Skip to main content

Monday 17 March 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Dhaqan

Dilkii Afgaani

19 December, 2024
Image
Geeska cover
Hogaanka sare al-Shabaab oo fadhiya shirweynaha Jihaadka Afrikada Barida Meey 2023. Xuquuqda sawirka warbaahinta al-Shabaab ee Kataa'ib
Share

Baraawe! Haa, sheekadeennu waxa ay ku saabsan tahay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo hawlgal culus oo khaarijin ah oo ka dhacay habeen yaab lahaa oo ay taariikhdu ku astaysnayd 19 Juun 2013. Si aan u fahanno sheekada habeenkaas iyo hawlgalkaas culus aynu dib u laabanno labo sano iyo saddex bilood ka hor, oo ku beegnayd Feebarwari, 2011. Xilligaas waxaa si xooggan u soo shaacbaxay khilaafkii ururka Al-shabaab (AS) ka dhexjiray. Cidda is haysay waxa ay ahaayeen rag u badnaa jilba-culusta ururka iyo amiirka AS oo markaa ahaa Axmed Godane.

Bilowga khilaafka waxa uu ahaa kaliya Axmed Godane iyo Mukhtaar Roobow. Arrimaha ay sida goonnida ah isugu haysteen Godane iyo Roobow waxaa kamid ahaa; sida loo maaraynayo maxaabiista dagaalka lagu qabto, siyaasadda hay’adaha gargaarka lagu la macaamilayo, askaraynta carruurta yaryar, eex ku qaybinta xilalka iyo qaar kaleba. Tusaale, Jeenawari, 2009, dagaalyahanno ka tirsan ururka AS oo uu hor kacayo Mukhtaar Roobow ayaa la wareegay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Waxa ay dagaalyahannadaasi nolol ku qabteen xubno sarsare oo ka tirsanaa dawladdii ku meelgaarka ahayd ee Cabdullaahi Yuusuf.

Xubnahaas waxaa kamid ahaa Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ahaa Wasiirka Gaadiidka, Ibraahim Yarow oo Xildhibaan ahaa, Cabdifataax Maxamed Geesey oo guddoomiyaha gobolka Baay ahaa, Aadan Maxamuud Nuur (Aadan Saransoor) oo kamid ahaa saraakiisha ammaanka ee dawladda iyo kuwa kaleba. Mukhtaar Roobow oo gacantiisa lagu soo simay xubnihii sarsare ee dawladda ayaa ka gaaray go’aan dadkii ka yaabiyay. Roobow ayaa qabay inaan mar walba lagu la dhaqmin siyaasadda dilka cidda aad is haysaan oo mararka qaar ay tahay in la saamaxo si loo kasbado. Sidaa awgeed, waxa uu siidaayay oo fasaxay dhammaan xubnihii sarsare. Arrinkaa waxaa aad uga carooday Axmed Godane oo isna qabay in dhegta dhiigga loo daro cidda aad is haysaan iyo kuwa kaa fikir-duwanaado. Sidoo kale, Roobow, waxa uu qabay in la fasaxo hay’adaha gargaarka si ay ugu gurmadaan dadka dhibban, balse Godane ayaa u arkayay hay’adaha jawaasiis ay tahay in la laayo. Arrimahaas iyo kuwa kale ayay billowgiiba isku qabteen Roobow iyo Godane.

Oktober, 2010 ayaa uu si toos ah usoo shaacbaxay khilaafkii huursanaa ee Roobow iyo Godane. Waxyaabaha khilaafka sii huriyay waxaa kamid ahaa dagaalkii weynaa ee uu ururrku ugu magacdaray Nihaayatul Muctadiin’ ee uu qaaday dhammaadka bishii Ogos, 2010. Roobow ayaa qabay inuu dagaalku ahaa go’aan uu Godane iska gaaray. Sidoo kale, Roobow ayaa aad u dhaliilay qaabka loo maareeyay dagaalkaas iyo istiraatiijiyadda loo galay, illaa heer uu furinta ka la baxay dagaalyahannadiisa u badnayd beeshiisa Raxanweyn.

Khilaafku waxa uu ka sii daray markii uu Godane xilka ku xigeennimada ee ururka ka qaaday, kana saaray golaha sare. Xubno kamid ah ururka ayaa iskudayay inay kala dhexgalaan Godane iyo Roobow oo ay heshiisiiyaan. Shir la isugu keenay labada nin oo ka dhacay magaalada Marka ee gobolka shabeellaha Hoose ayaa fashil ku dhammaaday kadib markii uu Godane amray dhammaystirka dhaawaca mid kamida saraakiishii ka hoosaysay Roobow.

Abuu Ayuub oo beel ahaan ka soo jeeda Raxanweyn, gaar ahaan jifada Jiroon waxa uu ahaa mid ka mida saraakiishii hoggaaminaysay dagaalyahannadii kunka ka badnaa ee uu Roobow watay, gaar ahaan dagaalyahannada gobolka Baay. Daagaalkii Nihaayatul Muctadiin ayuu ku dhaawacmay. Amniyaadka gaarka ah ee Godane ayaa dhammaystiray dhaawaca sarkaalkaasi, iyaga oo ku socda amarka Godane. Markii Godane la weyddiiyay sababtane, waxa uu sheegay inuu u fudeedinayay shahaadada, sidoo kalena uu diidanaa inay gacanta ku dhigaan dawladdu. Sarkaalkaasi oo kaliya ma aha ee badi dagaalyahannadii ku dhaawacmay dagaalkaas ayaa la dhammaystiray dhaawacooda, si aysan dawladdu u qaban, ururkane uu kharash iyo wakhti ka galin dhayiddooda. Balse xoga hoose ayaa sheegayay in Godane uu wiiqayay awoodda ciidan ee Roobow ururka ku leeyahay.

Muddo yar kadib waxaa khilaafkii ku soo biiray oo dhinaca safka Roobow raacay rag ay ugu horreeyaan Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad (Ibraahim Afgaan), Cabdixamiid Colhaye oo loo garan ogyahay Macallin Burhaan, Xasan Daahir Aweys iyo qaar kale oo ajaanib ah. Ragga ajnabiga ah waxaa laga xusi karaa; Amriiki, Xakiim Misri, Cabdullaahi Turki, Usaame Shaami iyo rag kale. Waxyaabaha ay isku khilaafeen haddii si guud loo sheego waxaa kamid ahaa; arrimo istiraatiijiyadeed, caqiideed, awoodeed, farsameed iyo kuwa qabiileed.

Raggaas ay iswada qabteen Godane waxaa ugu cuslaa Ibraahim Afgaan. Dhawr sabab ayaa lagu tiriyaa in Afgaani u cuslaa. Afgaani, waxaa ururka dhexdiisa looga yaqaannay hoggaamiyaha ruuxiga iyo aabbaha jihaadiga ee geeska afrika, sidoo kale Ibraahin Afgaani waxa uu ahaa ninka ugu xiriirka ballaaran jihaadiyiinta Soomaalida oo waxaa lagu tiriyaa inuu yahay ninka kaliya ee jilba-culusta ururka ka tirsan ee la kulmay Cabdalle Casaam. Casaam, waxa uu ahaa Falastiinigii iyo sheekhii caalamiyeeyay dagaalkii Afgaanistaan ka socday. Waa aabbihii iyo macallinkii Usaame Binlaadin. Haddaba, Afgaani waxaa la sheegaa inuu Casaam la kulmay inta uusan Usaame la kulmin Casaam. Sidaa awgeed, Afgaani waxa uu ahaa nin haysta xiriir xooggan oo dibadda ah. Arrimahaas iyo kuwa kale ayaa ka dhigayay ninka ugu culus ragga ay Godane is khilaafeen.

Axmed Godane ayaa Feebarwari, 2011 wixii ka dambeeyay bilaabay sida uu u wiiqi lahaa awoodda iyo saamaynta Afgaani ku dhex lahaa ururka gudihiisa. Fadhi lagu maxkamadaynayo Godane oo ay garwadeen ka yihiin rag ajaanib iyo muhaajiriin ah ayay Afgaani iyo Roobow iyo raggii kaleba kaga dalbadeen inuu iscasilo, inuu joojiyo askareynta carruurta oo mushkilad ku ahayd dadka deegaanka, oggolaanshaha hay’adaha shisheeye inay ka hawlgalaan deegaannada jilicsan iyo joojinta dilalka shirqoolka ah ee ay fuliyaan amniyaatka oo ahaa ciidanka ugu dhow ee uu ugu kalsoonida badnaa Godane. 
Godane ayaa aqbalay oo codsaday in la siiyo muddo lix bilood ah. Waxa ay se ahayd afka baarkiisa oo kolkii laga aqbalay ayuu horay ka billaabay inuu sii kordhiyo saamayntiisa xagga ururka ah isaga oo gacanta ku dhigaya dhaqaalaha ururka, ciidankiisa iyo sirdoonkiisa.

Habeen ka mida habeennadii bishii Ogos, 2011 ayaa uu Godane go’aan ku gaaray in ururka oo kala badh magaalada Muqdisho haystay laga saaro oo ay afka saaraan Afgooye iyo Shabeellaha Hoose. Waxa uuna ku dhawaaqay in la beddelay istiraatiijiyaddii dagaal ee fool ka foolka ahayd, iyada oo loo beddelay dagaal jabhadayn iyo ku dhufo iyo ka dhaqaaq ah. Sababta ugu weyn ee Xamar looga baxay, islamarkaana qaab dagaalka loo beddelay ayaa ka dhignayd in uu kala lumiyo mucaaradkiisa, islamarkaana uu xaaladda dhismeed ee kooxda isku qaso, oo u kala firdhiyo cududdii ciidanka ee fadhiisamaha la yaqaan ku urursanayd.

Markii uu ururka galay marxalad jabhadayn ah oo aan jirin meel loogu soo hagaago iyo fadhi la yeelan karo ayaa uu Godane bilaabay inuu dhallinyaro uu gacantiisa ku qoray oo uu ula baxay Fursaanu Xisbah uu ku taxo jagooyinkii u muhiimsanaa. Waxaana taas beddelkeeda uu Afgaani iyo Roobow iyo cid kasta oo mucaarad ku ahayd ka wada dhigay xilalkii iyo maamuuskii ay ururka u hayeen kuna lahaayeen.

Mucaaradkii oo markan la miciyo siibay ayaa rug ka dhigtay degma xeebeedka aadka u quruxda badan ee Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose. Godane oo u muuqda inuu Afgaani kaga guulaystay loollankii gudaha ee ururka ayaa u jihaystay inuu markani kula loollamo xiriirka dibadda. Waxa uuna iskudayay inuu ka dul boodo oo uu toos ula xirto Usaame Binlaadin, ururka Al-shabaabna ku daro urur weynaha Al-qaacido (AQ). Balse Usaame ayaa is hortaagay oo u sheegay Godane inaan la gaarin wakhtigii AS la hoos gayn lahaa AQ. Diidmadaas kadib oo bilooyin uun ka soo wareegtay waxaa la dilay Usaame Binlaadin, waxaana xilkii AQ la wareegay Ayman Adawaahiri.

Markani waxa uu Godane xiriir la sameeyay Ayman oo ka oggolaaday in AS la hoos geeyo urur weynaha AQ. Waxaana halkaa ku soo xirmay cutubkii iyo saamayntii dibadda ee Afgaani.

Godane oo u muuqda inuu Afgaani uga guulaystay loollankii gudaha iyo dibadda ayaa markani u dhaqaaqay inuu sumcad iyo haybad dilo Ibraahim Afgaani iyo raggii mucaaradka ahaa ee uu hor boodayay. Dhanka kale, Afgaani iyo mucaaradka ayaa iyaguna bilaabay inay ka istaagaan masaajida Baraawe iyaga oo sheegayay dhaliilaha Godane, sidoo kalena dhambaallo u qoraya hoggaamiyaasha AQ oo uu Ayman ugu horreeyo.

Meey, 2013 ayaa Ibraahim Afgaani waxaa uu dhambaal furan oo shan iyo toban bog gaaraya oo luuqadda Carabiga ku qornaa u diray amiirka Alqaacida (AQ)  Ayman Dawaahiri. Ibraahim Afgaani ayaa dhambaalkiisa ku bilaabay Xadiiska Rasuulka (SWC) ee uu kaga digayo xukunka dadka maangaabka ah, kuwaa oo soo bixidoona isaga gadaashiisa, iyaga oo ka leexandoono dariiqisii saxda ahaa. Xadiiskan ayaa u muuqda in loogu duurxulayay Axmed Godane. Afgaani, ayaa sheegay inuu mustaqbalka ururka meel daran iyo mugdiba uu ku socdo.

Waxyaabaha uu farriinta ku dhex sheegay ee uu Godane ku eedeeyay waxaa kamid ahaa; inay jiraan jeelal qarsoon oo lagu ciqaabo dadka, in Godane uu ka leexday dariiqa iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka, in Godane uu samaystay dhallinyar gaar ah oo ciddii uu amro horay ka khaarijinaysa, inuu ku kacay falal dildillaac weyn ku sameeyey haykalkii iyo haybaddii ururka, iyo ugu dambayn, inay khatar ku jirto nolosha qaar kamida muhaajiriinta ka barbar dagaallamaysa ururka.

Dhanka kale, Axmed Godane waxa uu baraha internetka, ururka dhexdiisa iyo warbaahinta ku faafiyay warar sheegaya in mucaaradku yihiin fitna-wadayaal iyo dad ka soo horjeeda jihaadka iyo mujaahidiinta. Markii dambana waxaaba soo baxay bayaan ay ku saxiixan yihiin hoggaanka ururka oo uu u weyn yahay Godane. Bayaankaasi waxaa ku xusnaa dhawr iyo toban dambi oo waaweyn oo lagu eedaynayo mucaaradka Godane oo uu Afgaani u weyn yahay. 
Mukhtaar Roobow ayaa duubay cajalad cod ah oo uu kaga sheekeenayo arrinka bayaankaasi. Codka oo afartan daqiiqo gaaraya ayaa daqiiqadda 8:20 ka billaabanaysa waxa uu ku faafaahinayaa bayaankaasi iyo qodobadiisa. Waxaa kamid ahaa waxyaabihii mucaaradka iyo Afgaani lagu eedeeyay; jawaasiis cadawga u shaqaynaysa, inay yihiin mindiyo mujaahidiinta loo adeegsanayo oo uu daabkeedu hayo cadowga Ilaahay, inay yihiin makarafoonno shayddaan iyo waxyaabo kale.

Bayaankan ayaa lagu sheegaa inuu hordhac u ahaa xalaashiga dhiiggooda iyo go’aanka khaarijinta ee uu Godane qaatay. Balse mucaaradka ayaa u qaatay bayaankaasi eedeemihii awelba hoos loo sheegi jiray oo markan kor loogu dhawaaqay. Maalmo yar uun kadib bayaankaasi waxaa su’aal si dadban loo wayddiiyay Sheekh Xasaan Xuseen oo ururka u fatwooda. Su’aashaasi waxa ay u dhignayd; waxa laga yeelayo cidda iskuddayda kala gaynta sufuufta jihaadka iyo mujaahidiinta. Sheekh Xasaan oo aan waddo dheer marin ayaa ku jawaabay inay waajib tahay in la dilo qofkaas.

Godane oo u muuqda in loo fatwooday, bayaanna horay u soo saaray, sumcad dilna sii sameeyay oo aan guux iyo gadood ciidan iyo mid dadka deegaanka ka baqayn ayaa markani ku dhaqaaqay qorshe khaarijin ah! Waxa uu go’aan ku gaaray inuu ku dhaqaaqo siyaasaddii ahayd; mas madaxa ayaa laga dilaa. Sidaa awgeed, dilka mucaaradka waxaad ka bilowdaa Ibraahim Afgaan. Haddaba, habeenkaa uu hawlgalku dhacayay sidee ayay wax u dhaceen? Sidee se ahaa jawigii magaaladu habeenkaas?

Casarliiq arbacaad oo ay taariikhdu tahay 19 Juun 2013 waxaa magaalada Baraawe soo galay ciidan culus oo ah kuwa loo yaqaano Fursaanu Xisbah. Dhinacyada magaalada ayay isku qaybiyeen. Kolka uu gabbalkii dhacay oo aaskii madoobaaday ayaa ciidamo gaar ah oo kuwa amniyaadka ah ee gacanta midig ee Godane soo galeen magaalada. Ciidamadan dambe ee soo galay waa kuwa fulindoona hawlgalka khaarijinta ah.

Ibraahim Afgaan waxaa la sheegaa inuu habeenkaas salaadii makhrib ku tukaday masaajid u dhawaa gurigiisa oo ku yaallay xaafadda baqdaad ee Baraawe. Kadib ayaa uu gurigiisa aaday, balse muddo yar kadib taleefan u soo dhacay awgii ayaa uu soo baxay. Waxaa la sheegaa inuu la ballansanaa qof. Qofkaasi cid kale ma ahayn ee waxa uu ahaa gacan-yarihiisii Cumar Maxamuud oo ururka looga yaqaanay Abuu Ayaan, balse hadda ka baxay. Abuu Ayaan oo gacanta ku hayay mashruuc duubitaan oo sannad socday ayaa habeenkaa ku wargeliyay Afgaani inuu tifaftirkiisii iyo habayntiisii dhammeeyay oo uu ku hayo falaash. Mashruucaasi waxa uu ahaa xalqado fekereed oo uu ku naqdinayo nidaamyada dad-sameega ah ee dawladaha lagu dhaqo, uguna doodayo ku dhaqanka shareecada islaamka iyo samaanteeda. Waxa uu doonayay in uu mashruuciisii jihaadiga ahaa oo uu 30-ka sannadood ku soo jiray ku soo afmeero dhaxal uu ka tago oo ay iftiinsadaan jiilalka soo socda ee mujaahidiinta ah sida uu is tusayay!

Haddaba, Afgaani oo ka soo baxay gurigiisa oo marayay meel u dhexaysa gurigiisa iyo masaajidkii uu ku soo tukaday ayaa waxaa ka hor imaaday mid kamida dhallinyartii amniyaadka ka tirsanaa. Waa uu gartay oo uu la istaagay. Salaan iyo isxaalwaraysi kadib waxa uu Ibraahim Afgaan ka war helay tareeso nool oo qadaadka kaga taallo iyo erey ah “yaa munaafaq!” Kolka uu soo jeestane dhawr rasaas oo nool nool ayaa shafka iyo madaxa loo galiyay, markiiba si culus ayaa uu dhulkii ugu dhacay. Waxa uu ahaa barbaar kale oo luuq u dhawaa ku gambanayay. Cadadka rasaasta ee habeenkaa ku hoobatay jirka Afgaani waxaa lagu sheegay inay toddobo xabbadood ahaayeen.

Guri dhawr mitir u jiray waxaa habeenkaa ku sugnaa oo xabbadahaas maqlayay Mukhtaar Roobow, sidoo kale Abuu Ayaan oo uu la ballansanaa ayaa sheegay inuu maqlayay rasaastii Afgaani dishay. Abuu Ayaan ayaa sheegay inuu markiiba wacay taleefankiisa si uu u hubsado, balse waxaa ka qabtay qof kale. Waxaa uu sheegay Abuu Ayaan in sikinka uu qabtay qof kale inuu xaqiiqsaday dilka Afgaani. Waayo, Afgaani taleefankiisa cid aan isaga ahayn ma aysan qaban jirin. Ereyadiisa u dambeeyay ee uu ku dhawaaqayay Afgaani waxaa ay ahaayeen; waxa aad tihiin daalimiin!

Markiiba jawaan in lagu ritay ayaa la sheegay oo gaari surf ah lagu riday. Shan saacadood kadib waxaa la dilay Cabdixamiid Colhaye (Macallin Burhaan) oo ahaa madaxa golaha shuurada oo jago ahaan u dhiganta guddoomiyaha baarlamaanka. Goortii Macallin Burhaan la dilay ayaa afarta dhinac rasaas isqabsatay. Reer Baraawe oo aan la qabsan jawigan ayaa hurdadii ka sasay, waxay se ahayd qorshe rasaastaas badan ee la riday.

Xog ah in la dilay Afgaani iyo Macallin Burhaan ayaa magaalada ku faaftay. Waxay se ururkii sheegeen inay nool yihiin oo la xiray iyaga oo ka baqay gadood ciidan oo lamafilaan ah inuu dhaco. Habeenkaas illaa subixiisa dad ku dhow ama ka badan afartan qof ayaa la xiray oo lagu tuhmayay inay xaaladda kaga sii dari karaan. Magaaladii Baraawe ahayd ayaa qasantay oo mucaaradkii ayaa bilaabay inay cagahooda ku baxsadaan. Habeenkaa habeenka ku xigay ayaa la sheegaa inuu doon ku baxsaday Xasan Daahir Aweys iyo rag kale. Roobow ayaa isna magaalada lug kaga baxay. Abuu Ayaan ayaa kamid ahaa dadka magaalada lug kaga baxsaday isaga oo iskudaray rag qaad la dhuumanayay.

Muddo sagaal maalmood ayaa uu ururka dadka iyo warbaahinta ka gadayay inay Ibraahim Afgaani iyo Macallin Burhaan nool yihiin. Balse maalintii tobnaad oo ku beegan 20 Juuun 2013 ayaa waxaa warbaahinta ka hadlay Abuu Muscab oo ah afhayeenka hawlgallada ururka. Waxa uu maalinkaa Abuu Muscab sheegay geerida Afgaani iyo Macallin Burhaan, waxa uu sheegay inay dagaallameen oo xabbado ku rideen mar loo diray rag soo qaban rabay oo kaliya  rabay in la xiro si fidnadooda ummadda looga qabto oo fitnadooda ayuu sheegay. Inay diideen oo dagaallameen oo isweydaarasho rasaasta ku dhinteen ayuu afhayeenku sii raaciyey.

Intaa kadib, waxaa la la wareegay hantidii Afgaani oo ay ugu horrayso mashruucii feker ee uu sannad duubayay, gaari uu lahaa oo la qaatay isaga oo nool, xataa waxaa la sheegaa in Godane uu dumaalay oo uu guursaday xaaskii Afgaani.

Axmed Godane waxa uu fulinta hawshaas u xilsaaray Mahad Karataay oo hadda ah Madaxa Sirdoonka AS. Mahadna waxa uu u sii xilsaaray Maxamed Cabdullaahi Xiireey oo Abuu Cabdalle loo garan ogyahay. Abuu Cabdalle waxaa lagu sheegaa inuu ahaa ninkii gacantiisa ku duugay oo illaa iyo hadda og halka uu maanta ku duugan yahay Afgaani oo ahaa Aabbihii Jihaadiga Geeska iyo Mashruuc ka badan rubuc qarni oo isugu jiray feker iyo qorshe, tab iyo xeelado, abaabul iyo istiraatiijiyado oo cinwaankiisu ahaa ‘jihaad’ nuxurkiisuna noqday halisgelin nabadeed iyo hagardaamo ummadeed oo ay ugu dambayn isagiiba galaafatay!