Tuesday 9 December 2025
Madaxweyneha Maraykanka, Donald Trump, ayaa weerar afka ah ku qaaday jinsiyadaha Soomaalida iyo Afgaanida ka dib toogasho dhawaan ka dhacday Washington oo lala beegsaday askar ka tirsan Ilaalada Qaranka ee Maraykanka lana sheegay in uu fuliyay qof ka soo jeeda Afgaanistaan.
Madaxweyne Trump ayaa ku eedeeyay Madaxweynihii ka horreeyay, Joe Biden, in uu dalka ku soo fasaxay boqollaal kun oo shisheeye ah oo aanay cidi hubinin, markii uu ka soo baxayay Afgaanistaan, isaga oo si adag ugu hanjabay 'xayawaankii' fuliyay weerarka, sida uu hadalka u dhigay.
Isla markaas, ayaa uu Trump weerar afka ah ku qaaday Soomaalida Maraykanka, markii uu ka hadlayay dhacdadan. Su'aal la weyddiiyay oo ahayd 'waxa Soomaalida ka khuseeya dhacdadan' waxa uu sheegay in aanay waxba ka khuseyn laakiin Soomaalidu ay dhibaato u geysteen Maraykanka, isaga oo ku eedeeyay in ay Maraykanka u boobeen si ay cid koobani uun u boobtay weligii. Waxa uu is weyddiiyay sababta uu Maraykanku lacag u siinayo Soomaaliya.
Sidoo kale, ma ay seegin in uu weeraro Ilhaan Cumar iyo dalka ay ka soo jeeddo ee Soomaaliya oo uu ku sheegay meel aanay dawlad iyo nidaam ka jirin oo ay buuxdhaafiyeen qalalaase iyo dambiyo.
Donald Trump oo lagu yaqaanno shisheeye nacaybka ayaa si gaar ah u weerara Soomaalida, isaga oo la xidhiidhiya dambiyada iyo in ay culeys ku yihiin Maraykanka waxana uu Soomaaliya hore ugu daray dalalka aan muwaaddiniintooda loo oggoleyn in ay soo galaan Maraykanka.