Skip to main content

Monday 24 March 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Aragti

Donald Trump: Ma Laga Yaabaa in uu Yahay Gorbajoof-kii Maraykan?

13 February, 2025
Image
USA SOVIET UNION
Hogaamiyihii Soofiyeetka Goorbajoof iyo Ronald Reagan oo ahaa madaxweynaha Maraykanka, iyagoo fadhiyay shirweyne lagu soo xidhayay Geneva 21-kii November 1985.
Share

Waa suuragal in Dhoonald Taraamb, Madaxweyneha Maraykanka ee hadda, aanu cidna u eegeyn, lagana yaabo in ay dad badani is-wayddiin karaan waxa isu keeni kara nin ku soo dhex koray nidaamka taliska, sida Gorbajoof, iyo nin hantiile ah oo suuqa guryaha iyo baayactanka ku soo gaboobay oo goor uu cimriyey xukunka yimid si uu dunida oo dhan ula baayactamo una bakhso. Haddana, hab-fekerka Dhoonald Taraamb iyo tallaabooyinka uu qaadayaa waxa ay ka tagayaan raad weyn oo laga yaabo in uu duwo tubka taariikhda adduunka, ka dib dagaalkii labaad ee dhammaaday 1945, waxana ay mudan tahay in si ballaadhan loo eego sawirka.

Sannadkii 1985, waxa uu hoggaamiyihii Midowga Soofiyet, Mikhaa’iil Gorbajoof, bilaabay siyaasado aan ka jirin Midowgii Soofiyetka kuna lid ah aragtidii iyo dhaqankii lagu soo dhaqmayay muddo ka badan 60 sannadood. Waxa uu hirgaliyay siyaasaddii loo bixiyay ‘Dib-u-habeynta – Perestroika ‘ oo ah in uu dhaqaalaha furfuro, in uu furfuro siyaasaddii ku urursanayd hoggaanka sare ee xisbiga una daadejiyo heerar hoose, in uu siyaasadda dibadda ka saaro aragtiyaha aaminaadeed oo uu keliya danta u qumiyo siyaasadaha dibadda, iyo isbeddello kale oo aad u waaweyn. Gorbajoof waxa uu siyaasadahan uga dan lahaa in uu dib u soo celiyo awooddii dhaqaale iyo siyaasadeed ee Midowga Soofiyetka, kana dhigo hannaan hanti-wadaag ah oo si firfircoon oo wax-ku-ool ah u shaqeynaya. Sidaa ayaa uu doonayay ama uu sheeganayay. Kolka uu sidan falayay, waxa uu Gorbajoof lilijinayay ama rujinayay dhidibbadii aragtiyeed ee hagayay, kuna qotomeen siyaasadda, dhaqaalaha iyo awoodda ciidan ee Midowga Soofiyetku. Dad badan oo wax ka qoray burburkii Soofiyetku waxa ay toos u abbaaraan siyaasadihii Gorbajoof ee Perestroika oo keenay in awooddii weynayd ee dunida barigu ay u kala daadato si aan soo noqosho lahayn.

Laga bilaabo amintii uu burburay Midowgii Soofiyetku, waxa ay awoodda dunidu ku ururtay Maraykanka. Waxa uu noqday awoodda keliya ee ilaalisa nidaamka caalamiga ah. Dhab ahaan, waxii ka dambeeyay Dagaalkii Labaad ee Adduunka oo hadda laga joogo 80 sannadood, waxa uu Maraykanku ahaa awoodda ugu caabboon. Isaga ayaa hormuud u ahaa dhacdooyin waaweyn oo taariikhda u yeelay majare gooni ah; waxa uu soo afjaray dagaalkii weynaa ee dunida, isaga oo markii ugu horreysay, uguna dambeysay caalamka, nukliyeer ku dhuftay Jabbaan, waxa uu soo afjaray gumeysigii dhul-qabsiga ahaa ee dunida ka jiray qarniyadii 17aad ilaa horraantii qarnigii 20aad, waxanu abuuray Qaramada Midoobay oo ah hay’ad u taagan sharciyadda caalamiga ah ee ay dunida oo dhani ka tirsan tahay waxaanu xidhe uga dhigay Goleha Ammaanka oo ah musdambeedka Qaramada Midoobay xilkiisuna saaran yahay dalalkii ku guuleystay Dagaalkii 2aad ee Dunida. Dhab ahaan, Qaramada Midoobay, Goleha Ammaanka iyo Qawaaniinta Caalamiga ahiba waa hannaanka ay dalalkii guuleystay ku sharciyeysteen guushooda, kuna qasbeen dunida oo dhani in ay u aqoonsato oo uu dal kaste ku biiro, isaga oo aan waxba ka beddeli karin.

Si ka duwan Midowgii Soofiyetka, waxa uu Maraaykanku ku dhismay suuqa xorta ah, siyaasadda furfuran ee dimuqraaddiyadda iyo xukunka qaanuunka. Waxa ay dhidibbadani yeesheen xididdo xooggan oo ku baahsan nidaamka xukun ee Maraykanka una muuqda in ay yihiin dawlad il-ma-aragtay ah oo hoos ka hagta dawladda sare ee Maraykanka, waana waxa loo bixiyay ‘Dawladda Jiifta – Deep State’ oo ay tahay, ama loo bartay, in uu Madaxweyne kaste xeeriyo kuna saamoobo awooddeeda. Arrimaha dibadda, waxa uu Maraykanku ku maamulay muddadaas cudud ciidan oo uu wax ku muquuniyo, caawimooyin uu ku hanto u-hoggaansanaan iyo xulufooyin uu ku ciidan-badsado. Sidaas ayaa uu ku noqday awooddii ugu weynayd ee adduunka soo marta intii uu aadanuhu ku uunnaa dhulka. Meelo aad u kooban oo dunida ka mid ah ayaa, iyaga oo go’doonsan, ka baxsan gacanta iyo saameynta Maraykanka. Ha sheegin, iyaga, marinnada biyaha ee muhiimka iyo badaha waaweyn oo awoodda Ciidanka Badda ee Maraykanka waxa keligeed lagu tilmaami karaa imbiraadooriyadda badweynnada.

Awooddaa gaamurtay waxa maanta hoggaaminaya Donald J. Trump oo lagu tilmaami karo wax kaste oo aan ahayn ‘nin dawladeed’. In badan oo ka mid ah siyaasiyiinta dunida, warbaahinta iyo aqoonyahankuba waxa ay ku jeesjeesaan sida uu u galayo arrimaha dawliga ah ee gudaha, xidhiidhka caalamiga ah, isbeddelka cimilada iyo dhaqaalaha adduunka. Muddo-xileedkiisii hore waxa ay siyaasiyiin iyo dad la soo shaqeeyay ku tilmaameen nin ku sugan ‘jahli laxaad leh’ oo dhinacyo badan, in badanna isaga ayaa warbaahinta la hor yimid; waxa uu Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ku eedeeyay in aanay waxtar u lahayn xakameynta sadhadii COVID19, waqti uu isagu ku talinayay in dadka uu cudurku ku dhacay lagu daweyn karo in nadiifiyaha faraxalka lagaga shubi karo sambabka.  Sidaas oo ay tahay, waxa uu si kalsooni iyo dhiirranaan leh go’aamo uga gaadhayaa qaddiyado xasaasi ah oo leh saameyn caalami ah. Si kasteba ha ahaato e, Dhoonald Taraamb ma aha nin ka madhan aragti iyo ajande; waxa uu neceb yahay, kana soo horjeedaa, dawladda jiifta ee Maraykanka – waa hay’adaha gaamuray ee ay maamulaan hawlwadeennada joogtada ah, waxa uu ka soo horjeedaa wax kaste oo uu u arko in ay hay’adahaas iyo liberaaliyiintu abuureen sida nidaamka waxbarashada rasmiga ah, nidaamka kobcinta kala-jaadsanaanta dalka Maraykanka, xorriyadda jinsi-beddelashada, xorriyadda ilmo-soo-ridka dumarka, iyo nidaamka dimuqraaddiyadda Maraykanka.

Ka dib muddo-xileedkiisa hore oo ay isla jabeen hay’adaha kala duwan ee Maraykanka, heer labo jeer lagu sameeyay maamuus-ka-xayuubin, kiisas dambi oo badanna lagu oogay intii uu bannaanka joogay, waxa uu hadda xukunka ku soo noqday isaga oo sidii hore ka awood badan oo haysta labada aqal ee Kongereska, kana dhiirran oo aan u labalugoodinayn fulinta ballanqaadyadiisii u muuqday waallida. Isaga oo ay kaalinayaan ninka u dhaqanka eeg kana sii hantida badan, Elon Mask, iyo xubno kale oo u heellan mirqaaminta nafsaddiisa,si ka duwan muddo-xileedkii hore oo ay kaalinayeen hawlwadeenno wax badan ka sarriiganayay, waxa uu hadda bilaabay in uu galalafo nidaamyadii jiray oo dhan. Wax uu joojiyay shaqadii Hay’adda Maraykanka ee Horumarinta Caalamiga ah (USAID) oo kaalin caawineed iyo mid horumarineed ku lahayd dacallada dunida oo dhan. Waxa uu ka baxay Hay’adda Caafimaadka Adduunka, waxa uu ka baxay heshiiskii cimilada adduunka, waxa uu cunaqabateyn ku soo rogay Maxkamaddii Dambiyada Caalamiga ah iyo hawlwadeennadeedaba, waxa uu dagaal dhanka cashuuraha iyo dhul-damac ahba ku qaaday Kanada, Miksiko, Banama, Dheenmaark, iyo ugu dambeyn Marinka Qasa oo uu, xasuuqii ay Israa’iil ka geysatay ka dib, damcayba in uu ‘isagu’ qaato dhulka, dadkii ku noolaana uu barabixiyo. Waxa uu dib u bilaabay siyaasaddii cawaandad-ku-maalka xulafada, isaga oo dalbanaya in dalalka xulafada la ah Maraykanku, xitaa kuwa ku jira NATO, ay bixiyaan kharash dheeri ah oo u dhigma ‘ilaalinta Maraykanka’ ee jiritaanka dalalkaas iyo danahooda.

Siyaasadahaas oo dhan waxa uu Madaxweyne Taraamb ku sheegayaa in ay yihiin isbeddello uu dib ugu qaabeynayo Ameerika, si uu u soo celiyo awooddii iyo haybaddii Maraykanka. Waa nin saluugsan xaaladda daleed ee Maraykanka oo uu u arko in ay badeen garabyada liberaalka ee u badan Xisbiga Dimuqraaddiga iyo ‘dawladda jiifta’ waxanu doonayaa in uu hirgaliyo perestroika aan saafnayn. Ha se ahaato e, sidii Mikhaa’iil Gorbajoof, waxa uu beddelayo ama lilijinayaa waa tiirarkii ay ku taagnaayeen awoodda iyo haybadda Maraykanku.

Dhoonald Taraamb waxa uu furfurayaa dawladdii mu’asadaadka sharci ee Maraykanka oo ah tiirka ugu xooggan ee uu ku taagnaa. Maraykanka oo lagu tilmaami karo dal awooddiisu ku dhisantay ‘siyaasadda gaashaanbuureysiga’ oo la og yahay in aanu weligii galin dagaal aanu xulafo wadan, waxa uu Dhoonald Taraamb hadda welwel ku abuurayaa dalalkii xulafada la ahaa Maraykanka oo, in ay isku halleeyaan awooddiisa ha joogto e, uu ku abuuray cabsi in ay ka qaadaan awooddiisa maaddaama oo uu qaarkood oo ay ku jiraan kuwii ugu dhawaa, sida Kanada iyo Dheenmaark, damcay dhulkooda. Joojinta deeqaha Maraykanku waxa ay, sidoo kale, soo ururinaysaa saameynta Maraykanka ama awoodda dabacsan ee uu ku xukumo in badan oo dunida ka mid ah. Maraykanku ma ahayn dal doqon ah oo deeqo u bixiya dan la’aan, sida uu Taraamb moodayo ama u dhigayo. Deeqaha, nidaamyada maaliyadeed ee dunida, sharciyadda caalamiga ah iyo haya’adaha hirgaliya ee loo sameeyay ilaalinta nidaamkaas waxa ay dhammaantood u adeegaan danaha dawladeed ee Maraykanka waxana ay ku yimaaddeen, ugu horreynba, doonista iyo saameynta Maraykanka, ka dib guushii uu ka gaadhay Dagaalkii 2aad ee Dunida. Sidaa awgeed, ifafaaleha muuqda ee siyaasadaha Dhoonald Taraamb iyo kooxdiisu ma aha in ay soo celinayaan haybaddii awoodda Maraykanka e, waa in ay soo ururinayaan awooddii Maraykanka ee dunida ku fidday kuna celinayaan Ameerika, iyada oo laga yaabo in aanu yoolkoodu ahayn sidaa, sidii uu Gorbajoofba u soo duubay awooddii Soofiyetka uguna celiyay xuduudkii Ruushka, isaga oo rabay in uu sii fidiyo oo sii xoojiyo.