Saturday 18 April 2026
Marka aad akhridid hormada afraad ee buugga “Hantida Qaramada” ee uu qoray Aadam Ismiit, waxa aad kala soo dhex baxaysaa in dimuqraadiyadda ay koox koobani gacanta ku hayso taladu (oligarchy) ay uga darantahay dadka saboolka ah xukuumad kelitalis ah, isaga oo ku doodaya in dawladdii si uun uga madaxbannaan kooxda talisaa ay uga dhug badan tahay danaha guud xukuumad dusha dimuqraaddi ka ah, se xaqiiqo ahaan ah xukuumadda hodanka.
Cutubka toddobaad ee hormada afraad ee buuggani waa cutub si ashqaraar ah uga doodaya nidaamyada dhaqaalaha siyaasadeed, siiba hannaanka markantaliga – Mercantilism (aragtida dhaqaale ee aaminsanayd in dawladda ugu awoodda badnaanaysaa tahay tan haysata macdanta ugu badan, siiba dahabka iyo qalinka), iyo hannaanka fiisooqaraaddiga - Physiocracy (aragti dhaqaale oo aaminsanayd in dhulka iyo waxsoosaarkiisa beereed yahay habka kaliya ee lagu hodmi karo, dhaqaale ahaan). Ismiit, waxa uu si qotodheer u faaqidayaa siyaasadaha ganacsi ee ku salaysnaa hannaankaas markantaliga, ee ay qaateen siyaasadaha boqortooyooyinku, oo ay ka mid ahaayeen: joojinta soo saaridda alaabaha la tartamaya waxsoosaarka magaalooyinka waaweyn, joojinta in suuqyo kale oo aan ahayn kuwaas magaalooyinka waaweyn ah in wax loo dhoofiyo iyo waajibinta in ganacsi ahaan loo adeegsado maraakiibta magaalooyinkaas waaweyn. Waxa uu si aad ah u dhaliilayaa shirkadaha ganacsi, siiba labada shirkadood ee Hindiyada Bari oo Hollan iyo Ingiriiska laga kala lahaa. Waxa uu leeyahay: “Xukuumadda shirkad ganacsi oo kooto ah u shaqaysaa, waa ay ka xun tahay xukuumad kasta oo kale oo dunidan ka jiri karta”.
Cutubkani waa cutubka labaad ee ugu dheer buugga. Nuskhadda aan haysto, cutubkani waa uu ka badan yahay boqol bog, oo boqolkiiba siddeed ka noqonaysa buugga, marka uu buuggu gebi ahaan yahay 1,200 oo bog. Waa buugga uu Ismiit qoray 1774-kii, oo uu buugga qayb weyn u gaar yeelay ka sheekaynta Ameerikada Waqooyi iyo qalalaasihii halkaas laga oogayey. Aadam Ismiit, dhab ahaan waa uu ku saxnaa saadaashiisii ahay; in Maraykanku xorroobi doono, oo uu weliba qaaradda mustaqbal ku yeelan doono.
Dhanka kale, waxa uu sharraxay in miisaaniyadda Ingiriisku ku bixiyo dadka uu ku degaamaynayo Maraykanku ay in doora ka badan tahay waxa uu Ingiriisku ka helo Maraykanka (markaa, boqortooyada Ingiriisku ay khasaare ku jirto, kuna dhiigbaxayso sii haysashada mustacmaraddaas), iyada oo ay weliba jiraan siyaasadihii ganacsi ee kala-sooca iyo faafreebka ku dhisnaa. Sababta Boqortooyadu uga dhego’adaygtay bixinta xorriyadda waxa uu ku fasiray isla-weyni iyo in aanay si fudud uga tanaasuli karin sarraynteeda maamul, se isla-weynida boqortooyada waxa kale oo ka muhiimsan oo uu xusay ilaalinta danaha dhaqaale ee kooxda kooban ee hodanka ah ee reer Ingiriis, oo si ka duwan shacabweynaha kale, iyagu ka faa’iday boobka hantida mustacmaradaha.
Bixinta xorriyadda mustacmaradi, markaa, waa wax ka soo horjeeda danta dhaqaale ee kooxdaas kooban ee hodanka ah iyo inta talada haysa ee danahooda ka shaqeeya, halka dadweynihii kale ka afxidhan yahay macaashka iyo fursadaha.
Thomas Hauner, Suresh Naiduand iyo anigu waxa aannu u kuurgalnay, cilmibaadhis soo bixi doontana ka samaynay, takoorkaas dhaqaale ee Ismiit sheegay, ee ka dhexjiray magaalada weyn, laguna kala soocayey kooxda kooban ee hodanka ah iyo shacabweynaha kale. Waxa aannu cilmibaadhista kaga doodnay in is fidintii gumeysiga ee qarnigii 19aad ay ku salaysnayd oo ay dabada ka riixaysay danaha kooban ee hodanka magaaladu, macnaha waa dadka hantida mustacmaradaha qayb libaax ka hela, oo ka badan waxa ay dalkooda ku heli karaan. Waa sababta aannu u cuskannay Aadam Ismiit iyo buug qarni ka hor laga qoray dhaqaalaha siyaasadeed.
Aadam, waxa uu xusayaa in mustacmaradaha boqortooyada Ingiriisku haysato, loola dhaqmo si ka wanaagsan mustacmaradaha kale ee gumeystayaasha kale haystaan, se waxa uu aragtidiisan beddelayaa marka dhinac kale la joogo oo ah la dhaqanka adoomaha. Halkan waxa uu tilmaamayaa qodob aan loo dhug yeelan (ugu yaraan ma arag cid tilmaamaysa). Fiirada gaarka ah waxa uu Ismiit ku sheegayaa in mustacmaradaha hannaanka dimuqraaddiga ah lagu maamulaa ay addoomaha ula dhaqmaan qaab ka liita mustacmaradaha kale, sababta oo ah kooxda kooban ee talada iyo danahuba ku jaango’an yihiin marka la joogo nidaam dimuqraaddi ah oo talada isku ururisay, laguma dhiirrado in la ciqaabo xubnaha sida arxanka daran ula dhaqma addoomaha, halka dawladaha kelitaliska ahi ay si fudud ugu dhiirradaan ciqaabidda cidda arxandarro ku kacda.
Aadam Ismiit, waxa uu leeyahay: “Dal kasta oo lagu dhaqmo xeerka ay tahay in laga dhiidhiyo ee addoonnimada, qaaddiga waa ay ku adkaataa marka uu isku dayo in uu ilaaliyo addoonka, sababta oo ah qaaddigaasi waxa uu si u faragashanayaa maamulkii uu xaqa u yeeshay qofka addoonka lihi (sayidka), marka sayidkaasi xubin ka yahay golaha mustacmaradda, amaba uu soo saaro xubin golaha fadhiya, qaaddigu kuma dhiirran karo in uu afaarihiisa galo, in uu u digo ama wacdiyo mooyee. Se mustacmaradda xukuumad kelitalis ahi joogto, waa ay fududdahay in addoonka la ilaaliyo, sababtoo ah waa wax sahlan in qaaddigu faragaliyo maamulka qofka addoonka leh, oo uu farriin toos ugu diro haddii aanay addoomaha sida uu rabo aanay ula dhaqmin, oo intii uu bahdilmi lahaa sayidku, waxa uu dooranayaa in uu addoonka si wacan ula dhaqmo. Waxa aan aaminsanahay in xaaladda addoonku fiicantahay marka ay joogto xukuumad kelitalis ahi, waana sida sooyaalku ka maragkacayo”.
Casharkan Aadam Ismiit waa mid ballaadhan. Laga yaabee in dimuqraadiyadda dawlad koox koobani gacanta ku haysaa dadka saboolka ah kaga xun tahay xukuumad kelitalis ah, oo dawladda si uun uga madaxbannaan kooxda talisaa uga dhug badantahay danaha guud xukuumad dusha dimuqraaddi ka ah, se xaqiiqo ahaan ah xukuumadda hodanka. Marka uu ka doodayo sida bulshadu ugu kala qaybsantahay danaha la xidhiidha mustacmaradaha iyo dooddiisa addoonnimada, waxa ay ila tahay, in uu iftiiminayo isa seegga ka dhex jira xidhiidhka dawladda iyo dabaqadda. Dawladda dimuqraaddiga ah, se koox kooban kooto u ah. Waa dawlad madaxbannaanideedu koobantahay, oo si adag ugu xidhan danaha dabaqaddaas talada haysa. Laakiin marka uu jiro nidaam kelitalis ahi, dawladdu si fudud ugama hoggaansamayso danaha awoodaha kale ee maaliyadeed. Walow aynnu si guud u aaminnay in dimuqraadiyaddu markasta wanaajiso xaaladda dadka saboolka ah, haddana, aasaasihii dhaqaalaha, ayaa inoo iftiiminaya marar kale oo dhabarjabin ku noqon karto.