marka uu sifa yahay aad dhawaaqiisa taqaan ayaa is geddiya oo dhawaaq kale yeesha marka uu magac noqdo. Geeddi, dhawaqu leeyahay waa uu ka yara duwan yahay kan uu yeesho jeerka uu magac noqdo. Sidoo kale waxa jira kuwa aan iyaga dhawaqoodu is doorin, sifa iyo magacba. Qayb kale dhawaqii asalka u ahaa mid aan ahayn ayay yeeshaan kolka sifayn kale loo adeegsado. Dhawaqo waxan filayaa in uusan ku filnaan doodda dhawaqa loogu adeegsado in lagu kala sooco ereyada isku dhigaalka ah, balse aan isku dhihidda ahayn—Isku Dhigaal, Kala Dhihid. Ereyada Doog(ta) iyo Doog(ga) kala duwantooda dhawaqa lagu saleeyo waxay iila muuqataa in uusan dhawaqu kala duwanaantooda asal u ahayn, waayo doogta dhawaqeeda kan kale ka geddisa waxan filayaa in uu dib ka yimi kolkii uu ereygu macnaha aan naqii ahayn yeeshay. Intaas kadib, doogasho waa natiijada asalka ah oo naqa lagu koobay, midna isla doogashadaas oo aan naqii ahayn ayaa lagu saleeyay, waxana u malaynayaa in ay tahay is beddelka muuqda ee oogada caleenta iyo dhulka ku dhaca ee barwaaqada, cagaarka iyo weecaanta leh, halka ay Doogtu tahay wax sidaas oo kale u soo laabtay oo xanuun ama caabuq gudeed ah. Waa sida aan uga fekeray in uu ereyga Doog ka yimi. Ereyguna dhisma kale oo badan ayuu sii yeeshaa, isaga oo ay kala duwan yihiin dhismaha kan togan oo cagaarka ah iyo ka taban oo jirrada ah. Sida filasha wacan oo qofka loo abdaynayo in uu xanuun ka soo roonaado, waa soo Doog. Waxa loo rejenayaa in uu caafimadku tabtii hore ugu laabto, u soo doogo. Geddaas oo kale, waxa hurgamada waa la soo doogtaa, wuu soo doogay, iyo wuu soo doogtay, labaduba rogaal ayay muujinayaan, wax gadaal u soo noqonaya, naxwe ahaan se labada erey mid waa dhedig oo xarfka (t) ayaa gadaal ka raacaya, midna xarafka (g).
Haddii kale oo ereyga iskii loo tixgalinayo, waxa doodda keenaya laba erey oo isku eg, aan isku mid ahayn, in dhawaqooda oo keli ah kala duwanaantooda lagu saleeyo, iyada oo ciladdu tahay dhismaha isku midka ah ee labada erey, iyo nuxurkooda oo kala duwan.
Haddii uu ereygu iska abuurmo; isagu is curiyo, wax aan garaad lahayn sidee iskii isugu abuuri karaa? Wuu iska abuurmaa, waxay u dhigan tahay isaga ayaa inoo cuga nuxurka aan ereyga ku xambaarno.