Skip to main content

Friday 6 March 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Diyaaradaha F-16 ee Turkiga ma Loo Adeegsan Karaa Soomaalilaan?

6 February, 2026
Image
Diyaaradaha F-16 ee Turkiga ma Loo Adeegsan Karaa Soomaalilaan?
Share

Waxa maalmihii la soo dhaafay la faafiyay in Soomaaliya ay Turkiga ka heshay saddex diyaaradood oo ah nooca dagaalyahanka ah ee F-16 kuwaas oo markii hore lagu sheegay diyaarado dagaal oo uu ‘helay Ciidanka Soomaaliya’, sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo madal uu ka hadlayay si weyn ugu dabbaaldegay. Mudane Fiqi oo gabay jacbur ah ku soo dhaweeyay diyaaradahan ayaa hanjabaad u diray ‘argagixisada’ oo uu sheegay in ay ku gumaadi doonaan. Ha se ahaato e, muddo kooban ka dib waa uu ka noqday hadalkiisii waxana uu sheegay in diyaaradahan uu iska leeyahay Turkigu ee aan loo keenin ‘ciidanka Soomaaliya’ iyada oo ay xoguhu sheegayaan in hadalka hore ee xukuumadda Soomaaliya aanay jeclaysan Dawladda Turkiga oo taxaddar badan ka muujinaysa diyaaradahan ay geysan Soomaaliya.

Sida uu sheegay Wasiir Fiqi, waxa ay diyaaradahani ka caawin doonaan ciidanka Soomaaliya la dagaallanka al-Shabaab iyo kooxaha kale ee ‘argagixisada ah’. Ha se ahaato e, waxa is weyddiin leh ku soo beegidda xilligan oo uu gobolku galay xaalad kale oo loollan oo uu Turkigu qayb ka yahay, ka dib aqoonsigii Israa’iil ee Soomaalilaan. Hore waxa Soomaaliya u joogay ciidamo Turki ah oo taageero iyo tababar siiya kuwa Soomaaliya waxana uu, sidoo kale, keeni jiray hub iyo, xitaa, diyaarado ah kuwa aan duuliyaha wadan ee uu Turkigu farsameeyo, kuwaas oo si kooban gacan uga geysta weerarrada ka dhanka ah al-Shabaab. Waa markii u horreysay, haddaba, ee uu Turkigu keeno Soomaaliya diyaaradahan F-16 oo ah jiilka afraad ee diyaaradaha casriga ah ee uu Maraykanku farsameeyo, waxana is weyddiin leh sababta uu Turkigu ugu soo beegay hadda oo uu hoggaaminayo olole ka dhan ah xidhiidhka Soomaalilaan iyo Israa’iil waana sababta ay dad badan oo falanqeeyay isugu xidheen keenista diyaaradahan iyo xiisadda cusub iyo juquraafi-siyaasadeed.

Sidaas oo ay tahay, Turkiga iyo Soomaaliyaba waxa ay ku dadaaleen in aanay arrinta diyaaradahan la xidhiidhinin xiisadda la xidhiidha Soomaalilaan iyo Israa’iil waana sababta uu Wasiirka Difaaca Soomaaliya hadalka ugu adkeeyay dagaalka al-Shabaab, markii uu ku tookhayay in uu dalkiisu helay ‘F-16’, arrintaas oo uu qayb ahaan dib ka beeniyay. Sababta u weyn ee taxaddarkan ayaa ah in diyaaradahani yihiin tiknooloji aan la wada bixin ee uu Maraykanku weli ku leeyahay gacan iyo la-socosho joogto ah. Diyaaradaha noocan ah waxa uu Maraykanku ka iibiyaa, keliya, dalalka saaxiibka la ah, waxa se mar kaste ku xidhan shuruudo la xidhiidha adeegsidooda iyo ku-takrifalkooda labadaba. Tusaale ahaan, Maraykanku ma oggola in dalka uu ka iibiyay uu sii wareejin karo ama ka iiban karo dal saddexaad, sidoo kale ma oggola in wax-ka-beddel lagu sameeyo diyaaradda iyo nidaamkeeda maamul. Dhanka kale, waxa jirta xiddidnaan dhanka adeegsiga ah oo Maraykanku ma oggola in diyaaradahan loo adeegsado dal la saaxiib ah isaga, iyo Maraykanka laftiisa midna, waxana uu diyaaradahan ku leeyahay waxa la yidhaa ‘dabagalka adeegsiga u dambeeya – end use monitoring’. Inta badan heshiisyada uu ku iibiyo diyaaradahan waxa lagu caddeeyaa in loo adeegsado ‘is difaac iyo la dagaallanka argagixisada’, waxii ka baxsanna waxa ay burinayaan heshiiskii ‘iibka’. Sababtaas awgeed, dalalka adeegsada diyaaradahan F-16 waxa ay ku dadaalaan in ay adeegsigooda ku tolaan ujeeddooyinkii ‘heshiiska iibka’ iyo danaha Maraykanka, waana sababta uu Turkigu ugu sababeyn karo oo qudha keenista diyaaradahan ee Soomaaliya ‘la dagaallanka argagixisada’ isla markaana uga fogaanayo in loo arko in uu u wareejiyay dal saddexaad oo ah ‘Soomaaliya’.

Weyddiinta ah, haddaba, diyaaradahan Soomaaliya iyo Turkigu ma u adeegsan doonaan Soomaalilaan? Waxa ay jawaabteedu ku xidhnaanaysaa sida uu Maraykanku u arko ‘Soomaalilaan’ iyo danta ugu jiri karta in Soomaalilaan la weeraro, taas oo aan hadda muuqan, isla markaana meesha ka baxaysa haddii laga eego dhanka Israa’iil oo ku leh loollanka cusub ee gobolka. Si kasteba ha ahaato e, waxa aan meesha lag saari karin in keenisteedu la xidhiidho loollanka cusub, waxana muuqata in uu Turkigu si weyn u muujinayo murqihiisa iyo joogitaankiisa Soomaaliya si uu u caabbiyo galaangalka Israa’iil ee sida weyn u soo galay gobolka, ka dib xidhiidhkii ay la yeelatay Soomaalilaan.