Skip to main content

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Dhaqan

Doodaha Maay iyo Maxaa; laba af mise laba lahjadood?

23 September, 2026
Image
Doodaha Maay iyo Maxaa; laba af mise laba lahjadood?
Share

Doodaha ku saabsan "May iyo Maxaa" in ay labo afguri yihiin iyo in ay yihiin labo af oo kala madax bannaan, waa dood soo jirtey afartankii sano ee u danbeeyey, waxayna doodahani ku kala arooraan Dugsiyada Baadhista Soomaalida. In May iyo Maxaa ay yihiin labo afguri oo Af-Soomaaliga hoos taga waxa mabda'iyan qaba dugsiga "Somali exceptionalism". Dugsigani wuxuu qabaa in Soomaalidu af isku mid ah ku hadasho, waxaana doodda May iyo Maxaa dhinaca af-cilmiyeed wax kaga qoray bare-sare Cabdalla Cumar Mansuur. Dhinaca kale, in May iyo Maxaa labo af yihiin, waxa qaba dugsiga kale ee "revisionism". Dugsigani wuxuu qabaa in Soomaalidu wax badan ku kala duwan tahay, si gaar ah, waxay qabaan in May iyo Maxaa ay yihiin labo af oo kala madax bannaan. Dooddan kalana waxa si gaar ah uga hadlay bare-sare Cabdi Maxamed Kuusow iyo bare-sare Maxamed Xaaji Mukhtaar.

Maxay kala adeegsanayaan labada doodood?

Habka Mansuur

Doodda Mansuur waxay adeegsanaysaa halbeegga afeed ee isbarbardhigga ereyada aasaaska ah (lexicostatistics). Waa halbeeg qaba in afguriyada iyo afafka lagu kala saaro iyada oo la isbarbardhigayo ereyada aasaaska ah ee aanay afafku soo amaahan sida magacyada jidhka, xilliyada, falalka aasaaska ah IWM. Habkan marka la joogo waxa la soo xulayaa ereyadaas aasaaska ah sida (dheg, san, gacan, gu', cun IKK). Waxa la ururinayaa tiro go'an dabadeedna waxa la eegayaa inta ay labadu boqolkiiba wadaagaan. Haddii 161 erey la soo ururiyo, dabadeedna May iyo Maxaa ay wadaagaan 81 erey, 80 ereyna ay ku kala duwan yihiin, waxay noqonayaan labo afguri waayo, 50+% way is yeesheen. Beddelkeeda, haddii ay 50+% isyeelan waayaanna waa labo af oo kala madax bannaan.

Dhaliilaha habkan

Halbeeggani waa halbeeg iska fudud oo xisaabeed, waxana ku gedaaman dhaliilo tiro-beel ah.

1. Ugu horraynba waxa weydiin ka imanaysaa tirada ereyada ay tahay in la qaato, waayo, tirada guud ayaa natiijada go'aamin doonta.

2. Habkan haddii la adeegsado mawduuca dhan waxa natiijadiisa beddeli kara hal erey. Tusaale ahaan haddii 161 erey la qaato waxa soo bixi kara labo afguri, dhinaca kalana haddii 162 erey la qaato waxa la arkaa in labo af ay noqon karaan. Hal erey baa mar natiijada labo af ka dhigi kara, marna labo afguri.

3. Waxa kale oo dhaliili ka jirtaa ereyada la xulayo, kuwa laga tegayo, halbeegga lagu xulayo iyo cidda xulaysa. Intaniba natiijada ayay saamayn ku yeelan doonaan.

4. In xeerarka afka oo dhan (naxwaha, qaabdhismeedka iyo samaysanka ereyada, qaabdhismeedka weedhaha iyo xataa codadka) la tuuro oo si fudud loo xisaabiyo tirada ereyo madmadow geli karo waa dood marar badan jaban oo aan lagu hallayn karin mawduuca.

5. Dooddani inta ay tahay dood aqooneed waxa ka badan inta ay tahay dood siyaasadeed. Marar badan marka la kala saarayo afafka iyo afguriyada waxa saamayn ku yeelata siyaasadda. Siyaasaddu, weliba xilliyadii hore waxay qabtey in dadka la isku duubo oo waxyaabo aan ka dhexayn lagu khasbo in ay ka dhexeeyaan. Sidaa darteed, waxa dhacda in aynu meelaha qaar ku aragno afaf kala duwan oo la sheegayo in ay yihiin lahjadaha af guud iyo in lahjado isu dhow lagu sheego afaf kala duwan. Haddaba, habkan Mansuur adeegsado waxa lagu riixaa in uu yahay qalabka ay dowladuhu u adeegsadaan in ay arrintan ku saameeyaan.

6. Ugu danbayntiina, doodda halbeeggan loo adeegsado waxay u badan tahay in ay qofaad (subjective) noqoto oo haddii ay labo baadhe isla halbeeggan adeegsadaan ay labo natiijo oo kala duwani u soo baxayso.

Habka Mukhtaar iyo Kuusow

Doodda bare-sare Mukhtaar iyo bare-sare Kuusow waxay u adeegsanayaan halbeegga kalasaaridda afguriyada ama afafka ee isfahmidda (mutual intelligibility). Waa hab fudud oo si qallalan loo eegayo in ay si fudud isu fahmi karaan labada degaan ama bulsho. Waa hab halbeeg ahaan adag oo la isku hallayn karo, dhinaca kalana ay si fudud isu la fahmi karaan dadka aan afafka aqoon badan u lahayni. Keliya waxa la miisaamayaa haddii qof ka tegey Baki/Awdal uu tago Buurhakaba sida loo fahmi karo hadalkiisa, isaguna uu u fahmi karo dadka uu u tegey. Haddii ay isfahmi karaan labada qolo oo aanay u baahan in loo kala turjumo, waxay adeegsanayaan hal af. Beddelka haddii ay labada qolo isfahmi waayaan oo u baahdaan in loo kala turjumo, waxay kala adeegsanayaan labo af.

Dhaliilaha habkan

1. Dhaliilaha habkani waa in aanu soo bandhigayn xog cad oo afeed, waxana jira hab kale oo kan laftiisa ay isku mataansan yihiin oo baadha waxa isfaham la’aanta keenay. Guud ahaanse labadan halbeeg oo la isla kaashado baa ugu macquulsan. Qodobka ay aqoonyahankani adeegsadeen wuxuu marka hore furayaa albaabka weyn ee in la isfahmi karo iyo in aan la isfahmi karin, waxase ka maqan qodobkii kala-caddayn lahaa sababta isfahan u dhacay ama uu u dhici waayey oo qaybaha kale ee aqooneed ee afka wax ku baadhaysa.

2. Waxa kale oo habkani u baahan yahay in la sheego isfaham la’aantu heerka ay labo af ku noqonayso ama labo afguri. Habkani ma kala caddeeyo ilaa heer intee le'eg oo isfahan ah ayaa loo baahan yahay ama isfahanla'aan si afaf ama afguriyo loo kala saaro.

3. Dhaliisha u danbaysa ee loo jeediyo barayaashan waa in Mukhtaar yahay taariikhyahan, Kuusowna yahay bulshabarad, halka Cabdalle afyaqaan ka yahay. In kasta oo aqoonta barayaashu isu dhowdahay, haddana dhaliishan oo marar uu Cabdalle sheegay marka la eego, waxaan filayaa in aanay muhiim ahayn waxa uu qofku bartay, balse ay muhiim tahay habka uu dooddiisa u adeegsadey inuu hab afeed yahay iyo in aanu ahayn.